BAHAL HIGLO
BAHNIMANA KUMA KALA TAGTO, WAXNA ISMA TARTO!
Mahasanid Jaraai’dka
Nagaad Times ee ka soo baxa Magaalada Minneapolis. Mahadsanid jaraai’dka
Somali Link ee ka soo baxa Columbus. Mahadsanid Shabagada Internetka ee
Somali Talk oo si aan la ilaawi karin noogu gargaartay quudhsi la dirirka.
Mahadsanid shabagada Somali Weyn. Marka laga reebo Shabagadaha, Jaraaidka
Negaad Times iyo Somali Link ayaa ah kuwo iyagu ilaa 2 bog ama ka badan ku
soo qora mar walba qoraalo aad u xiisa badan oo quudhsi iyo takoor diid ah
oo ay dadkeena Soomaaliyeed ku wacyi gelinayaan. Ma rabo inaan daba
hashleeyo fikrada dadkeenu ay ka siman yihiin ee ah inaan weligeed la xusin
oo la sheegin dadka ummada wax u qabta, kuwii noo soo kifaaxay iyo kuwa
naftooda u huray inaanu maanta haysano dhaqankayaga, afkayaga iyo diintayada.
Waxaaba intaa ka sii weyn kuwii iyagu qoray fartan aanu maanta isku
afgaranayno ee aanu meel walba is daba wadno! Kuwa kaloo badana way jiraan,
laakiin…
Waxaa Joornaalka Somali Link lagu soo daabacay sheeko aad iiga yaabisay oo
aan doonayo inaan idinla qaybsado. Sheekadaa waxay ka turjumeysaa kala
dheeraanta sida dadka dunidu noo arkaan iyo anagu sidaanu isu aragno. Alla
kala fogaa! Waxaa sheekadaa aad loogu bogay shirkii ka dhacay Magaalada
Columbus ee lagu xusayey Macallinkii noo sameeyey heesta aanu maanta ku
digrino ee inta gacmaha lays qabsado shir walba lagu qaado. Iyadoo la
qaadayo ayaa haddana isla shirka gudihiisa laysu kala faquuqaa Reer-reer ama
layskuba caayaa. Wax yar ka dib, misena waa la wada qaylinayaa oo hal ku
dhegan Soomaalida u ah astaanta ay ku faanaan ayaa haddana isla markiiba
inta afka la furto abur laga keenayaa iyadoo la qiireysan yahay:
Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo isku tiirsa…………! Macallin Cali Mire Cawaale
dhibkaa ma yara, haddiiba maanta waayo-waayo sidii astaanta Soomaalidu
ku faanto loo qaadi jirey iyo sida maanta wax yihiin aad labadaba goob joog
u tahay!
Sheekadii Somali Link ku qorneydna waxay u qorneyd sidan: Tagsiile Soomaali
ah ayaa Nin Ingriis ah ka qaaday Gegida Diyaaradaha ee Washington. Intii ay
dhexda sii marayeen ayuu ninkii Ingriiska ahaa jeclaystay inuu la kaftamo
Soomaaliga. Wuxuu u sheegay inuusan isfiilitadiisa kicin oo uu is dejiyo
haddiiba uu kaftanka u adkeysan waayo. Ninkii Ingriiska ahaa ayaa wuxuu
kaftankiisii ku bilaabay sidan:-
Abdow Nin baa
jirey, Nin. Nin Baa jirey kaasoo iibin jirey oo ka baayac mushtari jirey
maskaxda dadka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u yimid dukaameyste
raadinaya maskax wuxuuna weydiiyey sicirka maskaxaha maanta ay joogaan.
Maskax iibiye ayaa u sheegay in Maskaxda Jabaanku tahay $ 20, ta Ingriiskuna
ay tahay $15, ta mareykankuna ay tahay $10. Dhamaan maskaxahaasi waxay
ahaayeen kuwa buurbuuran oo aad u culus. Maskax dhinaca bixida taalay oo aad
u yar ayuu weydiiyey qiimaheeda iyo halka laga keenay. Maskax iibiyihii ayaa
u sheegay macmiilkiisii in maskaxdan laga keenay Soomaaliya sicirkeeduna uu
yahay $500. Dukaameystihii ayaa afku kala tegay yaab dartii! Markaasuu
weydiimey Mr. Maskax waxa maskaxda yar ee caatada ah ee aan culeyska lahayn
qiimaha intaas le’eg uu u siinayo. Maskax iibiyihii ayaa u sheegay
dukaameystihii in ay tahay maskax cusub oo aan weli la isticmaalin (Fresh).
Ninkii Ingriis
ayaa qosol kaga waa siiyey, Soomaaligu muxuu sameeyaa? Ha iska camiro lee
maahoo isagoo weliba ka xanaaqsan sheekadu meesha ay u socoto iyo waxa ay ku
saabsan tahay. Akhristoow u jeedadu waa maskaxahaa dadyowga kale way
mirireen oo waa laga shaqaysiiyey horumarna wadamadoodii ayay gaarsiiyeen
halka tan yar ee curdanka ahina ay weli iyadu isku mashquulsan tahay. Markaa
micnaha uu Ninkan Ingriis ka wadaa waxay tahay Maskaxdiinu ma shaqayso,
lagamana shaqaysiin markaa waa wax qaali ah oo aan la heli karin!
Soomaalidu waxna isma tarto haddana ma kala hadho oo waa ay isku maran tahay.
Maxay iska ursadaan oo ay hoosta isaga soo galaan haddiiba aysan dhaxanta
iska celineyn. Sow halkaas kama muuqato in xayawaanka xataa aynu ka sii
liidano. Ma bahal higlaa iyadaa isku soo ururta haddana aan usu imaan karin
ileyn mudacyaa ka wada taagane!
Dunidan wax waliba waad arki ama maqli. Saaxiibkey Mohamed (Eebow u
naxariiso) ayaa wuxuu ku dhintay magaalo ku taal Mexico oo hal qof oo Isaam
ahi joogo ama degan yahay. Wuxuu ahaa nin waayeel ah oo Makaanik ahaa iina
sameyn jirey qoraqorayaasha meelaha iga fariista. Waxaa la yaab nagu noqotay
sidii Mohamed loo duugi lahaa, meydkiisa loo soo saari lahaa oo Jenaasada
loogu tukan lahaa maadaama halkii qofna ay adkaatay sidii lagu heli lahaa.
Waxaa markiiba igu soo dhacay Xadiiskii Suubanaha (csw)ee ahaa dhallintooy
haddii aad awoodaan inaad guursataan guursada. Waxaan akhristayaasha
weydiiyey haddiiba qof keliya oo Midgaan Yibir, Tumaal ama Jareer ahi uu ku
dhex nool yahay Magaalo Islaweyntu afkaa ka joogto yuu guursanayaa? Weligaa
ma is weydiisay dhibaatada uu ninkaasi la kulmi karo? Dadku waxay iska
odhanayaan muu iska haajiro ama iska soomo. Ma wuxuu ka tegi karaa meesha uu
bartay ee uu ku barbaaray mise weligiiba wuu iska soomayaa. Qurba joogtu may
haajirto maxaa meesha ku dhejiyey?. Weligaa ma maqashay badmareen (seaman)
Soomaaliyeed oo qurbaha siduu u joogay isagoo cantatab ah soo noqday. Maxaad
u maleynaysaa sababta ay kuwaasi u guursan waayeen? Haa! Waad heshay
jawaabtii! Waa Ferenji iska ilaalis iyo dhaqankiisa oo uu dhowrto. Haa!
Haddaba waynu garanay in Ajigu uu Midgaanka iska dhowro oo uu dhaqankiisa
iyo diintiisa ilaashado si aysan uga fasahaadin!.
Sow
tacab qasaar maaha wixii aan Soomaali u qabtay. Sow lib iyo abaal la’aan
maaha. Sow Soomaalidu ma maqasho Mua’dinka? Sow aadaanka ma fahmaan? Sow ma
dhuxaan in loogu yeedhayo Falaax, Falaax, Falaax? Falaaxow maxaad tahay? Sow
tacab badan oo la maro inay naruuro iyo barwaaqo ka danbeysa maaha. Sow sida
Beeraleydu u shaqaysto maaha. Sow may arag Suuradda dhan ee loogu magac
daray Birta, manaafacaadkeeda iyo tumideeda. Sow Nebi Daa’uud(cs) Tumaal ma
aheyn, Sow Suubanuhu(scw) hawlgacmeed dhamaanteed ma soo qaban. Sow
tacabkeygii oo la doonayo haddana aan laygu ixtiraameyn ma arko. Sow layma
odhan jeex baad tahay(4.5). Sow dhameys iyo dhicis looma kala bixin. Sow
laangaabnimadii laygu sheegayey layguma dirqin inaan yeelo!
Soomaali uun baa abaal daran oon ogeyn wixii ay usoo qabteen awoowayaashood,
walaalahood iyo dadkii usoo salaxay wadanka, diinta iyo dhaqanka ay maanta
ku faanaan. Soomaaliyeey waxaanu idin leenahay Hooy! Hooy! waan kuu dhisay,
waan kuu rakibay, waan kuu dhoobay, waan kuu farsameeyey, waan kuu qalay,
waan ku daweeyey, waan kuu hiiliyey, waan kula harjaday, waan ku badiyey,
waan kuu ekaaday, waan kuu abuuray, waan kuu nadiifshay oo waad igu
liibaantaye maxaad iigu abaal guday? Sow Midgaan, Jareer, Yibir, Tumaal,
Qoti, Boon, Xabash, Laan gaaab jawaabtaadu ma noqon! Cadaalad yaraa!
Nebsigu feedhuhuu ka dilaacaa!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 13, 2006
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...