SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUNTA

Wareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya..

  •  "Ururada (sunta duuga) weli si firfircoon ayey u hawl galaan. Haddii aysan weli si toos ah sunta u duugin, waxay u hawl-galaan sidii iyagoo ah la taliyaal." Sidaas waxaa yiri Giampiero Sebri oo ka mid ahaa kuwii Sunta Halista ah keeni-jirey Soomaaliya.

QAYBTA 2aad:

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009 | Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

  • "Soomaaliya xilligan waa Qaran Burbursan, laakiin mustaqbalka waxay Soomaaliya Qaan Ku Sheegan kartaa in si Caalami ah loogu adeegsadey in lagu duugo Haraadiga Sunta Halista ah..."

Sida aan kusoo aragnay Qaybtii Koowaad ee qormadan, Sannadkii 1994, weriye Talyaani ah, Ilaria Alpi iyo sawir-qaadaheedii Miran Hrovatin ayaa waxay aadeen Soomaaliya si ay baaritaan ugu soo sameeyaan mashruuca mucaawinada Talyaaniga oo loo adeeg sanayey in Haraadiga Sunta Halista ah lagu duugo Soomaaliya iyo in mashruucaas dalka Soomaaliya lagu soo geliyo hub sharci darro ah. Laakiin waxaa jirey dad doonayey in aan arrintaas wax laga ogaan, sidaas daraadeed labadii weriye waa la diley. Sikastaba ha ahaatee sheekadii halkaas kuma dhammaan. Toban sano kaddib caddaymo muujinaya Haraadiga Sunta Halista ah oo lagu duugey xeebta ku dherersan Soomaaliya ayaa waxaa bannaanka soo dhigay Badgariirkii (Tsunami) dhacay 2004, ayey sheegtay warbixintii TV-ga Aljazeera.


Luciano Scalettari oo u warramayey Aljazeera 2009

"Soomaaliya waxaan ku tagnay labo safar. Safarkii koowaad waxaan isku dayeynay in aan tagno goobihii ay hore u ogaadeen Qaramada Midoobey, ee Badgariirkii ay badda ka soo saartay Foostooyin" aan la aqoon waxa ku jira. Sidaa waxaa yiri Luciano Scalettari oo ah weriye Talyaani ah oo booqday Soomaaliya. "Arrimaha aan ka ogaaney dadka degaanku waxay ahaayeen kuwo muhiim ah. Kalluumaysatada iyo dadka degaanku waxay sheegeen cuddurro aan hore loo aqoon oo lagu arkay dadka degaanka," ayuu yiri. Waxaana markaas TV-gu muujiyey foostooyin waaweyn oo ku soo caariyey xeebta dhulka Soomaalida.


Haamo ay ku jiraan Haraadiga Sunta Halista ah oo ku soo caariyey Xeebta Soomaaliya

Haamo ay ku jirto Sun Halis ah oo aan la aqoon oo ka soo caariyey xeebaha Soomaaliya

Ka sokow baaritaanka foostooyinka sunta ah ee ka soo caaridey xeebta Soomaaliya, waxa kale oo Luciano Scalettari uu baaritaan ku sameeyey jidka u dhexeeya Boosaaso iyo Garoowe isagoo daba joogey tilmaantii Ilaria Alpi ee muujineysey in jidkaas lagu duugey Sunta Halista ah.

Jidkaas isku xira Boosaaso - Garoowe waxaa booqday oo filim ka duubay labada weriyey dhawr beri ka hor intii aan lagu diley Muqdisho. (Sawirka hoose waxa uu muujinayaa qoraal ay weriyaashii la diley ku muujinayeen in ay danaynayeen jidka Boosaaso - Garoowe).


Qoraal weriyaashii la diley ay ku muujineen in ay danaynayeen jidka Bosaso - Garoe

Luciano Scalettari oo baaritaan ku sameeyey jidkaas (Bosaso - Garowe) waxa uu yiri: "Waxaan adeegsaney aallada loo yaqaan GPS (oo lagu meeleeyo goob dhulka ka mid ah)  iyo aaladda lagu cabbiro magnetka, si loo xaqiijiyo in ay bir ku hoos jirto carrada hoos teeda. Waxa kale oo aan raadiney dadkii ka shaqeeyey jidkaas xilligii la dhisayey si aan u weydiino wixii ay arkeen, waxayna noo raaceen meelaha loo malaynayo in Sunta lagu aasay." Waxaana markaas TV-gu muujiyey weriyaasha oo ay la socdaan dad degaanka oo tusaya goobo ka mid ah jidka iyo aalad lagu baarayo goobo jidka isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.


Luciano Scalettari (iyo nin kale) oo baaraya jidka Bosaso - Garoowe

Luciano Scalettari waxa uu Telefishanka tusay barnaamij ku jira computer oo muujinaya xog ay ka soo qaadeen jidka u dhaxeeya Boosaaso iyo Garoowe. Barnaamijkaas oo laga fahmi karo in dhulka hoostiisa ay ku duugan yihiin biro (halkaas oo laga fahmi karo in ay ku duugan tahay Sunta Halista ah maadaama foostooyinka lagu soo qaaday ay yihiin bir oo la qiyaasayo in aaggaas lagu duugey.)

Luciano Scalettari, oo farta ku fiiqaya xog ama macluumaad ku jira computer-ka, ayaa yiri: "Halkani waa qiyaastii aagga ama meesha ugu muhiimsan ee muujineysa in xaddi baddan oo bir ah ay ku jirto dhulka hoostiisa. Waa meel cidla ah oo ku taal dariiqa (wadada isku xirta Boosaaso-Garoowe) oo aysan ka muuqan wax dhaqdhaqaaq bini'aadam ah."


Luciano Scalettari oo farta ku fiiqaya computer muujinaya meel laga shakisan yahay (Jidka Bosaso-Garoe)

Scalettari waxa uu qoraal dheer oo ku saabsan Sunta Halista ah ee ku duugan Soomaaliya hore ugu qoray jariidad uu ka tirsan yahay oo ka soo baxda Talyaaniga caddadkeedii 47aad ee soo baxday 29-kii November 1998. Qormada wargeyskaas waxaa tarjumadeeda hore u soo xigtey Dr. Bashiir Sheikh Maxamed qoraalkiisii "SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA" ee ku soo baxday SomaliTalk.com December 2000.

Luciano Scalettari markii uu booqday wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe, ma aysan wadan aalad xooggan ama qalab si rasmi ah oo qeexan u daah-furi-kara foostooyinka ay ku jiraan Qashinka iyo Sunta Halista ah ee lagu tuhun san yahay in ay halkaas ku duugan yihiin.


Foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo TV-gu muujiyey

"Foostooyinka (aagga ku duugan) waxaa lagu qeexay in ay yihiin kuwo yaryar oo lagu andacoodey in ay ku jireen ranji waqtigiisii dhacay. Gaar ahaan (wadada Boosaaso-Garoowe kuwa ku jira) waa foostooyin waaweyn ama birmiillo muuqaalkoodu aan la aqoon oo la duugey," ayuu yiri Scalettari. Waxana uu intaas ku daray "Markii aan tagnay Talyaaniga oo arrimaha (foostooyinkaas) wax ka weydiiney waxaa naloo sheegay foostooyinka (weelka) noocaas ah in khaas ahaan loogu tala galay in lagu kaydiyo waxyaallo Halis ah."


Foostooyinkan ku soo caariyey xeebta Soomaaliya ma garaneyno waxa ku jira?

"Qorshaha Sunta Halista ah lagu qaadayey waxa uu ahaa mid lacag aad u farabadan laga helayo. Sidaas daraadeed, waxaa la soo allifay nidaam aad u cajaa'ib badan." Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen faalladii Telefishanku kaga warbixinayey markii uu tusay muuqaalka foostooyin ay ku qoran yihiin "Deeqda Dawladda Talyaaniga" - Eeg sawirka hoose.


Foostooyinka uu muujiyey TV-ga Aljazeera "Deeq Dawladda Talyaaniga"..

Telefishanku waxa uu sheegay in ay tageen guriga Giorgio Comerio oo ku yaal cirifka magaalada Milano ee dalka Talyaaniga. Ninkaas waxa uu badaha Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, ku dhex duugey Sunta Halista ah, gaar ahaan nooca loo yaqaan Radioactive oo uu kasoo buuxiyey qalabka loo yaqaan 'Torpedo" oo asal ahaan loogu talo galay gantaaladda. Giorgio Comerio waxaa hore baaritaan ugu sameeyey Dawladda Talyaaniga isagoo lagu eedeeyey in uu Markab ay ka buuxdo Sunta Halista ah uu ku dhex dejiyey Badda Mediterranean-ka ee Waqooyi kaga aadan Afrika.

Sannadkii 1995 markii ay Booliska Talyaaniga baaritaan ku sameeyeen guriga Giorgio Comerio waxay ka heleen Nuqulka Warqadda Caddayneysa Dhimashada ee Ilaria Alpi [Certificato di Morte]. Warqaddaas oo markii hore la waayey meesha ay ka baxday. Alpi waa weriyihii lagu diley Muqdisho 1994 iyada oo dabajoogtey sidii ay u heli lahayd akhbaar la xiriirta Sunta Halista ah ee lagu duugo Soomaaliya.

Warqaddaas dukumiintiga ah waxaa qaaday Boolisku si ay diiwaanka u geliyaan. Laakiin Dembi Baare Maxkamadeed oo loo xilsaaray kiiska Alpi ayaa warbixin uu qoray sannadkii 2005 waxa uu ku sheegay in Warqaddii laga xaday Diiwaanka Booliska. Xilligan Booliska Talyaanigu waxay sheegeen in aysan wax fikrad ah ka hayn meel uu jaan-iyo-cirib dhigay ama ay ku ogyihiin Giorgio Comerio.

Kuwa kale ee Sunta Halista ah geeya Afrika, sida Giampiero Sebri, waxay adeegsadaan nimaad xarfadaysan oo si caadi ah u muuqda, ayey tiri warbixintu.


Giampiero Sebri "Qiimaha Qofka Bini'aadamka ah waxa uu la mid yahay eber"

"Waxaa dhici karta in aan u muuqdo danayste" sidaas waxaa yiri Giampiero Sebri oo ka mid ahaa kuwii Sunta Halista ah geyn-jirey Soomaaliya... Waxana uu intaas ku daray "Halkaas uma tegin in aan jokolaato iyo nacnac u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas u tagey in aan geeyo Haraadiga Sunta Halista ah iyo Sunta nooca loo yaqaan Radioactive...." (oo ah sunta ugu halista badan ee shucaaca wadata oo sababta cudurrada ay ka mid yihiin kansarka).

Giampiero Sebri waxa uu isku dubaritey nidaam uu ku samaysanayo hay'ado ama shirkado maxalli ah oo Qashinka/Haraadiga Sunta Halista ah keena dunida soo koreysa (Afrika) isagoo Suntaas ka soo qaadaya Warshadaha reer Galbeedka.


Giampiero Sebri : In aan nacnac siiyo halkaas uma tegin.. Sunta Halista ayaan geeyey..

Giampiero Sebri oo sharraxaad ka bixinayey sida ay ugu sahlan tahay in uu shirkad maxalli ah ka furto degaanka uu doonayo inuu ku duugo Sunta Halista ah waxa uu yiri: "Shirkadaha leh Warshadaha iyo xitaa shirkadaha Dawladda, marka ay isugu ururaan kayd badan oo gaaraya kumaan iyo kumanaan tan (kiintaallo) oo ah Qashin Haraadi ah (ama Sunta Halista ah) oo ay tahay in la duugo, waxaan markaas shirkad maxalli ah ka sameeyaa degaanka dal soo koraya (Afrika), waxaan markaas agaasimaa dhammaan hawlaha la xiriira sidii loo qaadi lahaa, sida Markabka iyo konteenarada. Intaas wixii ka dambeeya waa in aan soo raro (sunta), kaddibna ka dejiyo (markabka).. waa intaas oo keliya..." ayuu hadalka ku adkeeyey.


Foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo TV-gu muujiyey.. "maxaa ku jira!"

Giampiero Sebri waxa uu qayb ka ahaa mashruucii loogu magac daray "URANO" oo asalkiisii hore ahaa qorshe loogu talo galay sidii Sunta Halista ah ee nooca Radioactive-ka loogu duugi lahaa Saxaraha Galbeed ee Afrika.


Mashruucii URANO ee Sun ku aasidda Qaaradda Afrika, oo Soomaaliya ku jirto..

"Waxaa dhacday arrin cajaa'ib ah xilli aan dejinayney Haraadiga Sunta aan ku aaseynay (Saxaraha Galbeed), waxaa naloo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aanaan halkaas ku aasi karin. Taas macnaheedu waxa uu ahaa in qaar xamuulkii Sunta ahaa uu weli saarnaa markabka. Sidoo kale waxaa jirey markab kale oo jidka ku soo jirey afar ilaa shan beri oo soo wadey Haraadiga Sunta. Markaas labadii markab mid ka mid ah si ula kac ah ayaa loogu dhex dejiyey badda. Markabkii kale waxaa loo leexiyey oo la geeyey Soomaaliya," ayuu yiri Giampiero Sebri isaga oo muujinayey sidii ay ku bilaabeen inay Sunta Halista ah ku duugaan badda iyo xeebaha Soomaaliya. Waxaana TV-gu muujiyey foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo markab lagu rarayo.


Foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo maraakiib lagu rarayo.. Xaggee lagu duugey?

Markab xamuulka qaado oo uu muujiyey Telefishanku...

Qoraallo ay heleen Booliska dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku cad in markii kooxdii sunta duugeysey ay ku guul daraysteen in uu sii socdo mashruucii URANO-1 ee Saxaraha-Galbeed, waxaa la agaasimey mashruuca URANO-2. Kaas oo sannadkii 1992 diiradda lagu saaray Soomaaliya sidii Sunta Halista ah loogu duugi lahaa. Soomaaliya xilligaas waxaa ka socdey dagaalkii ahliga ahaa.


Dukumiinti ku saabsan mashruuca URANO oo diirada lagu saaray Soomaaliya

mahdiAfar sano kaddib markii mashruucii URANO-2 jaaha lagu saaray Soomaaliya, ayaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynaha Soomaaliya (Muqdisho) waxa uu mid ka mid ah dadkii xiriirka la lahaa Mashruuca URANO oo ah Ezio Scaglione waxa uu u saxiixay warqad (wareegto) isagoo - sida warqadda ku cad - u ansixiyey in Soomaaliya laga hirgeliyo Goob lagu Duugo Sunta Halista ah. (Warqaddii Cali Mahdi sidii ay u qorayd oo Talyaani ah iyo Tarjumadeeda AfSoomaali ah waxaad ku arki doontaa qormada xigta ee linkigeedu hoose ku qoran yahay).

Soo bandhigidda warqadda uu ku saxiixan yahay Cali Mahdi waxaa TV-gu ku xejiyey Giampiero Sebri oo dhehaya erayadan: "Qiimaha Qofka Bini'aadamka ah waxa uu la mid yahay eber, waxa keliya oo ay qiimeeyaan waa lacag iyo weliba lacag siyaado ah, ma jiro wax ay kala jecel yihiin". Kaddib waxaa durbadiiba shaashadda laga soo muujiyey foostooyin ay ku qoran tahay "Haraadiga Qashinka Sunta ah" (RIFIUTI TOSSICI = Toxic Waste).

Waxaa markaas TV-gu warbixinta soo dhex geliyey Xaashi Cumar Xasan oo ilaa muddo 10 sano ah ku jira Xabsi ku yaal Waqooyi Talyaaniga, isagoo ah qofka keliya ee loo xiray in uu qayb ka ahaa weriyaashii Talyaaniga ahaa ee lagu dilay Muqdisho 1994. Qareenka Xaashi waxa uu yiri "Xaashi Cumar waxa uu ka mid yahay dhibanayaasha ay sida xun ula dhaqmeen ciidamadii Talyaaniga ee ku sugnaa Soomaaliya. Markii uu yimid Rooma waxa uu ogaadey in lagu oogey dacwadda dilka (weriyaashii)."


Bidix- Maxamed Nuur (waariye), Dhexda- Cali Maxamed Cabdi (Dareewal), Midig- Xaashi Cumar Xasan

Xaashi Cumar waxaa dembigaas lagu xukumay kaddib markii ay ku markhaanti fureen laba qof oo sheegay in uu ka mid ahaa kuwii dilka geystey. Labadaas qof waxay ahaayeen Cali Maxamed Cabdi oo ahaa dareewalkii Alpi (weriyihii la diley) iyo ninka lagu magacaabo Axmed Cali Raagge, oo loo yaqaan "Jeelle" oo ku andacoodey in uu goobta dilku ka dhacay joogey.

Sannadkii 1997 waxaa Soomaaliya loo diray Ergey Khaas ah oo ka socdey Dawladda Talyaaniga, kaas oo watey lacag si uu u soo ururiyo xog iyo akhbaar ku saabsan dilkii weriyaasha. Waxa uu ergeyga Talyaanigu la xiriiray Jeelle. Waxaa markaas Jeelle la sheegay in uu lasii xiriiray Xaashi, waxana uu u soo bandhigay qaar kamid ah lacagta si uu Xaashi u qirto dilka. Qareenka Xaashi waxa uu yiri: "Ka hor intii uusan u soo dhoofin Talyaaniga, waxaa Xaashi u yimid Jeelle oo u ballan qaaday lacag si uu qirto dilkii (weriyaasha)."

Xaashi markii uu diidey lacagta uu Jeelle u soo bandhigay, waxaa Xaashi si xeeladaysan looga gacan haadiyey Talyaaniga. Waxaa lagu casumey in uu ku markhaanti furo ciidamadii Talyaaniga ee ka tirsanaa Qaramada Midoobey ee lagu eedeeyey in ay isaga (Xaashi) si xun ula dhaqmeen. Markii uu tegey Talyaaniga, daqiiqadii uu diyaaradda ka soo degey ayaa la dhigay xabsiga isagoo loo xiray dilkii weriyaashii.

Jeelle ayaa ku mudacay in Xaashi uu ka mid ahaa dadkii dilka u geystey weriye Alpi iyo sawir-qaadaheedii. Waxaa sidoo kale Xaashi ku mudacay Cali Maxamed Cabdi (dareewalkii) kaas oo la diley markii uu ku laabtay Muqdisho. Waxaa markaas su'aal ka timid in Jeelle yahay qof la rumaysan karo.


Sawirka midig waa Axmed Cali Raagge "Jeelle", waxana uu ku andacoodey in goob-joog ahaa...

Jeelle waxa uu yiri waxaan joogey goobta dilku ka dhacay markii rasaasta la furay. Waxana uu ku andacoodey in uu yahay qofka ka muuqda sawirka sare dhanka bidix (oo laga qaaday goobtii dilku ka dhacay). Laakiin, Qareenka Xaashi ayaa yiri: "Sawirro la qaaday waxay caddeeyeen in qofka goob-joogga ahaa (oo sawirkii xilligaas la qaaday ka muuqda) uu ahaa ninka lagu magacaabo Cali Xasan Cosoble, ee sawirkaasi uusan ahayn Jeelle."


Bidix: Sawirka yar waxaa laga qaaday goobtii weriyaasha lagu diley | Midig: Cali Xasan Cosoble

Haddii sawirkaasi uusan  ahayn Axmed Cali Raagge "Jeelle", arrintu waxay noqoneysaa in xukunka lagu ridey Xaashi Cumar Xasan uu ku dhacay si khaldan oo ah hal markhaanti oo keliya, kaas oo ahaa Cali Maxamed Cabdi  oo isagiina la diley kaddib markii uu ku mudacay Xaashi, ayey tiri warbixintu.

"Xaashi ma joogin Muqdisho maalintii dilku dhacay, kamana uusan mid ahayn kuwii weerarka geystey, waxa uu joogey magaalo lagu magacaabo Xaaji Cali oo qiyaastii 350 km Waqooyi ka xigta Muqdisho. Waxaan helnay 7 qof oo xaqiijiyey in uu halkaas joogey," ayuu yiri Qareenka Xaashi.

In la helo dil ka dhacay Soomaaliya ayaa waxay xanibeysaa in baaritaanka hore loo sii wado oo meel sare la gaarsiiyo, si loo baadi goobo kuwii ka dambeysey bixinta amarkii lagu diley weriyaasha, ayey tiri warbixinta TV-gu.

Qareenka Qoyskii Alpi, Domenico D'amati, ayaa yiri: "Waxay taasi ahayd isku day la doonayey in kiiska dacwaddaas lagu xiro," isagoo intaas raaciyey in ay jiraan dad arrintaas og iyo "in weli baaritaanku socdo." Sidoo kale Alpi hooyadeed waxay tiri taasi waxay ahayd "Maqaar saar (qofka oo eed uusan lahayd dusha laga saaray) si dhammaantayo naloo aamusiyo". Baaritaanka la xiriira dilkii Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin ee Muqdisho weli waa socotaa, ayey tiri warbixintu, iyadoo intaas ku dartay: Waxaa weli maqan lix (6) ka mid ah toddoba dilayaal ah iyo kuwii bixiyey amarka dilka. Xaashi Cumar Xasan waxa uu rajaynaya in maxkamadda dib loo saaro markale iyadoo arrinta lagu samaynayo Jeelle oo markhaanti furkiisii laga dhigayo waxba kama jiraan. "Dadkii Soomaalida ahaa oo ay shalay baqdintu haysey, maanta ma cabsanayaan, oo waxaana dhici karta in ay diyaar u yihiin in ay hadlaan," ayuu yiri Qareenka Xaashi.

Weriye Alpi iyo sawir-qaadaheedu waxay Soomaaliya u tageen in ay baaritaan ku sameeyaan Haraadiga Sunta Halista ah (rifiuti radioattivi) ee lagu duugay dhulka Soomaalida, waxayna doonayeen in ay akhbaarta ay helaan u soo bandhigaan indhaha shacabka, sidaas waxaa sheegay warbixinno badan oo la qoray kaddib dilkii Muqdisho lagu diley weriyaashaas.

"Haddii la dilo weriye, waxaa jiri doona weriye kale oo isku dayi doona in la ogaado wixii dhacay. Taasi waa in ay digniin u ahaato qof kasta oo u malaynaya in akhbaarta la is hor taagi karo haddii la dilo weriye. Kuwaasi waa khaldan yihiin," ayuu yiri Maurizio Torrealta, oo kamid ahaa weriyaashii la shaqayn jirey Alpi.

Soomaaliya xilligan waa Qaran Burbursan, laakiin mustaqbalka waxay Soomaaliya Qaan Ku Sheegan kartaa in si Caalami ah loogu adeegsadey in lagu duugo Haraadiga Sunta Halista ah, ayey tiri warbixinta TV-gu.

Giampiero Sebri oo sida aan soo xusnay ka mid ahaa ragga sunta halista ah u soo dhoofiyey Soomaaliya, waxa uu sheegay in kooxaha sunta daabula ay weli firfircoon yihiin oo ay hawl galaan. Isagoo arrintaas ka hadlayey Giampiero Sebri  waxa uu yiri: "Ururada (sunta duuga) weli si firfircoon ayey u hawl galaan. Haddii aysan weli si toos ah sunta u duugin, waxay u hawl-galaan sidii iyagoo ah la taliyaal."

Gabagabadii qaybtan ee warbixinta Telefishanku waxay is-weydiisey "Xaggee Suntaa Halista ah ku dambeysey." Waxaa markaas la is tusay Haamo aan la aqoon waxa ku jira oo ku soo caariyey xeebta, sida ka muuqata sawirka hoose.


Haamo aan la aqoon waxa ku jira oo soo caariyey

"Soomaalidu (arrimahaas Sunta) waa ku baraarugsan yihiin, laakiin maxay qaban karaan," ayuu yiri Luciano Scalettari oo booqday wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxana uu intaas ku daray in si xaqiiqo ahaan loo ogaado ay muhiim tahay in ugu yaraan hal meel la soo faago sunta si aan markaas u niraahno "Waa Tan Suntii" lagu duugey Soomaaliya oo xaqiiqo ah.

Warbixintaasi waxay si qeexan u muujisay in Soomaaliya lagu duugey Haraadiga Sunta Halista ah, taas oo raad weyn oo xagga caafimaadka ah ku reebeysa mujtamaca Soomaaliyeed muddo dheer.

Haddaba inta aynaan u gudbin dhibaatooyinkii la diiwaan geliyey ee soo wajahay dadka Soomaaliyeed ee sababtay Suntii la aasay intii u dhaxaysey 1992 ilaa 1998, waxaan ku hakan doonaa wixii ku qornaa Wareegtadii Cali Mahdi Maxamed ku ogolaaday in Haraadiga Qashinka Sunta lagu duugo Dhulka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Talyaaniga oo waraystay Cali Mahdi iyo wixii uu ku jawaabey... AKHRI HALKAN.....

AKHRI: QAYBTA XIGTA (3aad)


Warqadda qoraalkeeda Halkan ka eeg....

Qaybaha kale ee Qormadan: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 24, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS