MURUGADII RAJIIC
Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee hijriga, ayaa waxaa
Rasuulka SCW u yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la
kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna Rasuulka SCW u
sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu
ku daro rag diinta bara oo qur'aanka u akhriya. Waxaa markaa
Rasuulku SCW ku daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa,
wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu Thaabit. Markii ay is
raaceen oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu
degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil
Hudeyl ka mida ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas
ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba direen 100 nin.
Dabadeedna way hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen "ballan
baan idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid
idinka dilin", laakiin Caasim oo 10kaa madax u ahaa wuu
diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa
ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey
3dii nin oo soo hartay ku yiraahdeen "haddii aad is
dhiibtaan waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannaan hal
nin idinka dilin". Markii ay 3dii nin is-soo dhiibeen ayey
ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa
nin 3dii ka mid ihi yiri "tani waa ballan jebintii ugu
horreysey", wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen. Labdii nin
oo soo hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu Dathina,
ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer
Makka.
Labadan nin waxay ka mid
ahaayeen asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay oo wax ka
laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay
Safwaan binu Umaya oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax
xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka
soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada meesha la yiraahdo
Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri "i
daaya aan labo rakcadood tukadee", way u oggolaadeen, markii
uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan badsan
lahaa (salaadda)", sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu
horreeyey ee jideeyey in uu qofku labo rakcadood tukado
marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo wuxuu yiri "Allahayow
tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin".
Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri "Ma ku farax gelineysaa in
uu Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna
aad reerkaagii la joogtid?". Khubeyb wuxuu ku jawaabay "maya,
Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan
reerkaygii la joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo
uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo". Ka dib waxay Khubeyb
dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith, oo aabihiis uu
Khubeyb Badar ku dilay.
Khubeyb intii uu xirnaa
waxaa la arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa Makka oollin.
Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil
kamid ah u keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen
arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas.
Qureyshtu waxay cid u
dirsadeen meeshii lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka
mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno
maxaa yeelay Caasim wuxuu maalinkii Badar diley rag badan oo
odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah
gargaaraha mu'miniinta, wuxuu meydkii Caasim u soo diray oo
isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici
kari waayeen ayey ka tageen oo dheheen galabta aan u soo
laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo
diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday meydkiisii, meel uu
geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo
laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin sidaa
awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu
noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay in aan mushrik taaban
jirkiisa isna uusan taaban.
Cumar binu Khadhaab, oo
arrintaas ka hadlaya, wuxuu yiri "Allaah addoonkiisa
mu'minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa
noolyahayba u xifdiyo". |