SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan
Seen ku Soo Dhaweyneynaa Soonka?

Abuukar yaasiin | abuukarsom@hotmail.com | Muqdisho


Markazka Bukhaari ee Muqdisho: Guji

Waa su’aal ka jawaabiddeeda ey aad u haboontahay in aan isweydiinaa maalmahaan ayaga ah waayo waxaa muuqata in ey fooda inagu soo heyso bishii kheyrka badneyd ee soonka taasoo ah bil ey kala haraan dadka una kala baxaan dad dadaal badan iyo kuwo hilmaansanba.

Hadaba walaalayaal si aan jawaab wanaagsan ugu helnaa su’aashaas ayaan waxaan qoreynaa maqaalkaan oo aan ugu tala galnay in uu u noqdo dadka aqrisanaaya mid ey ku dhiiri galiya ka faaideysashada bisha soon waxaana aan ugu magac darnay

(TOBAN DARIIQO OO EY HABOONTAHAY INAAN KUSOO DHAWEYNO SOONKA)

waa maqaal kusocdo qofkasta oo uu soonku soo haleelay asagoo caafimaad qaba si uu uga faaiideysto bishaan kheyrka badan daacada iyo cibaadada ilaahay SWT waxaana aan u qoreynaa qaab dariiqo dariiqo ah si ey u noqoto mid qofka mu’minka ah ku abuurta dhiiri galin naftiisa ku aadan kuna beerta himilo sareyso galineysana xamaasad uu u xamaasoonaayo ilaahay cibaadadiisa bishaan.

Hadaba seen kusoo dhaweynaa soonka? Waase sidee wadooyinka ugu haboon ee aan kusoo dhaweynkarno bisha soon? Ee nagusoo aadan

Waxaa u haboon qofkasta oo muslim ah ka faa iideysashada waqtiyada ku haboon daacada iyo cibaadada ilaahay balse waxaa haboon in uu kamid ahaado kuwa u dag daga kheyrka una kala tartama ilaahayna SWT waxa uu yiri (Kheyrkaas kuwa u tar tamaayo ha ukala tar tameeno)

Hadaba walaal ku dadaal in aad soonka kusoo dhaweysid dariiqooyinkan wan wanagsan ee aan tilmaami doono inshaa allaah

1- DARIIQADA KOOBAAD: waa in aad ku duceysataa in uu ilaahay SWT ku gaarsiiyo bisha soon adigoo caafimaad wanaagsan heysta si aad cibaadada ilaahy u gudatid si fir fircooni iyo nashaadba leh soonka salaada iyo xuska ilaahayba maxaa yeelay sida laga wariyay saxaabiga la yiraahdo anas bin maalik RC nabiga SCW waxa uu ahaa mid yiraahda marka bisha RAJAB ey dhalato (ILAAHOOW NOO BARAKEE RAJAB IYO SHACBAAN SOONKANA NA GAARSII) waxaa soo saaray xadiithkaas imaam axmed iyo dabaraani dadkii wan wanaagsanaana waxey ahayeen kuwa ku duceysta oo ku alla barya in uu ilaahay gaarsiiyo soonka iyo in uu ka aqbalo acmaashoodaba

2- DARIIQADA LABAAD: waa in aad ilaahay ku mahdisaa kuna amaantaa gaarsiinta uu soonka ku gaarsiiyay culumaduna waxa ey leeyihiin qofka hadii uu ilaahay siiyo nicmo muuqato ama uu ka celiyo balaayo muuqata waxaa haboon in uu ilaahay u sujuudaa sujuudul shukri.

3- DARIIQADA SADEXAAD: waa in uu qofku ku farxaa una fur furnaadaa soonka waxaa nabiga SCW ka sugnaaday in uu yiri (WAXAA IDIIN YIMID BISHII SOON WAA BIL BARAKEYSAN ILAAHAYNA IDINKU WAAJIB YEELAY SOONKEEDA WAXAA LA FURAA ALBAABADA JANOOYINKA WAXAANA LA XIRAA ALBAABADA NAARTA) waxaa soo saaray imaam axmed dadkii wanaagsanaa ee horana waxaa ey ahaayeen kuwa jecleysta kuna farxa soo calitaanka soonka

4- DARIIQADA AFRAAD: waa in uu go’aansadaa una qorsheystaa ka faaiideysashada bishaan barakeysan ee soon maxaa yeelay walaalayaal dadbadan oo naga mid ah waxaa ey u qorsheystaan waliba qorshe aad looga baaraan dagay u qorsheystaan aduunyadooda laakiin waa yar yihiin kuwa qorshayaal mira dhal ah u dagsanaayo aakhiradooda


Markazka Bukhaari ee Muqdisho: Guji

5- DARIIQADA SHANAAD: waa in uu qaataa go’aan adag oo dhab ah in uu ka faaideysto bishaan barakeysan waqtigiisana uu ku buuxiyaa acmaasha wan wanaagsan ogowna qofkii ilaahay u runsheegaa ilaahayna wuxuu waafajiyaa kheyrkee maxaayeelay ilaahay waxa uu yiri ( Hadey ilaahay u runsheegaan run shegidaas ayaa u kher badan)

6- DARIIQADA LIXAAD: waa in uu cilmi u yeeshaa isla markaana fahmaa AXKAAMTA soonka maxaa yeelay qofka muslimka ah waxaa u haboon in uu ilaahay ku caabudaa cilmi ee uusan jahli ku caabudin

7- DARIIQADA TODOBAAD: waa in uu go’aansadaa in uu soonka kusoo dhaweeyaa in uu ka tago xumaanta sharta iyo danbiga oodhan iyo waliba towbad dhab ah oo uu ka towbad keenaayo danbiyadii oodhan in in uu danbiyada is daayo uuna go’aansado inuusan ku laabanin waana bishii towbad keenka ee qofkaan towbad keenin goormuu towbad keenaa? Ilaahayna waxa uu leeyahay (war dhamaantiin mu’miniineey ilaahay u towbad keena haddaad mu’miniin tihiin)

8- DARIIQADA SIDEEDAAD: waa in uu u diyaar garoobaa ruuxiyan iyo nafsiyanba asagoo daalacanaayo dhageysanaayo kutubta iyo cajaladaha duruusta iyo muxaadaraadka ah ee cadeyneysa fadliga bisha soon

9- DARIIQADA SAGAALAAD: waa in uu diyaar garoobaa dacwada ilaahay xagiisa dadka loogu yeeraayo sida

A- in uu diyaarsado kalmad yar oo ku saabsan baraarujinta bulshada uuna ka jeediyo masjidka ama meelaha ey bulshada isugu imaaneyso

B- in uu isku dayo in uu qeybiyo ama hadiyeeyo kutubta risaaladaha cajaladaha ka hadlaayo soonka iyo axkaamtiisa uuna siinaayo dadka aan waxba ka aqoonin axkaamta soonka si ey uga faaiideystaan

C- in uu xusuusto kana war qabo waxna siiyo kaalmeeyana dadka fuqarada ah ee kunool meesha uu ku noolyahay

10-DARIIQADA TOBNAAD: waa in uu ku soo dhaweeyaa soonka in uu furo bog cusub oo cad oo iftiimaayo dhanka:

A- ilaahay SWT oo uu u towbad keenaayo towbad dhab ah runna ah

B- rasuulka SCW oo uu adeecaayo yeelaayo qaadanaayana waxa uu faraayo kana haraayo waxa uu ka reebaayo

C- waalidka qaraabada riximka haweyneydiisa ilamaha oo uu u ixsaan falaayo xiriirinaayna

D- bulshada uu la noolyahay oo uu anfacyo dhankasta karaankiisa maxaa yeelay nabiga SCW waxaa la wariyay in uu yiri dadka waxaa ugu fadli badan kan ugu anfaca badan

sidaas ayuu qofka muslimka ah ku soo dhaweyaa soonka sida dhul ooman oo u baahan roob ama qof jiran oo u baahan dhaktar ama qof joogo oo sugaayo saaxiib uu jecelyahay oo agtiisa qaali ka ah

intaas ayaan kusoo koobayaa maqaalkeygii waxaana aan ilaahay inoo baryayaa in uu inaga dhigo kuga naarta laga xureeyo soonkaan waxaana aan jeclahay in qofwalbaa oo akhristaa uu iissoo gudbiyaa wixii aragti ah ee uu ka wabo maqaalkeygaan wixii qaloocsanna uu toosiyaa wixii toosanna uu iigusoo duceeyaa halkaas ayuuna noogu dhamaaday maqaal keenii waxaana aan jeclahay in aan sii wadi doono anagoo soo qori doono maqaal ah

ACMAASHA UGU WANAGSAN EE LA SMEEYO SOONKA inshaa allaah waase hadii ilaahay na deysto anagoo caafimaad qabna

Abuukar yaasiin abuukarsom@hotmail.com

Soodhoweynta Ramadanka | Taxanaha Ramadaanka... Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD