Markii ay Madiina ku laabteen lixdii nin ee reer Madiina
oo Islaamka qaatay waxay ay diinta Islaamka gaarisiiyeen
dadkoodii reer Madiina. Dabadeedna waxay Makka ku soo
laabteen xajkii dambe oo ahaa sannadkii 12aad ee soo
dirriddii Rasuulka SCW iyagoo ah 12 nin (lixdii hore shan ka
mid ah iyo toddoba cusub oo kala ah: Mucaad binu Xaarith,
Dakwaan binu Cabdul Qays, Cubaada binu Saamit, Yasiid binu
Thaclabah, Cabbaas binu Cubaada, Abuu Haytham binu Tiihaan
iyo Cuwaym binu Saacida; dhammaantoodna waxay ahaayeen reer
Khasraj labada dambe maahane. Waxayna Rasuulka SCW kula
shireen waqti habeennimo ah, si qarsoodi ah, meesha la
yiraahdo Caqaba oo ku taalla Muna. Maxaa yeelay qureysh ma
arki karin Nabiga SCW oo la shiraya dad Makka dibaddeeda ka
yimid waayo waxay ka baqayeen in dadkaasi rumeeyaan oo uu
aado ka dibna uu Makka ku soo duulo sidii dhacday markii
dambeba.
Rasuulka SCW wuxuu ka qaaday 12kii nin ee reer Madiina
beyco (ballan adag), wuxuuna ku yiri "igula mubaayacooda in
aydan Allaah u shariik yeelayn, wax xadayn, sineysaneyn,
carruurtiina dileyn, been abuurashana samaynayn, wanaaggana
igu caasineyn", iyaguna waa aqbaleen. Wuxuu Rasuulka SCW ku
yiri: "haddii aad gudataan janno ayaad leedihiin, haddiise
aad khiyaantaan waa la idin ka abaal marin, waxayna idiin
tahay kafaaro, haddii la idiin asturo ilaa qiyaamaha
amarkiinu xagga Alle ayuu ahaaday, haduu doono wuu idiin
cadaabin, hadduu doonana wuu idiin dhaafin". Iyaguna waa
yeeleen oo sidaas ayay Rasuulka SCW kula mubaayacoodeen.
Waxayna beycadaani waafaqsan tahay oo ay isku kalmado yihiin
beycadii uu Nabiga SCW heshiiskii xudeybiya la galay dumarka
taasoo ay tilmaantay suuratul-mumtaxina.
Ka dib markii beycadaas iyo ballaantaas la kala qaatay
waxay Rasuulka SCW ka codsadeen inuu ku daro nin daaci ah oo
inta islaamtayna islaamka bara, inta kalena dacwada islaamka
gaarsiiya. Rasuulka SCW wuxuu markay bexeen ka daba diray
Muscab ibnu Cumayr oo aan hore u soo tilmaannay. Muscab
madiina ayuu tagay wuxuuna ku degay guri uu lahaa Ascad ibnu
Suraara oo raggii ka mid aha. K a dibna isaga iyo Ascad ayaa
ka hawl galay Madiina oo dacwada wada faafin jirey, marba
xaafad ayeyna tegi jireen. Maalin ayey waxay yimaadeen oo ay
dacwada ka faafinayeen xaafad ay degganaayeen laba reer oo
la kala oran jirey: Bani Cabdil-asham iyo Banii Dufur (oo
reer Aws ahaa), geed bayna hoos fariisteen iyagoo
dacwadoodii gudanaya, markaasaa dadkii xaafadda degganaa ku
soo urureen iyagoo dhegaysanaya.
Ka dib iyagoo dadkii wacdinaya ayaa waxaa arkay laba oday
oo labadaan reer odeyaal u kala ahaa, markii dambana
islaamka magac weyn ku yeeshay. Labadaas nin oo la kala oran
jirey Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr aad bey u
caroodeen markay arkeen labada nin oo dadkoodii shirinaya.
Sacad ayaa markaa Useyd ku yiri "Ascad wax kale guryahayaga
waxaa uga samayn maayo ee qaraabada aan nahay ayuu og yahay
ee orod Useydow u tag oo nimankaas shaqo ka qabo". Useyd
ayaa markaas ku soo dhaqaaqay isagoo caraysan oo warankiisii
wata. Ascad ayaa la hadlay Muscab oo ku yiri "ninkaas soo
socdaa waa odaygii ciddayada ee adigay ku jirtaa sidaad ula
hadli lahayd'.
Useyd markuu meeshii yimid ayuu isagoo caraysan wuxuu
yiri 'maxaad waxa aannaan raaliga ka ahayn uga faafinaysaan
guryahayaga, ma waxaad rabtaan inaad ku ciyaartaan dadkayaga
wax ma garatada ah caqligooda, haddii aydan meesha ka tegin
wax kale ayaad arkeysaan". Muscab binu Cumeyr, oo ahaa nin
aad u maskax badan, Rasuulka SCW uu u soo doortay arrintaa,
si tartiib ah ayuu ula hadlay Useyd oo wuxu ku yiri "ma la
arkaa inaad fariisato oo aad i dhegaysato oo haddii ay ku
anfacaanna aad qaadatid haddii kalena aan kaaa tagno', Useyd
oo ahaa nin odey ah oo akhyaar ah wuxuu ku jawaabay "waayahay
waan ku dhegaysanayaa". Muscab dacwadii ayuu gaarsiiyey oo
Ilaahay aayaatkiisii ayuu ku dul akhriyey. Useyd intii
qur'aanka lagu dul akhrinayey ayuu wejigiisu is beddelay,
markii aayaatkii la dhammeeyeyna wuxuu yiri "sidee buu
diintaan u soo glaa qofkii doonaya?", Muscab wuxuu ugu
jawaabay "waad soo qubeysanaysaa ka dibna tawxiidkaad
qireysaa", Useydna sidaas ayuu yeelay, markuu islaamayna
wuxuu yiri "nin odey ah ayaa ila socday oo hadduu islaamo
qabiilkiisa oo dhammi ay islaamayaan waana idiin soo
dirayaaye la hadla". Useyd markuu ku laabtay Sacad ayaa
Sacad yiri "ka warran meeshii", Useyd wuxuu yiri 'wax dhib
ah kuma arag waana la hadlay, laakiin ninka la yiraahdo
Ascad oo aad ilma habreedka ahaydeen waxaa u dhaaranayey
jilibkaagii". Sacad markuu intaa maqlayba wuxuu soo aaday
meeshii, markuu yimidna wuxuu ogaaday in meesha wax dhib ahi
ka jirin ee isaga loo soo dirayey, markaasuu ku yiri Ascad "waxaad
arrintan ug awaddo xaafadahayaga waa qaraabada aan nahay
darteed sow maaha". Muscab ayaa markaa la hadlay oo ku yiri
hadlalkii uu Useyr u yiri oo kale, Sacadna wuxuu ku jwaabay
sidi Usery u jawaabay oo kale. Markuu dhegaystay
qur'aankiina wuu islaamay.
Sacad galabkii ayuu shiryey qabiilkiisii Aws oo dhan
wuxuuna ku yiri "maxaad igu taqaaniin", waxay yiraahdeen "waxaan
kugu naqaanna wanaag iyo inaad tahay kan noogu fiican"
markaasuu yiri "haddii aydaan islaamin salaantiinnu xaaraam
bay iga tahay", halkaas ayey markaas dhammaantood ku wada
silaameen rag iyo dumarba hal nin oo isna dagalkii Uxud
islaamay mooyee.
Muscab ibnu Cumeyr Alle ha ka raali noqdee wuxuu halkaa
ku noqday macallinkii reer Madiina, dacwadii ay halkaas ka
wadeen isaga iyo Ascadna waxay gaartay heer aad u sarreeya
ilaa ay reer Madiina badankood islaameen. Dabadeedna xajii
dambe ee sannadkii 13aad ee soo diritaanka Rasuulka SCW wax
yar ka hor ayu muscab ku soo laabtay Makka isagoo Rasuulka
SCW ugu bishaareynaya islaamka reer Madiina meeshuu marayo
iyo guulaha ay dacwadu gaartay.