XAJATUL WADAAC
Markii la marayo bishii
Dul-Qacda, sannadkii 10aad ee hijriga ayaa Rasuulku SCW
ogeysiiyey dadkii muslimiinta ahaa in uu aadayo xaj. Markii
waqtigii xajka la gaaray ayuu Rasuulku SCW ka soo baxay
Madiina iyada oo ay 5 beri ka dhiman tahay bishii Dul-Qacda,
wuxuuna sii lebbistay dharkii xajka, hadyigiisiina wuu soo
qoor xiray. Waxaa Madiina ka soo raacay muslimiint aad u
tiro badan, sidoo kale dhammaan dhulkii kale ee muslimiintu
degganaayeen waa laga soo baxay iyada oo lagu soo ururayo
Makka si xajka loo guto.
Rasuulku SCW wuxuu Madiina
ka soo baxay markii uu tukaday xalaaddii duhur, ka dibna
wuxuu degay meesha la yiraahdo Dul-Xuleyfa, halkaas oo uu ku
tukaday salaadii casar, habeenkaasna uu u hoday. Markii
maalinkii dambe la gaarayna inta uu uu qubaystay oo
dhiibaystay (is carfiyey) ayuu salaaddii duhur tukaday, ka
dibna isaga iyo asxaabtii waxay ay xirteen xaj iyo cumro,
dabadeedna way baxeen o waxa ay aadeen Makka.
Markii ay Rasuulka SCW iyo
dadkii la socday Makka gaareen waxa ay ku degeen meesha la
yiraahdo Dii-dhuwan, halkaas oo ay habeenkii baryeen,
dabadeedna markii ay salaaddii subax tukadeen ayuu Rasuulku
SCW qubeystay oo magaaladi Makka galay, maalinkaas oo ahaa
maalin Axad ah, 4tii Dul-Xaj, sannadkii 10aad ee hijriga.
Rasuulku SCW wuxuu markaas galay xaramkii oo dawaafay Beytka,
ka dibna orday Safwa iyo Marwa (dhexdooda). Ka dib wuxuu
degay Xujuum, mana xalaal noqon Rasuulku SCW maxaa yeelay
wuxuu Rasuulku SCW waday hadyi, wuxuuna asxaabta u sheegay
in qofkii hadyi wada sidiisa oo kale uusan xalaal noqonayn
ilaa laga gaaro maalinka 10aad oo xajku u dhammaado, qofkii
aan hadyi wadinna gaabsado ka dibna uu Beytka dawaafo, Safwa
iyo Marwana ordo, timahana gaabsado ka dibna uu xalaal noqdo
oo wixii xaaraanta ka ahaa inta xajka lagu jiro oo dhan ay
xalaal u yihiin ilaa laga gaaro maalinka 8aad ee xajka
bilaabanayo, wuxuuna yiri Rasuulku SCW "haddii aanan hadyi
wadi lahayn waan xalaal noqon lahaa", sidoo darteed ayaa
muslimintii aan hadyiga wadin u xalaal noqdeen ilaa laga
gaaray maalinkii 8aad. Waxaana Madiina hadyi ka keenay
Rasuulka SCW iyo Abuu Dalxa oo keliya.
Maalinkii 8aad oo xajku
bilaabanayey markii la gaaray waxuu Rasuulku SCW aaday Muna
halkaas oo uu ku tukaday salaaddii duhur ilaa laga gaaray
salaaddii subax ee maalinkii 9aad. Ka dibna markii ay
qorraxdii bartamaha gaadhey. Dabadeedna intuu tegey togga
dhexdiisa ayuu u khudbeeyey muslimiinti xajjka ka soo qayb
gashay oo gaareysey 122,000 waxaa kaloo la yiraahdaa waxay
gaarayeen 144,000. Khudbaddii Rasuulku SCW waxa ay ahayd
sidatan:
Dadow dhegaysta hadalkayga
waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib idinkula kulmin
halkaan. Dhiiggiina iyo maalkiinnu xaaraam ayuu iska yahay
sida xurmo ahaanshaha maalinkiinnan (carafo) oo kale,
bishiinnaan oo kale (Dul-Xaj), biledkiinnaan oo kale (Makka).
War hooy wax walba oo arrin jaahili ahaa lugtayda hoosteeda
ayuu ahaaday, dhiiggii jaahiliga (oo la kala qabay) ma jiro,
Allaahna uga cabsada dumarka, waxa aad ku haysataan (haweenka)
ammaanadii Alle, waxa aadna ku xalaalaysateen farjigooda
kalimadda Alle, waxa aad ku leedihiin (haweenka) in aysan
gogoshiinna u oggolaan axad aad kahanaysaan, haddiise ay
sameeyaan garaaca garaacitaan aan wax yeelin. Iyaguna (haweenka)
waxa ay idinku leeyihiin masaariiftooda iyo marashadooda si
wanaagsan. Dadow Nabi igama dambeeyo, ummadna idinkama
dambayso. War hooy Rabbigiin caabuda oo shantiinna (salaadood)
tukada, bishiinnana (Ramadaan) sooma, maalkiinnana sakada ka
bixiya naftiinna oo ku raalli ah, Rabbigiin Beytkiisana u
xajiya, madaxdiinnana adeeca (wixii islaamka waafaqsan),
jannada Rabbigiin ayaad gelaysaan (haddii intaas la idinka
helo).
Waxa aan dhexdiinna uga
tegay labo shey oo haddii aad qabsataan aydaan gadaashay
lumayn: waana Kitaabka Alle iyo Sunnadayda. Waana la idinkay
weydiin doonaa (aakhiro) ee maxaad dhahaysaan? (waxay
dheheen "waxa aan qiraynaa in aad gaarsiisay (diinta) oo aad
gudatay (risaaladii), aadna nasteexaysay). Wuxuu markaas
Rasuulku SCW saddex jeer yiri "Allahayow ka markhaati noqo".
Hadalka Rasuulka SCW waxaa
dadka gaarsiinayey Rabbiic binu Umaya binu Khalaf. Markii uu
Rasuulku SCW khudbaddii dhammeeyey ayaa waxaa soo degay
aayaddan caddaynaysa in diintii la kaamil yeelay:
((MAANTA AYAAN IDIIN KAAMIL
YEELAY DIINTIINII, KUNA TAAM YEELAY KORKIINA NIMCADAYDII,
WAXAANA IDINKAGA RAALI NOQDAY ISLAAMKA DIIN AHAAN)), (Suuratul-Maa'idah
3).
Markii ay aayaddaasi soo
degtay ayaa waxaa ooyey Abuubakar-siddiiq, markaas ayaa la
yiri "maxaa kaa oohiyey?", wuxuu yiri "shey haddii uu kaamil
noqdo, waxaa bilaabanaya nusqaantiisa". Ka dib waxaa addimay
oo aqimay Bilaal, salaaddii duhur ayaana la tukaday, markii
laga baxayna waxaa la aqimay oo la tukaday salaaddii casar.
Habeenkii ayaa markaa loo dheelmaday Musdalifa, waxaana
Rasuulka SCW rakuubka la saarnaa Usaama binu Seyd. Musdalifa
markii la tegay aya makhribki iyo cishihii la wada tukaday,
waxaana loo yeelay hal addin iyo labo aqim. Habeenkaasna
waxa ay baryeen Musdalifa ilaa uu fajarkii ka dilaacay oo
salaadii subax la tukaday. Ka dib wuxuu rasuulku SCW tegey
meesha la yiraahdo Mashcarul Xaraam oo uu Allaah ku baryey.
Waxa ay markaa Rasuulka SCW iyo muslimiintu soo aadeen Muna,
maalinkaas oo ahaa maalinkii 10aad ee acmaasha xajka
badankeed la samaynayey, waxaana Rasuulka SCW markii uu Muna
u socday rakuubka la saarnaa Fadli binu Cabbaas, waxa ayna
tageen meesha la yiraahdo Jasmratu-Caqaba oo ay ku sameeyeen
Rawyigii (dhagax tuurashadii), wuxuuna Rasuulku SCW tuuray
toddoba dhagax, markii uu mid walba tuurayeyna wuu
takbiirsanayey. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri asxaabta intii la
joogey Jamratu-Caqaba "iga qaata manaasiktiinna (iga barta
xajkiinna), waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib
xajinine", ka dbina Rasuulku SCW wuxuu sameeyey goracii oo
wuxuu gowracay 63 neef oo geel ah, ka dibna Cali binu
Abii-Dhaalib ayaa isna gowracay 37 neef oo geel ah.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu
tegey Xaramka oo uu Dawaafay, ka dibna markii uu duhurkii
soo tukaday ayuu u tegey ilma Cabdi-Mudhalib oo xujeydii ka
waraabinaya samsamka, markaas ayuu ku yiri "haddii aanan ka
baqayn in la idinka qaado waa idinla shubi lahaa (biyaha)",
Cabbaas ayaa markaas wiilkiisii Fadli ku yiri "u tag Ummu
Fadli oo Rasuulka biyo uu cabbo uga keen" hase yeeshee
Rasuulku SCW wuxuu dalbaday in laga waraabiyo samsamka,
waana la waraabiyey. Dadkii ayuu markaa Rasuulku SCW
maalinkaas u jeediyey khudbad isaga oo saaran rakuub,
dadkuna ay qaar taagan iyo kuwo fadhiya isugu jiraan, waxa
ayna ahayd khudbaddiisu sidatan:
Samanku wuxuu u
wareegsanayaa sidii uu u wareegi jirey maalinkii Samawaatka
iyo dhulka la abuuray, sannadkuna waa 12 bilood, waxana ka
mid ah afar xurmo leh, saddex xiriirta: Dul-Qacda, Dul-Xaj
iyo Muxarram iyo Rajabtii reer Mudar ee u dhexaysay labada
Jamaad iyo labad Shacaan.
Rasuulku SCW isaga oo
hadalkiisii sii wata wuxuu asxaabta ku yiri: "Waa bishee
tani?", waxa ay dheheen "Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal
badan", wuxuu yiri "sow Dul-Xaj ma aha?", waxa ay dheheen "haa".
Wuxuu yiri "waa kuma beledkaani?", waxa ay dheheen "Allaah
iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan", wuxuu yiri "sow Makka
ma aha?", waxay dheheen "haa". Wuxuu yiri "waa maalinkee
kani?" waxa ay dheheen "Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal
badan", wuxuu yiri "sow Yawmu-Naxri ma aha?", waxaa la yiri
"haa". Wuxuu yiri "dhiiggiina, maalkiinna iyo cirdigiinnu
xaaraam buu kala yahay sida xurmada maalinkiinnan oo kale,
beledkiinnan oo kale, bishiinnan oo kale. Waxaad la kulmi
doontaan Rabbigiin wuxuuna idin weyniin doonaa acmaashiinnii.
War hooy gadaashay ha u laabannina gaalo uu qaarkiin qaarka
kale luqunta ka goynayo". Markii uu Rasuulku SCW khudbadii
dhammeeyey ayuu yiri "war ma idin gaarsiiyey?", markaas ayey
yiraahdeen "haa", wuxuu yiri "Allahayow ka markhaati noqo.
War hooy kan joogaa kan maqan ha gaarsiiyo".
Ka dib Rasuulku SCW markii
uu xajkii gutay isaga iyo muslimiintii ka soo qayb galay
xasjkaas, uuna la dardaarmay oo sagootiyey ayuu ku laabtay
Madiina dhammaadkii Dul-Xaj, sannadkii 10aad ee hijriga. |