MA DHIMAN MANA NOOLI!
(Waano ku socota
Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada)
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Waa
qaracan iyo wax laga naxo. Waa dhibaato hor leh oo naga haysata badweyntan
aanu soo galnay anagoon dabaal joogta aqoon. Waa ubaxii aanu la soo cararnay
si aanu ugu beerno meel indhahayaga barwaaqo noogu suureeyeen, laakiin aan
la gaari Karin biyaheeda iyo baadkeeda toona. Waa warqad joogta ah, telefoon
joogta ah iyo canaan joogta ha: Subaxii kalah oo shaqa tag? Ciyaalkana yaa
haynaya? Ugasoo tag aabahood. Aabe ma joogo! Aabe waan kala tagnay! Aabe
lama yaqaan! Aabe waa aalkuliste! Aabe waa kheyru mas’uul!. Subaxii kalah oo
shaqa tag? Ciyaalkana yaa haynaya? Uga soo tag Hooyadood. Hooyo adiguna aad
iskool oo baro afka! Carruurtana yaan uga tagaa? Ugee ayooyadood. Ayeeyo
orodoo Afka soo baro ama maalin walba iskaa wax u qabso ku soo shaqee.
Ilmahana yaa haynaya? Dhib ma leh ee Xanaana geeya!. Lacag aan isaga bixino
ma haysano? Waa bilaash ee dhib ma leh ee carruurta geeya Xanaanada, hana ka
baqin waa meel nabad ah oo carruurta u roon!.
Walaalayaal, Soomaaliyey, weliba kuwa qurbaha ku noolow aanu boodhka iska
jafno oo carruurteena ka ilaalino dhibta iyo mashaakilka aynaan garaneyn ee
aanu anagu soo doonanay. Ogaada in hal qof oo keliya uu bedeli karo buishada
caqliga leh ee qadarisa waxqabadka iyo fikirka wanaagsan ee uu la yimaado
mid iyaga ka mid ah iyagoon eegeyn Reerkuu yahay, Qabiilkuu ka dhashay,
Cilmiguu yaqaan iyo siduu u egyahaytoona. La socda in dhib oo dhami ay anaga
naga timid: Isma ogolin, wax mawada qabsan karno, waanu isku xajiimoonaa,
mid waliba ka kale ayuu u fiirsadaa oo arkaa, ma aragno dhibka na haysta ee
waxaanu aragnaa dhibka dadka kale haysta, beel waliba dadkeedaa libaax ah oo
kuwa kale waa sagaaro iwm. Haddii xaajadu sidaa tahay maxaynu u tari kartaa
dhalaanka yar-yar ee nooiga baahan mustaqbal, talo iyo tusaale, waxtar iyo u
googol xaarin waxay ku faanaan oo ay ka sheekeeyaan in awoowayaashood ay u
sameeyeen nolol iyo mustaqbal wanaagsan.
Walaalayaal waxaad ogtihiin in anaga awoowayaasheen ay noo qabteen waxaanu
maanta ku faananao oo ah diin, af, dhaqan iyo dal. Waa kuwii ka xoreeyey
wadanka gumeystihii xooga weynaa iyagoo isticmaalaya dhagxaan, fallaar iyo
ulo. Maxaa maanta na haysta ee aanu isaga celin la’nahay Dagaal Oogayaasha
meel walba nagu gumaaday, nagu kufsaday, na geeyey dhulka dhibtu naga
haysato, naga dhaariyey inaanu yeelano dowlad, nabad ku noolaasho iyo deris
wanaag. Dhibku iyaga maaha ee waa anaga. Goormaanu iska deyn doonaa,
walaalayaal, khayaali ku noolaadka iyo anagaa beri sidaa ahaan jirey.
Goormaanu, walaalayaal, dareeymeynaa inaanu wax qabsano oo iska deyno in qof
kale wax noo qabto, in dowlad kale wax noo qabato, in rajo been ah la dhowro
iyo in aanu iska deyno ku faanka iyo amaanka qof kale oo ehelkeen ah wuxuu
qabsaday.
Markii aan ka akhriyey
bogga Somalitalk qoraalkii ku saabsanaa wiilkii yaraa ee la fara xumeeyey
Halkan ka akhri ayaa waxaan aad u dhibsaday dhibaatadii soo gaartay
qoyska Soomaaliyeed ee laga fara xumeeyey wiilkoodii joogay xanaanada.
Waxaan muddo badan ka shaqaynayey Xanaanada ugu weyn Gobolka Minnesota oo ka
kooban ilaa iyo 11 iskool. Waxaa ay Soomaalidu ka tahay Qowmiyada 3-aad ee
ugu badan marka laga reebo Mareykanka iyo Isbaanishka. Walaalayaal waxaan
arrintii wiilka yar la wadaagay naagta Maamulaha Guud ka ah iskooladan oo
runtii aad uga xumaatay iguna dhiiri gelisay inaan Soomaalida Qurbaha jooga
la qaybsado sidii ay ku bilaabeen Xanaanadan Head Start-ka loo yaqaan oo
haatan Mareykankoo dhan ka dhisan, dhibkii ay soo mareen iyo sharciyadii ay
u degsadeen oo wax weyn u tari karta Soomaalida Qurbaha iyo carruurtooda.
Wareysigiina wuxuu u dhacay sidan.
Eelay:
Alyce-ey ka warran warkii naxdinta lahaa ee aan kuu sheegay ee ku saabsanaa
wiilkii yaraa ee Soomaaliga ahaa.
Alyce:
Wadnahaa I degay si kale kuma garatide! Aad baan uga naxay! Waxaan wiilkaa u
suureystay wiilkayga oo kale, markaa waxaan dareemayaa xanuunka ay
dareemayaan labadii dhashay iyo eheladoodii. Waxaan ogahay maadaama aan
Muslimiinta sanooyin la soo dhaqmayey inay tahay wax fool xun oo aan ku
haboonayn dhaqanka iyo diinta islaamkatoona. Waxaan anigu ahay qof ku soo
dhexjirey carruurta yar-yar 35-sanadood oo aad u gubta markii aan maqlo ama
arko ilma yar oo la dilayo, la xumeynayo, gaajeysan ama la dayacay. Fara
xumeyna warkeedaba daa oo waxaan is idhaahdaa Allow yaa kaa dhiga qof awood
leh si loo waayo ilmo dhibaateysan. Markaa waxaan leeyahay Qoyska
Soomaaliyeed ee walaalaheen ah waan la murugooday arrinkiina.
Eelay: Maamule,
bal Xanaanadan baaxada weyn ee aad madaxda ka tahay taariikhdeeda nwax
manooga sheegi kartaa?
Alyce: Dhib ma
leh! Waxaan ahaan jirey qof fakhri ah oo aan waxba haysan oo weliba caydh
qaata-Ogow faqiirku xuquuq badan ma lahayn waagaas. Waxaan ahaa qof dumar ah
oo joogta 1960-dii-Ogow dumarku xuquuq badan ma lahayne. Waxaan ka mid ahaa
Dumarka Cadaanka ah ee fara ku tiriska ah ee sameeyey arrin mucjisa ah oo
aan horey looga arag Magaalada aan deganaa ee
Minneapolis.
Waxaan guursaday nin Madow-Ogow madowgu markaa xuquuq badan ma lahayne.
Waxaanu socon jirnay Maalintii inta badan si aan habeenkii naloo waxyeeleyn.
Waxaa isoo gaadhay dhib badan oo iiga timid xagga ehelkeygii Irish-ka ka soo
jeeday iyo xagii Bulshadii aan ku dhexjirey. Abdiyow ma soo wada koobi karo
dhibkii nala soo mariyey ee waxaan ka naxaa marka aan akhriyo
www.midgaan.com iyo Bogaga kale ee ka
sheekeynaya dhibaatada aad ku haysaan dadyowga kala duwan ee aad isku af,
diin iyo dhaqanba tihiin. Markaan akhriyaba waxaan soo xasuustaa wixii isoo
maray! marka bal Soomaaliyey taa ka waantooba.
Abdiyow carruurtu waxay noo aadi jirtay Iskoolada Dowladda kuwooda ugu
tacliinta hooseysa maadaama aynaan dhaqaale haysan. Waxaa naloo diidi jirey
shiraraka inaanu ka hadalno oo fikradahayaga la qaato. Waxaan abaabulay
intii ila fikrada iyo dhibka ahaa. Waxaanu bilownay inaanu carruurtayada ka
reebno iskoolada oo aanu guriga wax ku barno anagoon wax badanba garaneyn.
Waxaanu weydiinaney Kaniisada inay na siiso qol ku yaala dhulka
hoose(basement) si aanu carruurta wax ugu barno. Waxay na siiyeen meel ay ka
buuxaan jiir, baranbaro iyo qashin oo dhan. Waxba nagama geline carruurtii
baanu meeshii alifka ugu bilownay. Dowladii qayla afka labadeed dhigtay oo
noogu hanjabtay inaan wax caawima ah nala siineyn haddii aynaan iskoolka
dowlada ku soo noqon. Waxaan u sheegnay go’aankayaga ah in aanu
carruurtayada wax bari karno oo ay kuwa dowlada ka waxbarasha fiicnaan
doonaan. Waxaa noo soo gurmaday dad qalbi furan oo baayacmushtar ah oo noogu
deeqay alaabooyin, xafaayado iyo xoogaa lacag ah. Waxaa muddo ka dib la
arkay go’aankayaga birta ah iyo carruurtii oo cirkaa mareysa, kana
waxbarasho fiican kuwii dhiganayey Dugsiyada Dowlada. Waxaanu markiiba ku
soo baxnay joornaalada, jaraaidka iyo telefishenka. Waxaa nalaga daawaday
Mareykanka oo dhan oo la leeyahay waa waalid u horseeday carruurtooda
masaakiinta ah horumar iyo waxbarasho wanaagsan. Waxaa markiiba Mareykanka
oo dhan ka bilowday dhaqdhaqaaq la mid ah keena oo kale iyadoo tusaale
naloosoo qaadanayo in ay suuragal tahay in waalidku wax maamuli karaan, wax
qabsan karaan, sameysan karaana iskoolo ka wanaagsan kuwa Dowlada. Waxaa
bilaabatay in Gobolka
Minnesota iyo Magaalada
Minneapolis iyo Dowlada
Federalka ahiba ay noo ogolaadeen dhaqaale aanu wadno howsha. Mar keliyaa
waxaa na harqayiyey lacag aynaan weligeen arag, maqal oo aynaan garaneyn
sida loo maamulo. Waxaanu halgankaa bilownay 1969 anagoo fakhri ah, damiin
ah, dhismayaal haysan, nala takooro. Maanta oo aynu joogno 2005 waxaay
waalidku maamulaan 11 iskool oo waaweyn, waxna waanu baranay, Miisaaniyada
lacagteenuna kor bay u dhaaftay 25 Malyuun oo Doolar. Carruurta basas
boqolaal ah baa lagu soo guraa, iskoolkay wax ka cunaan waxna lagu baraa.
Ogow meeshu maaha Xanaano lagu hayo carruurta ee meel ilmaha lagu diyaariyo
oo isagoo wax walba yaqaana uu aado iskoolada Dowlada. Sanadkii 4-aad oo
xiriir ah ayaa nalagu magacaabay Xanaanada ugu sidata Dalweynaha Mareykanaka.
Magaceedu waa PICA Head Start. PICA waxay u taagan tahay Parents in
Coummunity Action (PICA). Waxaanu heerkaa kusoo gaarnay waa wada jir,
isqadarin iyo midnimo. Wax badan baa laysku dayey in nala kala iibsado,
laakiin shaqsideena iyo hadafka aanu leenahay iyo mas’uuliyada carruurteena
ayaa ka weynaa shaxaad yar oo aanu qaadano. Adinkuna Soomaaliyey isku af,
dhaqan iyo diin baaba tihiine maxaad isu aqbali la’dihiin? Waa wax aad si
sahal ah ku sameyn kartaan, laakiin ballaaya ka weyn baa idin haysata!
Eelay: Hagaag,
Bal maxaad kula talineysaa Soomaalida guud ahaan iyo Gaar ahaan Soomaalida
Denmark ee dhibaatadani soo foodsaartay?
Alyce: Illaah
baan ku dhaartee waan damqaday! Soomaaliyey isu kaalaya oo isurursada oo ha
isnicina! Xanaanooyinka Head Start-ku waxay leeyihiin sharci ay raacaan.
Waxaa qof walba oo ka shaqeeya laga saxiixaa warqad cadeyneysa inuu yahay
mid soo sheega wax walba oo ilmaha ku dhaca. Waana khasab in shaqaaluhu ku
dhejiyaan fasalka dhexdiisa. Haddii laga waayana ama uu raaci waayana laba
Cali isma weydiiso oo albaabkuu ka baxayaa. Waa sharciga la yiraahdo (I’m A
MANDATED REPORTED). Hoos ka akhri
Waxaan kaloo aan hay’adan u sameeyey sharci aan ka jirin Mareykanka oo dhan
waana sharci oranaya KELIGAA ILMA YAR LAMA JOOGI KARTID, MA KEXEYN KARTID,
MUSQUSHA LAMA GELI KARTID, FASALKA LAMA JOOGI KARTID, BASKA LAMA RAACI
KARTID iwm! Baska waxaa kusoo qaada ilmaha darawalka iyo waalid mar walba.
Waalidku midba maalin buu iskaa wax u qabso ku raacaa baska. Markaa anigaa
sameystay sharcigaa markii aan Xanaanooyinka Mareykanka ka maqlay arrima
badan oo fool xun. Sharcigani ilmaha yarna wuu badbaadinayaa shaqaalahana
wuu badbaadinayaa oo cidna wax loo soo raacan mayo. Maadaama ay waalidku
meesha xukumaan oo ay ku leeyihiin urur iyo qof shaqaala ah oo metela, had
iyo goor way yimaadaan, faslada, xafladaha, meelaha ilamaha lagu cayaarsiiyo
ayay iskaa wax u qabso ka sameeyaan oo waxaan carruurtooda bareyno iyo
waxaan sameynanaba way na og yihiin. Shirciga ay Alyce sameysatay oo la
yiraahdo “Marna Ha Iloobin” haddii ay shaqaalahu ku xadgudbaan
albaabkay horey uga sii baxayaan.Halkan hoose ka akhri qodabaday dejisatay
ee aysan Xanaanooyinka kale lahayn.
PICA’S “DON’T FORGET” RULES
1.
Never leave
a child alone
2.
Never be
alone with a child
3.
Never fail
to report a suspicion that harm has come to a child
-
Never release a child to someone not authorized to take them
-
Never punish a child (i.e. hit, shame, belittle, use food)
Alyce oo
hadalkii weli wadata-Midda kale waxaan anigu aaminsanahay in aan ilmaha yar
iyo waalidkuba uusan kalsooni isiineyn haddii aanan shaqaaleyn dadkooda.
Sidaa daraadeed waxaa 11-ka Xarumood ka shaqaala ah shaqaala badan oo
Soomaali, Oromo iyo Muslim kaleba isugu jira. Darawaladu waxay u badan
yihiin dad Muslim ah. Waxaa noo jooga ninkan I wareysanaya oo runtii aad ugu
dadaalay bulshadiisa Soomaaliyeed. Wuxuu na baraa dhaqanka, diinta afka
Soomaaliyeed. Wuxuu xalliyaa dhibaatooyinka murga ee aanu xallin weyno,
wuxuu kormeeraa iskoolada si uu u soo ogaada waxyaabaha la barayo ilmaha yar
iyo in dhaqankoodu uu ka muuqdo faslka dhexdiisa, wuxuu soo abaabulaa oo uu
qorsheeyaa xafladaha Soomaaliyeed, wuxuu af-soolaali ku turjumaa waxkasta oo
waalidku ay u baahan yihiin iyo weliba sheekooyinka carruurta iyo wixii la
barayo. Waxaan idinku talainayaa haddii aysan Xanaanadu ogolayn in aad
fikrad ka dhiibataan waxbarashada ilmihiina ama aysan dad idinka mid ah
shaqaaleysiin ee ay dooneyso carruurtiina oo keliyaMarkaa waa in aad go’aan
deg-deg ah ka qaadataan arrinkan sidii aad ka yeeli lahaydeen.
Midda kale haddii aad
bulsho tira badan Denmark maad maalinba dhowr qof iskoolka tagtaan oo iskaa
wax u qabso ku caawisaan carruurtiinana ilkaashataan. Inkastoo aan ogahay
inaydan jecleyn arrintan oo aad jeceshihiin in lacag laydinki siiyo, haddana
ogaada waxa yar aad heleysid iyo fayaqabka ilmahaaga kee idiin wanaagsan.
Marka keliya ee arrimaha aan kor ku soo sheegay ay dhici karaan waa marka
aad is ogoshihiin ee aad iska deysaan qabiil, takoor, nacayb iyo quraafaad
waa hore laga tegey-Noqda isku dan ayaan oran lahaa. Noloshiinu waa
ilmahiina ee maaha reerkiina iyo wax ka dhacaya dhul aad ka soo tagteen oo
aan haatan waxba idiin qaban Karin. Intii baxarka ku jirta ayaa isku dan ah
ee gacmaha is qabsada. Mar kale waxaan Qooyskaa leeyahay waan ka xumahay
dhibkiina. Waad mahadsan tihiin! Guul iyo nabad iyo caano!(V sign).
Eelay: Waan
kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad bulshadeyda ugu faahfaahisay
dhibaatadii kusoo gaartay iyo sida aad u baraarujisay. Nabadeey!
Haddaba
Soomaaliyeey si ay carruurteenu noogu badbaado waa in aynu sameynaa:
Ø
Isku
duubnaan iyo midnimo iskana ilownaa quraafaadka, takoorka iyo qabiilka
Ø
Waa in uu
waalidku uu sameeyaa iskaa wax u qabso oo ay tookeystaan ka warqabka
carruurtooda joodta Xanaanada
Ø
Haddii
aysan Xanaanadu ogolayn in waalidku fasalka dhex fariisto ama aysan
Xanaanadu lahayn qol u gaar ah waalidka, waa in ay u soo jeediyaan in a
tahay xuquuqdooda inay helaan wixii ay rabaan haddii kale carruurtooda
yaysan geynin. Ogow in ay Xanaanadu u baahan tahay carruur badan si ay
dhaqaale uga hesho Dowlada(Koley xagayaga waa sidaa)
Ø
Haddii
qoysku uusan ka koobnayn laba waalid oo Hooyada la furay ama laga tegayba
ama ninku uusan daryeelin carruurtiisa, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan
Aabaha magaciisa ugu gudbisaa dowlada si loogu khasbo shaqo ama looga soo
dhalaaliyo masruufkii ay ilmuhu ku lahaayeen. Xataa haddii uu waddan kale
joogo oo Qurbaha ah waa laga soo qaadayaa quudka ilmaha. Laakiin waxay
belaayo ka dhacday in aysan Hooyadu marna ogolayn inay dabagasho kheyru
mas’uulkii ka soo daadiyey ilmaha ama ay ugu dul qaadato inay qariso oo ay
iyadoo asturan ceeb walba xambaarato.
Ø
Waa in ay
Xanaanadu shaqaaleysaa dad soomaali ah oo carruurta u turjuma waalidkana
mas’uul ka ah. Waa in qofkaa la shaqaaleynaya uusan noqon Ferenji u sujuude
iyo caada qaate midna. Waa in aad ku khasabtaan in fikradiina la qaato,
waxna laga bedelo sharciyada Xanaanada iyo Cuntadaba.
Ø
Haddiiba
intaas kore suuroobi weydo, fadlan carruurna ku haysta guryaha oo wax ku
bara ama macallimiin u qabta. Dad badan baa waayadan danbe xataa Dugsiyadii
Dawlada ka saaray ilmahooda oo guriga wax ku bara, marka la gaaro
imtixaankana ku qaata Xarumaha Dowlada si loo ogaado inuu wax bartay iyo in
kale (Home Schooling). Haddii, Qurbajoogta Yurubey, aydan sharcigaa lahayn
ama ay idinku adag tahay sameeya sidii Eebahay idin faray oo guursada dhoor
haween ah una istareexa sida ay Indhayartu ugu istareexeen Mareykanka.
Tusaale ahaan, Guri dhan oo 3 dabaq ah baa waxaa wada degan nin iyo 3-diisa
Xaas. Marka ay laba shaqo tagaan ta kale ayaa gurigoo dhan sii habaysa,
ilmahana la sii joogta. Markii kuwii kale yimaadaana tii kale ayaa iskool
ama shaqa tagata, ninkuna labada gelinba wuu shaqeeyaa. Laakiin Belaayo
waxay ka dhacday qof dumar ah oo lagusoo barbaariyey ninkaaga xiniinyaha
qabo oo yuusan waxyeelan si uusan u qooqin iyo nin lagu soo barbaariyey ha
is jilcin, yaan nacas lagu moodin hana jixin jixin, ilmahana markaad guriga
soo gasho laad kala daal sidii ay isula keeni lahaayeen. Belaayo waxay ka
dhacday sidii EEDO loogu aamini lahaa carruur yaryar oo masaakiin ah oo ay
qofta dumarka ahi dhaxal ahaan u haysato in ilmaha uu ninkeedu naag kale ka
dhalay ay cadaabta adduunka dhadhansiiso kuweedana ay raxmaad iyo raaxo dhex
maquuriso. Allah maxaa ku dhaqana! Alla maxaa ku dhaqana! Waxaase ka sii
daran sidii dhowr cadaabood oo kala subxaanaleysta, mid walibana wadato
dhaqan iyo caado ay colaad iyo cadawtinimo ka buuxdo guri laysugu geyn lahaa!
Isma rabaan, isma jecla, iskuma daneysanayaan, buufisbaa ka buuxa!
Waxaan kusoo gabagabeynayaa, Soomaaliyey dantiina garta oo
ididnkoo Islaanimo sheeganaya yuusan sanam caabude idin dhaamin aakhiro iyo
adduunba. Haddaanu Soomaali nahay maxaa noo diiday inaanu dhaqankayaga,
Diintayada iyo waxayaga aynu haysano. Maxaa naga galay dadyow kale woxooda.
Waan gartay, Alla yacizak-Waa Beyzaaninimo in la Zineysto, in Been la sheego,
in wax la xado, in sida Moodalka loo lebisto, in Gaal lagu daydo, in wixii
cusuba la qaato. Waan gartay Alla yacizak-Waa Dhooranimo iyo Reer gobol baad
tahay iyo Xamar ma soo marin, Haddii aad qalafsan tahay oo dhaqankaaga ku eg
tahay, haddii aad Xishootid, Haddii aadan Zineysan, Haddii aadan Been
sheegin, Haddii aadan fadhi ku dirirka aadin, Haddii aadan qayilin, Haddii
aadan qiiqa dhuuqin, Haddii aadan no! no!, no! badan odhanin!. Beyzaaniyow
belo ku aragtay!
Markii tusaalihii Suubanaha la raaci waayey ayaa Sharciyada
Dowladaha loo hogaansamay si carruurta loo quudiyo, sidii dumarka loola
dhaqmo, sida deriska loola macaamilo, sida carruurta loo tarbiyeeyo iyo sida
laysu ixtiraamo. Ileyn khiyaali ku nool baanu nahaye, markaasaanu ku
hadaaqnaa: “ Waxaan ay Gaaladu ku dhaqmeyso Islaamkaa laga keenay no!”
Waaban garananaaye maxaa noo diiday ku dhaqankeeda? Iyadoo kahasab ah oo
aynaan ajar ka heleyn sow maanu soo doonan! Sow sandulle ku qaata wixii
Suubanuhu na farayey maahan! Haddii kale sow 20-tan jirow maaha!
Fadlan booqo bogga Internet-ka ee PICA Head Start-
www.picaheadstart.org
Waxaad kaloo booqataa si aad u heshaan sida uu waalidku ula dagaalamo uguna
khasbaan wixii ay doonayaan madaxda wadankan oo ilaa maanta doonaya inay ka
takhalusaan Head Start-ka maadaama uu yahay iskool lagu barbaariyo dadka
masaakiinta ah-
www.saveheadstart.org ama
www.nhs.org
Warbixino muhiim ah oo
idinka anfaca sidii looga hor tegi lahaa dhibaatooyinka lagu sameeyo
carruurta ka baadha bogagan hoose
http://www.childabuseprevention.org/ ama
http://www.prevent-abuse-now.com/
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Baaq: Dhibta
Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo
aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas
haysata hadana bal aynu..
Guji...
May 23
MPLS:
Habeenka
Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4
Waraysi: Garaadka
Beesha Gabooyaha
Nin
u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka
Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed
Diiriye Geylan...
Guji...
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com