Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo aaminsanaa ama rumeysanaa inuu khilaafi
karay ama diidi karay amarka iyo talada uu soo jeediyo Abuu Sufyaan oo ka mid
ahaa madaxda iyo ugaasyada Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo
kalsooni weyn ku jirta gaashaanka ugu dhufatay amarkii Sufyaan gabadhiisii uu
dhalay ee lagu magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan, kadib markay iyada iyo
ninkeedii Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee
islaamka, ayna ku kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen aabayaashoodii iyo
guud ahaan qureysh. Abuu Sufyaan wuxuu in badan isku dayay inuu gabadhiisii
Ramla iyo ninkeedaba uu ka soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase
ahaatee wuu awoodi waayay inuu ku guuleysto arrintaas. Sababtuna waxay ahayd,
iimaanka iyo rumeynta Allaah (sw) oo si qoto dheer ugu sugnaaday laabta iyo
qalbiga Ramla Bintu Abii Sufyaan.
Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda
ay gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii uu ku guuldaraystay inuu ku
qanciyo inay dib uga laabato diinta islaamka.
Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba
hooyadeed) waxay ka mid ahayd dadkii ku soo islaamay magaallada Makka,
waxayna islaamkeeda kahor ay guursatay Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u
dhashay Xabiiba. Ramla waxaa la dhashay Mucaawiya iyo Cutba. Sida la ogsoon
yahay, markay aad u badatay dhibaatooyinkii muslimiinta kaga imaanayay
gaalladii Qureysh wuxuu Rasuulka (scw) u idmay oo u fasaxay inay u qaxaan
dhulka Xabasha kuna yaala Geeska Afrika, iyadoo danta hijradaas ay ahayd
sidii ay u badbaadsan lahaayeen naftooda iyo diintooda.
Haddaba, gabadhii sida weyn ugu qanacday diinta ay soo gashay ee islaamka
iyo ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxsh iyo gabadhoodii yarayd ee Xabiiba waxay
ka mid ahaayeen muslimiintii ka qaybgalay hijradii 2-aad ee Xabasha.
Xiriirkii qureysh iyo boqorka Najaashi
Muslimiintii waxay si weyn u
caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka
maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka. |
Inkastoo ay muslimiintaas magangalyo weydiisteen boqorkii caddaaladda
badnaa ee Najaashi-ga, haddana gaalladii qureysh ee uu hormuudka kaga jiray
Abuu Sufyaan waxay ka qoomameeyeen inay muslimiintaas gacantooda ka baxeen oo
carar ku badbaadeen, waxayna (qureysh) isku dayeen iyagoo muslimiinta ku
sugan dhulka Xabasha inay mariyaan ciqaab daran. Qureysh waxay dirsatay niman
u safra Xabasha, si ay boqorka uga dhaadhaciyaan in muslimiinta dib gacanta
loogu soo geliyo qureysh, iyo sidoo kale inay boqorka u sheegaan in
muslimiinta magangalyada weydiisatay ay wax xun ka sheegaan Nebi Ciise iyo
hooyadiis Maryama.
Boqorkii Najaashii oo doonaya inuu ka gungaaro xaqiiqda hadalladaas ayaa
muslimiintii soo hijrootay madaxdooda ka codsaday inay ka jawaabaan
eedaymahaas loo soo jeediyay, iyo inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Nebi
Ciise iyo hooyadiis Maryama iyo weliba inay bal ku dul-aqriyaan (boqorka)
qaar ka mid ah aayadaha quraanka ee lagu soo dejiyay Nebigooda Muxammad (scw).
Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan
yahay, waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.
Islaamiddii boqorka Najaashi
"diinta lagu soo dejiyay Nebigiina
Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs) waxay ka
yimaadeen hal meel" Boqor Najaashii
ka hor intii uusan islaamin |
Boqorka Najaashii oo markaas iyada ah aanan islaamin ayaa markii uu maqlay
aayadihii quraanka si daran u ilmeeyay oo u ooyay, wuxuuna yiri "diinta lagu
soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs)
waxay ka yimaadeen hal meel", dabadeedna wuxuu durbadiiba isagoo aad ugu
qanacsan risalaada islaamka uu ku dhawaaqay inuu si dhab ah u rumeysan yahay
Allaha weyn ee wax weliba abuuray iyo inuu Muxammad (scw) yahay Nebiga xaqa
ah Nabadgelyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee.
Boqorkii Najaashiga wuxuu ciidamadiisa iyo dowladdiisaba amar ku siiyay in
la magangaliyo muslimiintii xaggiisa u soo haajiray, inkastoo ay jirtay qaar
ka mid ah hoggaamiyayaashiisii isaga hoos imaanayay ay ka biyo diideen inay
soo islaameen. Diintoodii kirishtaanka ayay ku sii sugnaadeen.
Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxay sii joogtay dhulka Xabasha, iyadoo aad iyo
aad ugu faraxday nabadgelyada iyo magangalyada ay ka heshay iyada iyo
muslimiinta kaleba boqorka Najaashi. Hase ahaatee, iyadoo taasi ay jirtay,
haddana wuxuu Allaah (sw) doonay inuu Ummu Xabiiba ama Ramla uu mariyo
imtixaan aad u daran, imtixaankaasoo kale oo ay ragga intooda badan ku
dhacaan.
Imtixaan la mariyay Ummu Xabiiba
Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxay riyo ku aragtay ninkeeda
Cubeydillaahi Binu Jaxshi oo ku dhex sugan hirar waaweyn oo ay hirarkaasi
hareereeyeen mugdiyo iyo gudcur aad u weyn, wuxuuna markaasi ku sugnaa xaalad
aad u qadhaadh aadna u xun. Hal mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo
walbahaarsan aadna u cabsanaysa, mana jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto
dadka.
Hase ahaatee, waxyar kama soo wareegan jeer tafsiirka riyadii ay aragtay
ay si dhab indhaha u saarto. Maalmo kadib waxaa diintii islaamka ka laabtay
oo ka riddoobay Cubeydillaahi Binu Jaxsh, wuxuuna billaabay inuu har iyo
habeen iska xaadiro goobaha khamaarka isagoo khamraysan. Cubeydillaahi wuxuu
afadiisa dooransiiyay inay ka laabato oo ka riddowdo islaamka iyo inuu furo.
Ralma Bintu Abuu Sufyaan waxaa durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u
adag, waxayna aragtay inay doorato 3 midkood.
Waa midda koowaade, inay ninkeeda hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay
qaadato diinta kirishtaanka oo ay ka riddowdo islaamka oo markaas ay
khasaarto adduun iyo aakhiro, taasina waa mid ayan marnaba samayn karin kadib
markii laabteeda uu si wacan ugu sugnaaday qanaacada ay ku qanacday diintan
xaqa ah ee islaamka.
Tallaabada labaad ee horyaala waa inay u laabato magaallada Makka, guriga
aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aanan islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin
badan ay dhici karto inay kala kulanto, islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay
isaga sugnaato dhulka Xabasha ama Geeska Afrika, iyada oo keli ku ah oo aan
wehelinin wax qaraabo iyo dad kale ah.
Mowqifkii geesinimo ee Ummu Xabiiba
Allaahu akbar, Ummu Xabiiba waxay ugu danbeyntii qaadatay go'aankeedii
geesinimada badnaa, waxayna doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh uu furo,
maadaama uu riddoobay oo uu ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu
Abii Sufyaan markii ay ka ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo gaaray warkii
nolosheedii ugu farxad badnaa ee ay maqashay intay dunida saarnayd.
Waxaa soo doonay Rasuulka (scw)
"Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa,
wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya
inuu ku guursado,..."
Abraha oo ka mid ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi. |
Goor subax barqin ah ayaa Ummu Xabiiba oo ku sugan gurigii ku noolayd
albaabkiisa la soo garaacay. Markay furtay albaabkii waaba Abraha oo ka mid
ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi. Abraha waxay si naxariis iyo ixtiraam ku
dheehan tahay u salaantay Ummu Xabiiba, dabadeedna waxay ku tiri "Boqorka
ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo
doonay oo doonaya inuu ku guursado, wuxuuna soo diray waraaq uu boqorka
wakiilanayo si uu kuu mehersado, ee qofkaad doontid u wakiilo walaayadaada...".
Maalin aynan weligeed hilmaamin
Ummu Xabiiba waxay farxad awgeed garan weysay meeshay joogtay, waxayna
iyadoo aanan is ogeyn ku tiri gabadhii ula timid khabarkaan farxadda leh "Allaha
kugu bishaarkeeyo kheyr.., Allaha kugu bishaareeyo kheyr", waxayna markiiba
billowday inay u siibto qaar ka mid ah dharkii quruxsanaa ee ay qabtay iyo
jijimadii ay xirnayd iyadoo siisay gabadhii Abraha, iyadoo sidaas abaalmarin
uga dhigaysa. Ummu Xabiiba, maalintaas waxay u ahayd maalin aynan weligeed
hilmaamin, hantideedii ugu jeclayd ayay gabadhii Abraha si farxad leh
damacday inay siiso, waxaana hubaal ah hadday heesan lahayd hanti ka badan
intaas inay siin lahayd. Ummu Xabiiba waxay nasiib u yeelatay inuu soo doono
inta uu Allaah abuuray kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, waa Nebigeena
Muxammad (scw). Waa hubaal inay dumarka intooda kale ay dheer tahay fadligaas
iyo wanaagaas. Waxay wakiilatay saxaabiga lagu magacaabo Khaalid Binu Saciid
Bin Al-Caas oo muhaajiriintii markaas Xabasha ku sugnaa ugu dhowaaanshaha
badnaa xagga qaraabada.
Arooskii Rasuulka (scw) oo ka dhacay Geeska Afrika
Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee
Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga boqortooyada Najaashi |
Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay
guriga boqortooyada Najaashi, weliba meel aad u qurxoonayd ahaydna mid ka mid
ah beeraha uu boqorka ku raaxaysto. Goobtii ama hoolkii arooska uu ka
dhacayay oo dhan ayaa la qurxiyay, waxaana hareeraha is qabsaday iftiinkii
iyo faynuusyadii ka shidnaa meel kasta, halka dhulkoo dhanna lagu goglay
kaarbeedyo aad u qurux badan. Saxaabadii ku sugnaa waqtigaas dhulka Xabasha
oo idil ayaa goobtii arooska ka soo qaybgalay, waxaana asxaabtaas
hoggaaminayay asxaabta kala ah Jacfar Binu Abii Dhaalib, Khaalid Bin Saciid
Bin Al-Caas, Cabdullaahi Binu Xudaafa Assahmiyyi iyo kuwo kale si ay uga
qaybgalaan arooska Ummu Xabiiba Binti Abii Sufyaan ee loo guurinayo Rasuulka
(scw).
Dadkii oo idil markay yimaadeen, waxaa goobtii xafladda albaabada u furay
Boqorkii Najaashi Allaha u naxariisto kana raalli noqdee, wuxuuna isagoo
dadka u khudbaynaya yiri hadalladan “waxaa mahad oo idil leh Allaha qudduuska
ah ee la rumeeyo ahna kan awoodda oo idil ay u sugnaatay.
Meherkii Ummu Xabiiba 400 dirham oo dahab ah
Waxaan qirayaa inuu Allaah yahay Allaha xaqa dhabta lagu caabudo, waxaan
kaloo qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay rasuulkiisa iyo addoonkiisa uuna soo
saaritiinkiisa noogu bishaareeyay Nebi Ciise (cs), intaa kadib: Rasuulka
Allaah (scw) wuxuu iga codsaday inaan ku meheriyo Ummu Xabiiba Binta Abii
Sufyaan, wayna iga aqbashay inaan ku nikaaxo Rasuulka (scw), waxaana
meherkeeda ka dhigayaa annigoo wakiil ka ah Rasuulka (scw) 400 oo dirham oo
dahab ah, annigoo sidaas ugu meherinaya jidka Allaah iyo jidka Rasuulkiisa
Muxammad (scw)..”, kadibna lacagtii meherka ayuu hordhigay Khaalid Binu
Saciid Binu Al-Caas oo ay wakiilatay Ummu Xabiiba.
Ummul-mu’miniin ayay noqotay
Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Khaalid, wuxuuna yiri “waxaa mahad weyn
ay u sugnaatay Allaah (sw), waan ku mahadnaqayaa waana kaalmaysanayaa, waan
denbi dhaaf weydiisanayaa waana u laabanayaa, waxaan qirayaa inuu Muxammad (scw)
yahay addoonkii Allaah iyo rasuulkiisa, wuxuu ku soo diray diintii hanuunka
iyo xaqa wadatay.., intaa kadib, waxaan aqbalay codsigii Rasuulka (scw),
waana ku meheriyay Rasuulka (scw) gabadhii la ii wakiishay ee Ummu Xabiiba
Binta Abii Sufyaan, Allaha u barakeeyo Rasuulka (scw) xaaskiisa”.
Fadligaas iyo qiimahaas weyn waxay u soo hoyatay maalintaas Ummu Xabiiba,
Ramla Binti Abii Sufyaan, kadib markii ay nasiib u yeelatay inuu guursado
xabiibka Rasuulkeena Muxammad (scw), waxayna sidaas hooyo ugu noqotay
dhammaan mu’miniinta oo idil, halka ay markii hore ay hooyo u ahayd oo keliya
Xabiiba, dabadeedna wuxuu Khaalid qaaday lacagtii meherka, kadibna isagii iyo
asxaabta kaleba waxay damceen inay goobtii ka dareeraan oo ay baxaan.
Xaflad aad u sarraysa
Hase ahaatee, boqorka Najaashii ayaa ku yiri “fariista, maxaa yeelay
waddada nebiyada lagu yaqaano hadday guursadaan ayaa ah inay waliimo ama
alla-bari (cuntada la sameeyo xafladda guurka) sameeyaan. Boqorkii wuxuu amar
ku bixiyay in la keeno raashinkii xafladda, waxyar kadibna waxaa la keenay
cunto aad u heersarraysay oo dadkii oo dhan ay wada cuneen. Waxay tiri Ummu
Xabiiba, markii lacagtii meherka la ii keenay, waxaan durbadiiba qaar
lacagtii ka mid ah u diray gabadhii markii hore iigu bishaaraysay guurka
Rasuulka (scw), waxaana ku iri “ haddaan hanti aan haysan lahaa waan ku siin
lahaa markaad ii bishaaranaysay, hase yeeshee waxna ma aanan haysan
maalintaas”.
Inkastoo ay lacagtii dahabka ay wax ka siisay, laakiin waxyar markay
maqnayd way ku soo noqotay iyadoo wadda lacagta, waxayna ku tiri “boqorka
wuxuu ballan ku qaaday inaanan waxna kaa qaadan”, sidoo kale wuxuu
haweenkiisa amar ku siiyay inay mid waliba haddiyad kuu keenaan. Subixii
markii la gaaray, haween kasta waxay awoodday oo haddiyad ah ayay la timid.
Abraha oo ahayd gabadhii Ummu Xabiiba u keentay khabarkii la xiriiray inuu
Rasuulka (scw) doonayo inuu guursado Ummu Xabiiba ayaa waxay u timid Ummu
Xabiiba, waxayna ku tiri “waxaan doonayaa inaan arrin kuu sheego”.. Ummu
Xabiiba ayaa u celisay “oo maxay arrintaasi tahay??” Abraha: “waan islaamay,
oo waxaan raacay diinta Muxammad (scw) ee fadlan iga gaarsii Nebiga salaan,
una sheeg inaan rumeeyay Allaah (sw) iyo Rasuulkiisa”, waxayna misna intaas
raacisay “marnaba ha iga hilmaamin salaantaas”.
Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay
ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray
magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka (scw). |
Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku
safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa
Rasuulka (scw). Markii ugu horeysay ee aan la kulmay Rasuulka (scw) waxaan
uga waramay sidii ay u dhacday doonistii iyo arooskiiba, iyo wixii aan ku
wada hadalnay ama na dhexmaray anniga iyo Abraha, waana u sheegay inay soo
salaamaysay. Rasuulka (scw) aad iyo aad ayuu ugu farxay warkii aan uga
sheegay Abraha, wuxuuna yiri “iyadana dusheeda Allaha gaarsiiyo
nabadgelyadiisa, naxariistiisa iyo barakaatkiisa.
Allaha ka raalli noqdee gabadhii sabarka badnayd, Alla ka cabsiga badnayd,
yaqiinteeda iyo iimaankeeda aadka u xeeldheeraa Ummul-miniin Ramla Bintu Abii
Sufyaan, waxay da’deedu ahayd 36 jir maalintii uu la aqal galay Rasuulka (scw),
waxayna geeriyootay sannadkii 44-aad hijriga iyadoo 72 jir ah. Waxaan Allaah
(sw) ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo, Jannada Firdowsana
kula kulmayo Xabiibkeeda Rasuulka (scw), aamiin aamiin.