SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


 Sow gar adag maaha


Ahmed Abdi Mohamud Sugulle

Gabaygan waxa magaciisa la yidhaahdaa sida ka muuqata meerisyada dhextaalka u ah "Sow gar adag maaha" waxana tiriyey abwaanka magaciisa la yidhaahdo Axmed Cabdi Maxamuud Sugulle, waxana gabaygani soo baxay taariikhdu markey ahay 6, jan 2005, waxana uu gabaygani ka mid yahay sil-siladda gabay ee ka curatay dhacdadii maamulka hargeysa iyo Sam-sam Axmed Ducaale iyadoo xaaladda foosha xun ee maamulka Somaliland uu u geystey inantaas yar ay ugu danbayntii ka dillaacday sil-siladdan gabay ee uu bilawgeeda lahaa abwaanka caanka ah ee Abshir bacadle dabadeena ay ka soo qayb galeen suugaan yahanno badani, waxana sida gabayga laga fahmayo uu Sugulle gabaygiisa ku qeexayaa inaan khaladkan loo nisbayn kareyn shacab weynaha reer Somaliland laakiin hoggaamiyaha maamulka S/L waa Daahir Riyaale Kaahin iyo Masuuliyiinta kale ee maamulkiisu ay leeyihiin gefka iyo khaladka loo geystey Sam-sam Axmed Ducaale, waana kan gabaygii. 

  1. Gartaad ina Riyaalow naqdeen adiyo geeshkaagu
  2. Irdhey gelisey dhaqankii bulshada gebi ahaantiise
  3. Gaagixise libintii khalqigu geesi ku ahaaye
  4. Dhabtii waxa ah inad gaasirteen guushi aadmiga'o
  5. Gondda'goyse hiddihii dadkee gaamurka ahaa
  6. Ha-yeeshee gob-baa xeer ku nool goor iyo ayaane
  7. Inkastuu hal aan kugu gensadey gubayo ruuxayga
  8. Misna aragti geeraar leh iyo ereyo goo-goos ah
  9. Oon uga gol'leeyahay dadaal geyllan lagu baajo
  10. Iyana wey gud-boontee bal aan soo geddiyo maanta
  11. Haddaanse galabta dood kugu mudduca gogol ku muuneeyo
  12. Oon gibisha kaagaba rogoon galayax kuu muujo
  13. Oo aan maanso kuu soo godliyo gororka suugaanta
  14. Oon gorofka kuu buuxsho oon gaawe kugu siiyo
  15. Gawaan raacu sow kula tagee meelo geriyaada

              @@@@@@@@@

  1. Afartaas gufaacooyinkii igu galool-naa dheh
  2. Gun-dhiggeeda lama seejiyee garasho waayeel dhah
  3. Meeshaan gantaalaha la rabey waan u soo geliye
  4. Eeggana gadh-adag baa dhacdaye soo gadaal celin dheh

              @@@@@@@@@

  1. Haddaanse xaajo lama guud-maree gobo'da kuu taabto
  2. Xigmad guun ahayd iyo taxane guurti laga reebay
  3. Iyo gabayo maah-maah noqdaan soo gun-dhinayaaye
  4. Dhirta geedo mudanaa jirtiyo lama garaacaano
  5. Dadkana biri ma geydaa jirtiyo laguma goohaane
  6. Golo-lada haweenkuna daryeel gacal ah weeyaane
  7. Gabdhuhu waa dhextaalkii bulshada guri ay joogaane
  8. Ma-geyaan xumaatida adaa guul-darrayste ahe
  9. Maantana warkaa bari gudboo bogox ku gaaf-meeray
  10. Ee intuu galaa baxay arliga laysla wada gaadhey
  11. Gaaliyo islaamkaba warkaas laga galiilyoodey
  12. Geenyadaas Hargeysiyo ku xidhan gbiyadow muuqda
  13. Ee weli gidaarkiyo  wanjalan jeelka gudihiisa
  14. Ee weliba lagu sii gal'da'ay lana garruumeeyey
  15. Ee gacan ku dhiigluhu qashee wada garaafaysan
  16. Ee uu dhurwaa gawska dhigay gaajo kula ciiray
  17. Gefka baahay sheekada kolkii la isu gee-geeyey
  18. Oo culumo loo soo gudbiyey garasho loo soocay
  19. Adigiyo golaha maamulkey goonni kuu tahaye
  20. Ha-yeeshee ma guurtada tagtada galaha diiwaanka
  21. Qof kasaa wuxuu galabsaduu gurubsanaayaaye
  22. Ged-geddoonka waayuhuna wey kuu gu'tiriyaane
  23. Gashigana Riyaalow nin lihi gooha damin waaye
  24. Dakanaduna waa gaax intey gaadho weligeede
  25. Galbataye xil laysugu gabbaday haysku gawracin
  26. Gurdankii dorraatana khalqigu uma gudbooneyne
  27. Wax badan baa gadooddkii dulmiga ciil ku gaamurayo
  28. Giddi habar magaadliyo xabuush beesha gudabiirse
  29. Gurmad inuu ka kacay waa hubaal gobolka qaarkiise
  30. Eed uma gudboonee ninkii geystey baa qaba'e
  31. Hayeeshee gargeydii ma maqal waxay gorfeeyeeno
  32. Gar-ilaahigey duubki dhaqan gaabis baan bidaye
  33. Gurxankuna ka dhow meelihiyo goobahaan rabaye
  34. Go'aanbaanse weli dhawrayaa taloba waa goore

           @@@@@@@@@

  1. Afartaas gufaacooyinkii igu galool-naa dheh
  2. Gun-dhiggeeda lama seejiyee garasho waayeel dhah
  3. Meeshaan gantaalaha la rabey waan u soo geliye
  4. Eeggana gadh-adag baa dhacdaye soo gadaal celin dheh

           @@@@@@@@@

  1. Guddoonkii maxkamaddaada iyo gocashaduu reebay
  2. In caddaaladdii gaabis-too gabawar duugowdey
  3. Oo aad geyigu waa xormee gun iyo baadh aastay
  4. Oy gaagaxdoo nabadi ay gebi ka laalaaddo
  5. Oo ay guda colloobeen shacbigu guuxna dami waayey
  6. Oo dhiillo loo wada guntadey guluf colaadeed leh
  7. Adigoo guntimihii furoo nabarki gaasheeyey
  8. Haddii xaajo kaa tahay gadh qabe gaada kale sheegtay
  9. Oo ay gudasho kuu meel la'dahay so gadh adag maaha
  10. Ha-yeeshee ninkii geya xil waa loo gor-goriyaaye
  11. Marse haddii gabbaan iyo magaan loogu gole xaadho
  12. Ma tis-qaaddo gobannimadu wey gebi-dhacyeysaaye
  13. Inkastoo gurbaan loo tumoo garan-gar loo waabo
  14. Gab-gabteeda meel kuma tagtee weyska gubataaye
  15. Iyadaa is wada gawdhisoo waa gel-gelintaase
  16. God abeeso weeyiyo sidii gawre dhaxan weyne
  17. Dadna ruux guhaad tabanayiyo godob la duugeeyey
  18. Mar hadduu wuxuu gudan lahaa geysan kari waayo
  19. Ama uu aqoon baa gabtee goosan kari waayo
  20. Gol-qaniinka weydda ah haddey dani ka geyn weydo
  21. Inuu guul suntado jeer hadduu gaadhi kari waayo
  22. Ama gacantu ay boobto waa lama garaystaane
  23. Waa geeri ceeb lehe iyana so gadh adag maaha
  24. Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gooyey
  25. Gaba-gabada maansada rag waa kii gadh-waaqsada'e
  26. Duni lagu gabbood falay adduun guurti laga maagey
  27. Dad gumesi kala qaybiyoo gaar uu kala geeyey
  28. Oo godob sokeeyiyo colaad guudka laga saaray
  29. Oo gumuca laysugu rakibay gooyey boqontooda
  30. Oo gawda loo joogsadoo la isku guubaabshey
  31. Oo laga gabbaanadey midnimo laysku garabaysto
  32. Iyadoo hoggaan lagu gam'iyo gacan dugsoon weydey
  33. Haddiiba gallada kii hanan lahaa gadayo hawshiisa
  34. Gadh-wadeen iney yeelataa wey gun dheer tahaye
  35. Waa goosan reerkuye hadduu gubayo jiilaalku
  36. Oo aanu gaadiid u hadhin godol la heensaysto
  37. Oo weli ninkii maqasha gabay geela lagu qaybsho
  38. Gurya-samo iney dheelmataa sow gadh adag maaha
  39. Haddeyse beeshu kalka-geeddigii guure kala baaddey
  40. May kala go'doomine haddey gaadh u kala daaqday
  41. Mar haddaanu goob kala tegeyn golaha xeerkeedu
  42. Ama aan go'aan wadar u dhacay la isku guul-guulin
  43. Inaad gudha fogaataa adigu sow gadh adag maaha

Ahmed Abdi Mohamud Sugulle
C/o: Bristol United-kingdom 
sugulle21111@hotmail.com

Afeef: Afkaarta gabaygan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 8, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 



© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD