MURUGADII
BI'RU MACUUN
Isla bishii Safar ee ay
dhacday murugadii Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo kale oo
ka daran, lana yiraahdo Bi'ru Macuun. Sababtuna waxa ay
ahayd in nin la oran jiray Abuu Baraa' (Caamir binu Maalik)
uu Rasuulka SCW Madiina ugu yimid. Rasuulku SCW wuxuu yiri "Rasuulkii
Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid reer Najdi si ay
diintaada ugu yeeraan waxaan rajaynayaa in ay yeeli
lahaayeen". Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "asxaabtayda
waan uga baqayaa reer Najdi", Abaa Baraa' ayaa yiri "aniga
ayaa badbaadinaya". Waxa uu markaa Rasuulku SCW ku daray 70
nin oo ka mid ahaa raggii ugu wanaagsanaa qur'aanka, uguna
badiyey asxaabta, wuxuuna madax uga dhigay Mundir binu Camar
oo lagu naaneysi jirey (kii isu xoreeyey dhimashada).
Raggani waxa ay ahaayeen kuwo aad u qiimo badan, habeenkii
oo dhan waxa ay u soo jeedi jireen qur'aan akhris iyo
salaatu-leyl, maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u
soo gadi jireen dadkii asxaabta ahaa oo aan waxba haysan.
Abuu Mundir iyo asxaabtii uu
hoggaaminayey waxa ay Madiina ka baxeen iyaga oo ducaad ah
oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen dacwadaas
islaamka. Raggaas oo uu la socdo ninkii ahaa Abuu Baraa'
waxaqy degeen meesha la yiraahdo Bi'ru Macuuna, oo u
dhexeysey labadii qabiil ee reer banuu Caamir (qabiilkii
Abuu Baraa') iyo reer banuu Suleym. Ka dib waxa ay direen
Xaraam binu Malxaan, oo ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna
u dhiibeen waraaq uu Rasuulku SCW u soo direy cadowgii Alle
ee Caamir binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii reer banii
Caamir. Cadowgaas Alle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u
tagtay ma uusan fiirin ee wuxuu amray in la dilo ninkii
waday, Xaraam binu Malxaan. Waran ayey ku dhufteen, hase
yeeshee markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii ayuu yiri "Allaahu
Akbar, waan liibaanay kacbada Rabbigeeda ayaan kudhaartaye".
Ka dib Cadowgii Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir
ka dalbay in ay soo laayaan inta ka hadhay raggii Abuu
Mundir la socday hase yeeshee reer banuu Caamir wey diideen
amarkaas iyagoo tixgelinaya magangelyadii Abaa Baraa'. Wuxuu
markaa Caamir u qeylo dhaansaday reer banuu Suleym, waxaana
amarkiisii yeelay oo soo raacay qabiilooyin ka mid ah banii
Suleym oo kala ahaa Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya.
Waxay qabiilooyinkaasi ku
duuleen oo hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Asxaabtu way
dagaallameen ilaa laga diley 67 nin. Saddexda nin oo soo
hartay waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd binu Najaar oo
labo meyd ku kala dhex jirey, ayna meyd ahaan uga tageen
hase yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay dagalkii Axsaab iyo
Caamir binu Umaya iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka maqnaa
goobta. Markii ay meeshii u soo dhowaayeen ayey arkeen
haadda ku degtey meeshii ay ragga ku ogaayeen, markii ay
goobtii soo gaareenna Mundir wuu dagaallamay ilaa laga diley,
Carna way qafaashen. Cadowgii Alle ee Caamir markii uu
ogaaday in uu Camar ka dhashay reer banii Mundir ayuu foodda
intuu ka gooyey ku yiri "waxaan kuu xoreeyey qoor ay
hooyaday xoreyn lahayd" ka dibna wuu sii daayey.
Camar markii la soo daayey
wuxuu soo aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii marayo ayuu
geed hoos degay, ka dibna waxaa u yimid oo geedkii la degay
labo nin oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta iyo reer banii
Kulaaba waxaa ka dhexeeyey heshiis. Camar wuxuu u maleeyey
in qabiilka labadaas nin uu ka mid ahaa qabiilladii asxabta
wax ka laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka SCW iyo reer
banuu Kilaaba ogeyn, ayaa labadii nin markii ay seexdeen
diley. Ka dib Camar wuxuu u tegey Rasuulkii SCW isaga oo
wada warkii murugada lahaa iyo ki labadii nin ee uu soo
dileyba. Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri "waxa aad dishay
labo nin oo aan magtooda bixinayo", dabadeedna wuxuu
Rasuulku SCW guda galay in uu magtii ka soo ururinayo
muslimiinta.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa
waxaa aad u xanuujisay una murugo gelisay dhacdadan Bi'ru
Macaana isku mar ayuu Rasuulka SCW u yimid. Murugadani waxay
ka weyned tii Uxud maxaa yeelay Uxud dagaal ayaa lagu talo
galay, kuwaanse waxay ahaayeen khiyaamooyin iyo makri ay
cadowyada Ilaahay u sameeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Wuxuu
Rasuulku SCW muddo bil ah habaarayey qabiilladii ku kacay
falkaas foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu
Maalik in uu yiri "Rasuulku SCW wuxuu soddon subax ku
habaarayey kuwii asxaabtiisa Bi'ru Macuuna ku laayey
Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu habaarayey Rucul, Dakwaan,
Lixaan iyo Cisiya isaga oo leh "Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa
ayey caasiday". Ilaahay wuxuu Rasuulkiisa SCW ku soo dejiyey
qur'aan aan akhrinnay haddana la nasakhay. Qur'aankaas wuxuu
micnihiisu ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii in aan la
kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka
ralli noqonnay), markaas ayaa Rasuulku SCW iska daayey
Qanuuddii uu salaadda subax oran jirey". Sidaa darteed
markii ay muslimiinta ku timaaddo musiibo waa shey wanaagsan
in mar mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama
haysato in salaadda subax lagu gaaryeelo ama caado looga
dhigo salaadda subax. Arrinkaas ah in salaadda subax la
qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa iyo
dadkii wanwanaagsanaa (Salafu Saalix) ee waddadii Rasuulka
SCW qaaday. |