SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 33aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW

Rasuulka SCW markuu ku degay reer binu Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu hormariyey dhistaankii masaajidka. 

Waxaa masaajidka laga dhisay meel u dhow meeshuu Nabigu SCW ku degay oo bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba wiil oo agoomo ahaa oo la kala oran jirey Sahal iyo Suheyl. 

Waxaana booska bixiyey Mucaad binu Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa, oo Rasuulka SCW ku yiri, "Rasuulkii Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo agoon ii ah, anigaana raalli gelinaya ee masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku SCW uu labada wiil booska ka iibiyey. 

Waxa uu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in qubuuraha la faago oo la caro geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen) boholahana la duugo, geedahana la jaro. 

Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna waxaa la guda galay dhisitaankii masaajidka. Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan: derbiyaalkiisa waxaa laga dhigay dhoobo iyo dhagax labin ah, saqafkiisana waxaa lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga dhigay geed timireedka jiridiisa, qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18 bilood ka dib, markay soo degeen aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey, halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa qiyaamaha. 

Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid, wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka masaajidku, marka laga soo bilaabo dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa, wuxuu isu jirey 100 dhudhum, ballaciisuna sido kale ayuu ahaa. 

Rasuulka SCW wuu ka qayb qaatay dhismaha masaajidka, wuxuuna tirinayey gabay yar oo dhiirigelin ah oo macnihiisu yahay "Allahayow ceyshka aakhiro maahee ceysh kale ma jiro ee u dambi dhaaf muhaajiriin iyo ansaar". 

Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya ayey waxay qaadayeen beyt kale oo macnihiisu yahay "haddaan fariisanno Nabiga SCW oo shaqaynaya waa hawl aan wanaagsanayn". Ka dib Rasuulka SCW markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada masaajidka ka dhisay qowladihiisii, dabadeedna wuu ka soo guuray gurigii Abaa Ayuub Al-nasaari. 

Rasuulku SCW wuxu ugu hormariyey hawl uu qabto dhismaha masaajidka, ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga maarmin darteed. Wuxuuna yahay masaajidku markaska iyo xarunta muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna masaajidka Rasuulku SCW ahaa meesha salaadda lagu tukado, la isugu yimaado, lagu kala war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumiyo (maxkamad), wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista gaalada lagu xiro, dadka masaakiinta ah ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka xanuunsan lagu daaweyn jirey.

 

Daabacad: 2002-07-9  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD