CIIDANKII USAAMA BINU SAYD
Markii uu Rasuulku SCW ka soo
laabtay xajatul wadaac oo uu joogay labo bilood ayaa waxaa
qabtay xanuunkii uu geeriyooday, wuxuu markaa Rasuulku SCW
isaga oo uu xanuunkii hayo diyaariyey ciidan aad u xoog
badan oo uu ugu tala galay dawladii Roomaanka, wuxuuna
cidankaas madax uga dhigay Usaama binu Sayd oo todoba iyo
toban jirey, waxayna ahayd sababta uu Rasuulku SCW
ciidankaan u dirayey, isaga oo maqlay in dawladdii Roomaanku
ay si xun ula dhaqantay wixii ka islaamay carabtii tabaca u
ahayd, sida ninkii aan soo marnay ee Farwa binu Camar oo
dawladii Roomaanka mas'uulka uga ahaa Macaan.
Rasuulku SCW waxa uu
ciidankaan diyaariyey bishii Safar sannadkii 11aad ee
hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW la dardaarmay hogaamiyaha
ciidanka Usaama binu Sayd oo uu utilmaamay in uu socdo ilaa
uu gaaro meelaha la yiraahdo Bulqaa iyo Daaruum oo dhulka
falastiin ka mid ah, sidoo kale waxa uu u dardaarmay in uu
tago meeshii aabihii lagu dilay. Ciidankan Usaama oo ahaa
ciidan aad u xoog badan waxaa ku jiray odayaashii
Muhaajiriin iyo Ansaar, oo ay ka mid ahaayeen Abuu
Bakar-Sidiiq, Cumar binu Khadhaab, Abuu Cubayda ibnu Jarraax,
Sacad iyo Saciid iyo rag kaleba, waxaana dadka qaarkood
sheegaan in cadadka ciidanku gaarayey 30,000.
Markii uu Rasuulku SCW
Ciidankii diyaariyey oo uu u doortay Usaama ayaa nin la oran
jiray Ciyaash binu Abii Rabbiicul-Makhsuumi iyo rag uu ku
jiro wax ka sheegeen madaxtinimada Usaama, markaas ayaa
Rasuulka SCW loo soo gudbiyey hadalkoodii, Rasuulku SCW waxa
uu markaa la hadlay dadkii oo uu ku yiri "hadaad wax ka
sheegteen madaxtinimadiisa, waxaad horay wax uga sheegteen
madaxtinimadii aabihiis (Sayd), Ilaah baan ku dhaartaye waxa
uu Aabihiis u samaysnaa madaxtinimo, haduuna ahaa (Sayd)
dadka kaan ugu jeclaa, kan (Usaama) ayaan ugu jeclahay dadka
(Sayd) gadaashii.
Usaama iyo ciidankiisii
markii ay damceen in ay baxaan ayaa Rasuulka SCW xanuunkii
ku daraaday, markaas ayey dageen meesha la yiraahdo Jurfa si
ay u ogaadaan xanuunka Rasuulka SCW meesha uu ku dambeeyo,
markii uu Rasuulku SCW geeriyooday oo ay muslimiintii Abuu
Bakar doorteenna waxa uu noqday ciidankii Usaama duullaankii
ugu horeeyey ee Abuu Bakar diro, waxaa kaliya oo uu
ciidankii ka soo reebay Cumar binu Khadhaab oo isna uu
Usaamawaydiistay. |