DAGAALKII
KHAYBAR
Khaybar waxa ay ahayd magaalo wayn oo aad u
dhufaysyo badan, waxa ayna Madiina u jirtey 60 ila 80 mayl
oo dhinaca woqooyi ah. Waxa ay ahayd xaruntii yahuudii
dhulkaas degganayd. Sababta duullaankani waxa ay ahayd: Waxa
aan soo ogaannay in yahuuddu had iyo jeer ka mid ahayd
cadowyadii ugu waaweynaa ee islaamka, kana dambeeyey
duullaankii Axsaab, intaasna makri u maleegayey islaamka iyo
muslimiinta. Sidaa darteeed ayaa heshiiskii Xudaybiya ka dib
Rasuulku SCW wuxuu u soo jeestay cadowyadii kale ee islaamka
ugu darnaa maaddaama uu qureysh meel isaga soo xiray,
wuxuuna ugu hormariyey yahuuddii Khaybar.
Rasuulku SCW wuxuu duullaankan qaaday bishii
Muxarram, sannadkii 7aad ee hijriga, waxayna culimada
mufasiriintu sheegaan in Khaybar ahayd yabooh uu Ilaah
ballanqaaday markii uu qur'aankiisa ku yiri:
((ALLE
WAXA UU IDIIN YABOOHAY QANIIMOOYIN TIRA BADAN OO AAD
QAADDANNAYSAAN, TANNA WAA IDIIN SOO DEDDEJIYEY, DADKA
GACMAHOODIINA WAA IDINKA QABTAY SI AY CALAAMAD UGU AHAATO
MU'MINIITA, UUNA IDINKU HANUUNIYO JIDKA TOOSAN)), (Suuratul-Fatxi
20).
Waxayna ahayd midda la soo dedejiyey heshiiskii
Xudeybiya, qanimooyinkii tirada badnaanna Khaybar baa ka mid
ahayd.
Markii ay munaafaqiintii iyo kuwii iimaankoodu
daciifka ahaa ka hareen Rasuulka SCW Xudeybiya, ayaa Alle
Rasuulkiisa SCW amray in aysan u raacin duuullaanka Khaybar,
wuxuuna Alle qur'aankiisa ku yiri:
((WAXAY
DHIHI DOONAAN KUWII HARAY (MUNAAFIQIINTII) MARKAAD QANIIMA U
BAXDAAN SI AAD USOO QAADATAAN "NA DAAYA AAN IDIN RAACNEE",
WAXAY DOONAYAAN INAY BADALAAN HADALKA ALLE, WAXAAD TIRAAHDAA
NA RAACI MAYSAAN ALLAANA SAAS HORAY U YIRI, WAXAY KU DHIHI
DOONAAN WAAD NAXASDAYSAA, WAXBASE MA FAHMAYAAN ILLAA WAX YAR
MOOYEE)), (Suuratul-Fatxi 15).
Sidaa darteed ayaa Rasuulku SCW markii uu u
baxayey Khaybar wuxuu ogeysiiyey in aysan raacaynin, waxaana
raacay oo keliya 1400kii nin ee Xudeybiya u raacay. Madiina
wuxuu Rasuulku SCW madax uga sii dhigay Subaac binu Curfada.
Munaafaqiinta, oo had iyo jeer gaalada daba
dhilif u ahaa, ahaana cadow aad u xun oo ku dhex jira
muslimiinta, ugana eg muuqaalka iyo magaca muslimiinta hase
yeeshee qalbiga iyo niyadda ka jecel kana raacsan gaalada,
ayaa markii ay ogaadeen in uu Rasuulku SCW ku duulayo
Khaybar waxa ay hoosta kala xiriireen yahuuddii Khaybar,
waxa ayna ku dheheen "Maxammed idinka ayuu idin soo aaday oo
idiin soo socdaa ee qaata degtooni, hana ka biqina idinka
ayaa caddad iyo hubba ka badane. Maxammed ciidankiisu waa
wax yar, hubna ma wataan in yar maahee".
Yahuuddii markii ay warkaas maqleen waxa ay u
cid dirsadeen reer Qadafaan oo ay xulafo ahaan jiren si ay
dagaalka ula galaan, miraha Khaybarna nus u qaataan haddii
laga qaalib noqdo muslimiinta. Reer Qadafaan warkaa way
yeeleen, wayna soo bexeen si ay yahuudda ula dagaal galaan
hase yeeshee intii ay jidka ku sii jireen ayey dhinicii
reerahooda ka maqleen qaylo, markaas ayey u maleeyeen in
muslimiintii u daba martay cidahoodii iyo maalkoodii. Dib
ayey markaas u laabteen oo waxay waardiye ka qabteen
dadkoodii, wayna isaga dhex baxeen Rasuulka SCW iyo yahuud.
Rasuulku SCW Madiina ayuu ka soo baxay isaga oo
dhinaca Khaybar soo aaday. Markii uu meel dhexe marayo ayuu
u yeeray labo nin oo ciidankaas hor socday, wuxuuna ka
dalbay in ay tusiyaan jidka ugu wanaagsan ee Khaybar ka soo
gelinaya dhinaca woqooyi ee ay Shaam ka xigto. Midkood ayaa
markaas yiri "aniga ayaa ku tusinaya Rasuulkii Allow".
Markii uu muddo ciidankii waday oo la marayo meel ay dhowr
waddo ku kulmaan ayuu yiri "Rasuulkii Allow waddooyinkaan oo
dhan way na geynayaan", markaas ayuu Rasuulku SCW amray in
uu waddooyinka magacyadooda kala sheeg sheego, markii uu mid
magacaababa Rasuulku SCW wuu diidayey ilaa ay ka hartay hal
xabbo. Cumar ayaa markaas ninkii ku yiri "sheeg", markii uu
sheegayna Rasuulku SCW wuu yeelay oo waddadaas ayuu qaatay.
Habeenkii ugu dambaysay socodkooda waxa ay
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii degeen Khaybar agteeda.
Rasuulku SCW haddii uu qolo duullaan ku yahay oo uu ku soo
beegmo habeen ma weerari jirin ilaa uu ka waaberiisto sidaa
darteed markii uu waagu baryey oo ay salaaddii subax
tukadeen ayaa isaga iyo ciidankisii galeen magaaladii
Khaybar.
Yahuuddii markii ay arkeen ciidankii Rasuulka
SCW iyaga oo aan ka war hayn oo shaqooyinkoodii u kallahaya
ayey dheheen "waa Maxammed, Ilaah baan ku dhaarannaye waa
Maxammed iyo Khumus (ciidankiisii shan geeslaha ahaa).
Markaas ayey ku carareen magaaladii iyo dhufeysyadoodii,
wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri "Allaahu Akbar, Khaybar waa
kharaabtay. Allaahu Akbar Khaybar waa kharaabtay. Annagu
haddii aannu degno dad goobtood waxaa xumaaday dad loo digay
subaxdood".
Ka dib Rasuulku SCW meel ayuu ciidankiisii
dejiyey, waxaana markaas u yimid Xubaab ibnu Mundir oo ku
yiri "Rasuulkii Allow meeshani waxa ay aad ugu dhowdahay
dhufeskii Nadha, dagaalyahannadii Khaybar dhammaantoodna way
ku jiraan, waxa ayna ku wareegaysanayaan agagaarkeeda, mana
ogin arrimahooda, fallaarohooduna way na soo gaarayaan,
kuweennuna ma gaarayaan, in ay na miraana kama aammin nihin.
Sidoo kale meeshani waa timir dhexdeed iyo meel aan
habboonayn ee haddii aad n amri lahayd meel aan waxaan u
dhan lahayn oo aan xarun ka yeelanno (way fiicnaan lahayd".
Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri "taladu waa sida aad
tilmaantay" ka dib ciidankii ayuu raray oo meel kale dejiyey.
Wuxuu Rasuulku SCW baryayey Rabbigiis isaga oo
oranaya "Allihii toddobada samo iyo waxa ay hareereeyeen
Rabbigood ahaayow, shayaadiinta iyo waxa ay baadiyeeyaan
Rabbigood ahaayow waxa aan ku weydiisanaynaa magaaladan
kheyrkeeda iyo dadkeeda kheyrkooda, waxa aanna kaa magan
gelayaa magaaladan sharteeda iyo waxa ku jira shartooda".
Waxaana calanka muslimiinta waday Abuubakar Sidiiq hase
yeeshee markii dagaalki labo maalmood kasocday dhufayskii
Naacim oo la furan waayey muslimiintiina ay dhibi soo
gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri "waxa aan calankan berri siin
doonaa nin Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo
Rasuulkiisuna jecel yihiin". Subaxdii markii la gaaray ayaa
nin walba oo asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo
ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel yihiin, nin walbana
wuu u hanqal taagay. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri "aaway
Cali binu Abii-dhaalib?", waxa ay asxaabtii dheheen "Rasuulkii
Allow indhaha ayaa laga hayaa". Rasuulku SCW Cali ayuu u cid
diray, markii uu u yimidna indhihii ayuuu uga tufay, waana u
duceeyey. Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen
Rasuulkuna SCW wuxuu u dhiibay calankii, markaas ayuu Cali
yiri "Rasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa ilaa ay annaga
(muslimiinta) oo kale ka noqdaan?", Rasuulku SCW wuxuu yiri
"tartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda, ka dib ugu yeer
islaamka una sheeg waxa dushooda ku waajibka ah oo xaqa Alle
ah. Ilaah baan ku dhaartaye in Ilaahay dartaa ku hanuuniyo
qof kaliya ayaa kaaga kheyr badan geela kiisa gudguduudan".
Ka dib waxaa la gudo galay dagaalkii Khaybar.
Magaalada Khaybar waxa ay ahayd mid aad u qalcado iyo
dhufeysyo badan, waxa ayna u qaybsanayd labo qaybood: Qayb
waxaa ku yaallay shan qalcadood oo waaweyn iyo kuwo yar yar,
qaybta kalena waxaa ku yaalley saddex qalcadood oo waaweyn
oo keliya. Qalcadaha qaybta hore ku yaalley waxaa la kala
oran jirey: Naacim, Sacab binu Mucaad, Qalcatu-Dubeyr, Ubey
iyo Nasaar. Saddexda hore waxaa la isku oran jirey Nadha oo
waa kuwii ugu waaweynaa. Labada dambe waxa ay ku yaalleen
meel la oran jirey Shifi waana qaybta ugu xoogga badnayd oo
uu ka dhacay dagaalku. Saddexda qalcadood ee dhinaca kale
waxaa la kala oran jirey: Qamuus, Wadhiix iyo Sulaalam.
Dagaalki ayaa markaas bilowday, dhufeyskii ugu
horreeyey ee ay muslimiintu weerareen wuxuu ahaa Naacim oo
ahaa kii uu joogey nin hormoodayaashii yahuud ka mid ahaa oo
la oran jirey Marxab. Cali binu Abii-dhaalib iyo
ciidankiisii markii ay dhufeyskan tageen ayaa Cali yahuuddii
ugu yeeray islaamka hase yeeshee way diideen, dagaal ayeyna
doorteen. Waxaa mubaaraso u soo baxay madaxoodii Marxab oo
leh "Khaybar waxa ay ogaatay in aan ahay Marxab oo
jeeniqaarsan hub, geesi la jarribay", waxaa markaa u soo
banbaxay Caamir oo leh "Khaybar waxa ay ogaatay in aan ahay
Caamir oo jeeniqaarsan hub, geesi booraysan". Waxa ay
markaas is dhaafsadeen laba seefood, seefii Marxab waxa ay
ku dhacday gaashaanka, tii Caamirna way gaabnayd, wuxuuna
damcay in uu dhudhunka uga dhufto hase yeeshee isaga ayey ku
soo laabatay oo lawga uga dhacday, wuuna u dhintay.
Asxaabtii qaar kamid ah ayaa yiri Caamir camalkiisii waa
buray, markaasa Rasuulku SCW wuxuu yiri "been bay sheegeen
wixii sidaas yiri, Caamir wuxuu leeyahay labo ajar oo waa
mujaahid dadaalay".
Ka dib waxa uu Marxab dalbaday in loo soo baxo,
waxaa u soo baxay Cali binu Abii-dhaalib, si degdeg ah ayuu
markaas Cali madaxa ugu dheereeyey cadowgii Alle ee Marxab.
Dabadeed Cali dhufeyskii ayuu u sii dhowaaday, waxaana
madaxa dhufeyska kala soo baxay nin yahuudi ah oo ku yiri "kuma
ayaa tahay?", Markaas ayuu Cali ugu jawaabay "Cali binu
Abii-dhaalib baan ahay", ninkii wuxuu markaa yiri "waad ka
sare marteen wixii Muuse lagu soo dejiyey (diintii Tawreed).
Ka dib waxaa mubaaraso u soo baxay Marxab
walaalkiis oo la oran jirey Yaasir, dhinaca muslimiintana
waxaa ka soo baxay Subeyr ibnu Cawaam. Subeyr hooyadii oo
Rasuulka SCW eeddadiis ahayd, ayaa Rasuulka SCW ku tiri "Rasuulkii
Allow miyuu dilayaa wiilkeyga?" Rasuulku SCW wuxuu yiri "maya,
ee isaga (subeyr) ayaa dilaya". Sidaa ayaa ninkaas yahuudiga
ahna Subeyr u diley.
Dagaalkii ayaa si fiican u bilowday, dhufeyskan
Naacimna waxaa ka dhacay dagaal aad u daran oo maalmo socdey
ilaa ay markiii dambe yahuuddii u adkaysan weyday
weerarradii muslimiinta oo isaga soo baxday dhufeyskii, waxa
ayna isku urursadeen dhufeyskii Sacab binu Mucaad oo ahaa
dhufeyskii labaad dhinaca awoodda iyo xoogga. Waxa ay
muslimiintu ku qaadeen weeraro halis ah, waxaana
hoggaaminayey Xubaab binu Mundir. Waxaa dhufeyska iyo
yahuudda la dul fadhiyey saddex maalmood, maalinki 3aad ayaa
Rasuulku SCW Ilaahay u baryey ka dib markii ay muslimiinta
ka dhammaatay sahaydii oo ay haleeshay gaajo aad u daran
ilaa ay ka qasheen dameerihii ay wateen. Markaas ayaa
Rasuulka SCW loo sheegay hilibkii dameeraha oo dabka saaran,
wuxuu Rasuulku SCW amray in hilibka la daadiyo, dheryahana
la jejebiyo. Sidoo kale waxaa u yimid Rasuulka SCW rag
asxaabta ka mid ah oo yiri "wax ma haysanno", ka dib Rasulku
SCW Ilaah ayuu baryey oo wuxuu yiri "Ilaahayow xaaladdooda
waad og tahay, awoodna ma haystaan, anigana gacantayda kuma
jiraan wax aan siiyo (asxaabta) ee u fur dhufeyska ugu weyn
uguna cunto badan ha ku deeqtoomaane". Subixii dambe ayuu
Ilaahay muslimiinta u furay dhufeyskii ugu weynaa ee Sacab
binu Mucaad, waxa ayna ka heleen raashin fara badan iyo hub
halis ah oo uu ka mid ahaa Manjaniiq oo ahaa hubkii
waqtigaas u casrisanaa.
Markii ay muslimiintu labadaas dhufeys furteen
ayaa yahuuddii Nadha joogtey oo dhan isku urursatay
dhufeyska Qalcatu-Subeyr oo ku yaalley qalcad dusheed,
farduhuna aysan kori karin, raggana dhib ku ahaa. Markaas
ayuu Rasuulku SCW amray in la hareereeyo, markii saddex beri
lagu hareereysnaa ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid nin yahuud
ah oo yiri "Abal-qaasimow haddii aad bil ku hareereysanato
waxba yeeli mayso maxaa yeelay waxa ay haystaan cabitaan iyo
ilo dhulka hoostiisa ah, habeenkiina inta ay baxaan oo
biyohooda soo cabbaan ayey qalcaddooda ku soo noqdaan oo
difaac galaan. Haddii aad ka goysid biyaha waa kuu soo
baxayaan". Sidaa ayuu markaa yeelay Rasuulku SCW oo biyihii
ayuu ka jaray, markaas ayey soo baxeen oo u dagaallameen
ilaa uu markii dambe nasrigii Alle yimid oo muslimiintii
goobtii furteen.
Yahuuddu waxa ay ka dib isku urursatay
dhufeyskii 4aad ee la oran jirey Qalcaddii Ubay,
muslimiintiina way ka daba tageen oo way hareereeyeen;
waxaana goobtaas ka dhacay dagaal aad u daran. Labo nin oo
halyeeyadii yahuudda ka mid ahaa ayaa mubaaraso u soo baxay
hase ahaatee labadaba waxaa dilay raggii dhinaca
muslimiiinta uga soo baxay, weliba kan dambe waxaa diley
geesigii caanka ahaa ee Abuu Dujaana. Abuu Dujaana iyo
ciidankii muslimiintu waxa ay u dheceen qalcadda gudeheeda
ayey yahuuddii iskaga soo baxday qalcaddii oo u carartay
dhufeyskii ugu dambeeyey qaybta hore oo la oran jirey Nasaar.
Waxa ay yahuuddu ku urursatay haweenkii iyo carruurtii iyaga
oo iska dhaadhicinaya in aysan muslimiintu furan karin
dhufeyskaas istaraatiijiyaddiisa iyo difaaciisa oo adkaa
darteed. Waxaana uu dhufeyskaas ku yaalley buur dusheed.
Ciidankii Alle, oo wax kasta u beer dhigayey, ayaa
hareereeyey yahuuddii, yahuuddana waxa ay u ahayd kama
dambays maxaa yeelay dumarkoodii, carruurtoodii iyo
maalkoodii ayaa ku jirey dhufeyskaa, waana dhufeyskii ugu
dambeeyey dhinacaas magaalada.
Yahuuddu waxa ay soo ganayeen Naabaal iyo
dhagaxaan. Markii ciidankii muslimiinta ku adkaatay
furashadii dhufeyskan ayuu Rasuulku SCW amray in la tuuro
Manjaniiq. Muddo markii la tuurayey Manjaniiq ayaa lagu
burburiyey qaybo ka mid ahaa deriyadii qalcadda oo ay
muslimiintii galeen gudihii qalcadda, waxaana halkaa ka
dhacay dagaal daran ilaa markii dambe yahuuddii ay jabtay oo
ka carartay maatadii iyo maalkii.
Dhufeysyadii kale ee isla dhinacaan magaalada
kaga yaalley wax dagal ihi kama dhicin oo markii kuwii
waaweynaa laga qabsaday, ayey iskaga baxeen oo isku
urursadeen dhufeysyadii ku yaalley dhinaca kale ee
magaalada. Ciidankii muslimiintu markii uu furtay Nadha iyo
Shiqi ayuu uga daba tegey yahuudda dhinicii kale oo
hareereeyey. Dagaal adag ayaa ka dib dhacay ilaa ay
muslimiiintu ka furteen dhufeyskii Qamuus. Dhufeysyadii kale
markii uu Rasuulku SCW ku hareereysnaa afar beri,
yahuuddiina ay soo bixi weydey ayuu Rasuulku SCW damcay in
uu Manjaniiq ku garaaco hase yeeshee yahuuddii ayaa
weydiisatay heshiis oo ninkii la oran jiray Kinaana binu
Abil-Xaqiiq oo kamid ahaa madaxdii yahuudii reer banii
Nadiir ayaa Rasuulka SCW farriin u soo diray oo yiri "ma soo
degaa aan kula hadlee?", Rasuulkuna SCW wuu u oggolaaday.
Markii uu soo degay ayaa waxaa lagu heshiiyey in dadka
dagaallamayey ee dhufeyska ku jirey iyo maatada la iska
daayo, Khaybarna ay ka guuraan, maalka Khaybarna ay
muslimiintu leeyihiin. Rasuulku SCW wuxuu yiri "Alle iyo
Rasuulkiisu beri bay idinka yihiin haddii aad wax qarisaan".
Markii heshiiskii lakala qortayna way is dhiibeen oo sidaas
ayey ku dhamaatay furashadii Khaybar.
Wuxuu Rasuulku SCW u yimid ninkii la oran jirey
Kinaan oo ahaa khasnad hayihii yahuudda reer Banii Nadiir.
Ninkaas oo hayey maal aad u tiro badan, markii uu Rasuulku
SCW weydiiyey maalkana wuu inkiray, nin yahuudda ka mid ah
ayaa yiri "waxa aan arkay Kinaana oo tegeya meeshaas maalin
kasta", markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Kinaana "ka warran
haddii aan kaa helno maal sow kuma dilno". markaas ayuu yiri
"haa", ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la faago meeshii,
markii la faagayna waxaa laga soo bixiyey keydkoodii
qaarkiis, markaas ayaa la weydiiyey qaarkii kale hase
yeeshee ma sheegin. Rasuulku SCW wuxuu amray Subyer in uu
kexeeyo Kinaana oo soo buga bugeeyo, markii uu Subyer
garaacay oo xanuujiyey ayuu Kinaana sheegay maalkii oo dhan.
Ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray Maxammed binu Maslama in uu
dilo ninkaas maxaa yeelay labo ballan ayuu ku galay in la
dilo: tan hore oo heshiiska ku jirtey in haddii ay wax
qariyaan Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay beri ka yihiin iyo tan
dambe oo Rasuulku SCW ku yiri "haddii aan wax kaa helno sow
kuma dilno" isaguna wuu yeelay. Saas ayaana abaalkeedu yahay
ciddii islaamka diida oo dhagar iyo xumaan ka bixi wayda
markii ay u gacan gasho ciidammada Alle.
Rasuulku SCW wuxuu ka dib damcay in sidi
heshiisku ahaa uu yahuud Khaybar ka raro sidii uu awalba
Madiina uga soo raray hase yeeshee waxa ay yiraahdeen "Maxammedow
iska kaaya daa aan beeraha idiinka shaqayno, annaga ayaa
idiinka aqoon badane", markaas ayuu Rasuulku SCW ka yeelay
in ay iska degganaadaan Khaybar oo islaamka ku hoos
noolaadaan, beerahana ay ka shaqeeyaan, wixii ka soo go'ana
ay kala bar qaataan. Markii ay beeruhu soo go'aan ayuu
Rasuulku SCW u diri jjirey yahuudda nin khibrad leh oo soo
qiimeeya miraha beerta saaran, ka dibna intii lagu qiimeeyo
oo soo go'da ayaa la kala baran jirey. Sidaa ayey yahuuddu
Khaybar u degganayd ilaa waqtigii Cumar binu Khadhaab uu
khilaafada islaamka hayey, ka dibna Cmar ayaa ka raray.
Wuxuu Rasuulku SCW beerihii Khaybar u qaybiyey
36 qaybood oo qay kasta ahayd 100 sahmi (saami), isku
darkeeduna ahaa 3600 oo sahmi. Ka dib markii labo loo
qaybiyo (1800 sahmi) wuxuu dhigay danta guud ee muslimiinta,
100na ciidanki ayuu qeybiyey oo 1400 oo nin wuxuu siiyey min
hal sahmi, labadii boqol ee farasna wuxuu siiyey min labo
sahmi sidaas darteed ninkii faras watay wuxuu helay saddex
sahmi, ninkii aan wadanna hal sahmi. Arrintaas wuxuu Rasulku
SCW ku dhiirrigelinayey si ay ugu dadaalaan fardaha
maaaddama ay farduhu waqtigaas joogeen halka ay miigtu
maanta joogto.
Muslimiiintii waxa ay ka heleen Khaybar qaniimo
aad u tiro badan oo Ilaahay ku hodmiyey, asxaabtiina waxa ay
bexeen faqrigii aadka u darnaa, Caa'isha iyada oo Khaybar ka
hadlaysa waxay tiri "haddaan timir ka dhargaynaa". Sidoo
kale Cabduullaahi binu Cumar wuxuu yiri "ma aannaan dhargin
ilaa aan Khaybar kafuranay". Waana qaniimadii uu Ilaahay u
ballan qaaday. Qaniimada oo ah xoolo laga furto acdaa'da
Alle markii ay diinta Alle ka horyimaadaan, waxa ay ka mid
tahay risqiga ugu wanaagsan ee qofka muslimka ahi uu cuno.
Allaahna wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((CUNA
WAXAAD QANIIMAYSATEEN ISAGOO XALLAL WANAAGSAN AH, KANA BAQA
ALLE, WUXUU ALLE AHAADAY DAMBI DHAAFE NAXARIISTA)),
(Suuuratul-Anfaal 69).
Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri "waxaa la ila
soo bixiyey saacadda horteeda seef ilaa Ilaahay kaliya la
caabudo, risqigaygana waxaa la yeelay hooska warankayga
hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la yeelay ciddii
amarkayga (islaamka) khilaafta, qofkii cid isku ekeysiiyana
waa ka mid".
Rasuulka SCW intii uusan Khaybar ka tegin waxaa
ugu yimid Jacfar binu Abii-dhaalib iyo dadkii muslimiinta
ahaa ee dhulka xabashida jirey oo uu Najaashi soo direy
markii uu helay warqaddii Rasuulka SCW. Dadkaan waxaa la
socdey Abuu Muusa Al-Ashcari iyo dadkii ashcariyiinta ahaa
ee Yaman ka soo islaamay oo gaarayey dhowr iyo konton nin
qaniimadi ayaana wax laga siiyey. Waxaa kale oo intii uu
Rasuulku SCW Khaybar joogey yimid oo soo islaamay oo Abuu
Hureyra iyo dhowr nin oo reerihiisa ahaa, waxayna markii
hore tageen Madiina oo Subaac binu Curfada oo ahaan ninkii
uu Madiina Rasuulku SCW madaxda uga soo dhigay ayaa soo
ambabixiyey oo sahay soo siiyey.
Markii uu Rasuulku SCW Khaybar ka fara xashay
ayaa naag la oran jirey Seynaba binu Xaarith oo yahuudiyad
ahayd uuna qabay nin la oran jirey Sulaam binu Mashkam waxa
ay Rasuulku SCW u soo hadiyeysay hilib ri' ay soo soshay
waxa ayna tiri "cadkee Rasuulku ugu jecel yahay?", markaas
ayaa la yiri "dhudhunka", markaas ayey hilbihii oo dhan
sumaysay, dhudhunkiina si gaar ah u sumaysay, ka dibna
Rasuulka SCW u keentay. Rasuulku SCW markii uu hal mar
goostay ayuu tufay oo yiri "waxaa la ii sheegay laftaani in
ay sumaysan tahay", naagti ayaa loo yeeray, markaas ayey
qiratay. Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxaa kugu xambaaray
arrintaan?", waxay tiri "waxaad aragtay ayaad dadkaygii ku
samaysay marka waxa aan is iri haddii uu boqor yahayna waanu
ka istareexin, haddii uu Nabi yahayna waa loo sheegi",
markaas ayuu Rasuulku SCW iska dhaafay hase yeeshee nin
asxaabtii ka mid aha oo la oran jirey Bashiir binu Buraa oo
hilikii wax ka goostay ayaa u dhintay, markaas ayaa naagti
loo qisaasay oo la dilay. Sidaas ayuu ku dhamaaday
duullaankii Khaybar guushina Ilaahay ku siiyey Rasuulka SCW
iyo muslimiinta, acdaa'dii Ilaahayna ay jab ula kulmeen.
Muslimiinta waxaa duullaankaas uga shahiiday 16
nin: 4 Qureysh ah, nin reer Ashjac ah, nin reer Aslam ah,
nin reer Khaybar ah iyo 9 Ansaar ah. Dhinaca gaalada waxaa
laga dilay 93 nin.
Rasuulku SCW markuu khaybar tagay ayuu yahuuddii
reer Fadak u diray Muxaysa binu Mascuud si uu islaamka ugu
yeero hase yeeshee way diideen, markiise Khaybar la furtay
ayuu Ilaahay quluubtoodii aragagax geliyey markaas ayey
heshiis ula soo degdegeen Rasuulka SCW ay kuleeyihiin "sidii
aad reer Khaybar ula heshiisay oo kale annagana noola
heshii, Rasuulkuna SCW wuu ka yeelay.
Rasuulku SCW markiii uu Khaybar ka tegey wuxuu
aaday meel la oran jirey Waadil-Quraa oo ay degganaayeen
yahuud iyo carab. Markii uu gaaray oo uu dul degey aye
yyahuuddii soo tuureen gammuuno, waxayna ku dhaceen wiil la
oran jirey Mudhcam oo Rasuulka SCW mawle u ahaa. Wiilkii wuu
dhintay, markaas ayey dadkii dheheen "janno ayaa u ahaatay"
hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "ma aha sidaas, Ilaahii
nafsaddaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye
shalmaddii (xoolihii) uu ka qaatay qaniimadii Khaybar intii
aan la qaybin ayuu naar ku gelayaa". Dadkii markii ay
hadalkaas maqleen ayaa qofkii wax hayey keenay.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtiisii u
diyaariyey duullaankii reer Waadil-Quraa, wuuna safay,
wuxuuna calankii u dhiibay Sacad binu Cubaada, raayana wuxuu
u dhiibay Xubaab binu Mundir, raaya kalena Sahal binu
Xuneyf, mid kalena Cubaada binu Bishir. Sidii hore oo kale
ayuu Nabiga SCW islaamka ugu yeeray dadkaas, wayse diideen
oo dagaal ayey ka doorteen.
Waxaa mubaaraso ay u soo saareen nin ka mid aha,
waxaase u soo baxay oo diley Subeyr binu Cawaam. Mar labaad
ayaa islaamka loogu yeeray haddana way diideen. Nin kale
ayaa mubaaraso ugu soo baxay hase yeeshee isagana waxaa
dilay Subyer binu Cawaam. Mar saddexaad ayaa islaamka loogu
yeeray, iyaguna way diideen oo waxay mubaaro u soo saareen
nin kale, waxaa markan u baxay oo dilay Cali binu
Abii-dhaalib. Ka dib sidaa ayaa islaamka loogu yeerayey,
iyaguna u diidayeen oo hadba nin mubaaraso ugu soo saarayeen
ilaa laga diley 11 nin. Salaad ayaa soo gashay markaasuu
Rasuulku SCW asxaabtii soo tujiyey, ka dibna goobtii ayey ku
soo laabteen oo sidii oo kale islaamka ugu yeeray markii ay
diideenna ula dagaallameen ilaa ay ka galabaysteen.
Subaxdii dambe ayaa Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii ku soo kallaheen, waana la qabtay, maalkoodii
Ilaahay qaniimo ayuu muslimiinta uga dhigay. Ka dib Rasuulku
SCW afar beri ayuu meeshaas joogay, muslimintana qaniimadii
ayuu u qaybiyey, dhulkii iyo beerihina yahuud ayuu uga tegey
oo uu kula heshiiyey sidii reer Khaybar oo kale.
Yahuuddii deggenayd meeshii la oran jirey
Taymaa, markii ay maqashay in Rasuulku SCW qabsaday Khaybar
iyo Waadil-Quraa, ayey is dhiibeen, waxayna Rasuulka SCW u
soo bandhigeen in uu sidii hore oo kale uu heshiiyo.
Rasuulku SCW wuu ka yeelay wuxuna u qoray warqaddan:
Tani waa
waraaqadii Maxammed, Rasuulkii Alle uu u qoray reer banii
Cadiye. Waxa ay leeyihiin dimo (ballan) dushoodana jisyo
(canshuurta gaalada laga qaado) ayaa ahaatay, lama colaadiyo
lamana bixiyo. Habeenku waa dheer yahay maalintuna waa adag
tahay.
Ka dib Rasuulku SCW Madiina ayuu u so ambabaxay,
dhex markuu marayana waxa uu guursaday oo uu dhsitay Safiya
bintu Xuyey oo kamid ahayd dadkii Khaybar laga soo furtay
uuna dhalay ninkii ahaa Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa
yahuudii reer banii Nadiir ee Madiina laga soo raray kana
mid ahaa raggii Khaybar ka tegey ee soo abaabulay duullaanki
Axsaab ka dibna reer banii qureyda dhufayska la galay oo
halkaa lagu dilay.
Safiay waxa ay ahayd gabar yar waxaana guursaday
marki ay Khaybar yimaadeen ka dib ninkii aan soo marnay ee
ahaa Kinaana binu Rabbiic binu Abil Xuqayq markaas iyada oo
aroos ku jirta waxa ay ku riyootay Dayaxa oo dhabteeda ku
soo dhacay, waxay u sheegtay ninkeedii markaasuu intuu
dharbaaxo daran ku dhuftay ku yiri "ma waxaad rajaynaysaa in
Boqorka Yathrib ninkaaga noqdo", hase yeeshee muddo yar ka
dib Rasuulka SCW ayaa Khaybar furtay waxayna Safiya kamid
noqotay dadkii laga qabsaday yahuud.
Rasuulku SCW san soo sheegnayba markuu dhex
marayo ayuu xoreeyey oo guursaday ka dib markii ay islaamtay,
habeenkii uu Rasuulku SCW la aqal galay ayaa nin asxaabta
kamid aha oo la oran jirey Abuu Ayuub Khaalid binu Sayd
intuu seeftiisii qaatay ayuu Rasuulka SCW waardiye ka qabtay
isagoo ka baqaya in ay Rasuulka SCW wax gaarsiiso, markii
waagii baryey ayuu Rasuulku SCW arkay markaasuu ku yiri "maxaa
kugu dhacay abii Ayuub", wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaan
kaaga baqay haweentan, maxaa yeelay waxaa la dilay aabeheed
ninkeedii iyo tolkeed waana qof hadda gaalnimo kasoo gashay
sidaa darteed waan kaaaga baqay". Rasuulku SCW waxa uu
sameeyey waliimo oo waxaa la isku dardaray wixii ay asxaabtu
hayeen sida hilib, muufo, timir iwm, wuxuuna Rasuulku SCW
meeshii deganaa 3dex maalmood oo uu safiya u yeelay.
Ka dib Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxa ay
aadeen dhinicii Madiina, habeenkii oo dhan sidii loo socday
markii meel dhexe la marayo ayaa goor dambe meel la seexday.
Rasuulku SCW wuxuu Bilaal faray in uu soo jeedo oo salaadda
subax u kiciyo maxaa yeelay ciidanku muddo ayey dagaal iyo
safar ku jireen. Bilaal markii uu wax yar soo jeeday ayuu
rartiisii isku tiiriyey, markaas ayey indhihiisii ka qaalib
noqdeen (oo wuu gam'ay). Hurdadii ayaa dhammaantood la
tagtay ilaa ay qorraxdii ka soo baxday, waxaa uguhor kacay
Rasuulka SCW. Ka dib Rasuulku SCW iyo asxaabtu togii ayay
xoogaa ka socdeen oo salaaddi fajar ku tukadeen.
Intaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW ku soo laabtay
Madiina, waxaa kale oo iyaguna Madiina ku soo laabtay ciidan
uu madax u ahaa Abaan binu Sacid oo uu Rasuulku SCW markii
uu Khaybar aadayey u diray dhinaca Najdi si uu u cabsi
geliyo rer baadiyihi oo aysan Madiina u soo hawaysan inta uu
Rasuulku SCW Khaybar ku maqan yahay. |