General Samatar Waxaa
Markhaati Ugu Filan Taariikhdiisa
Dr Ahmed Said Ali
Waxaa
doonayaa inaan ka hadalo arrin todobadyadan la hadal hayey oo ah dacwada
madani ah oo soo qaban qaabanqaabiyey ururka la yiraahdo Center of Justice
and Accountability oo isagu ugaarsada madaxda ajnibiga ah ee soo degta ama
soo booqata Maraykanka isagoo kaashanaya dad dhib sheeganaya una dhashay
dalkii ay madaxdaasi ka talin jireen. Uruku oo hadda kaashanayaa nin
sheegtay in la yiraahdo Baashe Abdi Yusuf iyo dhowr qof oo kale oo
magacyadooda qariyey wuxuuna doonayaa in dadkaasi magdhow looga qaado
Maxamed Cali Samantar oo ka mid ahaa madaxda sare ee dawladii Soomaaliya.
Markii
aan arrintaasi akhriyey ayaa waxaa durbadiiba maskaxdeyda ku soo dhacdey
su'aasha ah Bashe iyo saxiibadiisa isqariyey ee ku doodaya in la xiray, in
jir dil lagu sammeeyey,in la kufsadey iyo in xadgudubyo loo geystey miyey
aqoon u lahayn sida dawladii Soomaaliya maamul ahaan u shaqeyn jirtey ama
dawladiba u shaqeyso? miyeysan hore u maqal xilalkii uu dawladaa ka hayey
mudane Maxamed Cali Samatar?
Si aan
su'aalahaasi uga jawaabno aan wax yar ka sheego waxqabad socoday muddo ka
badan 40 sano oo mudane Maxamed Cali Samantar ku leehay taariikhda
Soomaalida.
General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo
jira 25 sano markaasi oo uu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo
xiddigle ah oo ka soo qalin jibiyey kuliyad militri oo ku taala dalka
Talyaniga, wuxuuna ka mid noqday saraakiishii dhalinyarada ahyd ee muujiyey
karti ay ku hanana karaan sugida ammaanka dhulkooda taasi oo gummeystihii
Talyaniga ku kaliftay inuu ogaalaado inay gcanta ku dhigaan maamulka
amnigooda. Waxaa iyana xusid mudan in 1Luulyo 1960 habeenkii calanka
Soomaalida la saarayey uu general Samantar ahaa taliyihii watay ee
dalbanayey cutubyadii calanka salaanta siinayey wuxuuna Samatar markaasi
ahaa taliye xiggeenka ciidanka gobolka Banaadir
Waxaa
iyana aan la iloobi Karin kaalintii uu ka qaatey dagaalkii 1964tii ee
Ethiopian ku soo qaadeen dawladii da'da yareyd ee Soomaaliya.General Maxamed
Cali Samantar wuxuu ka daagaal galay aagga Togwajaale halkaasi oo ciidankii
uu watey ka muujiyeen geesinimo dalkana ka difaceen ciidamadii Ethiopia
wuxuuna ku muteystey bilad iyo dalacaad
General Samanatar oo ah Askari loo tababarey difaaca dalka una dhaartey inuu
xilkaasi si daacadnimo ah u guto ayaa waxaan taariikhdiisa lagu xusuustaa
dhismahii xoogga dalka Soomaaliyeed intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga
isagoo gaarsiiyey heer ay Soomaliya yeelato ciidanka ugu tayo sareyeeya
Afrika marka laga reebo dawaldii cadaanka ahayd ee konfur afrika.ciidankaasi
oo hantey difaaca dalka Soomaaliya.
Waxaa
kaloo dunida oo dhami ku baratey General Maxamed Cali Samanatar hogaamintii
ciidamadii Soomaaliya ee cududa ku muquuniyey ciidamadii Ethiopia ee lagu
tilmami jirey libaaxa Afrika sannadkii 1977 iyo dagaalgelintii uu u dejiyey
dagaalkaasi oo ka mid noqotay duruusta lagu barto dugsiya staratijiyada
dagaalka ee aduunka.
Samantar oo ah nin qaran doorkiisu kuma ekeyn difaaca dalka oo keliya ee
wuxuu horseed ka noqday hawlihii deblomasiyad soomalida ee waqtigii
dagaalkii qaboobaa ka jirey dunida wuxuuna doorweyn ka qaatey meelmarinta
siyaasaddii Soomaalida isaga oo ah nin si weyn looga soo dhoweeyo dalkii
Midowga Sifooyi iyo dalka Mareykan kaba
Waxaa
taariikhdaa inooga cad in General samantar uu ahaa nin Somali ah oo aad u
naxariis badan muddo dheerna ka mid ahaa madaxdii dawladii soomaliya marnan
aan lagu eedeyn ama lagu xaman ficil xun ama dibindaabyo binaadam wuxuuna ka
mid yahay madaxd Soomaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ku can baxay akhalaaaq
wanaaga iyo hogaaminta toosan taasi oo ay ka markhaati ka kacayaan inta
badan ummmada Soomaliyeed ama dadka si dhab ah u yaqaan Maxamed Cali
Samantar.
Hadaba
maxaa keenay in baashe iyo saaxiibadii ay ku eedeeyaan Maxamed Cali
Samanatar inuu xadgudubyo u geystey inagoo wada og inaan marna General
Samantar masuul ka noqon xafiiska laga maamulo xabsiyad iyo nabad sugid
toona?
Waxaa
hubaal ah in Baashe iyo saaxiibadiis garanayaa ninkii xiray, ninkii amarka
xariga bixiyey iyo weliba kuwii xadgudubayada u geystey, balse ay ka mid
yihiin koox aaminsan in Soomaaliya la googooyo oo aysan marnaba midoobin,
in la gubo calanka Soomaaliyeed ee astaanta u ah jiritaanka ummada
Soomaaliyeed iyo in la ugaarsado, meelna looga dhaca sharafta iyo haybada
dadka magaca iyo qadarinta ku leh ummada soomaliyeed ee aamisan jiritaanka
iyo midnimida ummada inay tahay muqadus sida General Maxamed Cali samantar
Somalidu waxay ku maahmaahdaa ruuxii si ogaal ah runtii u garabmaraa wuxuu
galay saddex gaf, mar wuxuu u gafey garaadkiisa, marna wuxuu u gafay dadka
dhegeysanya garashooda marna wuxuu u gafay madasha garwaaqsigeeda, hadaba
Baashe iyo kooxda ay isku afkarta yihiin mar ka hore waxay u gafeen
garaadkooda markii ay u qaateen in afkaartaa guracan, ee ay aaminsan yihiin,
inay yihiin kuwa lagu dhaqmi karo, marka labaad waxaay u gafeen garashada
ummadda Soomaliyeed markii iska dhaacidhiciyeen in ummadda Soomaliyeed ku
taageyreyso dacwadooda ah in Maxamed Cali Samatar uu masuul ka ahaa
xirigoodii ayna mudan yihiin in magdhow looga qaado, marka saddexaad waxay u
gafeen gudoonka ummadda Soomaliyeed ee ah in Soomaali mid ahaato, meelna uga
soo wadjeesato cadawgeeda kadid markii ay saaxiib ka dhigteen cadawga
Soomaliyeed.
Ummada
soomaliyyed waxay leedahay taariikh aan iloobin wadaniyiinta iyo madaxda
naftooda, xoogooda iyo maskaxdooda u hura sida General Maxamed Cali Samantar.
Taariikhdu waa marag waa jiri markhaatileh.
Ahmed
Said Ali
samokaab@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|