CIID MUBAARAK: “MIYAAN HAABAN KARAA! MIYAAN
HAWEYSAN KARAA”!!!
Marka ay Muslimiintu Ciida isugu hambal
yeeynayaan ayay yiraahdaan: “Ciid Mubaarak” Jawaabtuse waa maxay? Jawaabuhu
fara badanaa! Qaar baa ku leh Macal Ciideyn! Kuwa kalaa leh Alla yabaarik
fiik! Koox kalaa leh Kulu Caam Wa antum Bi Kheer! Soomaaliduna sideedii bay
u soo celisaa oo waxay tidhaahdaa Ciid Mubaarak!. Laakiin waxaa iga nixisa
jawaabta uu wiilka yar ee gurigeena ka danbeeyey bixin jirey! Malaha wuxuu
uurka ka lahaa aniga ima quseyso Ciidan aad sheegeysid Wanaageedu, Aniga
iima taal in sanadka danbe kheyr lagu gaaro iyo in kale!
Ma seexdo marka ciidu timaado, waan
welwelaa meesha dadku ka farxo, xusuusashada ina Cabdow baa I dhibta,
aragiisa iyo milicsigiisaa I hor yimaada, wejigiisa aan dhaashaneyn baan
arkaa, surwaalkiisii dabada ka jeexnaa baan suureystaa, siduu ii salaami
jirey farax la’aanteeda ayaan arkaa, orodkiisa iyo kalahaadiisa siduu ugu
hungoobay baa I dishay, Istaagiisii wadada sidii ay Oktoobar tahay ayaan la
yaabay, ciideyda iyo ciidiisu siday u kala duwanaayeen baan ka dhoohanaa,
gacan haadiskiisa iyo nabdaadintiisa ayaanan jaleeci jirin, firinbi uu
buufiyo iyo baaskiil uu raaco uma muuqdaan, Reero uu Ciid Mubaarak ka soo
qaato garan mayo, haddii uu noo iman lahaana laabtiisaan siineyn, hoosba
umaanan eegin waxa Mamadow gubayey!
Waxaa xaqiiqa ah in guri walba oo
Soomaaliyeed ay buux dhaafiyeen dhar, maacuun, cunto iyo alaabooyin aan loo
baahneyn. Waxaa xaqiiqa ah in guri walba oo Soomaaliyeed laga helayo dhar ka
yaraaday carruurta, dhar ka waaweyn carruurta, dhar moodadiisii iyo
faashinkiisii laga baxay, dhar is dulsaarmay oo sanooyin meel isaga jira oo
jiir iyo baranbaro googooyeen. Waxaa xaqiiqa ah in guri walba oo
Soomaaliyeed laga helayo dhar la feereeyey oo ka buuxa sanduuqyadii birta
ahaa ee labada dhegood lahaa oo weliba la dhex dhigay suntii dharka si
sanooyin uu dharku u yaalo. Waxaa xaqiiqa ah sida aysan cidiba uga fikireyn
in ay jiraan cid kale oo dharkan u baahan oo haddii la siin lahaa ay ula mid
noqon lahayd iyadoo dahab la siiyey oo kale.
Akhristaha qaaliga ahow cidna ku
eedeyn maayo oo aniguba waxaan ka mid ahay eedeysanayaasha. Walle nimaan
dhul marin dhaaya ma leh! Mar haddii aad ku dhex jirtid bulshadaadii,
haddii aad joogtid wadankaagii, haddii aad tahay ciyaal maamo, marna
fahmi maysid wax ka baxsan dhaqankaaga, habka bulshadaadu isu maamusho,
habka ay u cibaadeystaan iyo habka ay isu guursadaan. Waxaa kula wacan
wax laga yaabo in ay Diinta Soomaalidu aaminsan tahay khalad ku ah,
waxaa kula wacan wax laga yaabo in dhaqamada dadyowga dunida jooga ay ka
yaqyaqsiyoodaan, waxaa kula hagaagsan wax ummadaha kale la guracan.
Waxaan xasuustay wax badan oon la yaabay sida ay u jireen iyo sida aan
uga dhoohanaa. Bal akhri qoraalkii hore ee cinwaankiisu ahaa “ Kunacay
Soomaaliya waxaad tahay cunsuri aan Diin lahayn”
http://www.midgaan.com/cunsuri.htm
Akhristoow weligaa ma ciiday oo dhar
qurux badan ma xiratay iyadoo reerka deriskaa ahi carruurtoodu ay dhar
jeexjeexan wataan, weligaa ma dheregtay oo babaay ma ka danbeysiisey
intii soo hadhayna qashinka ma raacisay iyadoo reerka jaarkaaga ahi
gaajo daacayaan, weligaa ma ku jeesjeestay oo maku caayday rafaadka iyo
qaanjeerta ka muuqata carruurta kula jaarka ah adigoo u socda shaneemo
oo sii xaragoonaya.
Akhristow bal ila eeg marka aad bulsho
aan isu naxariisan oo xataa aan garaneyn waxa ay naxariistu tahay aad ka
soo dhex baxdo sida aan u qoomameyneyso inaad mar uun aad dib ugu noqoto
si aad waxuun uga bedesho. Markii ay Soomaalidu meel walba sida bacaadka
buux dhaafisay ayaa waxaa usoo gurmaday dadyow ka naxay oo jecel inay si
bini’aadnimo ah wax ugu qabtaan. Haddii aan tusaale ka soo qaato
Wadamada Galbeedka waxaa usoo gurmaday Kaniisadaha oo siiyey dhar, hoy,
cunto iyo lacagba. Meelihii ugu horeeyey ee lagu cibaadeysan jirey waxay
wada ahaayeen Kaniisado ilaa ay Soomaalidu soo badatay oo markaa
Mowlacyo la kireystay. Ilaa iyo maanta aanu joogno ayaa weli waxay
Kaniisaduhu bixiyaan oo loo doontaa cunto, dhar, casharo Ingriis ah iyo
isboonsarada laysu diro.
Akhristow bal xusuuso sidii waa hore
Masaajidku ahaan jirey iyo sida uu maanta yahay. Ma garaneysaa farqiga u
dhexeeya? Masaajidku wuxuu u shaqayn jirey sida Maanta ay Kaniisadaha
Reer Galbeedku u shaqeeyaan. Cusbitaalada, Jaamacadaha ugu waaweyn
maanta waxaa wada leh Kaniisado. Haddaba Masaajidku wuxuu ahaan jirey
Jaamacad, wuxuu ahaa isteeshin, wuxuu ahaa maxkamad, wuxuu ahaa dugsi,
wuxuu ahaa dowlad hoose, wuxuu ahaa dowlad sare, wuxuu ahaa dowlad dhexe,
wuxuu ahaa bangi, wuxuu ahaa xarun lagu taba barto, wuxuu ahaa xarunta
caydha laga qaato, wuxuu ahaa maskiin quudiye, wuxuu ahaa Boosto, wuxuu
ahaa meel lagu shiro, wuxuu ahaa meel nabad gelyo, wuxuu ahaa meel loo
siman yahay. Maxaa bedelay Masaajidkii? Bal eega Masaajidada maanta
maxay qaban karaan? Laakiin maxaan ula yaabi dadkii Masaajidka rumeysnaa
baa sheegaya in Masaajidka loo dhisay cibaado keliya! Wax kale yuusan
Masaajidku faraha la soo geli! Ama iyagii baaba Masaajidkii isku heysta
oo magacyo ula kala baxay. Bal ila akhri Qoraalkii hore ee cinwaankiisu
ahaa “ Masjidoow Xaal Qaado”
http://midgaan.com/masjid.htm.
Soomaaliyey fadlan hoos wax u eega. U
naxariista ubadka. Haddii gurigaagu ka buuxo dhar, cunto iyo lacag, la
qaybso ilmaha yar ee ku nool gurigaaga dabadiisa, dhiniciisa iyo ka
gurigaaga ka soo horjeeda. Ogow ilmahaaga aad ku tacbeysid iyo ka
deriskaaga ah kii wax ku tari doona Eebaa oge! Ka farxi Ciidan ilmaha
Agoonka, ka Reerkiisu qawaafka yihiin iyo ilmaha yar ee ka xishoonaya
inuu dibada u soo baxo waayo surwaal ama goono dabada ka jeexan ayuu
wataa. Ogow midna inaad carruurta aad dhashay u sheegtid inaad dharkooda
qaar siineysid walaalkood Agoonka ah ama deriska ah si aysan hadhow ugu
dhex fadeexeyn carruurta kale dhexdooda: “Ma arkeysaa surwaankeyga iyo
shaatigeyga uu wataa no! Waryaa ii siib hadda dhargeyga iwm”.
Akhristow xaguu naga maray xadiiskii
Suubanaha(csw): “ Qofkii Agoon u gargaara aniga iyo isaga Janada sida
labada farood ay isugu dhow yihiin oo kale ayaanu ku noqonaynaa”.
Walaalayaal siiba kuwa Soomaaliya jooga bal hoos wax u eega, inkastoo
aydan fahmeyn waxaan ka hadlayo maadaama aysan noo ahayn caado, dhaqan
iyo nolol midna. Walaalayaal waan ogahay in aad la yaabaysaan waxaan ka
hadlayo waayo weligiin meydaan arag cid bilaash wax u caawisa, bilaash
iskaa wax u qabso ah, bilaash qashinka jidadka uga gurta, bilaash
carruur u korisa. Dhaqankaasi waa naga maqan yahay ee walaalayaal bal
aanu dib isugu noqono oo xataa iska yeel-yeelno inaanu wax wanaagsan
sameyno!. Maxaan idinka idiin hiifi Qurba Joogtii tuugsan jirtay
Hay’adaha kala duwan ee dharka iyo cuntada lagu sadaqaysanayey ayaa
maanta ay guryahoodu dharku meel walba tuuran yahay. Xataa waanu garan
weyney bal meelaha la geeyo iska geeya si dadyow kale loo sii siiyo.
Xataa baabuurtii lagu qaadi lahaa baa laguusoo dirayaa haddii aad
doonaysid inaad alaab, maacuun, dhar, cunto iwm aad dooneysid inaad iska
tuurtid!
Ogow Carruurtu waa mustaqbalkeena ee
aynu hagaajino niyadooda iyo mooralkooda. Ogow in aynaan caayin, dulleyn,
takoorin, wax xuna aynaan barin. Haddii kale iyagoo Mooryaanta ka daran
oo aan arxan lahayn bay kuwii aad u roonayd ee aad naashnaashtay daaqada
kala baxayaan! Waxay noqon doonaan cadowgeena koowaad ee aanu tusno
naxariis! Ha noqon sidii Geel jirihii la weydiiyey inuu weligiis
Naagtiisa iyo ilmihiisa dhunkaday iyo in kale. Jaahilkan baa isagoo
yaaban yidhi: “ Oo maxaan ka dhun kadaa ma Kitaab Quraan ah baa”!
Raac Suubanaha warkiisa:
“U naxariiso dhul joogta, Samaawaadka
ha lagaaga naxariistee”
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 2, 2005
Baaq: Dhibta
Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo
aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas
haysata hadana bal aynu..
Guji...
May 23
MPLS:
Habeenka
Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4
Waraysi: Garaadka
Beesha Gabooyaha
Nin
u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka
Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed
Diiriye Geylan...
Guji...
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com