ILOOWSHA DHOWAA MA UMULBAA!
Dadyowga dunidu kala ayaan, hoodo iyo nasiib
badan. Wadama dhan ayaa waxay ka tanaasulaan ujeedadooda iyo damacooda si ay
u badbaadiyaan hal qof oo keliya oo iyaga ka dhashay oo cadow gacantii galay.
Qowmiyado dhan ayaa waxay ku halaajiyaan kumanaan nafood iyo maal aan lasoo
koobi Karin sidii ay sharaftooda oo lagu xadgudbay usoo dhacsadaan. Alla
qofka ka dhashay qowmiyadahaasi sharaf badanaa! Yaa ka laandheereysan!
Waxaaba intaa ka sii xag jira in marka qof ka
mid ah dadkaas caqliga u saaxiibka ahi uu guto hawl qaran ama uu noqdo hawl
gab in la dhowro sidii dhala jabaysa oo adduun iyo raaxo horey loogu salaxay
uu dhex dabaasho. Waxaad suuqyada iyo makhaayadaha ku arkaysaa kiiyoo xidhan
bilado iyo koofiyado ama dhar waa hore lagu sharfay oo shaqa wanaag loo
siiyey. Waxaad kaloo milicsanaysaa gawaadhida ay wataan oo ay taargadooda ku
qortaan hawlaha kala duwan ee ay u soo qabteen wadankooda. Tusaale ahaan
haddii uu qofkani ahaa askari u soo halgamay wadankiisa oo ka soo qayb galay
dagaalo kala duwan, wuxuu ku qortaa taarkada baabuurkiisa sidan: "waxaan
ahay halgamaa hawl gab ah", "waxaan ahay askari hore oo ka qayb qaatay
dagaaladii Fiyentnaam, Ciraaq iwm". Waxaad arkaysaa dadkan hawl gabka ah oo
ka mid ahaa ciidamadii hore oo ka sheekeynaya dhibaatadii ay u soo mareen
xoreynta wadamadooda, difaacida dalkooda iyo sidii ay u soo kifaaxeen. Waxaa
marar badan dhacda in ay iska muraaqoodaan oo illintu ka soo daadato marka
ay xusuustaan waayo waayo ama marka ay qaadayaan heesaha wadaniga ah iyo hal
ku dhegyada ciidamadii ay ka tirsanaan jireen sida kuwa ay leeyihiin
ciidamada Mariiniska ee Mareykanku ee aan xafidi jirey waagii aan qortay
ciidamadaas "Nasan maayo ilaa aan soo taabto xeebaha Triboli ama aan soo
burburiyo Timbuktuu". Sidaasoo kale ayaanu u lahayn heeso wadani ah ama hal
ku dhegyo lagu amaanayo Xooggii Dalka: "Waa Xoogga dalka, wa Xooga Dalka
Xamdi baa leh", "Cabsan mayno maanta cudud baanu leenee…", "Ciidankiyo
Xoogga Alla ha ciseeyo" iwm.
Haddaba Cududda iyo Ciidanka lagu faano waxay
qolo waliba u dhisatay in ay cadowgeeda dibada iyo kan gudaha casharo lama
ilaawaan ah siiso. Waanu garanay cadawga dibadee, kan guduhu waa kuma?. Kan
guduhu waa kuu eke kaa eke ah, kula jire kaa jire ah, kula hadle kaa hadle
ah iyo kula dirire kaa dirire ah. Cadawgan khatarka ahi ee jirjiroolaha ahi
haddii uu bulsho ku dhex beermo si looga badbaadin karaa way dhib badan
tahay in salka hoose laga rujiyo mooyaane. Wuxuu jirjiroolahani sida
saarsaarka isku duuduubaa bulshada uu asal ahaan ka soo tafiirmay si uu ugu
dhex badbaado isagoo ku baraarujinaya in ay yihiin kuwii la doortay, kuwii
sarreeyey, kuwii laandheeraha ahaa iyo kuwii aan bulshooyinka kale la dhaqmi
Karin ayna khasab tahay in ay ka fogaadaan. Daljiraha ay ummaduhu ku faanaan
wax iska caabintooda ayaa lafahooda uga baqa Jirjiroolaha waayo wuxuu isku
marmaray carruur, ciroole, maato iyo rayid uusan dan iyo muraad ka lahayn
baaba’ooda kol haddii uu isagu dantiisa ku gaarayo.
Waxay dhibaatada Jirjirooluhu sababay ka
dhacday meelo badan oo dunidan ka mid ah, waxaana laga dheefay halaag iyo
baaba’ mood iyo noolba leh. Waxaanu tusaale usoo qaadanaynaa tii ka dhacday
Soomaaliyadii hore kadib markii Jirjiroolayaashii SSDF, SNM, SPM iyo USC ay
afartuba duulaan ku soo qaadeen deegaano nabad iyo caano ku jiray iyagoo
inbadan ku laayey Xooggii Dalka iyo shacabkii deganaa meelahaa ay duulaanka
ku soo ahaayeen. Jirjiroolayaashan isku ujeedada ahaa ayaa waxaanu kala soo
dhex baxanaa SNM oo iyadoo dabaal joogtaynasa moolka Hargeysa iyo Burco soo
dhex istaagtay. Waxaa suuqyada lala maray sidii iyadoo la roob doonayo
maansooyin ay ka mid ahaayeen: "Waxba dhoowran meynee cirkow dhagaxya soo
daadi"! Daljire oo aad u necbaa in Jirjirooluhu uu magaalo weyn soo galo
ayaa waa ku beryey. Wuxuu Daljire dib ugu noqday taariikhihii hore iyo sidii
ay dadyowga dunidu ula dhaqmeen marka jirjiroole ka buuxsamo magaalo weyn oo
uu weliba taageero ka helo shacabka deegaanka. Wuxuu Halyey Daljire akhriyey
taariikhdii Dagaalii Sokeeye ee Mareykanka iyo sidii gobolada koonfureed loo
caburiyey lagana hor istaagay riyadoodii ahayd gooni isu taaga, sidii
Daraawiishtu u wiiqday gaala raacyada, sidii Turkigu u dulmaray Qubrustii la
doonayey in afka lagu rito, sida Ingriisku u cabudhiyo oo uusan u ogolayn
Ayrishka doonaya dibad u baxa iwm.
Jaalle Daljire oo noloshiisa, hamigiisa iyo
fikirkiisuba ay tahay ka difaacida dalka hooyo cadowga gudaha iyo ka dibeda
ayaa Jirjiroole jiif cabee u galay. Halkaa waxaa lagu galaaftay maatadii iyo
shacabkii nabada u deganaa inta uusan Jirjirooluhu saar-saar ku noqon.
Jirjiroole oo aad u careysan, bacad cidla ahna taagan, sida dabangaalahana
marba kor u taagsanaya si uu u ogaado in Daljire gabalkiis dhacay ayaa lagu
wargeliyey in Faqashtii ay mid fiigta, mid faniinta iyo mid aan fiyoobayn ka
dhigtay Jirjiroole USC iyo SPM. Maalinkaa Jirjiroole SNM qamaamkii iyo
fadalkii ka baxay waa la ogaa! Waxay SNM-tu timid beled ay ku nooshahay
bulsha weyn Soomaaliyeed oo nooc walba leh, waxaana sida balka loo shafay
bulshadii aan SNM ahayn. Waxaa lagu qamaamay xeryihii qaxootiga ee ay ku
jireen maatadii ka soo qaxday Ogadeenya ee ku yaalay duleedka Hargeisa. Halkan
arag oo akhriso.
Xasuuqyadaas rayidka aan waxba galabsan ee
SNM-tu u horseeday dadkeeda iyo tii ay u geysatay kumaankunka aan u dhalan
deegaandaas ay soo gashay ayaa waxaa mas’uuliyadeeda dusha looga tuuraa
Daljire gudanayey waajibaadka ka saaran dalkiisa inuu ka difaaco cadowga
gudaha iyo kan dibedaba. Waxaa beryahaan soo badanaya dacwooyinka loo
geysanayo mas’uuliyiin jago sare ka hayey dowladii galbatay ee in badan ay
maanta iska ilmeeynayaan marka ay soo xasuustaan. Mas’uulkii ay
Daljireyaashu jeclaayeen ee weligii usoo taagnaa u adeegida waajibaadka ka
saarnaa dalkiisa iyo dadkiisa ayaa waxaa maanta nala barayaa waa denbiile
dagaal. Waxaa la soo dhoodhoobay in Gen. Cali Samatar uu yahay ninkii ka
danbeeyey burburintii Magaalooyinkii Waqooyi iyadoo aan marnaba la sheegeyn
in ay eeda leedahay SNM, tahayna in madaxda SNM-ta maxkamad la soo taago.
Waxaa in badan lagu soo eedeeyey ama meela badan lagu qoray in SNM-tu
qoriqaadkeedii hore iyo markii ay Beled-Amiinkii soo galeenba ay dadka
xasuuqayeen. Waatan warbixintii uu ka diyaariyey Michael Johns.
"Nonetheless, the number of accusations
against Siad, coming from diverse sources, leave little doubt that a very
serious human rights problem exists in Somalia. But such abuses are not
restricted to the governments. Somalia's major armed rebel movement, the
Somali National Movement, also has been criticized for violating human
rights. According to Gersony: "During the first three months of its 1988
offensive in northern Somalia, SNM combatants killed unarmed civilians in
individual instances which together may have resulted in the deaths of at
last several hundred or more persons . . . .
During its presence in Burao (in northern
Somalia), the SNM conducted summary executions of fifty or more prisoners,
some after perfunctory court martials."
(n16) The fierce tactics of both the
government and the SNM in northern Somalia have forced some 400,000 Somalis
to seek refuge in Ethiopia. [Eeg
halkan]
Jirjiroole SNM oo waayadii hore waxay gumaaday
aan cidi iswaydiin ayaa maanta ku fashilantay in ay adduunka ku maslaxdo
kuna sasabato in ay tahay Dimuqraadiyad aan la mid ahayn Soomaalida kale ee
waxshiga ah. Waxaase la yaab leh meesha ay cadaawadu ka gaadhay iyagoo u
dhiibay cadawga Soomaaliya dadyow badan oo masaakiin ah oo u arka in
Hargeisa ay tahay dhulkoodii kuwa kale oo badana soo masaafuriyey soona
tubay maato, carruur iyo duqow banaan cidla ah oo halkaasi ay ku dhamaadeed
dad aad u badan.
Waxaa kaloo jeelasha uu maamulo ninka ku
caanbaxay gumaadkii Reer Waqooyiga ee ahaan jiray NSS uu ka buuxiyey dadyow
fara badan oo aan u dhalan Goboladaas ama kuwo u dhashay oo diidan riyadooda
ay ka dhex arkeen sunta cagaaran. Waxaa kaloo xusid mudan sidii ay ula
dhaqmeed maxaabiistii dagaal ee la qabtay iyagoo difaacaya dalkooda iyo
qaranimada Soomaaliyeed diidana in wadanka la kala gooyo. Waxaa nimankaas
qaar ka mid ah lagu dhex laayeen xabsiga Burco kuwii kalena ay la taahayaan
hawlaha ay ku caan baxday NSS-tu. Waxaa wax dhaqan, diin, aadnimo ka fog ah
markii Daljirayaashaas laga soo saaray
maydkoodii oo dhiigii ka daadanayo Tv. Hargeisa: "Waxaanu maantana
idiin haynaa Faqashtii oo dhiigu ka sayrmayo…..".
Waxaaba intaa ka sii daran tan haatan taagan
ee ah in madax furasho loo haysto gabadh yar oo la silic mardaamiyey. Runtii
gabdhaha Soomaaliyeed meel walba waa ku dhiban yihiin, laakiin arrinta
ZamZam ayaa ah mid u dhexeysa SNM Dawlad ah iyo Saqiir yar oo waxay
galabsatay aan la garanayn. Waxaan isleeyahay NSS-tu maadaama ay sanooyin
badan xagga maanka iyo muruqaba ka jafaysay SNM-ta, maanta oo NSS-tii ay
madax tahayna Jirjiroole SNM ma hadli karaa? Alla maxay Raaqiya ka digtay!
Bal ila akhri qoraalkan: [Eeg
halkan]
Waxaa kaloo ay kooxdan mudiciga ahi ee magacyadooda qarisay
ku doodayaan in marxuumiintii xaqdarada lagu laayey ee Jaziira uu ka
danbeeyey Gen. Cali Samatar. Laakiin waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah
dadkani lagu xanto in ay dad badan oo rayid ah ku laayeen Muqdisho markii
ay dowladii burburtay iyagoo u aargudaya marxuumiintii Jaziira!. Waxaa kaloo
xusid mudan in qolyahan qaylinayaa ay maalinba meel ku nasiibsadaan. Kal
hore ayay ahayd markii ay Madaxweynihii hore ee C/ Qaasim ay ku eedeeynayeen
inuu arrintaas xasuuqa ah ku lug lahaa, maantana waa Generaalka.
Webkii uu qoraalku ku qornaa waxaa uu hawada ka baxay intii la qoray
qoraalkan ka dib qoraalkii ku qoranaana ka [Akhri
halkan]
Sidoo kale ayaa Cali Duul-duulayaashani ay kal hore sheegeen
in ninka burburiyey Magaalooyinka Waqooyi uu ahaa Gen. Gaani, maantana waa
Cali Samatar.
Webkii uu qoraalku ku qornaa waxaa uu hawada ka baxay intii la qoray
qoraalkan ka dib qoraalkii ku qoranaana ka
Halkan ka akhri.
Haddaba waxaan halkan ka cadeynayaa in aanan marna ku
faraxsanayn qof biniaadam ah oo aan dambi lahayn in waxyeelo loo geysto.
Reerka Soomaalna maanta meel u fiyoow baaba iska yar. Laakiin waxaan khalad
u arkaa in mas’uul dawladeed maxkamad la soo taago iyadoo lagu eedeynayo
Xasuuq iyo xadgudub, isla markaana fidnawadayaashii bilaabay dhibaatada oo
iyaguba xasuuq ba’an sameeyey loo aqoonsado Mujaahidiin ayna madax u yihiin
masaakiintii ay xabada isaga dhigeen. Waxaan kaloo arkaa in Gen. Cali
Samatar loo xushay in magac iyo mansab lagu raadsado ama layska dhaadhiciyey
inuu ka soo jeedo qoys aan tiro iyo tabar lahayn sida ay ila qabaan ee ay
soo qoreen dadyow badan oo qalbi furan. [Halkan
akhri]
Laakiin, ogow in Generaalku uu yahay nin Soomaaliyeed oo
qadiyad iyo wadaninimo leh, SNM iyo Soomaalina, Soomali baa badan!
Soomaaliduna aad ayay u taageersan tahay samata bixinta halyeygooda sidii
laysugu dhaarsaday shirar badan oo ka dhacay meelo badan oo kala duwan oo uu
ka mid ahaa kii
ka dhacay Magaalada Minneapolis.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa Sidii Halyeygii
Ayax Dhowre uu yidhi:
-
Qalbi ma lihid shaydaan hadduu qaalib kaa
yahaye
-
Fara yari ninkii iga damcaa waw quluub xuma-e
-
Waa qawlal low kaaga dhacay talada qaarkeede
C/rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005
Qoraaladii Hore ee
Eelay...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|