DAGAALKII MU'TA
Dagaalkan oo ahaa dagaal weyn
wuxuu dhacay bishii Jamaadul-Awa, sannadkii 8aad ee hijriga.
Mu'ta oo uu dagaalku ka dhacay waxa ay ahayd magaalo Shaam
ku taal. Sababta dagaalkani waxa ay ahayd sidan: Rasuulka
SCW ayaa warqad u diray boqorkii Basra, uguna sii dhiibay
Xaarith binu Cumeyr. Waxaa Xaarith dilay nin la oran jirey
Shuraxbiil binu Camar oo boqortooyadii Qaysar madax uga ahaa
meesha la yiraahdo Balqaa oo Shaam ka tirsan, waxaana
waqtigaas iyo maantaba aad u fool xun in la dilo wufuudda
iyo musaafiriinta. Rasuulku SCW markii uu warkaa maqlay aad
ayuu uga xumaaday, wuxuuna diray ciidan xoog leh oo gaarayey
3,000 oo nin, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith,
wuxuuna Rasuulku SCW yiri "haddii Seyd la dilo, Jacfar binu
Abii-Dhaalib madax ha noqdo; haddii Jacfar la dilana
Cabdullaahi ibnu Rawaaxa madax ha noqdo". Rasuulku SCW wuxuu
ciidankaa siiyey calan cad oo uu u dhiibay Seyd, wuxuuna u
dardaarmay in ay keenaan ninki dilay Xaarith binu Cumeyr,
marka horese ay dadkaas islaamka ugu yeeraan o ohaddii ay
diidaan ay iyaga oo Ilaahay u kaalmaysanaya la dagaallamaan.
Rasuulku SCW waxaa kale oo uu ciidankaa ku yiri "ugu duula
magaca Alle, jidka Alle, cid Alle ku kufriday, ha doorinina
hana dilina carruur, haween iyo duqo, ha goynina dhirta hana
duminnina dhista".
Ka dib wuxuu ciidankaasi
isu diyaariyey ambabax, dadkii reer Madiinana waxa ay isugu
yimaadeen goobtii uu ciidanku ka baxayey iyaga oo u
duceynaya ciidanka oo ku leh "Allaha idin nabad yeelo, hana
idin difaaco, soona noqda idinka oo soo qaniimaystay",
markaas ayuu Cabdullaahi binu Rawaaxa tiriyey gabay. Ka dib
ciidankii way baxeen, waxaana sii sagootiyey Rasuulku SCW
ilaa ay ka gaareen meesha la yiraahdo Thaniyatul-Wadaac.
Markii uu ciidankii marayo
meesha la yiraahdo Macaan oo Shaam ka tirsan ayey maqleen in
boqorkii Ruum ee hiragle uu Bulqaa ku soo siyaadiyey boqol
kun oo ciidan roomaana ah iyo boqol kun oo kale oo ah
carabtii kiristaanka. Ciidankii muslimiintu waxa ay degeen
meesha layiraahdo Macaan oo ay laba habeen joogeen iyaga oo
ka tashanaya sidii ay yeeli lahaayeen oo ay uga hor tegi
lahaayeen ciidankaas aadka u tirada badan. Wax ay wada
tashadaanba waxaa go'aan lagu gaaray in Rasuulkii SCW waraaq
loo qoro oo loo sheego tirada cadowga, ka dib Rasuulku SCW
ama ciidan ha soo siyaadiyo ama amar kale ha soo siiyo, hase
yeeshee waxaa ra'yigan ka hor yimid Cabdullaahi binu Rawaaxa
oo ciidankii geesinomo geliyey, wuxuuna yiri "dadyohow Ilaah
baan ku dhaartaye waxa aad ka hanaysaan waa shahaadadii aad
u soo baxdeen ee aad doonayseen. Dadka kulama dagaallanno
tiro badnaan iyo awood, kulana dagaallami mayno illaa
diinkan Allaah nagu karaameeyyey ma ahane, hana la baxo
labadii wanaagsanayd midkood ayaan leenahay (guul ama
shahaado). Ugu dambeyntii waxaa la qaatay ra'yigii
Cabdullaahi oo ciidankii muslimiintu cadowgii ayey u sii
dhowaadeen ilaa ay ka gaareen meel ka tirsan Bulqaa oo la
yiraahdo Mashaarif, ayna joogeen ciidankii Hiraqle. Ka dib
ciidanku waxa ay degeen Mu'ta, wuxuuna isu diyaariyey dagaal.
Ciidanka qaybtiisa midig waxaa madax looga dhigay Qudhba
binu Qataada, qaybta bidixna Cubaada binu Maalik.
Labadii ciidan waxay ku
kulmeen Mu'ta iyada oo ay ciidanka muslimiinta tiradoodu
ahayd 3,000, kuwa gaaladana 200,000. Arrinkan oo ah arrin ay
cibro ku sugantahay, labo ciidan oo cadadkoodu intaa isku
jiro, oo waliba kan cadadka yari duulaan yahay, meel fogna
kasoo duulay. Mana ahan arrintaan oo kaliya ee waxaan mar
walba ku arkaynaa siirada Rasuulka SCW in ay aad u kala
badan yihiin cidanka muslimiinta iyo kan gaaladu. Haddaba
waxaa la doonayaa inuu qof walba oo muslim ihi ka
faa'iidaysto, kuna daydo akhyaartaas naftoodii u hurtay Alle
dartiis, Rabbigiisna ku kalsoonaado kalsooni dhab ah,
uusanna u arkin in cid kale wax ka qaadi karto mar haddii uu
isagu Alle ku xiran yahay. Waxaana maanta jirta in dadkii
musliminta ahaa markii ay Ilaahay diintiisii ka tageen
Ilaahay ku riday rucbi oo ay gaaladii shan mayl ka
cararayaan, arrintaas oo ay sababtay adduunyo jacayl iyo
dhimasho ka carar, siduu Rasuulkuba SCW tilmaamay, waxaana
xaqiiqo ah in ciddii iiman uu ka buuxo aysan waxba la ahayn
xitaa haddii ay la dagallamaan dunida oo idil maxaa yeelay
waxa ay u dagaallamayaan oo ay ku xiran yihiin Allihii
addunka oo dhan abuuray isla markaasna maamulaya, ciddii uu
la jiraan wax ka guulaysan karaa aysan jirin.
Hoggaamiyaha ciidanka
muslimiinta, Seyd binu Xaarith, oo ahaa mawlihii Rasuulka
SCW, Rasuulkuna aad u jeclaa, taariikhdii islaamka iyo
jihaadkiina qayb libaax ka soo qaatay, wuxuu muujiyey
geesinnimadii iyo dagaalyahannimadii lagu yaqaannay ilaa uu
aakhirkii ka shahiiday. Ka dib waxaa calankii qaaday
ciidankiina hoggaanka u qabtay sidii uu Rasulku SCW amrayba
Jacfar binu Abii-Dhaalib. Jacfar wuxuu isaguna dagaallamay
dagaal xeel dheer, markii ay arrintii aad u kululaatay ayuu
Jacfar intuu faraskiisii boqno gooyey dagaalkii sii waday
ilaa gacantisii midig la gooyey, wuxuu calankii ku qabsaday
gacantii bidix ilaa iyadiina la gooyey, markaas ayuu
garbihiisii isugu soo dumay (isugu keenay) ilaa uu ka
shahiiday. Rasuulku SCW wuxuu sheegay in uu Ilaahay siiyey
Jacfar labo garab oo jannada meeshii uu ka rabo ugu duulo,
waxaana Jacfar la dhahaa labo Garable. Cabdullaahi ibnu
Cumar wuxuu yiri "meydkii Jacfar baan dul istaagay, waxa aan
ka tiriyey 50 nabar oo isug jirey seef iyo waran, haddii
lagu daro fallaarahana waxa ay gaarayeen dhowr iyo
sagaashan". Ka dib sidiii amarka Nabiga SCW ahaa waxaa
ciidankii hoggaanka u qabtay Cabdullaahi ibnu Rawaaxa.
Cabdullaahi sidi saaxiibbadiis o kale ayuu ciidankii ugu hor
maray isaga oo faraskiisii saaran. Naftiisii ayuu xoogaa ka
dareemay markaasuu u tiriyey tix yar oo ku leeyahay "Waxa
aan nafyahay ku dhaaranayaa in aad u degto (dagaalka) ee
yeel ama nac. Maxaan kuu arkaa (nafyahay) in aad jannada
naceysid". Ka dib Cabdullaahi wuu dagaallamay ilaa uu ka
shahiiday.
Markii ay shahiideen
saddexdii nin ee Rasuulku SCW soo magacaabay, dagaalkiina uu
weli si daran u socdo ayaa calankii waxaa qaaday Thaabit
binu Arqam oo yiri "muslimiineey nin iska soo dhex doorta",
markaas ayey dheheen "adiga ayaan ku dooranay", wuxuu yiri
"aniga ma qabanayo (hoggaanka)", ka dib waxaa la doortay
Khaalid binu Waliid. Khaalid waxa uu dagaalamay dagaal aad u
xeel dheer ilaa Sagaal seefood gacantiisa ku jabeen. Khaalid
oo aad u yaqaannay xeeladaha dagaalka waxa uu adeegsaday
aqoontiisi ciidammeed, wuxuuna beddelay qaabki uu ciidanka
muslimiintu u dagaal gelayey oo ciidankii midig joogey bidix
ayuu geeyey, kii bidix joogeyna midgi, kuwii gadaal joogeyna
hore. Roomaanki waxa ay u maleeyeen in ciidan xoojin ah uu
ku soo biiray ciidankii muslimiinta, markaas ayaa Ilaahay ku
riday baqo iyo niyad jab oo gadaal bay u gurteen. Khaalid
markii uu muddo dagaalkii waday kagana gacan sarreeyey ayuu
si tartiib tartiib ah u soo bixiyey ciidankii muslimiinta.
Roomaankii oo baqdini gashay ayaa ku laabtay magaaladoodii.
Khaalid iyo ciidankiisii waxa ay soo aadeen Madiina.
Rasuulka SCW oo loo
waxyooday intii aysan ciidanku Madiina gaarin ayaa asxaabtii
ku yiri "waxaa calankii qaaday Seyd waana la diley, ka dib
waxaa qaaday Jacfar isna waa la diley, ka dibna waxaa qaaday
ibnu Rawaaxa isna waa la diley ilaa uu ka qabtay calankii
seef seefaha Alle ka mid ah (Khaalid) ilaa uu Ilaahay u
furay".
Sidoo kale Rasuulku SCW
isaga oo ka waramaya raggaas shuhadada ahaa ee ku dhintay
dagaalkaas waxa uu yiri "ma ay farax galinayso (iyaga) ama
ima ay farax galinayso (aniga) in ay nala joogaan.
Dagaalkan Mu'ta waxaa
muslimiinta ka shahiiday 12 nin, roomaankiise lama garanayo
tirada ka dhimatay laakiin waxaa la qiyaasayaa in tiro badan
ay ka dhimatay. In kasta oo aysan muslimiintu dagaalkan
gaaladii ku jebin, dhulna ka qabsan haddana wuxuu
muslimiinta u soo hooyey guul aad u ballaaran waxa uuna ka
mid ahaa dhacdooyinkii Ilaahay diintiisa ku ciseeyey.
Guulahaas waxaa ka mid ahaa in carab oo dhan uu ku dhacay
wareer iyo baqdin, waxa ayna ka quusteen in ay muslimiinta
la dagaallamaan maxaa yeelay muslimiintu waxa ay u beer
dhigeen ciidankii roomaanka oo waqtigaa dunida ugu xoogga
badnaa, cid isku taagtana aysan jirin. Waxaa kale oo yaab
noqotay in 3,00 oo nin ku duushay, una babac dhigtay ciidan
200,000 ah isla markaasna ay soo noqdeen iyaga oo uusan
khasaare weyni soo gaarin. Waxaa kale oo ay dad badani
xaqiiqsadeen in ay muslimiintu yihiin dad xagga Rabbi looga
gargaarayo oo aan la hoojineyn, cid ay ka baqayaanna aysan
jirin, Nabiguna SCW uu yahay Rasuul xaq ah oo Ilaahay soo
diray sidaa darteed carabtii islaamka diideysey waxa ay
bilaabeen in ay islaamka soo galaan oo Allaah iyo Rasuulka
SCW isu dhiibaan. Waxaa si degdeg ah u soo islaamay
qabaa'ilkii banuu Suleym, Ashjac, Qadafaan, Dubayaan,
Fasaara iyo kuwa kale. Sidoo kale wuxuu dagaalkani
albaabbada u furay duullaamadii ay muslimiintu ku qaadayeen
dhulalkii fogaa iyo qabsashadii magaalooyinki Ruum. |