WUU IISOO ISLAAMAY! QAYBTII 2-aad
Waa
maxay? Ma waxaanu joognaa xeryihii qaxootiga? Ma waxaanu sameynaa ma
la’awaal? Miyaanu ku riyoonaa waxaynaan arag oo maqal?. Waxaa la yaab leh
sida dadka ka imanaya xeryaha qaxootiga ay nooga badiyaan qurbaha. Isla
marka uu soo istaagaba surwaalku waa ka laalaadaa, kaba waaweyn buu xidhan
yahay, maduxu daliigo ayuu leeyahay, inta caydha uu qaadanayo qof walba waa
yaqaan, meelaha digaaga iyo hilibka lagu rifo magacyadooda wuu garanayaa,
hadduu curyaan yahay ama uu jirran yahay xaq baan leeyahay buuba ku doodi.
Haddii kale, curyaan baan ahay oo dhiigkar iyo sokorow baan qabaa buuba la
soo taagan yahay. Waxaa la yaab leh marka la weydiiyo halka uu qaabka
socodka tuur isu yeelka, waraaba u socodka, lug balfinta iyo warbixinadan uu
hayo ka soo baratay jawaabtu waxay noqonaysaa xeryaha qaxootiga iyo
magaalooyinkaba waa lagu hayaa warkan iyo mid ka sii badanba.
Sidaasoo kale ayaa waxaa isna kaa yaabinaya Ferenjiga cad ama ka madow oo
isagoo kaa daba qaylinaya aad ku baraarugeyso: Saaxiib! Saaxiib! Walaal!
Walaal! Aslam Aleyk! Aslam Aluuk! Salaam, Salaam! Ma Soomaali baad tahay?
Markay jawaabtu noqoto haa ayuu markiiba iyo amaan codsi isu kaa daba
dhigayaa. Waxaad leedihiin gabdho qurux badan, waxaad leedihiin dumar
shaqaysta, waxaad leedigiin hablo udgoon, waxaad leedihiin gabdho ixtiraam
badan, waxaad leedihiin naago marwooyin ah, waxaad leedihiin kuwo dartood
loo islaamo, waxaad leedihiin kuwo xishood iyo mahadin badan. Walaal ama
saaxiib hashoo maad iga bartid? Haddiiba aad su’aashid meesha uu warbixintan
ka keenay ayaabad adigu isu jawaabaysaa waayo qofkani kaa gadhweyn, kaana
khamiisya badan, kaana salaan badan, kaana miskiinsan. Jawaabtaadii baan
dhaafi doonin; sow Muslim maaha oo masaajidka iyo soomaalidaa kale kumaba
xirna; sidee buusan u baran karin wararkaa iyo wax ka sii badan; sow ma
yaqaan dumar kale oo bustuhu u agyaal ilmaadeeradii iwm. Weli ma akhrisay
Qaybtii hore ee Wuu ii soo Islaamay?. Laakiin akhristow xogta rasmiga ah
yaa haya ma taqaan? Yaa buuxin kara meelaha banbanaan? Ma garan? Sowdiga sii
dhaafaya ee soo dhaafaya ee ilqoodha ka sii eegaya! Maad maalin uun wada
shaaheysaan, maxaad agtooda isugu jiidi!
Fariid iyo hawraarsan! Bal mar uun wareyso kuwa aad u taqaan ciyaal daroogo,
aalkuliste, ciyaal wazup iyo kuwa tareenka ka dhacay. Maxay kuwaasina
sheegayaan miirba ma lehe? Fariid iyo Hawraarsan! Waxaysan miir u lahayn
waxa aanu miirka u leenahay, laakiin waxa Frenjigu miirka u leeyahay iyaguna
miir bay u leeyihiin. Micnuhu maaha inaan ku amaanayo sida ay yihiin,
laakiin wax badan oo aynaan ogeyn bay iyagu ogyihiin.
Waa habeen waase casar dheer, waa 9-kii fiidnimo waxaase la
tukanayaa makhribkii, waa abaar dhirtu qalalantahay biyuhuse durdurayaan,
waa qof miir qaba haddana isla hadlaya!. Acuudigaan boobay! waa nin waa naag,
waa wiil, maya waa laba qof oo isku yaal, mayee waa qof buuran. Qofku
gacmuhuu saydhinayaa, afkiisu candhuuf buu saydhinayaa, maduxuu lulayaa,
cirkaasuu ka qaylinayaa ismana oga! Waxaa afkiisa ka soo burqanaya
maansooyinka ay ku cataabaan Dadka Madow ee Marekanka:
If i could recollect befor ma hood days, I would sit n reminisce thinkin of
bliss of da good dayz, I stop n stare at da younger ma heart goez 2 em, n
stress dat they under everthingz juzz change, every1 iz ashamed of da youth
cuz da truth look strange n 4 me iz reversed we left em a world daz cursed n
it hurtz……
Markuu igarab marayey ayaa anigoo ilgoodha ka eegaya ayuu inta uu
sameecadihii dhegaha ku jirey iska saaray igu yidhi; “Saaxiib maad bas raac
isiisid?” Neef baa inta ay iga soo fuqday baan u sheegay inaanan sarif
haynin. Wuxuu iisheegay in maqaayadaas aanu sarif ka heli karno. Anigoo
aanan jeclaysan inaan siiyo bas raaca ayaan haddana iska raacay oo
makhaayadii galnay. Mar haddaanu meel fagaara ah nimid ayaan iska jeclaystay
inaan bal iskala kaftamo oo wuxuun u sheego. Waxaan u sheegay inaanu wada
shaaheyno oo iska baashaalno, Khaliifna aad buu u jecleystay. Sheeko dheer
oo ku saabsaneyd sidii uu wadanka ku yimid iyo in waalidkii aysan la socon
ka dib ayaan xaggii dhaqankii iyo diintii u leexanay. Waxaaba iga yaabisay
markii uu ii sheegay inuu isagu ka iimaan iyo caqiida wacan yahay dadkan
isku sheegaya inay diin haystaan. Waxaan weydiiyey sababta uu sidaas u
leeyahay. Saaxiib buu yidhi anigu Eebaan danbi ka galay isagaana iga dhaafi
kara laakiin buu yidhi dadkan aad leedahay diin bay heystaan, bini’aadam bay
denbi ka galeen oo been, tuugo , khayaano iyo isdabamaris bay intaa
sameeyaan. Anagoo warkii wadna ayaa waxaa soo maray makhaayada horteeda nin
gadh weyn oo khamiis gashan. Markiiba wuu ku caray oo cabaar ku maqnaa.
Markuu soo laabtay ayaan weydiiyey waxa ay isu ahaayeen ninkaa. Wuxuu ii
sheegay inuu ahaa nin Mareykanka Madow ah oo ay wax isla farsameystaan.
Maxay? Ma idinkaaba isku nooc ah? Saaxibow war ma heysaane iska aamusa oo
bal I dhegeyso ayuu yidhi. Inta uu koofiyaduu qabay iska saaray ayuu iska
burqaday:
Waar heedhe dhoohane,
ma garan sababaha ugu weyn ee nimankan ajnabi ay dumarkeena u guursadaan?
Xabsiyada Magaalada haddaad tegtid warkeenu waa yaal. Marka ay qofku u soo
dhowaato inuu ka baxayo xabsiga ayuu sii xafidaa carabi jajab ah, soomaali
jajab ah iyo diin jajab ah. Waxaa la og yahay in qofka xabsi galaa ay ku
adag tahay inuu shaqaysto. Markaa warka meeshaas yaala ayaa waxay tahay inay
jiraan dumar hamuun qaba oo boolo ah oo haddii aad tiraahdo waan islaamayaa
ama muslim baan ahay ee aan ku guursado iska soo hashleynaya. Markaa iyadaa
kuu shaqaynaysa oo kuu kalahaysa adiguna weligaa ha seegin khamiiska iyo
gadhka iyo Aslamu Aleikum inaad tidhaahdo. Hadda ma iga rumeysanaysaa buu
yidhi kii halkan maraayey inaanu daroogada isla dhuuqno, hadhowna isagoo
cashadiisa iyo sariirtiisu u firaashan tahay buu qoftoo Soomaali ah hoosta
ka gelaayaa. Dadkuna waxay ku sheekeysanaayaan nin islaam ah oo Sunni ah aa
qaba no! Alla nimankaan hadday islaamaan wax ka wanaagsan ma laha no! Kaalay
arag nin Soomaali dhibtiisa iyo qalafsanaantiisa way kaa hareysaa no!.
Saaxiib waxaani
Bullshit waaye buu ku soo gabagabeeyey. Hal cabaar ah markii uu aamusnaa buu
yidhi: “ Saaxiib ma u jeedaa yarkaas Samatar ee sidaas u qurux badan, waxaa
la leeyahay Midgaan waaye oo ma rabno, kuwaan ogahayna naagaa hoosta ku
haysta. Aniga iyo kuwa guryaha u jooga anigaa la I qaatay oo Soomaali muslim
saxa ah. Kuwii shaqaysanaayey ee tukanaayeyna waxaa la leeyahay waa Midgaan,
waa Jareer, waa Yibir ama waxaa la leeyahay shaqa badanaa muu ciyaalkiisa
iyo aniga jaanis nasiiyo belaayadu orod badanaa meeluu wax geeyana la garan
mayo iwm. Markaa aniga waxaan u maleynayaa qorshahaan qorshe aan fahmi
waayey inuu yahay kullina waa isla qabaan ciyaal, ciroole, caamo iyo
waxgarad. Anigiina waxaa la ileeyahay aalkuliste, daroogiste, ma shaqayste
kuwaasna iyagoo intaas iyo in ka badan ah ayaa loo soo shaqaynayaa oo
sariirtiisa lagu masruufaa. Laakiin waxaan beryahaa ku faraxsanahay in
nimankii na caayi jirey ee nagu odhan jirey aalkuliste, daroogiste ee iyagu
isu arki jirey inay shaqaystaan oo dhoowrsoon yihiin banaanka la soo dhigay.
Saaxiib casrigii waa isbedelay oo haatan waxaa la joogaa xilligii anaga oo
daroogiiste, ma shaqaysta ah nala soo dhaweynayey oo ay dumarka Soomaaliyeed
fadhiga nooga kacayeen. Waa bilaabatay, ee adigu miyaadan waxba arag? Bal
soo hel aalkuliste aysan u kala xirneyn, ka ugu yar ayaa 4 taxi(dumar
shaqeeya ama caydh qaata) u shaqaysaa xariifkii iswadaadeeynayeyna waa
qulqulay!. War Ogowna inaydaan meesha waxba ku haynin! War ninyahow
Soomaalidu qiiro ma leh, wadaniyad ma leh, arxan ma leh, caqli ma leh,
dadnimo ma leh. Saaxiibow Soomaalida warkeeda waa nacay aniga baashaal aan
kaga jiraa ee isii basraaceyga!
Eebeow Anagaa is
duleynaye adigu namaad dulleyn!!!!
Qaybtii 1aad ee qoraalkan ka akhri halkan...
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 13, 2006
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...