SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Garoowe: Urur ay Leeyihiin Dadka Sonkorowga Qaba oo La Furay...

Waxaa magaallada Garoowe laga furay xarunta Bukaanka Sonkorowga Qaba ee Soomaaliya (Somali Diabetes Association) maalintii Jimcaha ee bisha February ahayd 23-ka ee sanadkan 2008-da,.

Furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Haweenka & Arrimaha qoyska Caasha Geelle Diiriye, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Maymuun Cabdi Ducaale, Xildhibaan C/rashiid Maxed Xirsi, Xildhibaan Bashiir C/casiis Cumar, Agaasimaha Guud ee WWB Max'ed Jibriil Yuusuf (Gorayo-Haaneed) iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wakiiladda & Golaha Xukuumadda.


Xildhibaan Axmed Siciid Muuse

Halkaas waxaa hadallo ku saabsan Cudurka Sonkorowga calaamadihiisa, dhibaatooyinka uu dib ka geysto iyo sida loola tacaali karo ka soo jeediyey Aasaasaha ururka Xildhibaan AxmedBarre Siciid Muuse oo sheegay in ururka uu u aasaasay in dadka sonkorta qabaa ay helaan wacyigelin, tababarid iyo daaweyn ku aaddan sidii bukaanka cudurka qabaa ula tacaali lahaayeen.


Caasha Geelle Diiriye

Waxaa kaloo hadalo wax-tar leh ka soo jeediyey Wasiir Caasho Geelle Diiriye, Agg Maxed Jibriil, Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka sh Siciid Axmed Faarax, Wasiirkii hore ee arrimaha diinta Sh CaliNuur iyo masuuliyiin kale oo badan kuwaasoo ku dheeraaday baahidda hadda taagan ee loo qabo in urukan la furo maadaama hadda cudurka sonkorowgu uu ku socdo xawli aad u badan.


Cumar Shariif

Waxaa kaloo munaasabadaas ka Hadlay Mulkiilaha shirkadda Humancare Cumar shariif oo sheegay in uu ugu deeqayo bulshada qabta cudurka sonkorowga Mishiinadda lagu cabiro dhiigga oo lacag la'aan ah isla markaasna uu keeni doono Strip-ka oo qiimihiisu jaban yahay.


Gudoomiye Axmed Cali Xaashi

Ugu dambayntiina waxaa si rasmi ah xafladii u xiray Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay furitaanka ururkana kana codsaday hawlwadeenada ururkan in ay dardar geliyaan caawinta ummadooda, wuxuu kaloo gudoomiyuhu sheegay in uu isagu markii uu maqlay abaabulka ururka uu la soo xiririiray shaybaarka ururka uuna baaray macaanka dhiigiisa loona sheegay in uusan cudurka qabin laakiin uu taxadar sameeyo.

Waxaa kaloo ururku soo bandhigay himiladiisa, waxqabadkiisa Iyo yoolka uu hiigsanyo waxayna u qornayd sidan:

Ururka Bukanka Sonkorowga ee Soomaaliya(SDA).

22 February 2008

Himilo Ururka : (Vission)

Himiladda Ururka Bukaanka sonkorowga ee soomaaliya (SDA) waxay tahay in uu hogaamiyo ka hortagga & maaraynta sonkorowga ee Soomaaliya & geeska afrikaba.

Waxqabad Ururka : (Mission).

SDA wuxuu ku gaari doonaa himiladiisa:

  •  Wacyigelin
  •  Tababarid.
  •  Xog faafin.
  •  Daraasad samayn
  •  Diyaarin xirfadlayaal heegan ah.

Lama-dhaafaan Ururka: (Core Values).

SDA wuxuu rumaysan yahay in sonkorowgu aanu ahayn xayndaab ka hor istaagaya bukaanka qaba in uu si caadi ah u noolaado, Adeeg kasta oo uu qabanayo SDA waxaa udub-dhexaad u ah:

  •  Adeeg Bini-aadaminimo oo Daacadnimo ku dhisan.
  •  Sinaan keenta Xanaano hagaagsan, iyadoon qofna loo fiirinayn Lab & Dhedig.
  •  Xisaabtan- SDA wuxuu fulinayaa balanqaad kasta oo uu u sameeyey xubnahiisa oo waafaqsan himiladiisa.
  •  Wadaag- SDA wuxuu wakiil ka yahay xubniisa oo dhan si aan kala sooc lahayn.
  •  SDA wuxuu baritaarayaa xubnihiisa si ay kor ugu qaadaan tayada xanaanadooda, ugana qaybqaataan fahamka iyo horumarinta dawrka SDA.
  •  Xilkasnimo- SDA Wuxuu isu-xilqaamayaa yaraynta khilaafyada iyo is-faham xumada xubniisa, isagoo kor u qaadaya xiriiradda qaybaha kala duwan, faafinayana fariimaha ku haboon, una diraya dadka ku haboon, waqtiga ku haboon.

Yoolka Ururka : (Goals).

SDA yoolka uu hiigsanayaa waa in bukaanka sonkorowga qabaa ay helaan:

  • 1. Daawadda ku haboon oo loo dheelitiro, iyagoo ku helaya qiimo ay awoodi karaan.
  • 2. Fududaynta helida Qalabka barista oo ay awoodi karaan qiimihiisa & Isticmaalkiisa.
  • 3. Dhakhaatiir khibrad leh & cunto-yaqaano ka caawiya maaraynta noloshooda.
  • 4. xiriir ay la yeeshaan addun-weynaha si ay ula wadaagaan horumarka sida xawliga ah ku socda ee maaraynta sonkorowga.
  • 5. Xog-is-dhaafsi xubnaha dhexdooda ah, kuna saabsan khibradda ay is-dheer yihiin.
  • 6. Talooyin sugan oo suuro gelinaya in bukaanku maareeyo cuntadiisa, jimicsigiisa & Daawadiisa.
  • 7. Buugaag ku qoran afka-soomaaliga si ay u helaan Aqoon ku saabsan cudurka sonkorowga sida loola tacaalo & sida looga hortago raadadka-xun ee uu reebi karo.
  • 8. taageero daawo oo ay helaan bukaanka dhaqaale ahaan aan awoodin iibsashada daawooyinka lagama maarmaanka u ah noloshooda, iyadoo loo marayo barnaamij deequruurin ah oo ururku samaynayo.
  • 9. Web-Page ay ka dheehan karaan xogaha SDA faafinayso, kuna soo dirsan karaan fariimohooda meel kasta oo ay joogaan.

Qaabdhismeedka Ururka:

Ururku wuxuu ka koobnaanayaa:

  • 1. Gudoomiye, gudoomiye K/xigeen iyo Gole fulin oo ay dooranayaan xubnaha BOD-ku.
  • 2. Xubnaha golaha fulinta waxay yeelanayaan qaybo kala duwan.
  • 3. BOD-ka waxaa dooranaa xubnaha golaha dhexe.
  • 4. SDA wuxuu yeelanayaa Xubno hawl-wadeeno ah oo golaha fulintu shaqaalaysiinayo.

NB:

· ururku wuxuu yeelanayaa astaan u gaar ah oo ay soo bandhigi doonaan golaha fulintu.

· Kala-Qeexidda shaqada iyo wadashaqynta waxaa lagu soo saari doonaa xeer ay soo saaraan golaha fulintu.

· Magaca ururku wuxuu weli ku jiraa xulasho, qof allaale qofkii haya magac ku haboon wuxuu u soo gudbiyo golaha fulinta.

Marka walaal adigu warkan tafaftir oo iga sax-sax. Midda kale ogeysiis aan bixin oo meel kore ku yaal samee kuna qor : La xiriir Ururka Sonkorowga Soomaaliyeed somalidiabetes@gmail.com  tel:2525794432 Contact Person: Ahmedbarre Said Muse

Sawiroo xafladda:


Max'ed Jibriil Yuusuf (Gorayo-Haaneed)


Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 2, 2008

MACLUUMAAD KUSAABSAN SONKOROWGA... AKHRI...

 SONKOROWGA | JABTADA | NAASNUUJIN | WARAABOWGAAIDS | KOLEERAHA |


bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com