LABA KALA DARAN MID
DOORO!
Haddii aanu ummada u sharaxno in xag Aakhiro iyo xag adduunba ay xun tahay
in la xaqiro oo la yaso qof kula diin, af iyo dhaqan ah, waxaanu ka baqaynaa
in dhibaato hor leh oo aan la xallin Karin ay halkaa ka abuuranto. Waxaanu
is leenahay in ay haboon tahay in arrinka sida uu maanta yahay loo daayo oon
waxba la soo faagin. Waxaanu ku talinaynaa in qofkii aanu u aragno inuu
cilmi Aakhiro oo aad u sareeya oo ilaa heer jaamacadeed ah haysta aanu ka
ilaalino inuu ummada u khudbeeyo oo wax u sheego. Waxaanu ku talinaynaa in
qofkii aanu u aragno inuu fagfag badan yahay ama si cad oo hurgufan wax u
sheegaya in aan marna la soo dhoweyn oo belaayo la kala dhex dhigaa isaga
iyo ummada. Waa in lagu dedaalaa sidii loo faquuqi lahaa waxgaradka iyo
culumada naga garaad iyo gu’aba weyn iyadoo la adeegsanayo qaybo Diinta ka
mid ah oo dadka loo tuso inay gaaloobeen, jid baas ku socdaan ama gaalo raac
yihiinba. Waa in lagu dedaalaa sidii aan loo lumin kalsoonida dadka nagu
xiran, tartana lala galaa kuwa kale ee u gacan haatinaya ee doonaya inay
naga maroorsadaan dadka rukunka noo ah. Waa laba daran kala dooro-e, aanu u
dhug lahaano ta fudud ee dantu noogu jirto dadkana maslaxa u ah. ! La na
soco in Midgaan iyo dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag.

HEAR NO EVIL SEE NO EVIL SAY NO EVIL
Foto
recource:www.onsightproducts.com
Haddiiba la doonayo in
laga hadlo cunsuriyada iyo quudhsiga waxaa noo ballan ah in aanu sida
luubaanka ku meereysano qabiilka iyo sida Eebahay u baneeyey in loo
isticmaalo. Waxaa noo ballan ah inaanu aad uga sheekeyno sida dadka Eebahay
uu ugu kala saaray ummado iyo qabiilooyin kala duwan oo kala jinsi ah.
Waxaanu isku ognahay in la buunbuuniyo sababaha ay ka mid yihiin dhaxalka
iyo inuu qofku ogaado inuusan geyn kuwii dhalay iyo kuwii la dhashay. Waxaad
ogaataan in fool xumada cunsuriya ee diintu sharaxday iyo siday uga soo
horjeesatay aanu wada ognahay. Waxaanse marna meesha ka madhnayn in siduu
Suubanuhu u tirtiray ee uu Gunta iyo Gobta isula simay isuguna guuriyey una
walaaleeyey isaguna uu u guursaday aynaan haatan ku dhici Karin af iyo
adinba. Waxaa xaqiiqa ah, ileyn waa inagiiye, -beynii wabeynak-in aanu si
aan cadayn oo madmadow iyo mugdi ka buuxo aanu dadka wax ugu sheegno. Waxaad
ogaataa in ay Soomaalidu tahay dad qalbi jilicsan oo qool lagu suran karo
qoortooda in loo sheego wixii naxdin iyo walaac ku abuuri kara. Waxaa la
ogaaday in haddii dadka la argagax geliyo oo naaraha iyo moowjadahooda kala
subxaanaleysta iyo ciilka ay u qabaan inay diirtaan lafaha iyo dhuuxyada
dadka ay dadku iska qushuucaan oo ay qoorta noo soo laalaadinayaan. Waxaan
ku xasuusinayaa inaadan ka daalin sheegida adduunka danbe iyo dhibkiisa, kan
aynu saaranahay iyo belaayadiisan isku daboolana aad xuf iyo xaf ku dul
martid. Waxaad laabtaada ku dhigtaa in aad giir iska kiciso haddiiba caqligu
shaqeeyo oo ay soo baxaan su’aalo kaa da’weyn oo aadan ka jawaabi Karin ama
u muuqda inay yihiin kuwo cimaamada kaa ridaya. Waxaad la socotaa belaayo
iyo baaska way ka baqaan Soomaalidu, markaa ha ka tegin habaarka, oohinta
iyo indho isku qabadka si ummada ku dhegeysaneysa ay ugu noqoto cashar
wanaagsan oo aysan dib danbe ugu dhiiran inay sameeyaan waxyaabahaas oo
kale. Waa laba daran kala dooro-e, aanu u dhug lahaano ta fudud ee dantu
noogu jirto dadkana maslaxa u ah. !
La na soco in Midgaan iyo
dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag.
Haddiiba la doonayo in la
dejiyo arrin cirkaa isku shareertay oo bulshadu si guracan u aragato xusuuso
maahmaahdii soomaaliyeed ee Habeena oday oday, maalina habarhabar. La soco
inaad cid dhan madax u tahay oo ay kugu tashanayaan. Adigoo cadaalad
sameynaya, haddana miisaanka dhinac kaga dheji dhagax yar oo aan la arki
Karin si gartu ugu leexato xagga qoyskii aad ka soo jeeday. La soco in lagu
xisaabsanayo waxaad doontaba ahow, meeshaad doontaba joog. Waxaan idin
xasuusinayaa in dulmigu xun yahay, haddana Eebe ayaa nagu cabuuray
caadifadan baas anagoon dhalana ayaa lagu qoray Looxu-Maxfuudka ee bal sidii
aad wax u kala maareyn lahaydeen ku dedaala adigoo Asalka raacaya! Asalkan
raac oo haddana Asalkeer raac, waa laba daran kala dooro-e, aanu u dhug
lahaano ta fudud ee dantu noogu jirto dadkana maslaxa u ah. !
La na soco in Midgaan iyo
dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag.
Walle goorey
ahaataba xaqu feedhuhuu ka dillaaci!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 30, 2005
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...