SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 17aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIB

Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.

 Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri "haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd", Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan. 

Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri "iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye", iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.  

Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yiri "wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay", sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.

Daabacad: 2001-11-16  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD