SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 31aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN IYO ANSAAR

Asalaamu Caleykum W.W.

Rasuulka SCW markuu madiina yimid waxa uu ka aasaasay dawlad islaam ah wuxuuna isku xiray dadkii muslimiinta ahaa ee madiina deganaa iyo kuwii kasoo hijrooday madiina dibadeeda, isaga oo isugu xiray si macnawi ah iyo si muuqataba. Waxa ay ahayd sida macnawiga ah waxa uu ku booriyey walaaltinimada, wanaaga, is jeclaysiga, is xaq dhawrka, is nabad gelinta iyo mucaamilada wanaagsan oo dhan. Wuxuuna ka reebay xumaan idilkeed. Sida muuqatana waxa ay ahayd muhaajiriin iyo ansaar ayuu labo labo u walaaleeyey si ay isugu xirmaan iskuna kaalmaystaan maxaa yeelay muhaajiriin waxa ay kasoo hijroodeen dhulkoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii. Waxayna yimaadeen meel aysan waxba ka garanayn.

Waxayna ahayd sida uu Rasuulka SCW u walaaleyey sidatan:

  • 1. Xamsa binu Cabdi Mudhalib iyo Sayd binu Xaarith wuu walaaleeyey.
  • 2. Abuu Bakar Sidiiq iyo Khaarij binu Suhayrna wuu walaaleeyeey.
  • 3. cumar binu Khadhaab iyo Citbaan binu Maalikna wuu walaaleeyey.
  • 4. Abuu Cubayda ibnu Jaraax iyo Sacad binu Maalik wuu walaaleeyey.
  • 5. Cabdirahman binu Cowf iyo Sacay binu Rabbiicna wuu walaaleeyey.
  • 6. Subayr binu Cawaan iyo Salama ibnu Salaamana wuu walaaleeyey.
  • 7. Cusmaan binu Cafaan iyo Aws binu Thaabitna wuu walaaleeyey.
  • 8. Dhalxa binu Cubaydillaah iyo Kacab binu Maalikna wuu walaaleeyey.
  • 9. Saciid binu Sayd ikyo Ubay binu Kacabna wuu walaaleeyey.
  • 10. Muscab binu Cumayr iyo Abii Ayuubna wuu walaaleeyey.
  • 11. Abuu Xudayfa binu Cutba iyo Cubaada binu Bishirna wuu walaaleeyey.
  • 12. Cammaar binu Yaasir iyo Xudayfa binu Yamaamna wuu walaaleeyey.
  • 13. Abuu daraq-Qafaari iyo Mundir binu Camarna wuu walaaleeyey.
  • 14. Xaadhib ibnu abii Baltaca iyo Cuwayn binu Saacidana wuu walaaleeyey.
  • 15. Salmaanu Faaris ikyo Abuu Dardaana wuu walaaleeyey.

Wuxuu yiri ibnu Isxaaq: "intaan ayaa nalooga magacaabay walaalayntii uu Rasuulku SCW walaaleeyey asxaabtiisa".

Sidaas ayaa Rasuulku SCW u walaaleeyey asxaabtiisii oo isugu xiray, iyaga oo ay ka dhaxayso walaaltinimada guud ee islaamka ayey haddana tani khaas usii kala ahayd oo ay wax wada wadaagayeen ilaa  lawaajibiyey in ay is dhaxlaan ka dibna Alle waa joojiyey. Nimankii ansaar ahaa ee madiina deganaa aad ayey usoo dhoweeyeen walaalahoodii muhaajiriin ee usoo hijrooday, wuxuu Bukhaari saxiixiisa ku wariyey in ansar Nabiga SCW ku tiri: "noo qaybi annaga iyo walaalahayo timirta (beeraha)", wuxuu yiri: "may", markaasay dheheen (muhaajiriin): "naga qabta shaqada (beeraha) mirahana waanu idinla wadaagsanaynaa", Ansaarna waa ay yeeshay.

Sidoo kale nimankii ansaar ee lala walaaleeyey muhaajiriin aad ayey usoo dhoweeyeen waxayn diyaar u noqdeen in ay la kala bartaan maalkooda. Ninka layiraahdo Sacad binu Rabbiica oo lala walaaleeyey Cabdirahmaan binu Cowf waxa uu ku yiri Cabdirahmaan: "waxa aan ahay ninka ansaar ugu maal badan, waxaana ka dhigayaa maalkayga labo qaybood (oo waa kala baranaynaa), labo xaasna waan qabaa ee fiiri middii ku cajab galisa iina magacow waan kuu furayaa markay cidada dhamaysatana guurso", wuxuu yiri Cabdiraxmaan: "Allaha kuu barakeeyo xaaskaaga iyo maalkaaga ee i tusi suuqa", suuqii ayuu tusiyey, markaasuu Cabdiraxmaan inta xoogaa subag ah qaatay oo suuqii geeyey ayuu iibiyey dabadeedna waa guursaday.

Haddaba waxa ay arimahaan iyo kuwo kaleba na tusinayaan sida ay ansaar walaalohood muhaajiriin ugu qumeen, wax walbana ay diyaarka ugu ahaayeen. Allena subxaanahu watacaalaa aayado badan ayuuu ku ammaanay.

Sidoo kale Rasuulku SCW waxa uu u qoray asxaabtii heshiis iyo go aamo ay ku socdaan, wuxuuna kadhigay hal ummad, wuxuuna ahaa heshiiskaasi sidatan:

Bismillaahi raxmaani raxiim, tani waa waraaqdii Nabi Maxamed SCW uu u kala qoray muminiinta iyo musliminta reer qureysheed (muhaajiriin) iyo rer yathrib (ansaar).

1. Kuligood waa hal ummad oo dadka kale isaga sokeeya.

2. Muhaajiriinta reer qureysheed sidoodii weeye oo makta way isla bixinaayaan, maxbuuskoodana way soo furanayaan si macruuf ah iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

3. Reer banii Cawf sidoodii weeye oo magta way isla bixinayaan siday hore iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

4. Reer banii Xaarith sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

5. Reer banii Saacida sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinaayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

6. Reer banii Jasham sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

7. Reer banii Najaar sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awal iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

8. Reer banii Caamir binu Cawf sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

9. Reer banii Nabiit sidoodii ayey ahaannayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

10. Reer banii Aws sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

11. Muminiintu waa in ay si wanaagsan uga gudaan qofkii iyaga kamid ah oo qaamaysan oo lasoo furanayo ama diyo laga gudayo.

12. Mumin lama bah wadaagi karo mumin kale bah wadaagi ogolaanshihiisa maahane.

13. Muminiinta mutaqiinta ahi waxa ay isugu tagayaan ciddii iyaga ka mid ah oo xadgudubta ama dalabta dulmi wayn ama dambi ama colaytan ama fasaad muminiinta dhexdooda, dhammaan gacmahoodu qofkaas dushiisay ahaanayaan haba ahaado midkood inankiise.

14. Mumin uma dilo karo mumin kale gaal, uga mana hiillin karo gaal.

15. Heshiiska Alle (ee gaalada lagula jiro) waa hal mid, waxaana wax magan galin kara muminiinta kooda ug hooseeya.

16. Muminiinta qaarkood qaarka kale ayuu gargaare u yahay dadka (kale) kasokow.

17. Qofkii nasoo raaca oo yahuud ah waxa uu leeyahay gargaar iyo gacan qabasho, isaga oo aan ladulminayn lagana hiillinayn.

18. Nabad gelyada muminiintu waa hal mid, dagaalka jihaadka Allena (qof) mumin ihi nabad gelyo gaar ah lama samaysan karo (gaalo) in ay muslimiintu u dhan yihiin oo ay cadaalad tahay maahane.

19. Cid walba (oo muslimiinta kamdi ah) oo nala duullaan gasha qaarkood qaarka kale ayuu cirbinayaa (waa isku mid).

20. Muminiinta qaarka kale ayuu u hiiilinayaa wixii dhigooda ah oo jidka Alle kusoo gaara.

21. Muminiinta Alle ka baqaysa waxay ku sugan yihiin hanuun kan ugu wanaagsan iyo toosnaan.

22. Gaal ma bad baadin karo qureysh nafteeda iyo maalkeeda is kamana hortaagi karo mumin (usocda).

23. Qofkii mumin dila oo ay ku caddaato waa la dilayaa in uu waligii kii la dilay raali noqdo maahane.

24. Xalaal uma aha qof mumin ah oo sugay waxa waraaqadaan ku yaala, Alle iyo aakhirana rumeeyey in uu soo dhawaysto ama u gargaaro dambiile.

25. Qofkii soo dhawaysta ama u gargaara (daalim) waxaa dushiisa ahaatay Alle nacaladiisa iyo caradiisa maalinka qiyaamaha, la gamana yeelayo madax furasho iyo tawbad midna.

26. Wax walba oo aad isku khilaaftaan waxaa loo celinayaa Alle iyo (Rasuulkiisa) Maxamed SCW.

Intaas ayey ku dhammaadeen qodobadii heshiiska ee uu Rasuulku SCW u kala qoray asxaabta kulana balamay, waxayna qodobadaani sida aan ka aragnaba u qaybsanyihiin qayb ku khaas ahayd muslimiintii waqtigaas joogtay iyo qayb laga rabo qof kasta oo muslim ah waqti kasta ha joogee, waxayna tahay qaybta qof walba oo muslim ah laga rabo; labar 1 iyo laga bilaabo lambar 11 ilaa 26 marka laga reebo labar 22.

Daabacad: 2001-12-06  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD