SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 69aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

CUMRADII LA SOO QALEEYEY

Waxa aan soo marnay in bishii Dul-Qacda, sannadkii 6aad ee hijriga ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu aadeen Makka iyaga oo doonaya Cumro hase yeeshee ay qureysh u diidey in ay xaramka galaan, ka dibna halkaas uu ka dhacay heshiiskii Xudeybiya. Heshiiskaa waxaa ka mid ahaa in ay muslimiintu sannadkaas noqdaan oo ay soo cumraystaan sannadka kale iyada oo loo oggol yahay saddex beri oo kel ah. Haddaba Rasuulku SCW isla bishaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayuu soo xirtey Cumro, asxaabtiisana amray in ay cumradii sannadkii hore ka baaqatay soo qaleeyaan. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu amray in asxaabtii la socotay sannadkii hore aysan ka harin sidaa darteed waxaa raacay intii Xudeybiya la socotay intii ka dhimatay ama shahiiday maahane, waxaa kale oo raacay dad kale oo aan la socon Xudeybiya. Tirada dadka Nabiga SCW raacay waxa ay ahaayeen 2,000 oo nin marka laga reebo dumarka iyo caruurta, wuxuuna Rasuulku SCW Madiina madax uga sii dhigay Cabdiraxmaan ibnu Cawf. Rasuulku SCW wuxuu kexeeyey hadyi dhan 60 geel ah, waxaana u wadey Najaaba binu Jundub Al-aslami.

Cumrada wuxuu Rasuulku SCW ka xirtay meesha ay haddaba ka xirtaan dadka ka imaanaya Madiina iyo dhinaceeda oo la yiraahdo Dil-Xuleyfa. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu way qaateen hubkoodii dagalka oo dhan maxaa yeelay cadowga Ilaahay la iskuma aammini karo oo waxaa laga yaabaa in ay makri iyo khiyaamo sameeyaan hase yeeshee waxaa hubkaas la dhigtay meel la yiraahdo Yajuj oo duleedka Makka ahayd, wuxuuna Rasuulku SCW hubkaas u reebay 200 oo nin oo uu madax u ga dhigay Aws binu Khawli. Rasuulka SCW oo ciidanka intiisii kale wata, hubkii socotadana sita, seefuhuna ay galkooda ugu jiraan ayaa u soo gudbay xaramka.

Rasuulku SCW wuxuu dawaafayey isaga oo hashiisii saaran, asxaabtuna iyaga oo seefohoodii gaashaaman ayey la dawaafayeen oo talbiibsanayeen. Sidii ballantu ahayd gaaladii qureyshtu way u faaruqiyeen Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa xaramka iyaga oo fuulay buur ku taala dhinaca waqooyi ee kacbada si ay u daawadaan Rasuulka SCW iyo ciidankiisa. Waxa ay ku sheekaysanayeen "waxaa yimid Maxammed iyo asxaabtiisii oo ay qandhadii Yathrib (Madiina) ay tabar darnaysiisay". Rasuulku SCW markii uu maqlay warkoodaas ayuu asxaabtiisii amray in ay maradooda kore gacata midig hoos ka mariyaan oo bannaanka ula soo baxaan sida haddaba ay raggu yeelaan. Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW amray asxaabta in ay saddexda dawaaf oo hore ay rucleeyaan, labada rukni ee dhinaca kale xigana la socdo si uu cadowga Ilaahay u arko xoogga iyo awoodda muslimiinta.

Gaaladii markii ay arkeen asxaabtii oo maradu u qaaran tahay oo rucleynaya ayey yiraahdeene "maxaa loo lahaa nimankaan qandho ayaa tabar darnaysay, wax kasta way ka xoog badan yihiin". Markii uu Rasuulku SCW dawaafkii dhammaystay wuxuu orday Safa iyo Marwa dhexdooda, ka dibna hadyigii ayuu ag istaagay oo yiri halkaan ku qala, meel walba oo Makka ka mid ahna waa lagu qali karaa". Meeshii ayuu Rasuulku SCW hadyigii ku gowracay, timihiina ku xiirtay, asxaabtiina sidaa oo kale ayey yeeleen.

Rasuulku SCW wuxuu u direy raggii hubka ilaalinayey ciidan soo baddala si ay u so cumraystaan, ka dibna way cumraysteen. Rasuulku SCW Markii uu Makka joogey saddex beri, ayey gaaladii maalinkii 4aad u yimaadeen Cali binu Abii-Dhaalib oo ku yiraahdeen "u sheeg saaxiibkaa (nabiga SWC) ha naga baxo, muddadii way u dhammaatayey", markaas ayey Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii bexeen oo degeen meesha la yiraahdo Saraf. Rasuulku SCW markii uu Makka ka sii baxayey waxaa soo daba orday gabar yar oo uu dhalay adeerkiis Xamsa, waxa ayna tiri "adeer, adeer", markaas ayuu gabadhii u dhiibay Cali iyo Faadumo. Ka dib waxaa gabadhii ku dooday Cali binu Abii-Dhaalib, Jacfar binu Abii-Dhaalib iyo Seyd binu Xaarith oo uu mid walba doonayey in uu bagadha isagu koriyo. Rasuulku SCW wuxuu u xukumay Jacfar maxaa yeelay in kasta oo uu Cali ula siman yahay haddana Jacfar wuxuu qabay haryarteed, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "habaryartu waa booskii hooyada".

Cumradaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW guursaday Maymuuna bintu Xaarith, oo intii uusan xaramka ka tegin ayuu u direy Jacfar binu Abii-Dhaalib si uu ula soo hadlo, ka dib way yeeshay oo waxay wilaayadeedii u dhiibatay Cabbaas binu Cabdimudhalib oo qabay walaasheed, Cabbaasna wuu u meheriyey Nabiga SCW. Markii ay muddadii cumradu dhammaatay ayuu Rasuulku SCW reebay Raafic si uu Maymuuna u soo kexeeyo. Raafic wuu soo kaxeeyey Maymuuna wuxuuna uga daba yimid Rasuulka SCW iyo asxaabtii kale meeshii ay degeen oo ahayd Saraf, ka dibna Madiina ayaa loo laabtay.

Daabacad: 2003-02-08  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD