Markuu Rasuulku SCW amray in loo hijroodo Madiina oo noqotay
daartii islaamka loona hijrooday oo asxaabtii qof kasta
siduu ku bixi lahaa ku baxay, loogana dhammaaday Makka laba
bilood gudohood, laga soo bilaabo beycadii Caqaba 2aad oo
ahayd bishii Dul-xija sannadkii 13aad ee soo diriddii
Rasuulka SCW ilaa bishii Safar sannadkii 14aad ee soo
diriddii Rasuulka SCW, ahaydna bishii 2aad ee sannadkii 1aad
ee hijriga, uusanna Rasuulku SCW weli hijroon isaga,
Abuubakar iyo Cali, ayaa odeyaashii qureysheed waxay
ogaadeen in asxaabtii Rasuulka SCW ka wada bexeen Makka oo
Madiina isku urursadeen, reer Madiinana ay soo dhoweeyeen oo
ay raaceen Rasuulka SCW, isagana la filayo inuu u tago,
haddii uu u tagana ay arrintu khatar ku sugan tahay, oo ay
suurtowdo in dad badani raacaan oo uu xoogeysto ka dibna uu
Makka ku soo duulo, waxay markaa qabteen shir ay ka soo qayb
galeen odeyaashii qabiillada qureysh oo dhan, reer binu
Cabdimanaaf oo Rasuulku SCW ka dhashay maahane. Shirkaas, oo
ajendahalagu falanqeynayey ahaa go'aankii kama dambaysta
ahaa ee laga qaadam lahaa Rasuulka SCW, waxa la qabtay 26kii
Safar sannadki 1aad ee hijriga (sannadkii 14aad ee soo
diridda Rasuulka SCW).
Waxaa shirkaas lagu qabtay daartii la oran jirey
Daaru-Nadwa (ooahayd gurigii baarlamaanka qureysh ku shiri
jirey). Hoggaamiyayaashii Qureysheed ee halkaa isugu tegey
waxaa ka mid ahaa: Abii Jahal ibnu Hishaam Jubey Ibnu
Mudhcim, Ducayna ibnu Cadiyi, Xaarith Ibnu Caamir, Sheyba
ibnu abii Rabbiica, Cutba ibnu abii Rabbiica, Abuu Sufyaan
ibnu Xarbin, Ubay ibnu Khalaf, iyo Ummaya ibnu Khalaf, Nadar
Ibnu Xaarith, Abul Bakhtari Binu Hishaam, Samca binu aswad,
Xakiim Ibnu Xisaam, Nabiith Ibnu Xajaj, iyo walaalkiis
Munabih Ibnu Xajaaj.
Markii shirkii waqtigiisii la gaaray oo uu bilaabmay ayaa
waxaa soo galay sheydaan iska soo dhigay nin oday ah.
Markaas ayay dheheen "waa kuma ninkaan odeyga ha?",
markaasuu intuu hadlay yiri "waxaan ahay nin oday ah oo
dhinaca Najdi ka yimid, waxaanna maqlay shirka iyo meesha
aad ku ballaanteen, waxaan ahay nin ra'yi u saaxiib ah,
marka waan idin dhegaysanayaa waxaa la arkaa inaan ra'yi
idinku biiriyo". "waa yahay" ayaa loogu jawaabay.
Waxaa bilaabmay shirkii oo waxaa la yiri "waxaanu maanta
isug nimid mushkilaaddaan khatarta ah ee uu wado Maxammed,
welina dhexdeenna ayuu jooga, haddaba sidee baanu ka yeelnaa?".
Waxaa hadlay nin la oran jirey Abuu Aswad wuxuuna yiri "aan
musaafirinno oo ka fageyno waddankeenna, ka dibna aan isku
duubnideenna iyo wada jirkeenna xojinno mar hadduu
tafaraaruqiisu naga baxo". Odeygii lahaa Najdi ayaan ka imid
(sheydaan) ayaa hadlay oo yiri "maya, Ilaah baan ku
dhaartaye miyeydaan arag ninka faseexaddiisa,
codkarnimadiisa iyo sida hadalkiisa loola dhacayo. Ma aamin
baad ka noqoteen in qabiil ka mid ah qabiillada carbeed uu
raaco oo uu hadhow idinku soo duulo, beledkiinnana qabsado.
Ra'yi kale keena kaasi ra'yi maahane". Waxaa ku xigsaday oo
hadlay Abii Bakhtari wuxuuna yiri: "waa inaanu xabsi ku
ridnaa oo uu halkaas noogu jiraa ilaa uu ka dhinto. Sidii
gabayahanadii isaga ka horreeyeyba ay u dhinteen buu u
dhiman doonaaye". Odeygii (sheydaan) ayaa ka daba hadlay oo
yiri "haddaad xabsi gelisaan sow nimankii uu ka dhashay ee
reer Cabdimanaaf, oo awalba difaaci jirey, xanaaqi mayaan
lana safan mayaan wiilkooda oo aad xirteen". Dabadeed waxaa
hadlay mujrimkii ugu weynaa Abii Jahal oo yiri "anigu waxaan
hayaa ra'yi cid soo jeedisey aysan idinku jirin". Markaasaa
la yiri "muxuu yahay ra'yigaasi Abul-xakam?", wuxuu yiri "qabiil
kasta oo ka mid ah qabiillada aan meesha ku fadhino waa inuu
soo saaraa wiil dhallinyaro ah oo xoog leh geesina ah, ka
dibna wiilashaasi hal mar ha ku kulmiyeen seefaha (maxamed)
si aan dilkiisa hal qolo loogu raacan, ciddiisuna lama
dagaallami karto intaas oo qabiil oo kala duwan, magtiisana
waynu bixineynaa waana ka istareexaynaa'. Odeygii (shaydaan)
ayaa hadlay oo yiri "ra'yiga saxa ihi waa kaas oo aan la
dhacay waana in la fuliyaa". Ugu dambasyntii waxaa la isku
raacay oo la go'aansaday ra'yigaas, waxaana fulintiisa lo
xil saaray Abii Jahal binu Hishaam, Xakam ibnu Abil Caas,
Cuqba ibnu abii Muceyd, Samca ibnu Aswad, Ubay ibnu Khalaf,
Nadar ibnu Xaarith, Dhuceyma ibnu Cadiyi, Nabih ibnu Xajaja,
Munabih ibnu Xajaaj, Ummaya ibnu Khalaf, iyo Abi Lahab,
Raggaasi maalinkii oo dhan ayey khiddadii dejinayeen,
hawshiina kala habaynayeen waxayna go'aan ku gaareen in
caawo markuu Rasuulku SCW gurigiisa tago la hareereeyo,
markii habeenka aakhirkiisa la gaarana la miro oo laga
tahaluso. Hase yeehsee intay dabinkaas maleegayeen oo ay u
qabeen inuu u fudud yahay, Ilaahayna tiisa ayuu watay
wuxuuna qur'aankiisa ku yiri isagoo arrinta ka hadlaya:
((XUSUUSO (Rasuulkow) WAQTI KUWII GAALOOBEY AY KU
DHAGARSANAYEEN INEY KU DILAAN AMA KU BIXIYAAN AMA KU HAYAAN
(KU XIRAAN), WAYNA DHAGRAYEEN, ALLAAHNA WAA DHAGRAYEY,
WUXUUNA ALLE AHAADAY INTA WAX DHAGARTA KAN UGU KHEYRKA BADAN)),
(Suuratul-Anfaal 30).
Rasuulka SCW Rabbigiis ayaa u waxyoodey makrigoodii
waxaana la amray inuu isla habeenimadiiba baxo oo uu Madiina
u hijroodo. Wuxuu Rasuulku SCW isla maalinkiiba u tegey Abuu
Bakar Al-sidiiq waqti duhur ah. Markuu albaabka ku garaacay,
ayuu Abuubakar loo sheegay oo la yiri "ww Rasuulkii".
Abuubakar wuxuu yiri "Rasuulku waqtigan oo kale nooma imaan
jirin ee maanta arrin weyn ayaa jira". Markaa Rasuulku SCW
gurigii soo galay ayuu Abuubakar ku yiri "saar cidda kula
joogta", markaasuu Rasuulku SCW yiri "waxaa la ii idmay
inaan baxo". Abuubakar, oo ahaa nin kheyr jecel, ayaa yiri "Rasuulkii
Allow waxaan jeclahay saaxiibtinnimadaada ee aan ku raaco"
Rasuulkuna SCW wa ka aqbalay.
Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii. Markii
habeennimadii la gaarey ayey gurigii hareereeyeen raggii
rabey iney Nabiga SCW dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW
markii la gaaray saacadii uu bixi lahaa ayuu Cali ku yiri:
"seexo gogosheyda oo huwo maradii aan huwan jirey, waxba
kuma yeeli doonaane". Rasuulku SCW ka dib wuxuu soo dhex
maray safafkoodii markaasuu ciid madaxa uga wada shubay
(raggii), Ilaahna wuu ka indho saabay. Markii Rasuulkku SCW
baxay ayaa waxaa iyagii u yimid nin soo arkay Rasuukii SCW
wuxuuna ku yiri maxaad meesha ka dhowreysaan?", markaasey
yiraahdeen "Maxammed", wuxuu yiri "Maxammed aniguu hadda i
daba maray". Gurigii ayey meel daloosha ka fiiriyeen oo
yiraahdeen "waa kaa weli hurda". Habeenkii oo dhan ayey Cali
dusha ka ilaashanayeen, markii la gaaray waqtigii ay
qorshohooda fulin lahaayeen ayey arkeen in ninka meesha
jiifaa uu yahay Cali binu Abii-dhaalib> Cali ayey markaa
xirxireen oo bugabugeeyeen oo dheheen "sheeg Maxammed" hase
yeeshee Cali wuxuu yiri "anigu arrinkaas waxba kalama
socdo".
Rasuulku SCW markuu iyagii dhaafay wuxuu tegey gurigii
Abuubakar oo ay halkaas iska sii raaceen waxay ka bexeen
irriddii dambe. Uma aysan bixin dhinicii Madiina ee waxay u
bexeen dhinicii Yaman illaa ay ka tageen buurta la yiraahdo
Qaaru Tawr oo Makka u jirta 3 km, halkaas oo ay ka galeen
god. Markii ay godka gelayeen ayaa Abuubakr yiri "aniga ayaa
ku hormaraya" isagoo uga baqaya Rasuulka SCW inuu godka
bahal ka qaniino. Waxay qorsheysteen iney godkaa ku jiraan 3
maalmood inta qureysh baadi doonkeedu uu ka dhammaanay.
Waxaa kale oo heegan la geliyey qoyskii Abuubakar.
Cabdullaahi binu Abuu bakar (wiilkii Abuubakar) waxaa loo
xilsaaray inuu maalin oo dhan qureysh ku dhex jiro,
habeenkiina uu godka ugu yimaaddo Rasuulka SCW iyo aabihiis
oo uu u soo sheego wixii warar ah ee yaalla Makka iyo wixii
go'aan ah ee odeyaashii qureysheed ay qaataan. Asmaa' bintu
Abuubakar (gabadhii Abuubakar) waxay iyana u keeni jirtey
raashinka habeenkii. Caamir ibnu Suheyr oo isna ahaa
addoonkii Abuubakar, arigana u raaci jirey, waxaa lagu
qeybshey inuu ariga ku raaco agagaarka godka si uu habeenkii
iyo subaxdiiba u baabi' iyo raadka Cabdullaahi iyo Asmaa'.
Sidoo kale Cabdullaahi ibnu abii Ureyq oo ay Abuubakar
saaxiibbo ahaayeen, gaalna ahaa wuxuuu Abuubakar u hayey
laba neef oo geel ah oo Abuubakar sii iibiyey uguna talo
galay inay ku baxaan (isaga iyo Rasuulka SCW), waxayna ku
ballameen saddex beri markey godka ku jiraan inuu u keeno, (labada
neef) ninkaasna kalsooni ayaa lagu qabay.
Qureysh markay ogaatay in Nabiga SCW iyo Abuubakar ka
fakadeen waxay isla markiiba tageen gurigii Abuubakar,
waxaana albaabkii ka furay Asmaa' Abuubakr. Abii Jahal ayaa
Asmaa' weydiiyey oo ku yiri "xaggee aabbahaa aadey" iyana
waxay ugu jawaabtey "ma aqaan meel uu aadey", Dharbaaxo ayuu
markaa dhabanka ku fujiyey. Ka dibna waxaa ciidan loo diray
dhinicii Madiina, markii laga soo waayeyna waxaa waddooyinka
Makka ka baxa iyo meel walba loo diray ciidamo ayey waxay
yimaaddeen godkii ay Rasuulka SCW iyo Abuubakar ku jireen
hase yeeshee ma aysan arag. Markay tageen ayaa Abuubakar
wuxuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow haddii mid ka
mid ahi uu lugihiisa fiirin lahaa wuu na arki lahaa".
Rasuulka SCW oo Rabbigiis kalsooni dhab ah ku qabay wuxuu
ugu jawaabay Abuubakar "waa maxay malahaagu labo Ilaahay
saddexeeyo". Halkaas waxaad ka arkaysaa in Rasuulka SCW oo
nimankii intaa raadinayey ay dushiisa taagan yihiin uusan
haddana kala jeclayn oo uu Rabbigiis tala saartay, waana
kaas tawakulka saxa ah, markuu asbaabtii oo dhan la yimid
ayuu Rabbigiis talo saartay.
Markii ay dhammaatay muddadii saddexda beri ahayd oo ay
ugu talo galeen inay godka ku jiraan ayaa Cabdullaahi binu
Ureyq keenay labadii neef oo geela ahaa oo ay ku bixi
lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef
kii wanaagsanaa, markaasaa Rasuulku yiri "qiimihiisa ayaan
kuu celinayaa oo aan ku qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas
wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW wa ku adkaystay
go'aankiisa isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo
ajarkaas hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay. Asmaa' bintu
Abuubakar waxay iyaduna keentay jiscinkii waddada lagu mari
lahaa hase yeeshee waxay soo illowday xariggii lagu rari
lahaa alaabta markaasay boqonkeedii dhexda ugu xirnaa laba u
kala jeexday oo midna siisay midna la hartay. Sidaa dardeed
Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba boqonley.
Dabadeed Rasuulka SCW iyo Abuubakar way baxeen iyadoo uu
la socdo Cabdullaahi ibnu Ureyq oo ahaa ninkii labada neef
oo geela haa keenay, ahaana nin dhulyaqaan ah, safarkana
hogaaminayey, wuxuuna ratiga la fangashanaa (lasaarnaa)
Abuubakar. Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo dhinacii
koonfureed ah, ka dibna hoos iyo dhinaca bari oo badda ah
ayey mareen. Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad loo yaqaan
oo ummad badani garanaysey markii la weydiiyo oo lagu
yiraahdo "waa kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku jawaabayey
"waddaduu igu hanuuninayaa" isagoo ula jeedda waddada xaqa
ah ayuu igu hanuuninayaa.
Nimankii reer Makka markay mel walba ka raadiyeen
Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ay 3 maalmood baadi goob iyo
orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey waxay bixiyeen
ogeysiis ay u direen beled iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin
"ninkii Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar midkood nolol ama
geeri ku keena wuxuu leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii
oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa galay hunguri iyagoo u
hanqal taagaya geelaas tirada badan, nin walbana dhinaciisa
ayuu u orday. Muddo saddex maalmood ah markay Rasuulka SCW
iyo Abuubakar sii socdeen ayaa ninka la yiraahdo Sureyqa
binu Maalik isagoo rag la fadhiya waxaa u yimid nin
markaasaa ninkii la weydiiyey oo lagu yiri "ma aragtay
nimankaas", maasuu ninkii ku jawaabay "wax ma arag laakiin
meel halkaas ah waxaa iiga muuqanayey bidhaan dhowr qof oo
wax saaran ah". Sureyqa markuu hadalkaas maqlay dhareerkii
ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay boqolkii halaad u soo
gacan galeen, wuuna fahmay in ay raggaas la tilmaamayo
yihiin Rasuulka SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu
sameeyey khiddaad uu ku rabo in raggaa meesha fadhiya aysan
arrinta fahmin si aysan geela ula qaybsan, wuxuuna yiri "war
aamus waxaad aragtay waa nimankii reer hebel oo geelu ka
baxsaday oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii looga aamusay
oo waxaa loo qaatay in Sureyqa arrintiisu dhab tahay.
Sureyqa markii muddo meeshii la fadhiyey oo arrintii la
hilmaamay ayuu wuxuu yiri "intaan kacay oo guriga galay
ayaan gabar la hadlay oo ku iri "faraskeyga gadaal iiga bixi
oo buurtaa gadaasheeda ii gee", aniguna intaan labistay oo
hubkeygii qaatay baan dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey,
dabadeedna waxaan ka daba tegey Rasuulka iyo Raggii la
socday. Markaan u dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa
waxaa iii soo baxay kii aan nebcaa oo ah inaanan wanaag ka
helayn (oo aan ku khasaarayo), aniguse kama yeelin arrintaa
oo hore ayaan u sii socday. Markaan ku dhawaaday ayuu
faraskii cagaha dhulka si fiican ula galay, qaacna ka baxay
meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in Maxammed aanan
waxba gaarsiin karin uuna guuleysan doono sidaa darteed
intaan qeyliyey ayaan ku iri 'ammaan ayaad iga helaysaan
waana idin nabad gelinayaa ee Maxammedow ii qor warqad amaan
ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad guuleysato aan u
heysto'. Rasuulku SCW wuxuu amray Caamir ibnu Fuhayr in uu
waraaqadda u qoro. Suraaqa ayaa markaa hadlay oo ku yiri
Rasuulka SCW "maxaad iiga baahan tihiin cunto iyo wax walba
wan hayaaye', markaas ayaa lagu yiri "waxba kaagama baahnin
ee wixii aad aragto naga jeedi" "waa yahay' ayuu isna ku
jawaabay, dabadeedna markuu laabtay cidduu arko wuxuu ku
oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo cidi adinkama jirto".
Rasuulku SCW iyo raggii la socday waxay gaareen Quba oo
xoogaa ka baxsan Madiina. Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin
Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii 1aad ee hijriga.
Dadkii muslimiinta ahaa ee Madiina joogey oo isugu jirey
muhaajiriintii Makka ka timid iyo Ansaartii degganeyd
Madiina markay maqleen in Rasuulu SCW ka soo baxay Makka
ayey heegaan galeen oo maalin walba waxay tegi jireen
duleedka Madiina iyagoo fiirinaya wax soo socda. Sidey sidaa
u ahaayeen ayey maalinkii dambe iyagoo sidii u sugaya markay
qorraxdii ku kululaatay meeshii ka tageen, markii ay tageen
ayaa waxaa Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u
dhawaaqay oo yiri "waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen ayaa
yimid". Muslimiintii ayaa soo firxaday iyagoo hubkoodii wata
oo takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo dhoweynaya. Dabadeedna
hareeraha ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey reer
bini Camar bini Cawf Xaafadooda, gaar ahaan wuxuu ku sii
degay ninka lay yiraahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan oo
muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa ma aysan kala garaneyn
Rasuula SCW iyo Abuubakar hase yeeshee markii dambe ayey
ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW waa fadhiistay, Abuubakar waa
istaagey isagoo dadkii soo dhoweynaya. Intii Rasuulku SCW
meesha joogey waxaa Makka ka yimid Cali binu Abii-dhaalib oo
soo dhameeyey hawshii uu Rasuulu SCW u xilsaaray iyo
ammaannadii uu uga soo tegey.
Rasuulku SCW wuxu Quba joogey dhowr maalmood, wuxuuna ka
dhisay masaajidka la yiraahdo Masjidu Quba. Ka dibna wuxuu
Rasuulku SCW ka tegey Quba maalin jimce ah oo uu Madiina
aaday isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas.
Maruu sii maro qabiil walba oo Ansaar ka mid ahna waxay
lahaayeen "annaga nagu soo deg" laakiin Rasuulku SCW wuxuu
lahaa 'hashaani way amran tahay meeshii ay fariisato ayaan
ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fariisatay oo uu ku
degay meesha masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay degganaayeen
reer bini Cabdinajaar oo Ansaar ka mid ahaa, Nabiga
aabbihiisna reer abti u ahaa. Gaar ahaan wuxuu ku sii degay
guriga ninka la yiraahdo Abaa Ayuub Al-ansaari.
Waxaa iyaguna woo hijrooday oo waqtigaas Madiina yimid
xaaskii Rasuulka SCW Sawda bintu Samca iyo laba gabdhood oo
uu dhalay oo kala ahaa Faadumo iyo Ummu Kaltuum, waxaa lake
oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis Ummu Ayman iyo
qoyskii reer Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey.
Caa'isha waxay tiri "markii aan Madiina imid ayaa waxaan
ugu imid aabbahay iyo Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday
markaasaan Abuubakar ku iri 'aabbe sidee tahay' isagoo
xoogaa qandhadu deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex
waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay geeridu uga dhowdahay
kabihiisa suunkooda'. Bilaal ayaan isna ku iri "sidee tahay
Bilaal" isagoo isna tirinaya beyt yar oo tilmaamaya u
hiloobidda iyo jaceylka Makka. Rasuulka ayaan u tegey oo u
sheegay hadalladoodii, markaasuu Rasuulku SCW yiri "Ilaahow
Madiina na jecleysii sidaad Makka noo jecleysiisey ama si ka
daran , Ilaahow Madiina caafimaadi oo barakee saaceeda iyo
mudkeeda, kana rar xanuunka iyo qandhada oo u rar Juxfa".
Ilaahay ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay waxayna Madiina
noqotay Meel ay aad u jecel yihiin, saxadeeduna fiican tahay.
Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo asxaabtiisa ku sabir
siinaya daltabyada Madiina waxa uu yiri: "Qofkii ummaddayda
kamid ah oo ku sabra Cudurka iyo dhibka Madiino waxa aan
maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati".
Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo Madiina u ducaynaya waxa u
yiri: "Allahayow noo barakee magaaladayadan, miraheeda,
mudkeeda, ikyo saaceeda, barako ay lasocoto, Allahayow
Ibraahiim waxa uu ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo
khaliiilkaagii, anna waxaan ahay addoonkaagii iyo nabigaagii,
wuxuuna (ibraahiim) kuu basryo weydiiyey Makka, anna waxaan
kuu baryayaa Madiina siduu Makka kuugu baryo weydiyey iyo si
la mid ah.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxay heleen dhul cusub oo
ay diintoodii iyo dacwadoodii ka faafin karaan,
joogitaankiisana ay xor u yihiin. Magaalada Madiina waxay
noqotay magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa aysan wada
ahayn muslimiin, waxayna ka koobnaayeen 3 qaybood oo kala
ahaa:
1) Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin Makka ka yimid
iyo Ansaar oo Madiina degganayd oo laba qabiil ka koobnaa
lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj, hase yeeshee Rasuulku
SCW uu u bixiyey Ansaar.
2) Mushirikiintii ka hartay Ansaar
3) Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil oo la kala oran
jirey Banuu Qeynuqaac, banuu Nadiir iyo banuu Qureyda.