SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Gabay “GEF-DIID”

HORDHAC:

Waxan halka salaan uga diraynaa dhammaanba bulsha weynta soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba. Mudanayaal iyo marwooyin intiinnii la socotey qisadii iyo gabayadii laga meeriyey dhibaatada loo geystey gabadha yare ee Samsam Axmed Ducaale, inay ahayd canaan iyo wax tusaalayn iyo in taliska gabadha xumeeyey loo iftiimiyo caddaal darrada ay ku kaceen. Haddaba beryahan dad badan baa qoraallo noo soo diray, kuwa kalena Internetka ayay wax ku soo qoreen ay caqligooda ku hoosaasinayaan xaqiiqada dhabta ah. Dadkani waa kuwo ula jeedda leh, iyagoo weliba gabayadii u beddelay in beel soomaaliyeed lagu cambaaraynayo, halka loola dan lahaa denbiilayaashii iyo kuwa wax ma garatada ah ee arrinta halkaa gaadhsiiyey. Bal qoraalkan akhriya lagu qoray mid ka mida shabakadaha Internetka iyo waxay ku andacoonayaan: (Qoraalka ‘Diin-takoor.’)  

HALKAN KA DHEGEYSO

Taa haddaan ka gudubno, walaalayaal sidaad la socotaanba Samsam waa la soo daayey ilaahay mahaddii. Waraysigii ay siisay BBC-da, erayadii xanuunka lahaa ee ay Samsam tiri waxa ka mid ahaa: “waa la I kufsaday, waa la I jidh dilay, lacagtii aan sitayna waa layga furtay.” Waa mid aan daah lagu qarin karin ceebtan iyada ah ee adduunweynaha muslin iyo gaaloba ka qaylisay. Mid ka mida abwaannada gabayada ka tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla “Shiine” ayaa tiriyey gabaygan kale oo la magac baxay “GEF_DIID” gef-diid abwaanku wuxu u tiriyey laba arrimoodba: qolyo Internetka ku sheegay inuu abwaanku gaalo ku sheegay qabiilooyin dhan iyagoo khalad u tarjumaya tuducdan gabayga ka mid ahayd:Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehelkeede.” Taasoo macneheedu ahaa, in dadkii dhibka gabadha u geystey ay ahaayeen kuwa ku kacay fal ku lida diinta islaamka, sidoo kale abwaanku waa ka sii xanuunsaday waraysigii gabadha BBC-du la yeelatay. Haddaba, gabaygan ayaa iftiimin doona arrimahan gurracan, ugana digaya dadka soomaaliyeed inaan lagaga faa’iidaysan dhacdadan—loona beddelin reer-reer.

Gebagebadii waakan gabaygii ee akhris wanaagsan. 

  • Dad muslina gef uma geysanoo gaalo kuma sheegin

  • Oo anigu gabadh kama xumayn reera guurtiyahe

  • Halkaan uga gol leeyahay murtida bay gol qabatayne

  • Garaadxumaha iyo diradiriyo gucuroow yeelkaa dheh

  •  

  • Nimankii garayskeeda jaray gaban yar oo xuura

  • Ee weliba guuraha ku galay garangar say sheegtay

  • Guxushaaga ubadka u gabbadee geyshashka u qaybshey

  • Guntii inanta boobtaan lahaa gamas u soofeeye

  •  

  • Gudban laga geeraariyo hadday noqotay guubaabo

  • Oo gaan shisheeye u tagtoo sheekadu is gaadhey

  • Oo loo guntaday xaajadaa gebagebaynteeda

  • Ninkuu gubayo hadalkaygu waa midan ka giigayne

  •  

  • Guryan iyo nacayb kama bogsado ruux la gaasiraye

  • Gu’yaal iyo guyaalbaan u diray gabayo xooggoode

  • Gobannimiyo sharaf baan intaa gebi u baaqaayey

  • Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey

  •  

  • Dadku waw gudboonaa colaad loogu daw galaye

  • Geyigeenna soomaaliyeed geeri loo badaye

  • Garabkii dumaba waa kolley gacal walaala ahe

  • Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey

  •  

  • Dad qofkii gabbaanadan illeyn waa iskaga goohe

  • Garawshiinyo iyo lagama helo gacan ku taageere

  • Godob laguma faanee caqligu garashadood diidye

  • Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey

  •  

  • Afartaa godkaan degey haddaan gudub u weydaarsho

  •  

  • Goodkiyo abeeska u tashaday gebiba soomaali

  • Gadh wadeennadaa xabashigee gees walbaba jooga

  • Gujo inay ku sooraan naflaha waa gedduu baraye

  • Kala geeya mooyee midnimo kuma gar qaataane

  •  

  • Waxse waaba garabsiga qabiil lagu gabraartaaba

  • Shacabkii gawaan raaci jiray waa kan gees maraye

  • Gafanihiyo dulinkii cunay gocasho ooyaane

  • Inay wada gedood tahay nimaan garani waa liide

  •  

  • Gufaacooyin baa soo socdiyo qaran golayntiise

  • Shanta garab berray soo guntanoo gegi ku maanshayne

  • Gucumaalayaashiyo kuwaa gubaya hoygeenna

  • Waa laga gudaayaa dembiga gooray gaadhaba’ee

  •  

  • Gaashaan dhiggii qaranku wuu soo gadaal noqone

  • Geesiyaa u soo bixi mar dhow guusha calankiiye

  • Iyadoon bulshada lagu galdi’in qaladna loo geysan

  • Garoommada hargeysay markale soo gelbinayaane

  •  

  • Dhibkii xamar ku gaammuray marbaa laga gudbaayaaye

  • Gulufkaa kismaanyiyo qabsaday gediyo baardheere

  • Go’doon jawhar noqon mayso iyo gobolka hiiraane

  • Gu’ sooraa u di’i baydhabiyo godanka diinsoore

  •  

  • Gobol loo ciyaaraa beddeli guuldarradan jaane

  • Goblan inay ka bixi waan hubaa gacaladeenniiye

  • Geeddigu ka dheer goobtiyay shalayto geeyeene

  • Guulle hayna garab galo waqtigu waa is gurayaaye

Maxamuud Axmed Cabdalla ‘Shiine’
Abdalle9@hormail.com  

Afeef: Afkaarta gabaygan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 8, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 



© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD