Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi
Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari
waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii
xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka
dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay,
ayey waxay go'aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan.
Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la
hadlay oo ku yiri: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed
samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo
maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba
ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya
intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin,
markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i
difaaca", dadkii qureysh waxay dheheen "waa ku difaacaynaa
abal-xakam".
Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay Rasuulka SCW oo
tukanaya markaasuu dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay si
uu u fuliyo go'aankiisii, sidii loo dhowrayey inuu
ficilkiisii fuliyo ayuu gadaal gadaal u soo boodey,
markaasaa la yaabay oo la yiri "maxaa kugu dhacay", wuxuu
yiri "waxaan arkay neef rati ah oo weligey wax luquntiisa oo
kale leh aanan arag, anigana igu soo dhaqaaqay", Rasuulka
SCW wuxuu yiri "kaasi malaku Jibriil buu ahaa, hadduu
Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dafi lahaa".
Sidoo kale ninka la yiraahdo Cuqbata ibnu abii Muceydh
ayaa maalin arkay Rasuulka oo kacbada ku tukanaya, markaasuu
inta mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku ceejiyey,
markaasaa Abuubakar al-siddiiq meeshii yimid oo ka qabtey
kuna yiri "ma waxaad dileysaan nin yiri Rabbigey waa Allaah",
markaasey qureyshtii meesha joogtey Abuubakar ku jeesteen oo
rifeen. Abuubakar waxaa meesha laga qaaday isagoo tacbaan
ah.
Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in markey wax
walba oo ay sameeyeen ku joojin waayeen Ilaahay diintiisa
afna wax uga qaadi waayeen ay gacan ula tageen Rasuulka SCW
iyagoo ay ujeeddaddoodu tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW
oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese waa diiday.