Qureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in
ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday,
dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fideyso,
dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay
Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis
Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi
Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow
waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka
horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad
adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo
kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku
dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo
wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo,
ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro,
marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay
odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo
tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW
oo ku yiri "adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i
yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood
u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka SCW markuu dhegaystey
fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka
soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo
garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri
"adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago
arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah
baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay
weligiis e iska noqdo".
Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo
ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta
adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga
haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka
kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo
ku yiri "adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso
awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee
amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna
bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas".
Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib
inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi
Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku
sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan
ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku
dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah
wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga
laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa
haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku
ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana
waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu
Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican,
marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba",
Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri "ma waxaad iigu
timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan",
meeshiina waa lagu kala tegey.