CUMEYR BINU WAHAB
(5)
Cumeyr wuxuu ka mid ahaa
dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag
kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u
galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan
wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa,
waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga
iyo asxaabtiisa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax barqin ah ayaa wuxuu
Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u
barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu
Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan
isagoo ku yiri "Subax wanaagsan". Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax
wanaagsan Cumeyroow". Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen
jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la
qafaashay oo ay qafaasheen Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga
sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku dhintay dagaalka, dabadeedna lagu
guray ceelkii weynaa dhexdiisa. Safwaan ayaa hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi
kheyr kuwaa gadaashood ma ahaanin". Cumeyr ayaa u celiyay "Haa oo waa runtaa".
Wax yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr ayaa yiri "Haddayan jirin deyn
laygu leeyahay oo aan cid iga gudda aan jirin iyo caruur aan uga cabsanayo
caydh iyo dayac-darro, waxaan aadi lahaa Muxammed si aan u soo dilo". Wuxuu
haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada ay heestaan wiilkayga ayaa sabab
iiga dhigayso inaan saa yeelo". Safwaan ayaa hadalkii ka faa’iidaystay oo
wuxuu Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan koowaad’e deynta lagugu leeyahay
annigaa dusha saartay oo anaa kaa gudaya, tan labaad ee ah ciyaalka, aniga
ayaa kuu kafaalo qaadaya noloshooda oo waxay wax la wadaagayaan caruurtayda,
waayoo maalka iyo hantida aan haysto ayaa ku filan dhammaantood raashinka ay
cuni lahaayeen".
Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay oo wuxuu Safwaan ka codsaday in
hadalkani uu ahaado qarsoodi, Safwaana wuu ogolaaday. Cumeyr wuxuu ka
dhaqaaqay meeshii uu fadhiyay ee Kacbada, isagoo cadaawad iyo xiqdi aad u
weyn u haya Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa.. Cumeyr wuxuu u diyaar garoobay
sidii uu u fulin lahaa ballantii uu qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo
gaadiidkii uu ku safri lahaa. Dhinaca kale wuxuu xirtay seeftiisii sunta
marsanayd.
Cumeyr wuxuu u safray magaalada Madiina isagoo doonaya inuu soo dilo
Rasuulka (scw), markii uu yimi magaaladii, wuxuu aaday dhinaca Masjidka,
halkaasoo uu joogay Rasuulka (scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u dhow
iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay Cumar Binu Khadaab oo markaa la fadhiyay
qaar ka mid ah Asxaabta, iyagoo ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo
wacdarihii ay ku dhigeen gaalada sida qafaalka ay qafaasheen qaar ka mid ah
gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida uu Ilaah ugu manaystay gargaar aad
u weyn. Cumar Binu khadaab ayaa wuxuu deymooday dhinaca Masjidka, isla
markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu Wahab oo ka soo degaya ratigii uu fuulnaa,
isagoo sita qalabkii dagaalka. Cumar ayaa intuu soo booday yiri isagoo
argagaxsan " Eygan waa cadawgii Alle ee Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan
shar ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku yiri raggii uu la fadhiyay "La socda
marka uu u galayo Rasuulka (scw) idinkoo ku hareeraysan, kana digtoonaada
inuu dhakro ama dilo Rasuulka (scw)".
Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u galay Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii
Ilaahayow waxaa yimi Cadawgii Alle ee Cumeyr Binu Wahab isagoo xidhan
seeftiisii sumeysnayd, u maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn Shar".
Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii soo geliya". Haddaba, Cumar wuxuu soo aaday
Cumeyr isagoo qabtay khamiiska uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu kula
xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula yimi Rasuulka (scw). Kolkii uu arkay
Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow".
Rasuulka wuxuu Cumeyr ku yiri "ii soo dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo dhowaaday
Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".
Cumeyr Binu Wahab wuxuu u soo galay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri isagoo
salaamaya Rasuulka "Subax wanaagsan". Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay "Ilaah
wuxuu nagu maamuusay salaan ka kheyr badan salaantaada, waana salaanta ay
isku salaamaan Ahlu-jannaha. Cumeyr wuxuu yiri " Wallaahi adigama kama fogid
salaanteena. Intaa ka dib Rasuulku (scw) wuxuu Cumeyr weydiiyay sababta uu u
yimi, Cumeyrna wuxuu yiri " waxaan u imi inaad ii soo deysaan wiilkayga oo
aad igaga qafaalateen dagaalkii Badar. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay waxa ku
xanbaaray inuu seefta wato, haddiiba uuba saa u yimi.. Cumeyr wuxuu yiri "inkaar
Allaha ku rido seefo oo dhan, waayo maxay noo qabatay oo tartay dagaalkii
Badar.
Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu u sheegay sababta uu u yimi inay ahayd inuu
dilo Rasuulka (scw), arrinkaasna waxaa loogu sheegay si waxyi ahaan. Wuxuu
Rasuulka (scw) Cumeyr ku yiri "Adiga iyo Safwaan ayaa waxaad fariisateen meel
u dhow dhagaxii ku ag yiillay Kacbada, dabadeedna waxaad isku soo qaaddeen oo
aad ka wada hadasheen dadkii gaalada ahaa ee lagu laayey dagaalkii Badar.
Adigaa waxaad tidhi haddii ayan jiri lahayn deyn laygu leeyahay oo aan jirin
cid iga gudda, iyo ilmo aan uga cabsanayo ceydh iyo gaajo inay u dhintaan,
waxaan u kicitimi lahaa sidii aan u soo dili lahaa Muxammed (Rasuulka scw).
Hase ahaatee Safwaan ayaa kaa xanbaaray deyntaada iyo ciyaalkaaga si aad
anniga ii disho, laakiin Ilaah ayaa iga kaa ilaaliyay". Cumeyr afkuu kala
qaaday oo waxaa ka soo haray fajac iyo yaab, dabadeedna isagoo aan hadal kale
odhan ayuu yiri "Waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Ilaahay.
Cumeyr Waa Muslim:
Cumeyr wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri: "Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahayn
kuwii kugu beeniya waxyiga xagga samada lagaaga soo dejiyay (waa qur’aanka),
hase ahaatee arrinkan aad hadda ka warantay ee ahaa wixii aan ku wada
hadalnay anniga iyo Safwaan cid aan labadeyda ahayn ma ogeyn. Wallaahi ayaan
ku dhaartay waxaan yaqiinshay inuusan warkan kuu keyn axad aan ka ahayn
Ilaahay. Waxaa mahad iska leh Allihii i waafajiyay inaan kuu imaado, si
markaas aan u qaato Diinta Islaamka. Cumeyr wuxuu ku dhawaaqay shahaadada,
sidaasna ayuu ku islaamaay.
Muslimiintii oo ku farxay islaamiddii Cumeyr. Nebiga (scw) wuxuu asxaabta
amray inay Cumeyr baraan Diinta iyo barashada qur’aanka, isla mar ahaantaana
ay u sii daayaan wiilkiisa Wahab. Muslimiintii si aad ah ayeey ugu farxeen
islaamidda uu soo islaamay Cumeyr, ilaa uu Cumar Binu Khaddaab (rc) ka
yiraahdo "Doofaar ayaan ka jeclaa kolkuu Cumeyr u galayay Rasuulka!, laakiin
maantase waxaan ka jeclahay qaar ka mid ah caruurtayda. Wixii intaa ka
danbeeyay Cumeyr wuxuu baran jiray Diinta Islaamka, isagoo markaasna
laabtiisa ku buuxinaya iftiinka qur’aanka. Cumeyr waxay la ahayd maalmahaas
uu baranayay qur’aanka maalmihiisii ugu qaalisanaa intuu noolaa, taasoo
hilmaansiisay magaaladii Makka ee uu markii hore ka yimi iyo dadka ku noolba.
Dhinaca kale Safwaan wuxuu ahaa kii naftiisa ugu sheekeeya yiddidiilooyin,
aan waxna ka jirin, isagoo dadka ku oran jiray "ku bishaareysta khabar weyn
oo idin hilmaasiisa dhacdadii dagaalkii Badar. Hase ahaatee markii ay ku
dheeraatay Safwaan maqnaashaha Cumeyr, ayaa wuxuu bilaabay welwel iyo walaac;
isagoo weydiin jiray socotada ka soo gasha magaalada Madiina. In kastoo oo uu
saas ahaa, haddana ma uusan heli jirin wax jawaab ah oo shaafisa. Maalintii
danbe ayaa waxaa magaaladii yimi nin, kaasoo sheegay inuu Cumeyr islaamay.
Safwaan, khabarkaas waxay ku noqotay mid lama filan waa’. Waayo, Safwaan
marnaba ma filanaynin in Cumeyr uu islaami doono, haba islaamaan’e waxa
dunida jooga oo dhan.
Cumeyr wuxuu isaga jiray barashada diintiisa iyo xifdinta quraanka, ilaa
uu uga yimi maalintii danbe Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii
Ilaahayoow waxaa tagtay muddo fara badan oo aan ahaa kii demiya Nuurkii Alle,
isla mar ahaantaan aad u dhiba oo u cadaadiya wixii sheegta Islaamka (muslimiinta).
Sidaa darteed waxaan jeclaan lahaa inaad ii idinto inaan aado magaaladii
Makka, si aan Qureysh ugu yeedho Diinta Islaamka. Haddii ay iga yeelaan waa
sidii wanaagga badnayd, laakiinse haddii ay iga diidaan waan dhibi oo
cadaadin sidii aan markii horeba u cadaadin jiray Muslimiinta. Nebiga (scw)
wuu u fasaxay Cumeyr inuu qabto magaalladii Makka.
Cumeyr wuxuu u safray magaaladii Makka, wuxuu u tegay ninkii saaxiibada ay
ahaayeen ee ahaa Safwaan gurigiisa, wuxuuna ku yiri "Safwaanow waxaad ka mid
tahay madaxda qureysh, sidoo kale waxaad caaqillada qureysh ee caqliga leh.
Haddaba, ma waxay kula tahay waxa aad ku sugan tihiin ee ah cibaadada aad
caabudaysaan dhagaxyada iyo gowraca aad u gowracaysaan sanamyada in ay
caqliga uu yeelayo in uu waxani diin yahay. Haddaba anniga waxaan qirayaa In
uu Illaah Alle yahay, Muxammadna yahay Rasuulkii Alle. Wixii intaa ka
danbeeyay Cumeyr wuxuu dadka ugu yeeri jiray Diinta Islaamka ilaa ay
gacantiisa ku soo islaameen khalqi aad u fara badan. Illaah ha weyneeyo
abaalmarinta Cumeyr, qabrigiisna Allaha nuuriyo Aamiin.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin May 15, 2000