Mr. Labac-labac
Qalanjo: Haloo, aabe iska warran?
Aabe: Aluu! Nabad Aabe sidee
tihiin?
Qalanjo: Aabe waanu fiicanahaye
ka warran reerihii?
Aabe: Aabe dhib ma jiro ee
biilkii ma soo dirtay?
Qalanjo: Aabe biilkii ha ii
joogee warbaan kuu wadaa! Aabe
Abshir dheh! Waxaa I guursanaya
wiil aad u wanaagsan oo hadda
soo Muslimay!
Aabe: Aabe kuma maqlayo,
telefoonku wuu googo’ayaa! Ee
maxaa Muslim ah?
Qalanjo: Aabe waa wiilka aanu
israbno ee waxaanu doonaynaa in
aad wilaayadda ku soo wareejiso
inaadeerkey Ahmed
Aabe: Haa! Waan gartay Aabe.
Wiilku waa qoladee?
Qalanjo: Aabe waa Madow!
Aabe: Yaahoo Madow aa! Naa
maxaad nagula hadlaysaa? Ma
anagaad Afrikaan iyo Sawaaxili
noo keeneysaa waxyahay aan
akhlaaqda lahayn!
Qalanjo: Aabe sug, sug fadlan ha
igu dhigin telefoonka! Khalad
baad fahantaye, Aabe ninku waa
Mareykanka madow!
Aabe: Yaah Mareykan aa! Waaba
Khadar Illaahay keenaye. Aabe
dee lacagta ka soo dhur ninka
sidee wax kaa yihiin! Aabe maad
sidaa I tiraahdid. Waa yahay
Aabe waan soo wareejiyey
wilaayadii, soona dir lacag fara
badan oo aanu aroos la yaqaano
kaaga dhigno Soomaaliya, ma
garatay. Waanu idiin soo
duceynaynaa, wax khayr qaba
Illaahay ha idin kala siiyo,
balaayadana ha idinka xijaabo!
Waxay qoftaa dumar ahi noqon
kartaa mid ay kala tageen nin
Soomaaliyeed carruurna leh iyo
mid curad ahba. Waxaa halkaa ka
bilaabmaya isbarashadii wacnayd
ee dahsoonayd ee kala
duwanaanshaha dhaqanka,
fikradaha iyo hab nololeedka.
Ninkan oo markii horeba aysan
Muslinimadiisu sii buurnayn ee
ay ka ahayd soo xera gelinta
qoftan dumarka ah ee ay
niyadiisu jeclaatay ayaa la soo
baxaya dabeecadihiisa rasmiga ah
iyo caadooyinkiisa dhaqameed.
Waxaa dhacda in marar badan lays
afgaran waayo oo ereyada
maldahan ee luqadu leedahay
laysla fahmi waayo amaba ay
gabadhu taqaano fara ka hadalka
oo keliya. Markii la damcay in
la weydiiyo sidii ay ruux aysan
afgaranayn, dhaqan garanayn guri
ugu tegeyso ayaa waxaa hadalka
soo af jaray maahmaahda oranaysa
“ Shan faroodle isma afgaran
waayo”.
Ninkii oo careysan baa halkan ka
qayliyey Hey, Pitch! Bring your
black ass here! I said, get in
now woman! Pitch! Naagtii oo
jahwareersan oo waxay sheegto
garan la’ baa ku qaylisay:
“Hayaay, cod weynaa bismilaahiye,
balaaya ku qaaday waakan oo waa
gediisii!
Alla ba’ayeey, waa maxay
imtixaankani! Hooyo muxuu
leeyahay? Walaale muxuu leeyahay”.
Hooyo wuxuu ku leeyahay soo gal
guriga! Kaalay sariirta!, Naa
wuxuu ku leeyahay wasakhyahay
soo gal qolka!.
Waxay ka mid yihiin
dhibaatooyinka jira ee ay
keeneen isdhexgalku iyo is
afgaran waagu. Waxaa dhacaysa in
hooyo ay u turjumayaan
carruurteedu ugana turjumayaan
nin aysan af aqoon oo ay tidhi
wuu iqabaa ama gabadh looga
turjumayo nin ay keensatay!
Waxaa anfariir iyo argagax ku
dhaca carruurtii ay naagtani
wadatay. Intii ay arki lahaayeen
hooyadood oo la guhaadayo, la
caayayo, la faraxumeynayo, la
daroogeynayo ama la garaacayo
waxay ka doorbidaan in ay
cararaan, dawladu qaadato ama ay
ehelo isu dhiibaan ka dibna
waayaan daryeelkii hooyanimo iyo
aabanimo oo ay duurkooda galaan
noqdaana kuwo hadhow mujtamicii
ku soo laba kacleeya oo waxyeelo
iyo dhibaatooyin u geysta. Ogow
noloshu waa meerto isku
noqnoqota! Wixii maanta xumaada
haddii aan hadda la toosin oo
layska indho tiro ama maxaa iga
galay ay kugu dhaafto isbaaro
ayaa ku sugaysa wakhti aan
fogeyn!
Waxaa la arkay dhibaatooyin
badan oo ay geesteen ajaanibkii
gabdhahayagu ay raaceen: Dilid
joogta ah, Daroogo siin,
Sharmuuteyn, Diin ka saarid!,
Xardhid iyo biro ka lulid meel
walba (tattoo), Si kasta iyo
meel kasta ka isticmaalid!
Hinaasid iyo maseyr iyo guhaad
joogta ah, waalid iyo qaraabo
warkeeda daa! Telefoon sooma
dhici karo! iwm.
Haddaba maxaa ku kelifay
dumarkan dhibtaa? Ma rag
yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa!
Ma diin jacayl baa! Ma qurux
raadisbaa! Ma qalab weyn
raadisbaa! Ma hab casriya
raadisbaa! Ma luuqad barashaa!
Ma sharci raadisbaa! Ma nasab
raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma
ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska
caadiyoos baa!
Mr. Muslim
Hadal is weydaarsigu waa intii
sare oo kale iyo sida waalidku
ugu farxayo in ay gabadhooda
siiyaan nin shisheeya ah. Haddii
uu cadaan indha buluugla ah
yahayna warba kama taagna oo
arooska kii Madoobaa loo dhigay
baa lasii laban laabayaa. Waxaa
dhacdaba in aan aroosba loo
dhigin waayo ninkaaba la
aroosayaa maadaama uu yahay nin
haybad fiican leh! Markaa
arrintu waxay ku dhamaanaysaa
iska xaluulo gurigaaga ! iyo Naa
iska aamus adigaaba nasiib leh
oo helay nin Cadaan ah oo Muslim
ah!
Markii la gaaray todobaad bixii
oo ay gabdha badan oo wardoon
ahi ay soo booqdeen gabadhii
aroosada ahayd ayaa mar keliya
lagu dhawaaqay: “Alla walaaley
sidaanu anaguna ku helnaa ninkan
oo kale oo sunadu ka muuqato”.
Waxay ugu jawaabtay: “ Gabdhow
nin Soomaaliyeed ka raystay!
Waayo marka aad debecdid ee meel
waliba huluuq, buluq, buluq ku
soo tiraahdo ayuu naag kale oo
giigsan kaa raadsanayaa”. Waxay
uga sheekeysay gabdhihii kale in
ninkan Cadi uusan indho aan
iyada ahayn uusan lahayn: markuu
guriga ka baxayo iyo markuu soo
gelayaba waa Honey, Darling,
Baby, Sugar. Haddaan debco iyo
haddi kale waxaan u ahay Guduudo
Carwo!. Aroosadii baa gabdhihii
martida ahaa tustay liis dheer
oo sugid ah (waiting list) oo ay
ku qoran yihiin magacyada
gabdhaha raadinaya wiilasha
Cadaanka ah ee soo Muslima,
waxayna u sheegtay in ay
magacooda dabada ka raaciyaan!
Qosol iyo jaanta oo rago ayaa
xigtay, kadibna gabadhii
aroosada ahayd ayaa garba eeg
iyo saacad eeg biloowday. Mar
keliya ayaa sidii loo fadhiyey
ay ku dhawaaqday: “ Alla
nabadeey walaalayaal, kala
carara wiilkii baa xiliyadan oo
kale yimaada. Waa ajnabi oo kama
helo buuqa badan, markaa anigu
ma rabo in uu arko wuxuu
dhibsanayo. Welibana guri
hagaajis, uunsi iyo udgooneyn
baa ii hadhay”. Gabdhihii baa
yaabay oo ku yidhi: “ oo kaalay,
waa maxay! Gabadhu waaba
tolowdaye! Naa waa yahay hadhow
baan ku soo wacaynaa”. Waxay u
sheegtay in ninkeedu dhibsado
telefoonka badan ee soo dhacaya
oo aysan doonayn in ay soo
wacaan.
Markii ay gabdhihii dibada u
baxeen ayay xan bilaabeen: “
Cajaaib! Naayaadheheen, maxaa
gabadha si ka ah? Mid kalaa
qabsatay hadalkii oo tidhi: ‘
Gabdhow waxba ma ogidiine I
dhegeysta! Ummada Illaahay waa
kala qolo-qolo iyo kala dad.
Intii isku degaan ahiba way is
dabci, dhaqan iyo af yaqaanaan.
Waxaan idiin sheegayaa in ay
gabadhani qaadatay dhaqankii
ninkeeda oo ay ka dhowrayso
wixii uu dhibsanayo, kuna
dedaalayso sidii ay u raali
gelin lahayd. Mid kalaa tidhi
Bal eeg waa xaamilo oo 9-keedii
baa go’ay haddana har iyo habeen
way shaqaynasaa waayo ma oran
karto ninkeeda biil u dir
dadkeeyga waayo dhaqan uu
yaqaanaba maaha!. Ma soo
warwareegi karto, telefoon cid
uma diri karto, qof ay qaraabo
ama asxaab yihiin ma salaami
karto, aroosyada ma aadi karto
si ay cadowgeeda u soo jebiso.
Mid kalaa tidhi maxay kuugu
taalaa waataas oo carruurtaas
cad-cad bay dhashaye!
Haddaba maxaa ku kelifay
dumarkan dhibtaa? Ma rag
yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa!
Ma diin jacayl baa! Ma qurux
raadisbaa! Ma qalab weyn
raadisbaa! Ma hab casriya
raadisbaa! Ma luuqad barashaa!
Ma sharci raadisbaa! Ma nasab
raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma
ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska
caadiyoos baa!
Mr. Midgaan
Kulanka Midgaanka iyo gabdhuhu
wuu soo gaaban yahay oo dooda
dheer ee xaga sare ku taala ee
bixinta gabadha laba gaari maayo
inta badan. Waayo waxaaba yar
gabdhaha la sheekeysanaya amaba
dariiq la maraya nin Midgaan ah.
Waxaa laga fogaanayaa 5 talaabo
oo sidii in uu cadho qabo ama uu
yahay karantiil baa layska
ilaalinayaa. Haddii ay dhacdo in
guur dhexmaro Gob isku sheega
iyo dadka la dulmiyey waxaa lagu
bilaabaa cadaawad iyo faquuqid.
Waxaa wiilka ama gabadha
guursatay Midgaha laga soo
qaadaa qof xijaabtay oo waxaa
loo dhigaa tacsi. Ilmahoodu
awoow, abti, eedo, habaryar,
ilmaadeer iyo qaybaha kale oo
qoysku ka kooban yahay ma soo
dhexgeli karaan. Hasa yeeshee
marka uu Midgaanku darajo,
sharaf iyo lacag Eebe ku
manaysto wax dhib ah looma arko
oo waa laga lufluftaa. Midgaan
miskiin ah uun baa ba’ay!
Marar badan waxaa dhacda in
dhamaan dadka ka soo jeeda
qowmiyada la takooro rag iyo
dumarba ay sheegtaan qolooyin
kale si ay u helaan ictiraaf iyo
in ay bulshada dhex galaan.
Waxaa ka dhacday Magaalada
Minniapolis in gabadhi ay
reerkooda aroos uga tumeen
Soomaaliya iyadoo looga
hambalyeynayo guurka ay
guursatay Nin Mareykanka Madow
ah. Muddo markii lays qabay ee
laysu yeeshay ilmo yar ayaa
maalin gabadhu ku dheeraatay ku
hadlida telefoonka. Saacado
badan ayay tororoklaynasay oo uu
isna soo horfadhiyey. Markii
danbe ayuu inta uu is hayn
waayey oo uu is iloobay waxaa
uun ka soo baxsatay: “ Yaakhey
adiga Illaahay ka cabso oo
telefoonka bes iska dheh”!
Gabadhii baa af labadeed
yeedhay: “ Alla ileen wuxu
Jareer buu ahaa! Waryaa Aabahaa
was Adoon yahow I fur! Alla
ba’ayeey ma anigaa Jareer I qabi
karaa!
Telefoon bay badda de-deg u dul
marisay oo la hadashay
waalidkeed. Reerkoodii baa aad u
xanaaqay kuna yidhi la socodsii
ehelkaaga iyo qabiilkaaga ku
agjooga deg-degna ha lagaaga
furo! Xagee anaga iyo Jareer
iska soo galnaa! Waa maxay
meeshu wadaada ma joogaan miyaa!
Naa iska fur haddii kale habaar
baan kugu ogahay! Ma la Ba’ay!
Waxaa kaloo aad ka akhrisan
kartaa qisada caanka ah ee ku
qoran buuga uu qoray Ahmed
Mohamed Diiriye ee lagu
magacaabo “Ma abaal gudee Waan
aar gudaa”! ee lagu daabacay
Qaahira 1997. Qisadu waxay ahayd
sidan:
Oday Soomaali ah oo ku noolaa
Jarmalka ayaa guursaday gabadh
Jarmal ah una dhashay gabadh.
Sanooyin kadib oo ay gabadhu
qaangaadhay ayaa nin
Soomaaliyeed wadankii waxbarasho
uga yimid. Wuxuu dhiganayey
jaamacad ku taala Magaalada uu
joogay qurbaawigii hore. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa labadii
nin wada kulmeen, mise saaxiibo
hore ayay ahaayeen. Waa layku
soo booday, kadibna wuxuu keenay
gurigiisii oo reerkii oo dhan
buu baray una sheegay in uu
yahay saaxiibkiis ay hore isu
aqoon jireen.
Wuxuu wiilku iman jiray xaafada
marka uu fasaxa yahay oo soo
bariidin jirey. Waxaa dhacday in
ay reerkii ka heleen wiilkii
waayo wuxuu ahaa mid asluub iyo
akhlaaq badan quruxna Eebe
siiyey. Gabadhii reerka ayaa
wiilkii iska caashaqday, kadib
marka uu reerka yimaado ayaa
waxaa la arkaa aabihii oo wejiga
u bedelaya wiilkii una
careysan!.
Marka la weydiiyey waxa iska
bedelayna wuxuu hadalka ku jaraa
waxba. Maalintii danbe ayuu u
adkeysan waayey gabadhiisa oo
wiilka aad ugu sii dheereynasa,
markaasuu ku yidhi gabadhii: “
ka har wiilkan oo dib danbe ha
ula qoslin, ha ula socon,
kugumana arki karo agtiisa”!.
Reerkii baa garan waayey meesha
ciladu ka jirto. Waxaa loo
sheegay in wiilkani aad uu u
akhlaaq wacan yahay ayna ku
qanacsan yihiin in uu gabadhooda
la socdo. Mida kale ayay
yiraahdeen waxaad wada tihiin
isku dad iyo isku jinsi oo
horena waabad isku taqaaneen!
Maxaa ku haya? Bal wuxuun noo
sheeg!
Aabihii baa afka furtay oo iska
ooyey: “ Naa ninku waa Midgaan,
Waa Midgaan! Waa nasab dhiman!
Isma guursano! Ma geeyo
hablahayaga!. Gabadhiisii iyo
Xaaskiisii baa Illaahay yaab u
keenay waxayna fahmi waayeen
waxan uu ka hadlayo. Waxaa soo
shiray haweentiisa reerkoodii
bal si ay u ogaadaan, una
xaliyaan mucjisadan aysan
weligood arag. Waxaa Aabihii la
xasuusiyey in uu caqli yar yahay
oo uu qabo naag ka dhalatay
qowmiyada Jarmalka oo dadka
madowba u taqaana Daanyeero!
Waxaa la xasuusiyey in ay u
hayaan ixtiraam oo ay
tixgeliyeen jacaylka walaashood
markii ay isaga guursanaysay!
Waxaa loo sheegay in wiilkan ay
isku jinsi, diin iyo dalba
yihiin! Waxaa lagu soo afjaray
gabadhaada haddii ay jeclaatay
ninka ha ka hor istaagin sidii
aanu anaguba aanan kuugu diidin
walaasheen!. Aabihii oo aad
moodid in geeriyi ku timid ayaa
meeshii looga dhaqaaqay isagoo
ku qaylinaya: “ Ma fahmasaan
waxa I gubaya! Bal Midgaan ha
kula xidido oo gabadhaada ha
guursado!
Haddaba maxaa ku kelifay Ajiga
dhibaateynta walaalahood?
Ma
jinsi kalaa! Ma diintaa farasa!
Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma
ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh
dareysibaa! Ma ciniin u arkid
baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan
raadisbaa! Ma iska caadiyoos
baa!
Mr. Soomaali
Hadalkii bay gabdhihii sii
wateen iyagoo wadooyinka waaweyn
marba gees u goynaya
qayladoodana laga maqlayo futa
biciid! -- Qayla iyo bulaan
dheeraa Yaahoo!. Mid baa lahayd
dumarow waxaan filayaa in ay
khaldan tahay sida aanu ula
dhaqano ragga Soomaaliyeed oo
haddii aanu sida gabadhaas oo
kale aanu ha dhicin ha jabin
aanu odhan lahayn in ay nacnac
ahaan la haayeen. Laakiin
Subxaanalaahiye maxaynu ku
sameynaa:
Carruuta garaac si aad u
daandaansatid, markuu kula
hadlana kasha xawaashka soo
qaado oo kuleetiga ku dheg
adigoo firimbiga ka ci’ dheerna
dhowr goor ku celceli warqadii
dhig! Madaxayga dhig! I fur
right now!. Haddii uu kaa aamuso
oo uu far kuu qaadi waayana sii
wad bulaanka, dagaalka ilaa
derisku maqlaan oo ay u yeedhaan
booliska ama uu xanaaqo oo
gacani kaa soo gaadho ka dibna
waa la yaqaan 3-dii xaraf-- 911!
iyo catowga: Ma nin baa la
waayey! Yaa raba belaayadan
qombobsan ee caloosha dheer oo
weyda ah! Waxaa la helayaa mid
maroodiya oo kor iyo hoosba ka
weyn! Foori waryaa!
Mid kalaa gabadhii hadalkii ka
boobtay oo tidhi: “ Naa hooy
cagta dhig! Nin Soomaaliyeed waa
la yaqaan oo intuu booyaaso kaa
dhigto, sanad walbana mijini
gashay mijini baxday uu kaa
dhigo buu hadhowna mid kale kaa
raacayaa. Hala ogaado in
dhaqaalaha laga curyaamiyo oo
hogaanka loo hayo si uusan u
qooqinba. Anigu kolay naag baan
ahaye ninkaygu xataa kor iima
soo eegi karo oo tababar fiican
buu qabaa: Habeenkii markay
tahay saqda dhexe baan aroos iyo
Baadhi(Party) aadaa oo marka uu
waagu walalac yiraahdo baan ka
soo noqdaa iyadoo cashadeydii
iyo cabitaankii isu kay
dulsaaran yihiin. Isagaa
carruuta haya, u qubeeya,
Xafaayada ama Dheebarka(Diaper)
ka nadiifiya, cuntada kariya.
Nin Soomaaliyeed waa sidaas
mudankiisu! Waa in uusan hawoon
oo sidaa xiniinyaha loo hayaa!
Gabadh ka mid ahayd gabdhaha oo
dhaqan wanaag ka muuqday ayaa u
jawaabtay oo tidhi: Walaashey
soo dhowoow, war lagu sii. Horta
ogow ninka alaabtiisa uurka
hooyadiis buu kala soo dhacay ee
adigu umaadan samayn. Ta kale,
maxaad uga cararaysaa oo aad u
khilaafaysaa kitaabkaaga
sharafta leh ee aad fikrado kale
oo dadka amraya in ay naag
keliya guursadaan aad ugu
riyaaqaysaa. Kutub Eebe soo
dejiyey oo dhigaya ragow naag
keliya ku ekaada ma jiro sow ma
ogidiin! Dadyowga aad fikirkaa
ka qaadateen waxay leeyihiin
naag keliya iyo 100 naagood oo
saaxiibo ah markaa ma waxaad
leedahay ninyahow saaxiibo badan
yeelo oo keligay I qab!. Mase
ogtahay in dumarka qurbaha
joogaa ay naftii ka baxday oo
buufis, kaadi macaan, kaadi
sokorow, murqo iyo lafo xanuun
laga saari waayey! Wallaahay waa
runtaa walaaley bay hal mar wada
yiraahdeen!
Haddaba waxaan idiin sheegayaa
bay tidhi sirta nolosha ee
dhegta ii soo dhoweeya: “Ogow
gabadh kale oo walaalshaa ah oo
aad isfahmaysaan hadday wax kula
qaybsato oo aad isku meel
degtaan in aad raaxo iyo nolol
wanaagsan ku noolaanaysaan”!.
Ilmo wada korsi, wada xoogsasho,
Buufis iyo cudur la’aan, soo
warwareeg iyo dalxiis badan,
dhaqaale iyo lacag urursi fiican!
Maxaad ka weydeen oon raaxo
ahayn!. Mar keliya ayay cirkaa
ka dhawaaqeen: “ Alla ku hooji!
Bal eeg waxay nagula talinayso!
Allow ha I joojin dhacdadaas oo
kale saa madaxaaba iskay daba
mari lahaaye.
Gabadhii baa hadalkeeda sii
wadatay oo xasuusisay kuwii kale
in ragga Soomaaliyeed yihiin
ragga keliya ee dunidan ku nool
ee ay naaguhu guhaadiyaan(abuse)
oo sidey doonaan ka yeelaan
marka laga reebo Ragga reer
guuraaga iyo Geeljiraha
Soomaaliyeed oo iyagu adadeyga,
garaaca, iyo ku shaqaynta
dumarka u arka raganimo! Dumarka
reer guuraagu iih iyo aah midna
ma leh: way kariyaan, koriyaan,
dhisaan, raraan, xoolaha raacaan
inta qowsaarkii qabay uu
tuulooyinka qaad la fadhiyo ama
uu harqoodaalka jiifo! Kaasi waa
nin la mood, kuwa la nooc ahna
qurbaha waa laga helaa. Laakiin
guud ahaan nimanka Soomaaliyeed
xajista yaan laydinka fahmine
ayay ku soo gabagabeysay.
Meel dhexe markii la marayo oo
loo dhow yahay xaafadii la
deganaa ayaa waxaa ku soo lug
darsatay naag Cadaan ah. Kadib
markii lays bariidiyey ayay
naagtii cadeyd weydiisay in ay
shaqo ka yimaadeen. Waxay
gabdhihii ugu jawaabeen in ay
maanta fasax yihiin, qaarna ay
saaka soo shaqeeyeen. Waa laysa
sii wareystay oo dhaqanka
Soomaaliga laga sheekeystay.
Waxay u sheegeen in aysan
dumarku badanaa aysan shaqayn oo
raggu ay soo shaqeeyaan-- kirada,
cuntada, biilka reeraha wadankii
jooga, dahabka iyo aradka iyo
wax ka sii badanba ay ragga
dushiis tahay. Naagtii baa hadli
kari weyday yaab dartii
markaasay weydiisay in ay daacad
ugu waramaan oo ay joojiyaan
kaftanka. Kadib markii lays
dhaarsaday ayaa wuxuu noqday
hadalkii ka soo yeedhay: “ Alla
maxaan nin Soomaaliyeed u
guursan waayey!” Gabdhihii baa
qosol gariir ku dhuftay Ihiiii,
IhiiIhiii!!!
Haddaba maxaa ku kelifay dumarka
Soomaaliyeed dhibaateynta
ragooda? Ma rag Soomaliyeed
nacaybaa! Ma jinsi kale jacayl
baa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin
nacayb baa! Ma Eebe ka
fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf
baa! Ma quudh dareysibaa! Ma
ciniin u arkid baa! Ma
xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa!
Ma iska caadiyoos baa!
Qaybta 2aad...
AKHRI....
CAJABAYEEY YAA SOOMAALI U CIIDAMIYA!