Waxa uu dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii
Shacbaan sannadkii 6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay
ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer banuu
Musdhaliq oo la oran jirey Xaarith binu abii Daraar uu
qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu
Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa. Wuxuu Rasuulku SCW si uu
arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb Al-aslami.
Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u
ahaa, ka dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka
dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu arrintii
xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna Madiina
madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari
ama Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.
Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u
ahaa reer banii Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si
uu war uga keeno ciidanka muslimiinta hase yeeshee ciidankii
muslimiinta ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo
ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo
Ciidankiisii soo baxeeen, ninkoodii wardoonka ahaana la
diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen meeshii.
Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo qafaasheen
dumarkoodii, caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu
Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii la soo qafaashay u
qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid
ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la
oran jirey Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u
helay Thaabit binu Qays, markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka
SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday. Markii ay
asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii
ay qayb ahaanta u heleen oo dheheen "waa xididkii Rasuulka
SCW".
Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay
waxaa dhacay laba arrimood oo ay sameeyeen nimankii
munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer muslimiinta
dhexdooda ku rida khalkhal iyo tashwiish, dacaayado been
ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu
hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo isagu xiqdi iyo
xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar
ahaan cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay
sidii aan usoo sheegnayba isaga oo loosharraxayo madaxnimo
ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey dadkiisi islaamka
qaateen, madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed
wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii,
wuxuuna bilaabay xiqdi iyo xumaan, laga soo bilaabo markii
Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina yimaadeen. Waxaana
dhacday in Rasuulku SCW markii uu Madiina yimid oo uu muddo
yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu soo booqdo
Sacad binu Cubaada oo jirran, markaas ayuu isaga oo dameer
saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku jiro
Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur'aan ku dul akhriyey,
dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka
qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri "ha na booraynin,
gurigaagana joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan".
Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii
ku jiraan waxay islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu
Badar ku guuleysteen hase yeeshee xumaatadoodii iyo
cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in
uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac.
Sidoo kale dagaalki Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo
muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay. Sidoo kale munaafaqan
iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan jireen wanaag iyo
kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo.
Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu dadka u muujin jirey
marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi
jirey "kani waa Rasuulkii Alle idinku karaameeyey idinkuna
ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca" hase
yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo sidii la ogaa uu
sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba
in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii
dharkii ka jiideen oo dheheen "nafa fariiso cadowgi Allow,
ehel uma tihid (arinkane) wixii aad samaysay baad samaysaye",
markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka
tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta
ka mid ah wuxuuna ku yir "war hooggaaga ee laabo Rasuulku
SCW ha kuu dembi dhaaf weydiiyee", markaas ayuu yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi dhaaf weydiiyo".
Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer
banuu Nadiir ay ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW
go'aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani hoos kala
xiriiray oo ku yiri "ha bixina". Sidoo kale Dagaalkii Axsaab
waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen
tashwiish iyo dacaayado. Sidoo kale gaaladi qureysheed intaa
hoos ayey kala xiriiri jireen.
Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey
islaam, hoostana uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo
jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii muslimiinta ahaa
sida dacaayaddii ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba
bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna
uu Rasuulku SCW guursaday ayna dheheen "Maxammed wuxuu
guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa"
arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka
ahaan jirtey, maxaa yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu
ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale sidaa darteed islaamku
caadadaas xun wuu baabi'iyey sidii uu caadooyinkii xumaa oo
kaleba u baabi'iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay
Rasuulka SCW laftiisa, wuxuuna Alle yiri:
((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD
U NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA
NAFTAADA KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA
BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA BAQO, (HADDABA)
MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU
GUURINAY SI AYSAN MU'MINIINTU DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA)
AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE
AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY MID LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab
37).
Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee
Rasuulku SCW markaas ayey dheheen "qur'aanku afar haween ah
ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta 5aad". Haddaba
nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka
SCW iyo mu'miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer
muujinayey Allaah oo wax walba ka war haya, wuxuuna Alle
yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:
((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO
DEGTO SUURAD KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD
TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA
DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA)
BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE, AAYAADKIISA
IYO RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD
GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA
MID AH WAXAA CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN
MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah 64-66).
Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW
iyo mu'miniinta xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar
binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo jeediyeen in la laayo
hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar "ma waxaad
dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa
ayuu laayaa?" maxaa yeelay dadka dibedda ahi waxa ay u
haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin.
Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay
sameeyeen munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq
waxa ay ahaayeen:
1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga
oo aan u siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo
fitno sidii uu Allaahba ku sheegay aayaaddan:
((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN
SIYAADIN MA HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA
U DAGDAGI LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA
DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA) KUWA
MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah
47).
Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas
ayaa meel biyo laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo
wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege u ahaa lana oran jirey
Jahjaahul-qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey
Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri "yaa
Ansaar ahey", Jahjaahna yiri "yaa Muhaajiriin aheey".
Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay
oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu
arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo
yiri "ma sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?.
Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan ku
dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo
yiri oo ahayd "naaxi eygaaga ha ku cunee". Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi (isagaa
iska wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan dulliga ah (oo
uu ula jeedo Rasuulka SCW)", markaas ayuu lahadlay kuwii la
fadhiyey oo ku yiri "tani waa wixii aad naftiinna ku
samayseen, magaaladiinnii baad u oggolaateen, maalkiinniina
waad la qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad waxa
gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin
dhaafi lahaayeen".
Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay,
adeerkiisna wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo
Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa markaas yiri "Rasuulkii
Allow amar Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)",
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Cumar ma waxa aad doonaysaa
in uu dadku ku sheekeysto Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?"
(maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu asxaabta
ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la guuro
waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri
jirin, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u
yimid Rasuulka SCW oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxaad
guurtay waqti xun", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "miyeysan
ku soo gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?", Useyd wuxuu yiri
"muxuu yiri?", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "wuxuu
sheegtay in haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka
saari doono Madiina kan dulliga ah", markaas ayuu Useyd yiri
"Rasuulkii Allow adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka
saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye isaga ayaa dulli ah adiguna
casiis baad tahay", ka dib wuxuu yiri Useyd "Rasuulkii Allow
isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa
keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa
darteed wuxuu u arkaa in aad boqortooyadiisii kala
wareegtay". Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku jirey ilaa laga
gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey
asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen, Rasuulkuna SCW
wuxuu arrinkaan u sameeyey si aan warka munaafiqa loogu
sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana aysan
fitno ugu noqon.
Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka
baxday ayuu inkiray hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu
yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh "Ilaah baan ku
dhaartaye ma dhihin", markaas ayaa asxaabtii qaar ka mid
ahi Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa
in wiilka yari is moodsiiyey oo uusan weelayn oraahdii ninka"
hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta la socday ayaa u
rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku
soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:
((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW
LA JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA
SAMAWAADKA IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN,
WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN
CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA
CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA IYO MU'MINIITA LAAKIIN
MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin 7-8).
Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo
dagtay uu Rasuulku SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna
uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun, kuna yiri "Alle wuu
kuu rumeeyey (hadalkaagii) Seydow.
Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la
oran jirey Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa
nin saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa markii Madiina la
soo gelayey Cabdullaahi seeftiisii galka kala baxay oo
aabbihiis hor istaagay kuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in
aadan meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo, isaga
ayaana casiis ah adiguna dulli baad tahay". Rasuulku SCW
markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka dib Cabdullaahi
Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxa
aan maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay. Ilaah baan
ku dhaartaye reerkayagu waa og yihiin in nin aabbihiis iiga
baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa laga
yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in
aad disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa
ayaan kuu keenayaa".