SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

BAHAL HIGLO BAHNIMANA KUMA KALA TAGTO, WAXNA ISMA TARTO!


Garaad Axmed Diiriye Geylan,oo  si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magalada Laascaanood. Guji

Mahasanid Jaraai’dka Nagaad Times ee ka soo baxa Magaalada Minneapolis. Mahadsanid jaraai’dka Somali Link ee ka soo baxa Columbus. Mahadsanid Shabagada Internetka ee Somali Talk oo si aan la ilaawi karin noogu gargaartay quudhsi la dirirka. Mahadsanid shabagada Somali Weyn. Marka laga reebo Shabagadaha, Jaraaidka Negaad Times iyo Somali Link ayaa ah kuwo iyagu ilaa 2 bog ama ka badan ku soo qora mar walba qoraalo aad u xiisa badan oo quudhsi iyo takoor diid ah oo ay dadkeena Soomaaliyeed ku wacyi gelinayaan. Ma rabo inaan daba hashleeyo fikrada dadkeenu ay ka siman yihiin ee ah inaan weligeed la xusin oo la sheegin dadka ummada wax u qabta, kuwii noo soo kifaaxay iyo kuwa naftooda u huray inaanu maanta haysano dhaqankayaga, afkayaga iyo diintayada. Waxaaba intaa ka sii weyn kuwii iyagu qoray fartan aanu maanta isku afgaranayno ee aanu meel walba is daba wadno! Kuwa kaloo badana way jiraan, laakiin… 

Waxaa Joornaalka Somali Link lagu soo daabacay sheeko aad iiga yaabisay oo aan doonayo inaan idinla qaybsado. Sheekadaa waxay ka turjumeysaa kala dheeraanta sida dadka dunidu noo arkaan iyo anagu sidaanu isu aragno. Alla kala fogaa! Waxaa sheekadaa aad loogu bogay shirkii ka dhacay Magaalada Columbus ee lagu xusayey Macallinkii noo sameeyey heesta aanu maanta ku digrino ee inta gacmaha lays qabsado shir walba lagu qaado. Iyadoo la qaadayo ayaa haddana isla shirka gudihiisa laysu kala faquuqaa Reer-reer ama layskuba caayaa. Wax yar ka dib, misena waa la wada qaylinayaa oo hal ku dhegan Soomaalida u ah astaanta ay ku faanaan ayaa haddana isla markiiba inta afka la furto abur laga keenayaa iyadoo la qiireysan yahay: Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo isku tiirsa…………! Macallin Cali Mire Cawaale dhibkaa ma yara, haddiiba maanta waayo-waayo sidii astaanta Soomaalidu ku faanto loo qaadi jirey iyo sida maanta wax yihiin aad labadaba goob joog u tahay! 

Sheekadii Somali Link ku qorneydna waxay u qorneyd sidan: Tagsiile Soomaali ah ayaa Nin Ingriis ah ka qaaday Gegida Diyaaradaha ee Washington. Intii ay dhexda sii marayeen ayuu ninkii Ingriiska ahaa jeclaystay inuu la kaftamo Soomaaliga. Wuxuu u sheegay inuusan isfiilitadiisa kicin oo uu is dejiyo haddiiba uu kaftanka u adkeysan waayo. Ninkii Ingriiska ahaa ayaa wuxuu kaftankiisii ku bilaabay sidan:- 

Abdow Nin baa jirey, Nin. Nin Baa jirey kaasoo iibin jirey oo ka baayac mushtari jirey maskaxda dadka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u yimid dukaameyste raadinaya maskax wuxuuna weydiiyey sicirka maskaxaha maanta ay joogaan. Maskax iibiye ayaa u sheegay in Maskaxda Jabaanku tahay $ 20, ta Ingriiskuna ay tahay $15, ta mareykankuna ay tahay $10. Dhamaan maskaxahaasi waxay ahaayeen kuwa buurbuuran oo aad u culus. Maskax dhinaca bixida taalay oo aad u yar ayuu weydiiyey qiimaheeda iyo halka laga keenay. Maskax iibiyihii ayaa u sheegay macmiilkiisii in maskaxdan laga keenay Soomaaliya sicirkeeduna uu yahay $500. Dukaameystihii ayaa afku kala tegay yaab dartii! Markaasuu weydiimey Mr. Maskax waxa maskaxda yar ee caatada ah ee aan culeyska lahayn qiimaha intaas le’eg uu u siinayo. Maskax iibiyihii ayaa u sheegay dukaameystihii in ay tahay maskax cusub oo aan weli la isticmaalin (Fresh). 

Ninkii Ingriis ayaa qosol kaga waa siiyey, Soomaaligu muxuu sameeyaa? Ha iska camiro lee maahoo isagoo weliba ka xanaaqsan sheekadu meesha ay u socoto iyo waxa ay ku saabsan tahay. Akhristoow u jeedadu waa maskaxahaa dadyowga kale way mirireen oo waa laga shaqaysiiyey horumarna wadamadoodii ayay gaarsiiyeen halka tan yar ee curdanka ahina ay weli iyadu isku mashquulsan tahay. Markaa micnaha uu Ninkan Ingriis ka wadaa waxay tahay Maskaxdiinu ma shaqayso, lagamana shaqaysiin markaa waa wax qaali ah oo aan la heli karin! 

Soomaalidu waxna isma tarto haddana ma kala hadho oo waa ay isku maran tahay. Maxay iska ursadaan oo ay hoosta isaga soo galaan haddiiba aysan dhaxanta iska celineyn. Sow halkaas kama muuqato in xayawaanka xataa aynu ka sii liidano. Ma bahal higlaa iyadaa isku soo ururta haddana aan usu imaan karin ileyn mudacyaa ka wada taagane! 

Dunidan wax waliba waad arki ama maqli. Saaxiibkey Mohamed (Eebow u naxariiso) ayaa wuxuu ku dhintay magaalo ku taal Mexico oo hal qof oo Isaam ahi joogo ama degan yahay. Wuxuu ahaa nin waayeel ah oo Makaanik ahaa iina sameyn jirey qoraqorayaasha meelaha iga fariista. Waxaa la yaab nagu noqotay sidii Mohamed loo duugi lahaa, meydkiisa loo soo saari lahaa oo Jenaasada loogu tukan lahaa maadaama halkii qofna ay adkaatay sidii lagu heli lahaa. Waxaa markiiba igu soo dhacay Xadiiskii Suubanaha (csw)ee ahaa dhallintooy haddii aad awoodaan inaad guursataan guursada. Waxaan akhristayaasha weydiiyey haddiiba qof keliya oo Midgaan Yibir, Tumaal ama Jareer ahi uu ku dhex nool yahay Magaalo Islaweyntu afkaa ka joogto yuu guursanayaa? Weligaa ma is weydiisay dhibaatada uu ninkaasi la kulmi karo? Dadku waxay iska odhanayaan muu iska haajiro ama iska soomo. Ma wuxuu ka tegi karaa meesha uu bartay ee uu ku barbaaray mise weligiiba wuu iska soomayaa. Qurba joogtu may haajirto maxaa meesha ku dhejiyey?. Weligaa ma maqashay badmareen (seaman) Soomaaliyeed oo qurbaha siduu u joogay isagoo cantatab ah soo noqday. Maxaad u maleynaysaa sababta ay kuwaasi u guursan waayeen? Haa! Waad heshay jawaabtii! Waa Ferenji iska ilaalis iyo dhaqankiisa oo uu dhowrto. Haa! Haddaba waynu garanay in Ajigu uu Midgaanka iska dhowro oo uu dhaqankiisa iyo diintiisa ilaashado si aysan uga fasahaadin!.  

Sow tacab qasaar maaha wixii aan Soomaali u qabtay. Sow lib iyo abaal la’aan maaha. Sow Soomaalidu ma maqasho Mua’dinka? Sow aadaanka ma fahmaan? Sow ma dhuxaan in loogu yeedhayo Falaax, Falaax, Falaax? Falaaxow maxaad tahay? Sow tacab badan oo la maro inay naruuro iyo barwaaqo ka danbeysa maaha. Sow sida Beeraleydu u shaqaysto maaha. Sow may arag Suuradda dhan ee loogu magac daray Birta, manaafacaadkeeda iyo tumideeda. Sow Nebi Daa’uud(cs) Tumaal ma aheyn, Sow Suubanuhu(scw) hawlgacmeed dhamaanteed ma soo qaban. Sow tacabkeygii oo la doonayo haddana aan laygu ixtiraameyn ma arko. Sow layma odhan jeex baad tahay(4.5). Sow dhameys iyo dhicis looma kala bixin. Sow laangaabnimadii laygu sheegayey layguma dirqin inaan yeelo! 

Soomaali uun baa abaal daran oon ogeyn wixii ay usoo qabteen awoowayaashood, walaalahood iyo dadkii usoo salaxay wadanka, diinta iyo dhaqanka ay maanta ku faanaan. Soomaaliyeey waxaanu idin leenahay Hooy! Hooy! waan kuu dhisay, waan kuu rakibay, waan kuu dhoobay, waan kuu farsameeyey, waan kuu qalay, waan ku daweeyey, waan kuu hiiliyey, waan kula harjaday, waan ku badiyey, waan kuu ekaaday, waan kuu abuuray, waan kuu nadiifshay oo waad igu liibaantaye maxaad iigu abaal guday? Sow Midgaan, Jareer, Yibir, Tumaal, Qoti, Boon, Xabash, Laan gaaab jawaabtaadu ma noqon! Cadaalad yaraa! 

Nebsigu feedhuhuu ka dilaacaa!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Apr 13, 2006


MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL! Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...

MADHIBAAN IYO AJI WAA ISKU ASAL !


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD