DUULLAANKII DII-QIRAD
Haddii aan dib u jaleecno
dhinicii jihaadka, Rasuulku SCW markii uu ka soo noqday
heshiiskii Xudeybiya duullaankii ugu horreeyey ee uu qaado
wuxuu ahaa kii la oran jirey Dii-Qirad.
Sababta duullaankaasina
waxa uu ahaa saxaabigii la oran jirey Salamata ibnu Akwac
ayaa waxa uu yiri: "waxaan katagay Madiina aniga oo u socda
dhinaca qaada, markii aan gaaray karinka qaaba ayaan waxaa
ila kulmay wiil adeege u ahaa Cabdiraxmaan binu Cawf waxa
aana ku iri "waran", waxa uu yiri "waa la dhacay geeliii
dhalay ee Rasuulka SCW (geelii Sakada oo magaalada dibadeeda
lagu hayey), waxa aan iri "yaa dhacay" wuxuu yiri "Qadafaan
iyo Fasaara", markaasaan sadex jeer dhawaaqay, dhawaaq aan
maqashiiyey wixii Madiina joogay aniga oo leh yaa sabaaxa (waa
waray), waxaan kaddaba tagay (nimankii) iyagoo geelii
kaxaystay, waxaana ku ganay gamuuno aniga oo leh ina Akwac
ayaan ahay, maanta waa maalin kuwii xumaa la hoojiyey ilaa
aan kasoo dhiciyey (geelii), iyagoon waxba ka maalin, ka dib
geelii ayaan soo kaxeeyey waxaana iga hor yimid Rasuulkii
SCW iyo ciidankii Muslimiinta. |