ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC
KADAMBEEYEY Rasuulku
SCW markii uu ka soo laabtay duullaanki Daatu-Riqaac ma
uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Shawaal ee isla
sannadkii 7aad ee hijriga hase yeeshee wuxuu muddadaas iska
daba diray dhowrkan sariyo (ilaalo).
1. Ilaaladii uu madaxda u
ahaa Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu u diray reer banii
Mullaax bishii Safar ama Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad
hijriga. Sababta loo direy ciidankanna waxa ay ahayd in ay
reerkaasi dileen rag muslimiinta ka tirsanaa. Qaalib iyo
kooxdiisii way bexeen, markii ay tageen degaankii qabiilkaas
ayey ragna ka soo dileen, xoolana ka soo kaxaysteen, kana
soo laabteen. Qabiilkii ayaa isu habar wacday oo ciidan aad
u tiro badan ka soo daba direy Qaalib iyo kooxdiisii hase
yeeshee markii ay u soo dhowaadeen ayaa Ilaahay keenay roob
xoog badan oo dadkiisii kala xiray labadii ciidan, sidaas
ayaana lagu kala tegay.
2. Ilaaladii uu
hoggaaminayey Cumar binu Khadhaab oo uu Rasuulku SCW bishii
Shacbaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Turba oo ay
degganaayeen reer banii Hawaasin. Ciidankan oo ka koobnaa 30
nin habeenkii ayey socon jireen, maalintiina way is qarin
jireen si aan looga war helin oo ay u kediyaan acdaa'da
Ilaahay, hase ahaatee reer Hawaasin way ka war heleen
ciidanka, wayna kala carareen. Cumar iyo kooxdiisii way
raadiyeen hase ahaatee waxba ma soo helin, ka dibna Madiina
ayey ku soo laabteen.
3. Ilaaladii uu madaxda u
ahaa Bashiir binu Sacad Al-ansaari oo uu Rasuulku SCW isla
bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hiriga u direy reer banii
Mura. Ciidankan oo ahaa 30 nin meeshii loo direy ayey tageen
oo soo gabagabeeyeen, ka dibna soo noqdeen, hase yeeshee waa
laga daba yimid oo dagaal daran ayaa dhex maray iyaga iyo
qabiilkaas. Asxaabtii oo dhan goobtaas ayey ku wada
shahiideen Bashir binu Sacad ma ahane, isaguna dhaawac ahaan
ayuu nin yahuudi ah gurigiis ku tegey, markii uu raystayna
Madiina ayuu ku soo laabtay.
4. Ilaaladii uu
hoggaaminayey Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu Rasuulku
SCW bishii Ramadaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy reer
banii Cabdi binu Thaclaba iyo reer banii Cawaal. Ciidankan
oo 130 nin gaarayey waxa ay soo guteen hawshii loo direy
dabadeedna way soo naqdeen.
5. Ilaaladii uu madaxda u
ahaa Cabdullaahi binu Rawaaxa oo uu Rasuulka SCW bishii
Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Khaybar (akteeda).
Rasuulku SCW markii uu maqlay in nin la yiraahdo Bashiir
binu Saraam uu ururinayo ciidan reer Qadafaan ah si ay
muslimiinta ugu soo duullaan ayuu ciidankan oo 30 nin ka
koobnaa u direy. Cabdullaahi iyo ciidankiisii waxa ay tageen
meeshii, waxayna gacanta ku soo dhigeen 30 nin oo uu ku jiro
ninkii madaxda u ahaa, ka dibna markii ay dhex marayaan ayey
nimankii khiyaama sameeyeen oo isku dayeen dil markaasaa la
laayey.
6. Ilaaladii uu
hoggaaminayey Bashiir binu Sacad oo uu Rasuulku SCW isla
bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Qadafaan.
Ciidankan oo 300 nin ahaa sababta loo diray waxa ay ahayd in
qoladaas qaar ka tirsan ay abaabul sameeyeen si ay Madiina u
miraan. Bashiir iyo Ciidankiisii habeen socod ayey ahaayeen,
maalintiina way is qarin jireen si aan loo ogaan hase
ahaatee qabiilkii wuu ka war helay wuuna baqday. Ciidankaas
waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo qaniimo badan iyo
labo nin oo qafaal ah wata. Labada nin markii Rasuulka SCW
loo keenay way islaameen.
7. Ilaaladii Qaalib binu
Cabdullaahi laythi oo uu Rasuulku SCW diray bishii Ramadaan
sannadkii 8aad ee hijriga uuna u diray reer banii Cawaal iyo
reer banii Cabdi Thaclaba, waxaana ciidankaani dhamman 130
nin. Qaalib iyo ciidankiisii meeshii ayey tageen, waxayna
weerareen cadawgii oo wixii la dagaalamay ayey dileen ka
dibna xoolo ayey kasoo kaxaysteen waxayna ku soo laabteen
Madiina. Ilaaladaan weeye midda uu Usaama binu Sayd dilay
nin ka mid ah dadkii la dagaalamayey oo ashahaatay,
Rasuulkuna SCW markii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri "mawaxaad
dishay markuu Laa Ilaaha illa Laah yiri ka dib", wuxuu yiri
Usaama "Rasuulkii Allow wuu iiga gabanayey" wuxuu yiri
Rasuulku SCW "maqalbigiiisaad jeexday oo aad ka ogaatay in
uu Run sheegayey iyo in uu Been sheegayey". Allaah SW isaga
oo arintaa ka hadlaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA MU'MINIINTA AHOW
MARKAAD U BAXDAAN JIDKA ALLE WAX CADDAYSTA (HUBSADA) OO HA
DHIHININA QOF SALAAM IDIIN SOO GUDBIEY MU'MIN MATIHID
IDINKOO DOONAYA BIRBIRKA ADDUUNKA, ALLE AKTIISA AYEY AHAATAY
QANIIMO BADANE, SAASOO KALE AYAAD AHAYDEEN (IDINKUBA) AWAL,
ALLAANA IDIN GALADAYSTAY (OO IDIN SOO HANUUNIYEY) EE WAX
CADAYSTAY (OO HUBSADA ARRINKA), ALLENA WAXA AAD CAMAL
SAMAYNAYSAAN WAA GUN OGYAHAY)), (Suuratu-Nisaa' 94).
Sidoo Allahba aayadan ku
sheegay qofkii gaalka ahaa ee kula dagaalamayey haddii uu
dagaalkii joojiyo oo uu ashahaato, dhiigiisu waa xaraan
lamana dili karo, maxaa yeelay awalba waxaa loola
dagaalamayey in uu Addoon unoqdo Rabbigiis, haddii taas laga
helana faraha ayaa laga qaadayaa, sidoo kale haddii uu
gaalku ogolaado jisyo iyo heshiis isna waa la nabad
gelinayaa mar hadduusan diinta Alle ka hor imaanayn oo uu
ogol yahay in ay ummada gaarto, sidoo kale waxaa lala
dagaallamayaa ciddii dida Rugni islaamka ka mid ah sida
Salaadda, Sakada, Xukunka shareecada islaamka iwm haba
sheegtaan islaam, waxaana dagaalkoodu ku eg yahay ilaa ay ka
ogolaadaan oo ay ka laabtaan. Abuubakar Sidiiqna waxa uu la
dagaalamay dadkii Sakada diiday marki Rasuulku SCW dhintay
ilaa ay ka soo laabteen, mana aysan dafirin dadkaasi Sakada,
ee waxay is moodsiiyeen in ay Rasuulka SCW ku khaas ahayd,
hase yeeshee qofku hadduu toos u jaaxido oo uu yiraahdo
iguma waajibin Salaada ma Sako iwm ah ama uu inkiro Xukunka
shareecada islaamka, is kuma khilaafsana culimada islaamku
in uu qofkaasi yahay murtad islaamka ka baxay.
8. Ilaaladii Xadrat Al-aslami
oo uu Rasuulku SCW direy ka dib markii uu ka war helay in
nin u dhashay qabiilkii Jasnam binu Mucaawiye uu wax
abaabulayo. Abii Xadrad iyo ciidankiisii oo 13 nin ahaa
waxay isticmaaleen khiddad cadawgiina waa jabay.
9. Sidoo kale Rasuulku SCW
diray koox ilaalo ah oo uu madax u ahaa nin Ansaar ah (oo la
oran jirey Cabdullaahi binu Xudaafa) wuxuuna Rasuulku SCW
kooxdaan amray in ay ninkaas uu madaxda uga dhigay ay
maqlaan, markii meel la marayo ayuu u carooday markaasuu ku
yiri "ii keena qoryo", wey keeneen, wuxuu yiri "dab shida",
way shideen, markaasuu ku yiri "saw idinma amrin Rasuulku
SCW in aad i maqashaan oo i adeecdaan", waxay dheheen "haa",
wuxu yiri "gala dabka", waxay dheheen "waxaan Rasuulka SCW
ugu soo cararnayba waa naar ka carar", ka dib wuu iska caro
baab'ay dabkiina waa la iska damiyey, dabadeed markii
Rasuulka SCW loo yimid ayey arrintii u sheegeen markaas yiri
"hadday gali lahaayeen dabka kama aysan bexeen (naarta), is
adeecitaanku waa wixii wanaag ah. |