ILAALOOYINKII KA DAMBEEYEY
CUMRATUL-QADAA
Rasuulku SCW cumrada ka dib intii aan la gaarin dagaalkii
Mu'ta wuxuu direy dhorkan sariyo (ilaalo).
1. Ilaalo uu madax u ahaa
Ibnu Abil-Cawja oo uu Rasuulku SCW bishii Dil-Xija,
sannadkii 7aad ee hijriga u diray qabiilkii reer banuu
Suleym si loogu yeero islaamka hase yeeshee markii arrinkaas
loogu baaqay way diideen. Ka dib waa lala dagaallamay oo la
jebiyey, waxaana laga soo qafaashay labo nin, ciidankii
muslimiinta oo uu ka soo dhawacmay hoggaamiyihiina waxa ay
ku soo laabteen Madiina.
2. Ilaalo uu hoggaaminayey
Qaalib binu Cabdullaahi oo uu Rasuulku SCW bishii Safar,
sannadkii 8aad ee hijriga u direy qabiilkii laayey ilaaladii
Bashiir binu Sacad. Ciidankan oo ka koobnaa 200 nin waxa ay
tageen meeshii loo direy, si fiican ayeyna u soo edbiyeen
qabiilkaas, qaniimana way soo heleen, ka dibna waxa ay ku
soo noqdeen Madiina.
3. Ilaaladii Daati Adhlax
oo ka koobnayd 15 nin, uuna madax u ahaa Kacab binu Cumeyr
Al-ansaari oo uu Rasuulku bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii
8aad ee hijriga u direy banii Qudaaca ka dib markii uu
maqlay in ay u tabaabusheysanayaan sidii ay ugu soo duuli
lahaayeen muslimiinta. Kacab iyo ciidankiisii waxa ay
qabiilkaa ugu yeereen islaamka hase yeeshee way diideen oo
weliba weerar ayey ku soo qaadeen muslimiintii. Dagaal ayaa
halkaas ka dhacay, waxaana goobtaas ku shahiiday dhammaan
ciidankii muslimiinta marka laga reebo labo nin oo meyd kala
dhex gashay iyo nin kale.
4. Ilaaladii Daatu Cirqin
oo uu Rasuulku SCW isla bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii
8aad ee hijriga u direy banii Hawaasin. Rasuulku SCW markii
uu maqlay in ay qabiilkaasi mar kale abaabul galeen ayuu u
dire 25 nin oo uu madax uga dhigay Shujaaca binu Wahab, hase
ahaatee wax dagaal ihi ma dhicin. |