Hay’adda DBG
oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey
Xeebaha Soomaaliya...
Sawirad oo waaweyn
ha daalaco halkan... GUJI...
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud
lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay
Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta
xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana
halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo
caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006
kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh,
Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna
Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto
qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu
sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn.
Cumar Colaad wuxuu sheegay in Haamankaasi ay yihiin kuwo
halis ku ah Ummadda Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah dadka
soomaaliyeedna ay ka qaadeen cuduro la garan waayay.
Hay’adda oo haysata qalab lagu ogaado waxa ku jira haamanka
ayaa waxa uu Colaad uu sheegay inay sii wadi doonaan hawlaha
ay uga hor tagayaan Haamankaas isagoo ummadda Soomaaliyeedna
ka codsaday in hay’adda ku soo wargeliyaan haddiiba wax
haamo ah ay ku arkaan Xeebahooda isagoo dhinaca kalena ka
codsaday Xukuumadda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga
inay gacan ka geystaan sidii looga hor tegi lahaa
Maraakiibta Sunta ku daadisa Xeebaha Soomaalia, sidoo kale
waxaa halkaa ka hadlay Ibraahin Maxamuud Jileey oo madax u
ahaa Kooxdii hawl galka samaysey isagoo sheegay in illaa iyo
4 haamood inay wax ka qabteen isagoo intaa ku daray in illaa
11ka haamood oo harsana si deg deg ah wax looga qaban doono.

(Warbixin faahfaahsan oo ku
saabsan haamaha sunta hoos ka akhri)
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
HAY'ADDA
DARYEEL BULSHO GUUD (DBG) OO WALAAC KA MUUUJISAY HAAMO LOO
MALEEYAY IN KU JIRAAN HARAAGA NIYKLEERKA OO KU SOO CAARIYAY
XEEBAHA SOOMAALIYA...
Muuse Maxamuud Jiisow
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Xiriiriyaha
Hay'adda Daryeel Bulsho Guud, ayaa warbixin dheer ka soo
saaray arintaani wuxuuna faahfaahin ka bixiyay dhinacyo
badan taabaneyso, isagoo sheegay inta u dhaxeeyso Jaziiradda
Juulo Jawaay ilaa Garacad lagu arkay haamo gaaraya ilaa iyo
15 haamood oo wada qafilan kuwaas oo maraakiib Ajaanib ah ay
ku soo daadisay deegaanadaasi.

Sawirad oo waaweyn
ha daalaco halkan... GUJI...
"Daryeel
Bulsho Guud kaligeed waxba kama qaban karto dhibaatooyinka
baaxadda leh eee ay geysan karaan haamankaas qafilan ee laga
yaabo inay ku jiraan sunta haraadiga nuclearka iyo qashinka
warshadaha, waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed,
maxkamadaha Islaamiga, Ganacsatada, hay'adaha dowliga ah iyo
dowladda KMG ah inay gacan ka geystaanssidii wax looga qaban
lahaa dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay haamankaasi ku
hayaan bulsho weynta Soomaaliyeed" ayuu yiri Dr. Cumar
Colaad Axmed, xiriiriyaha hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG)
oo saakay xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa'id.
"Deegaano
dhowr ah ayaan ka soo shaqeynay, waxaana hadda ammaankooda
sugnay ilaa afar haamood, waxaana gacan ka geystay shaqaale
ay tababartay hay'ad lagu magacaabo Green Peace oo tababar
baaxad leh siisay koox Soomaali ah si ay uga hortagaan
dhibaatooyinkaas ay sababi karaan haamankaas sumeysan" ayuu
yiri Dr. Cumar Colaad oo sheegay in afartii haamood ee ay
qafileen ay waxyeello geysan karin ilaa boqol sano oo hadda
dhiman haddii aan la farafareyn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Dr. Cumar Colaad in ay
sababeen haamankaasi ku daadsan xeebaha Soomaaliya cudurro
aan horay looga arag Somaaliya oo ay ka mid yihiin: Cudurka
Kansarka iyo Cudurka kaduudiyaha oo uu sheegay Dr. Cumar
Colaad inay sababtay haan taal inta u dhexeysa Ceelmacaan
iyo Warsheekh oo meel ka duleeshatay.
Dr. Cumar Colaad Axmed waxa uu sheegay in koox Soomaali ah
oo si wanaagsan loo tababaray ay haatan hay'addu u direyso
haaman cusub oo lagu arkay deegaano dhowr oo dalka
Soomaaliya ah oo ay ka mid tahay deegaanka Xiin-dawaco oo
gobollada dhexe, wuxuuna sheegay in ay halkaasi shaqaalaha
ka soo qaban doonaan howlo ay ugu kuurgalayaan haamanka
halkaasi yaalla, wuxuuna sheegay in inta karaankooda ah ay
wax weyn ka qaban doonaan.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan hay'adda Daryeel
Bulsho Guud kaligeed ku filneyn wax ka qabashada haamankaas
faraha badan ee lagu soo daadinayo mar walba xeebaha
Soomaaliya, wuxuuna sheegay in qalabka ay shaqaalahooda ku
howl galaan ay ka helaan dalka Jarmalka oo isagu ka
taakuleeyay hay'adda Daryeel Bulsho dhinacyada tababarada
iyo qalabka lagu baaro haamankaas.
Muuse Maxamuud
Jiisow
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623