Rasuulka SCW markuu arkay in reer Makka ay xaqii qaadan
la'yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu
bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kale duwan ka
imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii
Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW
kama suulin inuu dadkaas dacwada gaarsiinayo.
Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la oran jiray Suweyd ibnu
saami oo ahaa nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada
Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase
yeeshee Suweyd wuxuu ku jawaabay: "Waxa aad taqaanno aniguba
waaan aqaannaa". Rasuulka SCW wuxuu yiri: "maxaad taqaanaa?",
Suwedna wuxuu yiri: "waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan".
Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: "akhri', Suweydna, wuxuu
akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu
ka dhegaystay ayuu ku yiri "warkaad sheegayso waa wanaagsan
yahay laakiinse waxaan hayo ayaa ka wanaagsan waana qur'aan
Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah". Nabigu SCW
qur'aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey. Suweyd markuu
dhegaystay wuxuu yiri: "waa war wanaagsan wuuna islaamay,
markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.
Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa dadkii degganaa
agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul
Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis oo uu ku
yiri: "u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen". Ninkii
markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: "waxaan soo arkay nin
dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya". Abii-dar
warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu aadey
Makka isagoo doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.
Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu degay Xaramka biyaha
Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii
dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Dhaalib, markaasaa Cali
la hadlay oo ku yiri: "waxaa la arkaa inaad soo galooti
tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay "haa", Cali wuxuu
yiri "soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay
oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma uusan sheegan,
Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen.
Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr
markaasuu ku yiri: "wali arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?"
Haa ayuu yiri Abii-Darr, markaasuu Cali yiri, nakici
Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yiri,
maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan?
Markaasaa Abii-Darr yiri: "waan sheegayaa haddaad ii
qarinayso". Calina wuxuu yiri: "waan kuu qarin". Abii-Darr
dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yiri: "waad heshay,
halkaasaan gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid
aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska
dhigayaa sidii wax kabta hagaasanaya, ee adigu iska gudub".
Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay.
Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yiri,
Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu
Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yiri: "Iska tag oo
carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan
guulaysanay". Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri,
Ilaahii xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh
kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay
Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: "Qureysheey
waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan jirin,
Maxammedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii". Qureysh
markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo
leh "kan iishay qabta", wayna garaaceen. Waxaa markaa u
yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudhalib, kuna yri:
'war hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma
idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan".
Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr mar
kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yiri, iyaguna sidii
oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka
qabtay oo sidii ooo kale ku yiri. Dabadeedna Abii-Darr wuu
iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.
Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo islaamay waxaa ka mid
ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka
dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan yimid Makka ayuu
maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo
ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run mooday
hadalkaas wuxuu yiri: "waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda
ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo". Dammaan Rasuulka
SCW ayuu u yimid oo ku yiri: "Maxammed dabaysha ayaan ku
tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in
Ilaahay kugu caafiyee". Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan
maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa
Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka soo
galootiga ha. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana
baaraan ee wixii lagu yiraahdo ayey iska qaataan. Islaamkuna
sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska
rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.
Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii isagoo ku
furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska
leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana
dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa
naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah
hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu
baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in
Allaah keliya mooyee uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu
yahay, shariikna uusan lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in
uu Maxammed yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Dammaan
markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka
buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu
aysan ahayn sidii lagu yiri, markaasuu yiri "iigu cel".
Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka ayuu
qaatay, wuxuuna yiri "hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay
weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.