Qore: Ibrahim Salah Aden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com |
Odense| Denmark
CABDIRAXMAAN BINU CAWF
"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf
(6)
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama,
wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo
dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo
bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc).
Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo
Rasuulka (scw) uu noolaa.
Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa
Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo
galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca
Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin
daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq
labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala
kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula
kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay.
Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba
Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo
kalena wuu la yimid.
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida
isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo
idmay inay u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka
mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la
socotayba markay yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay
Muhaajiriintii ka soo haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd
magaalada Madiina.
Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga
dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu
Cabdiraxmaan ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan
magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo
labo xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado,
xaasaskaygana tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato".
Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo,
laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu
guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu
meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher
ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu
Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha
ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw)
waa la aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal
qabeen ah.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (scw) kala qayb galay dagaalo badan.
Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay
goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la
oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah
ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar
ka mid ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey
Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.
Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo
bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw)
oo doonaya inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku
leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan
ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay
gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu
haystay maalintaas waxay gaareysay 4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka
(scw) isagoo ku yiri: "labo kun waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena
waxaan u soo dhaafay ciyaalka".
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka
aad bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday
duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado
intuu noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan,
waayo ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo
gaadiid badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna
waxay ahayd sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya
maalmo. Iyadoo intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa
Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan
dagaalka, iyagoo ka codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo
qarashka ku baxa safarka, Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan
wax dhaqaale ah.
Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo,
murugo daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada
lagu aadayo duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa
wixii ka danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka
galayna waxaa iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay
arrintu halkaa mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda
wax ka bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan.
Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay
maalkooda uga saddaqeystaan.
Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf.
Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo
markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay
denbi, waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".
Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah
reerkaaga ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan u soo
dhaafay wax ka badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa
misna yiri: "waa imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah u yaboohay
oo risqi iyo kheyrba ah". Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka,
halkaana wuxuu Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku
maamuusin mid ka mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda,
markaa iyada ahna Rasuulka (scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay
muslimiintii, markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka
(scw), ka dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.
Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe
(sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan
u maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu
geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka
mu’miniinta, waa xaasaskii Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray
danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray,
haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u
qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano,
dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay
haweenka Nebiga (scw) ku qabeen Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka
Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey,
in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna
uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu
Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta
muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw). Cabdiraxmaan markii uu diray
maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc), ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan: "Rasuulka
(scw) wuxuu haweenkiisa ku yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda aan ka
ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah mooyee".
Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u
duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka
noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo
safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka
kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay
dadku u baahan yihiin.
Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay
Caa’isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna
oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri
hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada
gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yiri Caa’isha (rc)
hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka
saaran oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".
Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka
iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u
bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar
oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan.
Dhinaca kale wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar
iyo 500 oo gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu
Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.
Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in
la siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay
lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u
dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn
jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada
ku taal ee la yiraahdo SALSABIIL".
Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii
dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan,
haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay
maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga
tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.
Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa
80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw)
uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn
Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex
saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin
maalmaha ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay,
markaasuu yiri: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr
isagoo iga kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn
maro yar oo haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan
lugihii kafanta ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.
Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in
abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu
bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa
Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu
bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas,
waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu
ka raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii
usoo halgantay diintan Ilsaamka aamiin.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin May 22, 2000
CASHARKA
HORE |
CASHARKA
XIGA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|