JACFAR BIN ABII DHAALIB
“AMIIRKII MUHAAJIRIINTII U QAXDAY XABASHA”
Su'aalahan ka jawaab inta aadan akhrin
casharkan....
Reer Banii Cabdi Manaaf
waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka
(scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw)
kala ahaayeen:-
-
Abuu Sufyaan Bin
Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero
ahaayeen.
-
Qutham Bin Cabbaas oo
isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,
-
Assaa’ib Bin Cubeyd
Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis
-
Xasan Bin Cali oo ay
dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo
-
Iyo ugu danbeyntii
saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo
ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.
Rasuulka (scw) iyo
Cabbaas oo kala qaatay..
Ma ahayn ekaanshahaasi
keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee
uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka
(scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf
weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn
hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu
Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd
ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka
qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa
fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan
xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib.
Rasuulka (scw) wuxuu
Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur
badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran
ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si
aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid
ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale
sidaas ayaan uga kaafinaynaa."
Cabbaas wuxuu ku yiri
Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay
labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa
inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan
kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib
wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad
rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu
qaatay Jacfar.
Cali iyo Jacfar waxay
maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin
Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas
jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay.
Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay
dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.
Jacfar oo
isku-filnaaday
Dhinaca kale, Jacfar
isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu
soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku
filnaaday.
Abuubakar ayaa soo
islaamiyay
Jacfar Bin Abii Dhaalib
iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan
waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee,
waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam
Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.
Wiilkii reer haashimiga
ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada
ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo
gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh
taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar
iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una
dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada
Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta
dhibsato.
Qoyskii Jacfar iyo
Geeska Afrika
Sidaa darteed, Jacfar
Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo
xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo
maanta loo yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u
fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo
dhibaysay in asxaabtaas qiimaha badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay
diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad u fog, iyagoo aanan gelin wax
denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay inay yiraahdeen
"Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta maalintaas
awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay
gaalladii qureysh.
Caddaaladdii
Najaashi ayay ku nimcaysteen
Muhaajiriintii
saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas
qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii
Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay
durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo
wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay
saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda,
laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah
u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala
kulmin wax dhibaato ah.
Hase ahaatee, gaalladii
qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen
Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa
waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen
magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu
taxaabi lahaayeen.
Ummu Salama ha nooga
sheekayso..
Ummu Salama Allaha ka
raalli noqdee oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan
sheekadaan inteeda badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen
muhaajiriintii Xabasha u hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri
"markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la kulannay dad lala jaaro kuwii
ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad geliyeen, iyadoo wax
dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay.
Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay
waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u
soo direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin
Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen
haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada
kale ee isaga ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay
inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka
hadlin boqorka Najaashi".
Kulankii Najaashi ee
Camar iyo saaxiibkiis
Ummu Salama oo
hadalkeedii sii wadata waxay markale tiri "markii labadii nin ay
yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u
shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u
wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi
soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii
aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen
midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda,
fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo
aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka
ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan
yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen
"waa yahay".
Ummu Salama ayaa
markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu
boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u
dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u
yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen,
waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa boqortooyadaada soo
magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah,
waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka
baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo
diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin
aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga
gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga
(ugaasyadaas) ayaa naga badiya".
Boqorkii wuxuu jaleecay
wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay
sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi
iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday
hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba
lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero
oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay
ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa
laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan
wanaajin doonaa inta ay ila joogaan".
Markale Ummu Salama
waxay tiri "intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la
kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay,
qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin
doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay,
waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo
aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri
"waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay
goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii
oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen
dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale
goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo
Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.
Boqorkii ayaa xaggeenii
soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen
oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar
ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.
Jacfar oo su'aashaas ka
jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu
caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu
samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan
dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta
daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo
saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo
dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga
keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu
innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta.
Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta
qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil
iyo been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo
gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan
Allah "sw" keliya aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno
salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Waan rumeynay,
oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala yimid,
xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka
dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala
collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan
diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo
dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga
ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan
maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.
Aayadihii saameeyay
boqorka Najaashi
Ummu Salama Waxay tiri
"boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib,
wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid
xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul
aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og
macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo
addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi
ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la
huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara....", wuu
waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka
kooban 98 aayadood.
Waxay markale Ummu
Salama tiri "waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay
ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay
maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu
boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu
soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu
eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga, wallaahi ayaan
ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".
Hagardaamo kale ayaa
lala damcay
Ummu Salama waxay tiri,
markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo
noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito
u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu
idin caroodo.
Cabdullaahi Binu Abii
Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na
khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay
adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi
Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la
gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri
boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina
Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad
weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama,
markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo
aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo
Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon
tahay inaan su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri
Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas
kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo
Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na
weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku
yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga
waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan
“waa maxay waxaasi??”.
Jawaabtii Jacfar ee
Nebi Ciise (cs)
Jacfar oo ka jawaab
bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo
Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu
gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala
duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku
dareen wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka
muujiyay hadalka ka soo yeeray boqorkoodii.
Boqorkii Najaashi oo si
weyn ugu qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii
ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay, qofkii idin
caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa,
wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab ah
oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu
boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “
ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”.
Ummu Salama waxay tiri,
Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay,
hase ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha.
Toban sanno ayay
Xabasha joogeen
Saxaabigii jaliilka
ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika
si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase ahaatee, sannadkii
toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka mid ah ku
soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii
ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay
duulimaadkii Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay
Khaybar.
Soo dhoweyntii
Rasuulka (scw) ee Jacfar
Suubbanaha Rasuulka
(scw) si aan la tilmaami karin ayuu ugu farxay imaanshaha Jacfar, intuu
laabtiisii sharafta badnayd ku soo dumay Jacfar ayaa wuxuu ku yiri “ma
waxaynu ku faraxnaa furashada Khaybar mise imaanshaha Jacfar??.
Farxaddaasi uu Rasuulka
(scw) ka muujiyay imaanshaha Jacfar kama yareyn tan guud ahaan
muslimiinta, gaar ahaan kuwii masaakiinta ahaa ay ugu farxeen imaanshaha
Jacfar iyo asxaabta kale. Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u xiriirin
jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta muslimiinta ee waxna aan haysan,
waxayna taageeradiisa masaakiinta ay keentay in loogu magac-daro
“aabihii masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee oo arrinkan
ka sheekeenaya ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada masaakiinta Jacfar
wuxuu noo ahaa qofka noogu roon dadka, gurigiisa ayuu intuu noo kaxeeyo
ayuu na soo siin jiray waxa yaala oo cunto ah..”.
Jacfar oo
hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta
Joogistii Jacfar ee uu
dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga
billowgeedii wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama
ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii
muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii
la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar Binu Abii
Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya
Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la
dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid
ah..”.
Labo ciidan aan isku
aadin xagga tirada
Muslimiintii markii ay
gaareen Mu’ta oo ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa muslimiintii
waxay ogaadeen inay ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen ciidamo gaaraya
100 000 qof, boqolkaasoo kun oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu
jira gaallada Carbeed ee ka tirsan qabiilooyinka Lakhm, Judaam iyo
Qud-h-aaca iyo kuwo kale oo badan, halka ciidamada muslimiinta ay
gaarayeen oo keliya 3000 ciidan. Saddex kun oo ciidan ayaa wuxuu la
dagaalamayaa labo boqol oo kun (200 000) oo ciidan, waa labo ciidan oo
aan isku aadin.
Hase ahaatee, waxyar
kadib waxaa billowday dagaalkii ay dagaallamayeen ciidamada muslimiintii
iyo kuwii kale ee gaallada ahaa. Hoggaamiyihii ciidamada muslimiinta
Zeyd Binu Xaaritha ayaa jiidda hore ee dagaalka ku naf-waayay sidiina
ayuu ku shahiiday, Allena uga baryaynaa inuu u naxariisto.
Dhinaca kale, waxaa
durbadiiba hoggaankii si geesinimo ku jirta ula wareegay saxaabiga aan
ka sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib isagoo ka soo dagay
faraskiisii. Si xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa
keliya ee u muuqanayay waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda ballaaran,
neecowdeeda iyo biyaheeda macaan, xuurul-ciinteeda loo dhammeeyay
quruxda, webiyadeeda kala nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn
ee uu ku qabay raalla ahaanshaha RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku
doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay sida loo
xanuujin doono ciidamada Roomaanka ee qarka u istaagan in la ciribtiro.
Jacfar oo dagaalka
ku shahiiday
Wacdarro weyn ayuu
Jacfar goobtii dagaalka ka muujiyay, isagoo sita seeftiisa wuxuu dhex
jiiray ciidankii roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba uu qoorta ugu
dheereenayay seeftiisa ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga
gooyay gacantiisii midig, calankii ayuu misna ku qaaday gacantiisii
bidix, markale ayaa misna laga dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix
kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu calanka ku qaado, hase ahaatee
dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa jirkiisa laba dhinac ka kala dhigtay.
Intaa kadib waxaa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee Cabdillaahi
Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood Allaha
u naxariisto kana raalli noqdo, waxay dhinteen iyagoo u taagan
difaacidda diinta ALLAAH (sw).
War degdeg ah oo
Rasuulka (scw) soo gaaray
Rasuulka (scw) oo ku
sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray khabar degdeg ah (waxyi
ahaan) kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran
oo xanuun badan oo aan la tilmaami karin ayuu geeridooda uga
tiiraanyooday. Wuxuu aaday guriga Jacfar oo ay ilmo adeero ahaayeen.
Guriga waxaa joogay afadiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bint Cumeys oo ku
rajo weynayd ninkeedii oo nabad qaba inuu ku soo laabto gurigiisa iyo
reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu talogashay, cunto macaan
iyo caruurtii oo ay u qubaysay oo ay qurxisay si ay si wadajir ah ay ugu
qaabilaan aabahoodii ay sida daran u jeclaayeen.
Tiiraanyadii Qoyska
Jacfar
Asmaa oo dareenkeeda
maalintaas cabbiraysa ayaa waxay tiri “markii uu noo yimid Rasuulka
(scw) waxaan wejigiisa qiimaha badnaa ka aqristay murugo weyn, waxaa
naftaydii gashay cabsi, hase ahaatee ma aanan jeclaysan inaan weydiiyo
su’aalo ku saabsan arrinta ninkayga Jacfar, cabsi awgeed aan ka qabo
inaan maqlo war aan i farax gelin. Rasuulka (scw) wuu na salaamay,
wuxuuna intaa kadib igu yiri waxaad iigu yeertaa caruurta Jacfar, waana
u yeeray. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga Rasuulka (scw) ku soo
cararay, mid walba oo caruurta ka mid ah wuxuu doonayay inuu ku dhago
ama qabsado jirka Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka (scw) isna
wuxuu ku soo foorarsaday caruurtii, isagoo dhunkanaya isla mar
ahaantaasna ay indhihiisii sharafta badnaa ay ilmeenayaan.
Waxaan ku iri –hooyaday
iyo aabahay ha lagugu furtee- maxaad la oonaysaa?? Ma Jacfar iyo
labadiisii saaxiib ayaa dhibaato soo gaartay?. Wuxuu Rasuulka (scw)
“HAA.., oo maanta ayay shahiideen”. Markay hadalkaasi uu yiriba waxay
farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay naxdin iyo walbahaar. Caruurtii
yaraa ee faraxsanaa markay maqleen oohinta hooyadood waxaa ka soo haray
degganaansho lagu hareeyay tiiraanyo daran.
Ducada Rasuulka
(scw) ee Jacfar
Hase ahaatee, Rasuulka
(scw) wuu iska tagay isagoo iska masaxaya ilmadii buuxisay labadiisii
indhood, wuxuuna lahaa waqtigaas iyada ah hadallo macnihiisu ahaa
“Allahayoow waxaad Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan,
Allahayow qoyska Jacfar baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxuu yiri
“waxaan Jannada ku arkay Jacfar oo leh labo garbood oo dhiig leh..”.
Haa, Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku abaaliyo Jacfar darajadaas
qiimaha badan, waxaana halkaas ku dhammaatay sheekadii Saxaabigii
jaliilka ahaa ee Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Allaah uga baryayno
inuu u naxariisto, kana raalli noqdo aamiin aamiin aamiin.
Su'aalo ku saabsan Saxaabigan ka akhri halkan...