Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay mawaasimtii xajka ee
uu dacwada gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer
Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala ahaa: Ascad binu
Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu
Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu Cabdullaahi binu
Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo
Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid oo dacwada
gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri:
Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox reer Khasraj ah ayaan
nahay. Wuxuu yiri: waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa.
Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla hadlee? Waxay
dheheen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka,
wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna
waqtigaasi ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo soo
diriddii Rasuulka SCW.
Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina waxaa wada
degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud
ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo waxay
ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin
asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii
mas'alo diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda.
Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono
Nabi diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo
ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono
iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka
SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen
inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay
ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen
Madiina dacwadii islaamka