"Garasho Waayeel" Jawaab
ku Socota Abshir Bacadle

Cabdillaahi Cawed
Cige |
Tixdan gaaban ee “Garasho
Waayeel” oo soo baxday 25kii February 2005, waxa ay jawaab
uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay “Gob
cunsuri ah oo waxa tihiin; Ficil gumeed yeeshay”. Abwaanka
gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u ballaadhan, tixdani
qaybo ka mid ah ayay wax ka odhanaysaa.
“Garasho
Waayeel” 25 February 2005
-
Abshirow gantaalkaad
riddiyo; Guuxi lagu toosye
-
Gun baa reer Isaaq yahay
inuu; Hadalku kaa gaadhay
-
Gaashaammo iyo Hawd warkii;
Geeswalbow socoye’
-
Goonyaha Hargeysiyo Burcuu;
Galay akhbaarkiiye
-
Godkii Caynabaa laga
maqliyo; Go’o dhexdoodiiye’
-
Ilamaa Gebilay iyo Xaraf;
Gaafahuu maraye
-
Dadka uma gudboonee tolkay;
Gocasho qaadsiiye’
-
Guhaad iyo xanuun laga
bogsaday; Godol ku nooleeye’
-
Sheekadu garqaad iyo ka
badan; Gabadh difaaceede’
-
In baroortu Garo
dhaafsantahay; Geliyay maankayga’
-
Anna gabay inaan soo
hollado; Gaanka igu qaadyay’
-
Afartaas ammuuraha gedmiyo;
Guga hillaacii dheh’
-
Gacal samo u baaqoo la
baday; Gacantogaalayn dheh
-
Gobo’ kalena way eray yar
oo; Garasho waayeel ah
-
Gal ninkii kitaabka u
toshee; Diinta garanaaya’
-
Ee ay
bulshadu gibil sudhee; Xarafka loo geeyo’
-
Dharaartay arrini gaaxsantee; Geer u bixiwaayo’
-
Gamco-siman
shareecada inuu; Gooyo laga dhawrye’
-
Kol
hadduuse xeerkii gembiyo; Tiirarkana gooyo’
-
Gole
aanu taagnayn hadduu; Gar isla soo mooso’
-
Godadkii qiyaastiyo hadduu; Male ku goobyaalo’
-
Gudcurkiyo hadduu xaajadii; Goorxun socodsiiyo
-
Sow
inuu gurracay talo Islaam; Guudka kama muuqan?
-
Bacadlaa geddaas iyo ka dhigan; Garab-ka-fuulkaase’
-
Kunka
geeddi sheekada fadhida; Godob-ka-qaadkeeda
-
Waxa
adiga guul kaaga noqon; Yaa i geliweyday?
-
Afartaas ammuuraha
gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
-
Gacal samo u baaqoo la
baday; Gacantogaalayn dheh
-
Gobo’ kalena way eray yar
oo; Garasho waayeel ah
-
Haddii gari Isaaq iyo
Hartiga; Taallo gudahooda’
-
Iyagaa go’aan waxay
damcaan; Goosankara taase’
-
Waa niman gefkii dhaca ka
adag; Inay gorfeeyaane’
-
Haddii taada lagu guuro oo;
Laysku galo caawa
-
Gumucaad cabbaysiyo hadday;
Guudcastii qaraxdo
-
Gadhka iyo haddii dhiig la
daro; Gawsihiyo saynta
-
Goblan lagu dambeeyiyo
hadday; Guuldarradu baaqdo’
-
Geyigoo dhan Fiintiyo
haddii; Galow ka luuqeeyo
-
Waxa adiga guul kaaga
noqon; Yaa i geliweyday?
-
Afartaas ammuuraha
gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
-
Gacal samo u baaqoo la
baday; Gacantogaalayn dheh
-
Gobo’ kalena way eray yar
oo; Garasho waayeel ah
-
Dhankayaga gammaan baa
murtida; Lagu gardaadshaaye’
-
Garowgiyo babbaaygiyo
cuntada; Gabaygu maansheeyay
-
Gelimaayo maansadu
dhulkay; Gaadhay Bacadlowe’
-
In barwaaqadaas kuu
gingiman; Lagugu sii gaaxsho
-
Oo uu guulle kuu sii
burshaan; Geynayaa duco’e
-
Guutooyin baa soo socdiyo;
Geyshashkii Xabashe’
-
Gaalkaad rag kale
taarataa; Gaadhadh soo wada’e
-
Ninkaad geysay fooqee
sidii; Aarka kugu guuxay’
-
Geesigaaga oo tuban
ninkii; Goolka kaa dhaliyay
-
Gubniyaaba kuu soo
melmelan; Ganacyaweyntiiye’
-
Guryahaad ku faantiyo
dhulkaad; Igu gufaynayso
-
Goofafkiyo xabaalahan
lafii; Sula la iib geeyay’
-
Geeddiga raggii furilahaa;
Godanka soo dhaafye’
-
Sidii guushki loo laastay
iyo; Ginigi Nayroobi’
-
Gaajiyo waxay diif qabaan;
Garanbamaysaane’
-
Gallaydiyo badh reeb
moofadaa; La isku soo gaadhye’
-
Afartaas ammuuraha
gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
-
Gacal samo u baaqoo la
baday; Gacantogaalayn dheh
-
Gobo’ kalena way eray yar
oo; Garasho waayeel ah
-
Godkii aan ku idhi haysku
marin; Waadigaa galaye’
-
Goosashadan sidii faal
cuqle ah; Goysay madaxaaga’
-
Go’aankaas bulshadu
qaadatee; Kuu guntamiwaayay’
-
Gari kama furniyo xaajo
aad; Maanta godoshaaye’
-
Gaasira xoraynteed rag
baa; Iilasha u galaye’
-
Gaasdhegoolihii kacay
warkuu; Geystay baa qorane’
-
Kala guurnay waa hore
haddaad; Gaadh is leedahaye’
-
Gudban baynu nahay
dawladahan; Gobolka uun yaalle’
-
Gacalnimo middaan kuu
fidshiyo; Geela laba reer ah’
-
Haddii aad ka giigtoo
colaad; Gaaxsan fidinayso’
-
Intaad guluf Togdheer iyo
ku dhaca; Saaxil gocanayso
-
Dhul aan galabna kuu dudin
intaad; Geysh u duminayso’
-
Garbahaaga eeg yaan col
kale; Madaxa kaa goyne!!!
Cabillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK 25 February 2005
edleh@hotmail.com

»"Gob
cunsuri ahoo waxaa tihiin ficil gumeed yeeshay"|
Abshir Bacadle
Gabaygii
Hore: Dhegeyso