Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 11aad:::
Qaybtani waxay ka kooban tahay:::
- Mucjisooyin Dhacay Muddadaan Dhexdeeda
- Kala Dhanballiddii Dayaxa
- Sannadihii Abaarta
- Annagaa Kaaga Filan
Jeesjeesayaasha
- Dhacdadii Lagdanka
- Dhacdadii Israaga Iyo
Micraajka (dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)
- Axdi diineedkii
Caqaba ee koowaad (Baycadii Caqabah)
- Safiirkii Islamka ee
ugu horreeyay Madiino
- Muscab Waa Nin Sidee
Ah
- Guul Lagu Farxo
Mucjisooyin Dhacay
Muddadaan Dhexdeeda
Sida la ogsoon yahay Rasuulka Alle (scw)
wuxuu ahaa shakhsi mucjisooyin badan laga arkay, mucjisooyinkaan oo
kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanuhu
gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshiisa dhamaanteed la saaxiibay,
waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkiisa laga arkay, akhbaaro uu kaga
warramay mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii uu u sheegay loo
arkayay sidoo kale ducadiisa, maryihiisa, taabashadiisa, kabahisiisa iyo
dhamaan waxkasta oo isaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka
baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan
daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u
hoggaansamaya Nabiga (scw) amarkiisa.
Ayadoo hadaba ay jiraan kitaabo waawayn oo
lagu aruuriyay mucjisooyinkaan waxaa la sheegay in Alle mucjisooyinkaan uu
Nabigiisa (scw) uga muujiyay si ay dadka ugu caddaato xaqnimada Nabiga (scw)
iyo xaqa uu la yimid kadib markii la tusiyo xujo qudrada aadanaha iyo
garashadiisaba ka baxsan islamarkaana ay u garwaaqsadaan uguna kalsoonaadaan,
taas lafteeduna waa ujeeddadii ushii Muuse iyo hashii Saalix (cs) laga lahaa.
Waxyaalaha ficilkiisa laga arkay oo aad u
badnaa waxaa kamid ahaa in biyuhu farihiisa ka shubmaan oo ay ummadda oo
dhan deeqaan, in cunnada hal qof loogu talagalayi markii uu taabto ay
boqollaal amase kun dad kor u dhaafay deeqdo oo waliba aysan dhamaanayn, in
awooddiisa xagga qof ahaaneed uu sameeyo waxyaalo aan qof caadi ahi samayn
karin sida dhagaxii laga quustay in la jabiyo inuu hal nabar ku dhufto oo uu
sidii ciiddii u kala daato ama isu baddalo.
Dhacdooyinka xagga akhbaartiisa laga arkay
runtii aad ayey u badan yihiin waana arrin la yaab badan sababtoo ah ma
jirto cid mustaqbalka og wax qiyaas dhaafsiisan amase cid ka warrami karta
wax oddoros iyo saadaalin ka baxsan dabcan Alle un mooyee ama akhbaar isaga
laga helay, oo nabi lasoo gaarsiiyay, Rasuulku (scw) ilaa heer buu dhinacaan
ka gaaray waxkasta oo laga maqlo ee mustaqbalka ku saabsani ay iska ahaayeen
yaqiin dhicitaankeeda la sugayo, qaar kamida culumada taariikhda Islamka ku
takhasusay waxay leeyihiin “maba jirto dhacdo wayn oo dunida ka dhacday
Nabiga (scw) kadib oo uusan hore u sheegin.
Hadaba dhacdooyinkaan mucjisada ah oo aan –insha
Allah—silsiladdaan dhexdeeda kusii arkii doono waxaa kamid ahaa.
Kala Dhanballiddii
Dayaxa
Marar badan oo reer Makko ay Rasuulka Alle
(scw) waydiiyeen inuu mucjiso horkeeno, ayagoo oran jiray ku rumayn mayno
ilaa aad dhulkaan nooga jeexdo ilo biyo ah oo burqanaya, ama aad yeelato
beer cinabka iyo timirtu isku dhex baxday oo wabiyo biyo ahi hoosteeda
durdurayaan, ama aad cirka gabalkiis dusha nagaga soo riddo, ama aad la
timaadid Alle iyo malaa’igta si caddaan ah, ama uu guri dahab ahi kuu dhismo,
amase aad cirka kortid waliba aad kitaab aan akhrino nooga soo dajisid,
sidoo kale inay oran jireen buurahaan dhulkii nagu cariiryay ee nolosha nagu
dhibay ilaahaaga noo waydii ha naga riixo amase awoowayaashayo siiba Qusayi
Ibn Kilaab hanaloo soo celiyo aan waraysanno oo la tashannee, xigmadda
su’aalaha caynkaan ah ay uga jeedeen marna ma ahayn inay wax ku qaataan, ee
kaliya waxay uga jeedeen inay Nabiga (scw) xujeeyaan oo ay mar uun qura ay
ku hadaaqaan intaan wax waydiinay ayuu ka jawaabi waayay taasoo qayb ka
ahayd la dagaallankooda Islamka, haddiise Alle og yahay inay wax ku
qaadanayaan waa la horkeeni lahaa sidii ummado hore loo horkeenay, tan kale.
Alle subxaanah wuxuu Rasuulkiisa sharafta
leh (scw) u
sheegay in waxyaalahaas ay waydiisteen loo soo saarayo laakiin haddii inta
mucjisada la horkeeno ay xaqa u hogaansami waayaan la halaagi doono sidii
ummado hore loo halaagay sidoo kale in Alle qur’ankiisa ku yiri ((Mana aysan
naga joojin soo dirista mucjisooyinka inay kuwii hore beeniyeen un mooyaanne))
17:59.
Sidaa darteed waxaa Nabiga sharafta leh (scw)
la kala doorransiiyay in ama musjisada la horkeeno – mana ay rumayn doonaan
markaas la halaago—ama aan mucjisada la keenin ciddii Alle khayrka iyo
toobadda u qorayna ay Islaamto ciddii aan loo qorinna ay seekto halkaas oo
Nabigu (scw) uu doortay tan dambe.
Hasayeeshee taasoo jirta hadana waxaa
Nabiga (scw)
laga muujiyay mucjisooyin badan ilaa ay caadaysteen in markii ay arkaan
mucjiso caqliga ka baxsan xataa hadii cirka albaab looga furo oo ay koraan
inay oran jireen ((waxaa uun la daboolay aragayagii waxaaban nahay qoom la
sixray)) 15:15.
waxaana dhacdooyinkaas la yaabka badan
kamid ahaa,Kala dhamballidii dayaxa, qisaduna waxay u dhacday sida Ibn
Cabbaas u sheegay in odayaashii mushrikiinta Makko oo ay kamid yihiin Waliid
Ibnul Mughiira, Abujahal Ibn Hishaam, Caas Ibn Waail, Caas Ibn Hishaam,
Aswad Ibn Cabdiyaquth, Aswad Ibnul Mudalib, Zumcata Ibn Aswad, Nadar Ibn
Xaarith iyo odayaal kale oo badan ay Nabiga (scw) u yimaadeen markaas ayey
yiraahdeen: haddii aad tahay –nabi—run ah dayaxa labo gabal noogu kala jeex,
gabalna aan buurta Abiqubays dusheeda ka aragno gabalna buurta qayqacaan!!
Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddii aan sidaas yeelo ma rumaynaysaan?
Markaas ayey dheheen: haah, xilligaasina waxay ahayd dayax afar iyo tobnaad
ah markaas ayuu Nabigu (scw) Alle waydiistay inuu tusiyo waxa ay waydiisteen
markii hadaba habaynku madoobaaday ayaa waxaa la arkay dayixii oo labo jab
kala ah oo jabna buurta Abiqubays korkeeda ku beegan yahay jabna buurta
Qayqacaan, Rasuulka Allana wuxuu ku leeyahay Abusalama Ibn Cabdilasad iyo
Alarqam war markhaati ka ahaada.
Dhacdadaan waxaa Alle kusoo dajiyay bilowga
suuradda
Alqamar oo Alle yiri: ((waxaa dhawaatay saacaddii –qiyaame—dayixiinna wuu
kala dillaacay: haddayse –gaaladu—arkaan mucjiso wayn way jeesanayaan oo
waxay oranayaan waa sixir isdaba jooga)) 54:1-2, markii hadaba ay
mucjisadaan arkeen waxay islamarkiiba yiraahdeen wuu na sixray Muxamed,
markaas ayey waxay dheheen war fiiriya wararka safarrada dibada ka imaanayaa
idiin keeni doonaan Muxamed ma awoodo inuu dadka oo dhan sixree, dhamaan
dadkii bannaanka kasoo galayna kulligood waxay ka warrameen inay arkeen
mucjisadii dayax kala dhambalanka.
Qisadaan oo kutubta saxiixa ah ee Islamku
qoreen sida Albukhaari iyo Muslim, ma ahan meesha laga arkayi Makko oo
kaliya ee taariikhyahannada Islamku waxay caddeeyeen in dunida kale dhulal
badan laga arkey oo taariikhaha dhulalkaas lagu qoray sida Hindiya sidoo
kale in Hindiya laga dhisay dhisme goob cibaado ah la yiri waxaa la dhisay
habaynkii dayax kala dillaaca. [1]
Sannadihii Abaarta
Markii uu Nabigu (scw) reer Makko Islamka
ugu yeerayay sannado badan oo khayrka ay dhagahooda ka daboosheen
shakhsiyaad mooyaane guud ahaanna ay ka daaheen aqbalidda diinta, wuxuu
Nabigu (scw) Alle ka baryay inuu ugu kaalmeeyo sannado abaar ah isagoo yiri:
“Alloow dushooda iigu kaalmee toddobo –sano oo abaar ah—sidii toddobadii
Yuusuf” waxaa hadaba bilowday sannado abaar ah oo tirtiray qori iyo qummud
wax beer qoyani liqo wixii arlada korkeeda yaallay, xoolihii ay sidii
xaskushii xasuuqmeen dadkiina caato raqayoobay ilaa ay bakhtiga hargaha iyo
uuska cuneen oo lafaha qallalan la ruugay, cirkiina caad saloogan iyo qaac
wax aan ahayn laga waayay, arrintu markay halkaas gaartay waxaa Nabiga (scw)
u yimid Abu Sufyaan Ibn Xarbi oo Qureysh matalaya oo yiri: Muxamedow sida
aad sheegtay waxaa lagula soo diray raxmad qoomkaagiina kulligood maanta waa
halaagsameen ee Alle u bari –in la roobeeyo—markaas ayuu Rasuulka Alle (scw)
Ilaahay u baryay in la roobeeyo islamarkiibana roobkii ayaa la helay, rays
baana carrada qooyay.
Tani waxay hadaba ahayd mucjiso wayn oo ay
u hoggaansameen hasayeeshee aysan xaqa ku qaadan sababtoo ah waxay ahaayeen
qoom shaydaan duufsaday uuna khayrka ka indhasaabay.
Waxaana Imamul Bukhaari, Muslim iyo culumo
badan oo kale kitaabahooda ku sheegeen in Cabdullahi Ibn Mascuud yiri:
dhacdadaan waxaa kusoo dagay aayado dhowr ah oo ku jira bilowga suuradda
Dukhaan.
Annagaa Kaaga Filan
Jeesjeesayaasha
Cabdillahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri: kuwa
caadaystay jeesjeesku waxay kala yihiin Alwaliid Ibn Mughiira, Aswad Ibn
Abdiyaquth Azuhri, Abuzumca iyo Aswad Ibn Mudalib oo Bani Asad u dhashay,
Alxaarith Ibn qaydala iyo Caas Ibn Waail Assahmi oo Bani Sahmi u dhashay,
kooxdaan waxay ku caanbaxeen inay isku garabsiiyaan dulmiga iyo hagardaamada
ay Nabiga (scw) u gaysan jireen, markay khayrka arkaanna inay ayagoo
garanaya ismagagadaan(is khaafiyaan) ayna ku jeesjeesaan, sidaa darteed
Nabigu (scw) dhibkooda ayuu Alle uga dacwooday halkaas oo Jibriil yimid
markaas ayuu Nabiga (scw) tusiyay muuqaallada raggaas.
Markii ugu horreysay Alwaliid Ibn Mughiira
ayuu muuqaalkiisa muujiyay markaas ayuu tilmaamay xididka halbowlaha markaas
ayuu Nabigu (scw) yiri: maxaad samaysay, Jibriil (cs) wuxuu yiri: kaas waan
kaa qabannay kadibna wuxuu muujiyay muuqaalka Aswad Jibriil wuxuu tilmaamay
indhihiisa, Nabigu (scw) sidii oo kale wuxuu yiri: maxaad samaysay, markaas
ayuu yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Aba Zumca wuxuuna
tilmaamay madixiisa oo sidii oo kale yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu
muujiyay Alxaarith wuxuuna tilmaamay calooshiisa, sidoo kale Caas isagana
wuxuu tilmaamay raysmagaadhada lugtiisa.
Alwaliid wuxuu soo maray nin warmo qoranaya,
qoriga caaraddiisii ayaa halbowlaha muday oo gooyay waana u dhintay, Aswad
labada indhood ayuu beelay, Ibn Cabdiyaquth madaxa ayaa boog kasoo baxday
kulligiis carun ka buuxisay uuna u dhintay, Alxaarith cudur ayaa caloosha ka
galay uu saxaradii afka ka tufay, Caas qodax ayaa raysmagaadhada lugta ka
muday inta barartay ayuuna u dhintay.
Dhacdadaan oo qiso saxiixa ah, waxay run
ahaantii muujinaysaa sida awoodda xagga Alle kasocota loogu
xoojiyay Nabiga (scw), waxaana kusoo dagay qawlka Alle ee ((Annagaa kaaga
fillaannay jeesjeesayaasha)) 15:95.
Dhacdadii
Lagdanka
Sababtuna waxay ahayd sida la sheegay nin
lagu magacaabo Aburukaana Ibnul Ashdiin oo ahaa ninka Qureysh ugu xoog badan,
ninkaas oo sida la sheegay intuu harag ku fariisto oran jiray toban nin
hoostayda ka jiida islamarkaana aan laga jiidi karin ee haragu kala go’ayo
xoog badnidiisa darteed ayaa maalin Nabigu (scw) la kulmay oo ku yiri:
“Rukaanow maad Alle ka cabsatid oo aqbashid waxa aan kuugu yeerayo” markaas
ayuu yiri: haddaan ogahay in waxa aad leedahay ay xaq yihiin waan ku raaci
lahaa, markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri: ka waran haddii aan ku lagdo ma
irumaynaysaa? Markaas ayuu isagoo yaabban yiri: haah qisada dacal kale wuxuu
sheegayaa inuu isagu soo jeedinta lahaa oo yiri haddii aad illagaddo waan ku
rumaynayaa arrintaas oo uu u arkay mucjiso aan dhici karin.
Miday noqotaba Nabigu (scw) wuxuu yiri:
istaag, markii lagdankii dhacay dhulka ayuu Nabigu (scw) ku tuuray isagoo
aan iscelin karin, markaas ayuu yiri: iigu celi waa iga binnistaye ilaa
saddex goor ay ku dhacday markaas ayuu yiri: wallaahay Muxamedow tani waa
mucjiso waligayna dhinacayga dhulka lama dhigin markaas ayuu Nabigu (scw)
yiri: haddaad Alle ka cabsato oo waxa aan kuu sheegayo aad rumayso waxaan ku
tusinayaa arrin kale oo ka yaab badan, markaa ayuu yiri: oo waa maxay?
Markaas ayuu yiri: waxaan u yeerayaa geedkaan wayna ii imaanaysaa! Arrintaas
oo Nabigu (scw) sameeyay.
Marka qisada dacalladeeda mid wuxuu
sheegayaa inuu Ibnul Ashdiin islaamay ari saddex boqol ah oo lagdanka la
isugu dhigtay lagana helay uu Nabigu (scw) u celiyay, dacal kalana wuxuu
sheegayaa inuusan dhacdadaan waxba ku qaadan ee uu yiri: dadka ninkii ugu
sixirka badnaa ayaan arkay, kolleyse sida la ogsoon yahay Aburukaana wuu
islaamay oo axaadiith ayuu Nabiga (scw) ka wariyay meel uu ku islaamayba.
Dhacdadii Israaga
Iyo Micraajka
(dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)
Xilligaan oo ku beegan marxalad dacwadu ay
waddadeeda ka dhex jeexanaysay guul laga gaaray meelaha qaarkood iyo
jirdilkii oo sii adkaaday dhinacyada kale oo aad moodid in iftiin yididdiilo
lihi meel fog kasoo dhalaalayo ayaa waxaa dhacay dhacdadii dheelmidda Nabiga
(scw) iyo xagga samadda u qaadidda oo isku habayn dhacay, waxaa hadaba jira
khilaaf ka taagan in la xaddado taariikhda habaynkaan Israagu dhacay, taas
oo laga yiri lix qowl oo kala ah.
- Inuu ahaa sannadkii
Nabiga (scw) Alle ku sharfay nabinnimada waxaana sidaas doortay Imamu
Dabari
- Inuu ahaa soo
dirista Nabiga (scw) shan sano kadib waxaana rajaxay Imamu Nawawi iyo
Qurdubi
- Inuu ahaa habaynka
ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan sannadka tobnaad ee
nabinnimada waxaana qowlkaan doortay taariikh yahanka wayn ee
Almansuurifowri
- Inuu ahaa bisha
Ramadaan sannadka 12 aad ee nabinnimada, hijrada kahor lix iyo toban
bilood
- Inuu ahaa bisha
Muxarram sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada kahor afar iyo toban
bilood
- Inuu ahaa bisha
Rabiicul Awal ee sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada sannad kahor.
Hadaba saddexda qowl ee hore waxaa lagu
riddiyay in Khadiijo ay dhimatay bisha Ramadaan ee sannadka tobnaad ee
nabinnimada dhimashadeeduna waxay dhacay intaan la soo gaarin waajibintii
Salaadaha shanta ah, sida la ogsoon yahayna salaadaha shanta ah waxaa uun la
waajibiyay habaynkii Israaga iyo Micraajka khilaaf la’aan, saddexda qowl oo
kale Caalimka wayn ee Mubaarakfuuri wuxuu yiri: maanan helin wax xujo ah oo
aan midkood si gaar ah ugu caddeeyo (ugu rajaxo) inkastoo habdhacmeedka
suuradda Israa laga garanayo in xilliga Israagu aad u dambeeyay.
Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay
makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoonyahannada
xadiithka waana tan ayadoo kooban.
Ibn Qayim wuxuu yiri: Rasuulka Alle (scw)
ayaa la dheelmay laf ahaantiisa sida saxda ah,
waxaana laga qaaday masjidka Xaramka ilaa Baytul Maqdas, isagoo saaran
Buraaq (Neef baqasha le’eg oo tallaabada dhigaya halka araggiisu ku dhamaado)
safarkiisana uu ku weheliyo Jibriil (cs) halkaas oo intuu Buraaqii ka dagay
uu tujiyay Nabiyada Alle (cs) salaad uu imaam u ahaa, Buraaqiina wuxuu ku
xirtay barxad fagaaga hore ee Masjidka ku taal.
Isla habaynkaas gudihiisa ayaa Baytul
Maqdas looga duuliyay xagga samada aduunka ee koowaad, islamarkiiba Jibriil
ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, halkaas oo Nabigu (scw) ku arkay
Aadam aabihii bashariyadda, markii uu salaanta ka jawaabay ayuu kula hadlay
hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaan uu aqoonsanayo nabinnimada
Rasuulkeenna (scw), waxaana Alle ka tusiyay dhiniciisa midig nafaha dadka
shuhadada ah dhiniciisa bidixna nafaha dadka ayaan darradu ku dhacday.
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada labaad,
Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, wuxuuna halkaas ku arkay
Yaxya Ibn Zakariya iyo Ciise Ibn Maryam (cs), intuu la istaagay ayuu
salaamay, salaantiina waa ka jawaabeen ayagoo soo dhaweeyay kulana hadlay
hadallo ay ku jirto qiritaanka nabinnimadiisa.
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada saddexaad,
wuxuuna ku arkay Yuusuf (cs) oo uu salaamay, markii uu salaanta ka
jawaabayna wuxuu ku hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaanka
nabinnimadiisa.
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada afraad,
wuxuuna ku arkay Idriis (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna
nabinnimada Rasuulka (scw).
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada shanaad,
wuxuuna ku arkay Haaruun (sc) wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna
nabinnimada Rasuulka Alle (scw).
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada lixaad,
wuxuuna ku arkay Muuse (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna
nabinnimada Rasuulka (scw).
Markii uu dhaafay ayuu Muuse (cs) ooyay,
waxaana lagu yiri: maxaa kaa oohinaya? Wuxuuna ku jawaabay sababtoo ah wiil
yar oo gadaashay lasoo diray waxaa ummaddiisa Jannada galaya cadad ka badan
inta ummaddayda Jannada galaysa.
Kadibna waxaa la korsiiyay Samada toddobaad,
wuxuuna kula kulmay Ibraahiim (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna
nabinnimadiisa.
Kadibna waxaa la korsiiyay Sidratul Muntaha
(geedka la yiri makhluuqu sare uma dhaafo), halkaas oo uu arkay muuqaalka
Masjidka loo yaqaan Albaytul Macmuur.
Kadibna waxaa loo geeyay Allaha awoodda
wayn leh, wuuna u dhawaaday ilaa uu u jirsaday labo qaanso qowskood –xariggeed—ama
ka dhow, markaas ayuu Alle subxaanah addoonkiisa u waxyooday khayrkii uu u
waxyooday, wuxuuna Alle ku waajib yeelay konton salaadood, markaas ayuu
Nabigu (scw) lasoo laabtay wuxuuna soo maray Muuse (cs) markaas ayuu yiri:
maxaa Alle ku amray? Wuxuu ku jawaabay: konton salaadood, Muuse (cs) ayaa
yiri: ummaddaadu ma awooddo konton salaadood ee ku laabo rabbigaa oo
waydiiso in ummaddaada laga fududeeyo, Nabiga (scw) ayaa eegay Jibriil sidii
isagoo kala tashanaya arrintaas, Jibriil wuxuu u tilmaamay haah haddaad
doonto, markaas ayuu Jibriil kor la aaday ilaa uu ula tagay Allaha awoodda
wayn subxaanah oo halkiisii jooga –kani waa dacalka Bukhaari ee xadiithka—markaas
ayaa laga riday toban salaadood, kadibna Nabigu (scw) waa soo dagay ilaa
uusoo maray Muuse (cs) wuuna u sheegay, Muuse (cs) wuxuu yiri: ku laabo
rabbigaa oo waydiiso fududayn, hadaba Nabigu (scw) wuxuu ku dhex
laalaabanayay Alle subxaanah iyo Muuse (cs) dhexdooda ilaa Alle salaadihii
ka dhigay shan, markaas ayuu Muuse (cs) amray laabasho iyo inuu waydiisto
fududayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waan ka xishooday rabbigay laakiin
waan ku raalli noqonayaa oo hoggaansamayaa, markii uu Nabigu (scw) fogaaday
waxaa dhawaaqay mid qayliya oo yiri: waan fuliyay faradkaygii waanna ka
fududeeyay addoomadaydii. [2]
Ibn Qayim wuxuu soo guuriyay khilaaf ku
saabsan in Nabigu (scw) arkay rabbigiis subxaanah iyo in kale halkaas oo uu
keenay hadalka Ibn Taymiya oo arrintaan ku saabsan, gabagabada masaladaanina
waxay kusoo ururaysaa in aragtida isha ahi aysan marnaba sugnayn, qof
saxaabada kamida oo sidaas yirina ma jiro, hadalka Cabdullahi Ibn Cabbaas
laga sheegay inuu yiri: wuu arkayna markale waxaa ka sugan inuu yiri:
qalbiga ayuu ka arkay, waxayna u ektahay inuu ka wado aragtidaan qalbiga ah
ee dambe.
Soo
dhawaanshaha ku jira suuradda Najmi 53:8 iyo kan ku jira xadiithka Israaguna
isma lahan ee kan suuradda ku jiraa waa soo dhawaanshaha Jibriil sida
Caaisho iyo Cabdullahi Ibn Mascuud ay ku tafsiireen habka suuraddu ku
socotaana uu muujinayo, Nabiguna (scw) labo goor ayuu Jibriil (cs) arkay oo
sidii Alle u abuuray ah, marna uu arlada korkeeda ku arkay marna Sidratul
Muntaha, laakiinse soo dhawaanshaha xadiithka Israaga ku jiraaayi waa soo
dhawaanshaha Alle subxaanah, labada qisana waa labo qiso oo kala duwan,
Allaana ku cilmi leh.
Safarkaan mucjisada ah waxaa markale dhacay
arrintii jeexidda laabtiisa (scw) la jeexay. sidoo kale waxyaalo badan oo
habeen kaas gudihiisa uu Nabigu (scw) arkay waxaa kamid ahaa;
In la kala doorran siiyay caano iyo khamro
inuu midkood doorto, islamarkaana uu caanihii doortay, markaas ayaa lagu
yiri: waxaa lagugu hanuuniyay fidradii –sunnaddii qadiimka ahayd—amase
fidradii ayaad ku toostay, haddaadse khamrada dooran lahayd ummaddaadu waa
dhumi lahayd.
In uu arkay afar wabi oo jannada ku yaal,
wabiyadaas oo labo kamid ahi ay muuqdaan labada kalana ay qarsoon yihiin,
labada muuqdaana waa Niil iyo Furaat, waxaana xigmaddaan tafsiirada laga
bixiyay kamid ah in diintiisu ay saldhigan doonto wabiyaashaan barwaaqada ah
ee Niil iyo Furaat, in dadka halkaas ku noolina ay noqon doonaan dadka
Islamka xambaara faracba farac kadib.
In uu arkay Jannada iyo Naarta sidoo kale
Maalik gacan ku hayaha Naarta, wajigiisana kama muuqan dabacsanaan amase wax
furfurnaan ah.
In uu arkay kuwa xaqdarrada ku cuna xoolaha
agoonta oo leh qawlallo u eeg qawlallada geela, oo afkooda lagu gurayo
gaballo waawayn oo dhinbillo ah oo dhagaxaan guduutay lamoodo markaas ay
dabadooda ka baxayso.
In uu arkay kuwa caadaystay cunidda Ribada
oo leh caloolo waawayn, oo aysan awoodin inay meeshooda dhinac uga hinqadaan
culayska caloosha darteed, waxaa marka jiiraya ummaddii Fircoon oo la
cadaabayo, markaasay ku tumanayaan.
In uu arkay kuwa caadaystay dhaqan xumada
Zinada oo hortooda la dhigay hilib buuran oo fiican iyo hilib caato ah oo
qurmay, markaasay intay hilibka fiican dhinac maraan hilibka qurmay cunayaan
kan fiicanna hareer marayaan.
In uu arkay dumarka nimankooda u qariya
ilmo aysan dhalin ee ay xumaan ku keeneen oo xargo naasaha lagaga xiray meel
dheer lagaga soo lulay.
Wuxuu kale oo akay safar reer Makko usoo
socday oo uu dhexda ku maray siisocod iyo soo socodba, sidoo kale wuxuu
tusiyay neef geel ah oo safarkaas ka dhumay wuxuuna ka cabbay biyo ay wateen
oo u daboolan ayagoo hurda kadibna uu weelkii daboolay, arrimahaanina waxay
noqdeen xujo uu ku caddeeyay socodkiisa markii subixii habaynka Israaga uu
dadka u sheegay.
Ibn Qayim wuxuu yiri: markii Rasuulka Alle
(scw) ku waabariistay reer Makko dhexdooda wuxuu uga warramay mucjisooyinkii
Alle tusiyay iyo makhluuqaadka Alle ee waawayn ee la tusiyay, islamarkiiba
si kulul ayay u beeniyeen waxayna isla dhex yaaceen qaadan waa ayagoo isku
gacansiinaya dhibkiisa iyo shidayntiisa, dabadeedna waxay waydiiyeen inuu u
sifeeyo Baytul Maqdas –arrimo uusan Nabigu si fiican ugu fiirsan—sidaa
darteed Alle ayaa u muujiyay muuqaalkii Baytul Maqdas ilaa hortiisa lasoo
dhigay, markaas ayuu wuxuu bilaabay inuu tilmaamayo calaamadihiisa, mana ay
awoodaan inay hal wax ah oo uu sheegay ku beeniyaan, sidoo kale wuxuu u
sheegay safarkoodii dhexda soo socday ee uu arkay siisocod iyo soolaabadba
wuxuuna u sheegay xilliga ay soo gali doonaan, wuxuu kaloo u sheegay awrka
safarkaas ugu soo horreeya, arrimahaas oo dhanina waxay u dheceen sidii uu u
sheegay oo aan xaraf xaraf daba marin, hasayeeshee waxaas oo dhan kama aysan
kororsan fogaansho uun mooyee wax kale, daalimiintaasina waa diideen wax aan
ahayn kufri iyo beenin.
Waxaana la sheegay Abaubakar waxaa Siddiiq
loogu magacaabay, markii Nabigu (scw) gaalada u sheegay inuu Baytul Maqdas
tagay ayey ku yaaceen ayagoo leh “Abuubakarow saaxiibkaa wuxuu sheegtay inuu
Baytul Maqdas tagay” markaas ayuu yiri: wallaahay hadduu yiraahdo cirkaan
tagay waan ka rumaysanayaa, markaas ayaa Siddiiq lagu magacaabay.
Hadaba waxa ugu macna wayn uguna soo kooban
ee laga
yiri ujeeddada dheelmintaan la yaabka badan laga lahaa waa qawlka Alle ee ((Si
aan u tusinno mucjisooyinkayaga)) 17:1
sidaanina waa dariiqada uu Alle hore ugu
jideeyay nabiyadiisa sharafta leh halka uu ka yiri: ((Sidaas oo kale ayaan u
tusinnay Ibraahiim malakuutka –mulkiyadaha—samooyinka iyo dhulalka si uu –caalim
ugu noqdo—iyo inuu kuwa yaqiinta gaaray kamid noqdo)) 6:75, sidkoo kale
Muuse (cs) Alle wuxuu yiri ((Si aan kuu tusinno mucjisooyinkayaga waawayn))
20:23,
waxaa hadaba halkaan lagu caddeeyay
ujeeddada laga leeyahay muujinta mucjisooyinkaan oo kale ((Si uu uga mid
noqdo kuwa yaqiinta gaaray)) markii aqoonta nabiyada (cs) lagu xoojiyo
aragtida mucjisooyinkaan waawayn ayaa waxaa u hirgalaya yaqiinta aragtida ku
dhisan wax aan heerkooda la qiyaasi karin lana awoodi karin, wax la
sheegayina lamid ma ahan wax ili aragtay, markaas ayey ugu dulqaadanayaan
Alle jidkiisa heer aan cidkale awoodin, waxa quwado dunida ka jiraana waxay
ugu muuqanayaan wax aan garab kaneeco u dhigmin oo aan waxba yeeli karin,
markasta oo mixnado iyo caddibaad la marsiiyo.
Inkastoo xigmadaha iyo murtiyaha qarsoon ee
safarkaan qaybihiisa ku guda jira lagu faahfaahiyey kutubaha xigmahada
qarsoon ee shareecada laga dajiyay hadana waxaan halkaan ku muujinaynaa
xaqiiqooyin fudud oo iska cad, waxaana kamid ah.
Qofka akhriyay suuradda Israa waxaa u
muuqanaysa in dhacdada Israaga lagu sheegay hal aayad ah oo qura, kadibna
waxaa la guda galay in la kashifo fadeexadaha Yuhuudda iyo eedaha ay
aadanaha ka galeen, kadibna waxaa la sheegay in Qur’aankaani uu ku
hanuuninayo wadada ugu habboon, waxaa hadaba qofka akhrinayaa moodayaa
inaysan aayadahaan wax isku xirnaan ahi ka dhaxaynin, arrintuse sidaas ma
ahan ee waxaa Alle halkaan nagu baraarujinayaa in halka Israaga Nabiga (scw)
loo dheelmiyay xagga Baytul Maqdas in hoggaanka aadanaha laga wareejin doono
ummadda Yuhuudda kadib markii ay dunida ku harqiyeen foolxumada,
dhaqanxumada iyo khayaanada ay galeen taas oo aysan suuroobi karin in
xilkaan lagu sii hayo aysan una qalmin, sidaa darteed in labadii saldhig ee
Dacwadii Nabi Ibraahim (cs) labadaba Nabiga (scw) la isugu daro.
Sideebayse taasi ku hirgali kartaa ayadoo
Rasuulkii (scw) uu dhex wareegayo buuraha Makko isagoo ummadda dhexdeedii
laga takooray, tani waxay shaaca ka qaadaysaa xaqiiqo kale oo ah in dawr
wayn oo dacwadaan Islamka ahi uu soo gabagaboobi rabo, inuu sidoo kale
bilaaban doono dawr kale oo kii hore si wayn uga duwan, inay dhismi doonto
bulsho xaq u dirir ah oo hannaanka quman uu Qur’aankaani ku toosinayo, sidaa
darteed waxaan arkaynaa in aayaduhu xambaarsan yihiin digniin heerkii ugu
cuslaa ah iyo caga juglayn kulul oo lagu aaddinayo mushrikiinta reer Makko
((Markii aan doonno inaan halaagno qaryo –magaalo—waxaan amarnnaa kuwa loo
nicmeeyay dhexdeeda, markaas ayey ku faasiqnimo sameeyaan dhexdeeda markaas
ayaan burburinnaa
burburin: Imisa ayaan halaagnay quruumo kadib –nabi—Nuux , waxaana ku filan
rabbigaa dambiyada addoomadiisa khabiir aragti—dheer)) 17:16,17.
Waxaa aayahaan dhinac socda aayado kale oo
ay ku jirto tilmaamo xeeldheer in muslimiintu ay heli doonaan dhul amaan u
ah sidoo kale inay dhisi doonaan bulsho gabi ahaanba ka duwan noocyada
xilligaas dhisan, bulsho Alle rumaysan uu hogaaminayo nuurka Alle ee ka
iftiimaya aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagaya Rasuulkiisa sharafta badan (scw)
kana dab qaadata irshaadaadka iyo hagidda eebbe.
Tani waa tan keentay in taariikh yahannada
Siirada Nabiga (scw) qaarkood jaangooyeen in Israagu dhacay sannadka kow iyo
tobnaad ama kan labiyo tobnaad amase dhexdooda.
Axdi
diineedkii Caqaba ee koowaad
(Baycadii Caqabah) (1)
Waxaan soo sheegnay in lix nin oo reer
Madiino ahi ay islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka kow iyo tobnaad ee
nabinnimada, islamarkaana inay Rasuulka Alle (scw) ugu ballan qaadeen inay
diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan.
Hadaba arrintaan waxaa ka dhashay in
wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka labo iyo tobnaad ee
nabinnimada ee ku aaddan bisha July 621 ciise dabadi ay yimaadeen labo iyo
toban nin oo hawshaan isku og, shan kamid ahi waxay ku jireen lixdii
sannadkii hore Nabiga (sw) lasoo xariiray, halka nin oo lixaad oo aan imaani
waa Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab, iyo toddobo nin oo cusub, waxayna kala
yihiin sidaan.
- Mucaad Ibnul Xaarith Ibn Cafraa
...... Khazraj Bani Najaar
- Dakwaan Ibn Cabdishamsi
............... Khazraj Bani Zureyq
- Cubaada Ibn Saamit
...................... Khazraj Bani Ghanam
- Yaziid Ibn Thaclaba ......................
Khazraj Xulafada Bani Ghanam
- Alcabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla ....
Khazraj Bani Saalim
- Abul Haytham Ibn Tayhaan ............
Aws Bani Cabdil Ash-hal
- Cuwaym Ibn Saacida .................... Aws
Bani Camar Bin Cowf
Labadaan ugu dambeeya ayuunbaa Aws u
dhashay inta kale kullligood waxay u dhasheen Bani Khazraj, raggaani hadaba
si qarsoodi ah ayey Nabiga (scw) ula soo xariireen, waxayna kula ballameen
inay ku kulmaan karinka loo yaqaan caqabada wayn –waana sababta
mucaahadadaan loogu magac daray caqabada—waxayna Rasuulka Alle (scw) la
galeen axdi diineed qodobadiisu waafaqsan yihiin axdigii uu Nabigu (scw)
dumarka la galay mar dambe furashadii Makko, markii kulanku furmay ayuu
Nabigu (scw) qodobada axdiga ku dul akhriyay raggaan ayadoo nin waliba uu
gacan qaadayo marka axdiga uu galayo, sidii qisadu u dhacdayna Bukhaari ayaa
kitaabkiisa kusoo saaray isagoo ka warinaya Cubaada Bin Saamit wuxuuna yiri:
Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: kaalaya oo
axdi igula gala in aydaan Alle –cibaadiisa—cidna la wadaajinayn, in aydaan
waxba xadayn, in aydaan zinaysanayn, in aydaan dilayn caruurtiina, in aydaan
been abuur la imaanayn aad hortiina iyo gadaashiina ka allifteen, in aydaan
igu caasinayn –diidayn—wax wanaag ah oo aan idin amray, qofkii fuliya
axdigaan oo idinka mid ah ajarkiisa Alle ayuu ku leeyahay, qofkii ku dhaca
shay kamid ah –dambiyaadaan—oo dunida korkeeda loogu ciqaabo waxay u tahay
dambi dhaaf, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyadaan—oo Alle u asturo
arrintiisu Alle ayey u taallaa, hadduu doono waa ku ciqaabin hadduu doonana
waa iska cafin, wuxuu –cubaada—yiri: markaas ayaan axdi kula galay amase
sidaas ayaan axdigii kula gallay.
Safiirkii Islamka
ee ugu horreeyay Madiino
Markii axdigaani guntamay oo ballantii
hirgashay wareegtadii Xajjkuna dhamaatay ayuu Nabigu (scw) raggaan ballanta
galay la diray safiirkii Islamka ee ugu horreeyay ee reer madiino loo diray,
si uu muslimiinta cusub ee reer Madiino u baro tacliinta shareecada Islamka
una fahansiiyo cibaadada, sidoo kale inuu u istaago ku fidinta diinta dadka
wali ku sugan shirkiga iyo gaalnimada, wuxuuna Rasuulku (scw) xilkaan wayn u
doortay Muscab Ibn Cumayr Alcabdari, barbaar kamid ah hormuudyada Islamka ee
diinta ugu horqaatay dadka Alle haka raalli noqdee.
Muscab Waa Nin
Sidee Ah
Abu Cabdillah Muscab Ibn Cumayr Ibn Haashim
Alcabdari, wuxuu ka mid ahaa kooxdii ugu horreeyay ee Islamka qaatay,
xilligaas oo cabsi badani jirtay Nabiguna (scw) si qarsoodi diinta ugu
akhrin jiray muslimiinta daarta Al Arqam, Muscab wuxuu kamid ahaa saxaabadii
diintooda qarsaday cabsi uu ka qabo hooyadiis iyo qaraabadiisa darteed,
waxaa hadaba ogaaday nin lagu magacaabo Cuthmaan Ibn Dalxa oo markaas
hooyadiis iyo tolkiisiiba ogaysiiyay, markaas ayey hooyadiis dayrisay,
cunnadii iyo noloshii oo dhan ayey ka goysay sida ay sheegtay ilaa uu
Muxamed ku gaaloobo, Muscab wuxuu maray marxalad uu gaajo badan iyo rafaad
badan ku maray ilaa oogadiisii ay jilif yeelatay markii horana wuxuu ahaa
ninka ugu dhaqaalaysan dhallinta reer Makko, heer waxay gaartay intuu maalin
Rasuulka sharafta lihi (scw) arkay uu oohin ceshan waayey markii uu
xasuustay noloshii uu Muscab ku noolaan jiray.
Hadaba markii tolkiis arkeen in ciqaabka
noocaan ahi uusan Muscab ka joojin karin diintiisa ayey xargo ku xireen oo
garaaci jireen isagoo xiran, xaaladdaas ayuuna ku jiray ilaa uu ka cararay,
wuxuuna kamid ahaa muslimiintii Hijradii Xabashida ee hore u cararay,
kadibna wuxuu ku jiray koox khaldantay oo Makko kusoo laabtay halkii ayaana
cadaadintii ka bilaabatay ilaa uu Nabigu (scw) xilkaan u diray oo markaa uu
u wareegay Madiino, halkaas oo islaamidda inta badan reer Madiina uu isagu
sabab u ahaa.
Wuxuu Nabiga (scw) kala qayb galay
dagaalkii Badar kadibna wuxuu shahiiday maalintii Uxud, isagoo markaas la
waayey maro ku filan oo kafan looga dhigo, waxaa la sheegay inuu Muscab
xagga muuqaalka u ekaa Nabiga (scw) taasina waxay sabab u noqotay in dagaal
yahannadii mushrikiinta mid kamida Cabdullahi Ibn Qamia oo si gaar ah Nabiga
(scw) u doonayay uu Muscab mooday markaas uu dilay islamarkaana uu ku
qayliyay Muxamed waa la dilay.
Muscab wuxuu tusaale hormuuda u yahay
muslimka horyaalka ah, himadda sare leh ee isagoo aan aduunyadu macno ugu
fadhiyin u halgamay meelmarinta iyo hirgalinta amarrada Alle iyo diintiisa,
Alle Jannadiisa fardowsa ee ugu sarreysa ha ugu nicmeeyo.
Guul Lagu Farxo
Muscab markii uu Madiino tagay wuxuu ku
dagay saaxiibkiis safarkana ku weheliyay Ascad Ibn Zuraara, waxayna guda
galeen inay Islamka ku dhex faafinayaan reer Madiino firfircooni iyo
xamaasad heerka ugu sarreysa, Muscabna waxaa Madiino dhexdeeda loo yaqaannay
qaariga (ninka quraanka Akhriya).
Hadaba qisooyinka laga sheegay guusha
faafinta Islamku Madiino gaartay waxaa ugu yaab badan inuu Ascad Ibn Zuraara
maalin Muscab u kaxaystay xaafad ay dagan yihiin lafta Bani Cabdi Ash-hal
iyo xaafadda lafta Bani Thafar, waxay marka ag fariisteen ceel ku dhexyaal
beer ay leeyihiin lafta Bani Thafar, halkaas oo ay qofkii u yimaada diinta u
bandhigayeen, waxaa marka kusoo dul aruuray niman muslimiin ah oo raggii
meesha daganaa ah, dhinaca kale Sacad Ibn Mucaad iyo Usayd Ibn Xudayr oo ah
labada mas’uul ee tolkood Bani Cabdi Ash-hal iyo guud ahaan Aws oo dhanna
maalinkaas waxay wali ku jireen shirkii, markii ay hadaba maqleen fadhiga
Ascad iyo Muscab Sacad oo arrintaan ka carooday ayaa Usayd ku yiri: u tag
labadaan nin ee u yimid inay wax magaradka naga duufsadaan oo naga cayri,
ugana dig inay xaafadahayaga mar dambe yimaadaan, Ascad Ibn Zuraara waa ina
habreedkay haddaysan taasi jirinna waan kaaga fillaan lahaa dhibkiisee.
Usayd warankiisii inta qaatay ayuu labada
nin xaggoodii u dhaqaaqay, markii uusoo muuqday ayuu Ascad Ibn Zuraara
Muscab ku yiri: ninkaan soo socdaayi waa mas’uulkii tolkiise markuu kuu
yimaado niyaddaada Alle ugu runsheeg –si daacad ah ula hadal—Muscab ayaa
yiri: hadduu fariisto waan la hadlayaa, Usayd dhiniciisa waa yimid ilaa uu
soo kor joogsaday isagoo caytamaya markaas ayuu yiri: maxaad nagasoo
doonteen ma inaad wax magaratada naga duufsataan? Hadda naga dhexbaxa haddii
naftiina dani idinka hayso!! Muscab ayaa ku yiri: bal fariisto oo na
dhagayso, haddii aad arrinta ku qanacdana waad aqbalaysaa haddii aad
dhibsatana waa lagaa joojin waxa aad nacaysee, markaas ayuu yiri: caddaalad
baad samaysay, kadibna warankiisii ayuu mutay waana fariistay, marka Muscab
ayaa Islamka kala hadlay, wuxuuna ku dul akhriyay Qur’aanka, qofkii goob
joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay Islaamnimada ayaan wajigiisa ka garannay
intuusan hadlin furfurnaanta iyo nuurka wajigiisa ka baxay darteed, kadibna
wuxuu yiri: waxaan maxaa ka fiican oo ka qurux badan? Sidee yeeshaan markaad
doonaysaan inaad diintaan gashaan? Markaas ayey ku dheheen, waad
qubaysanaysaa, dharkaagana daahirinaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa
shahaadada xaqa ah, kadibna waxaad tukanaysaa labo rakcadood, islamarkiiba
waa istaagay oo qubaystay oo dharkiisii daahiriyay oo ku dhawaaqay
shahaadada xaqa ah oo tukaday labadiii rakcadood, markaas ayuu Usayd yiri:
war waxaa iga dambeeya nin haddii uu idin raaco aan qof tolkiis ahi ka
harayn, waanna idinku soo toosin doonaa, wuxuuna u jeedaa Sacad Ibn Mucaad.
Markaas ayuu warankiisa qaatay oo u laabtay
xaggii Sacad iyo naadigii raggu fadhiyay, ayagoo wali naadigoodii fadhiya,
markaas ayuu Sacad yiri: markii uu arkay Allaan ku dhaartaye waji kii uu
agtiina kala tagay ka duwan ayuu idin kula soo noqday, markii uu Usayd
naadigii soo kor istaagay ayuu Sacad yiri: war sidee yeeshay? Markaas ayuu
yiri: laba nin ayaan la hadlayoo wallaahay dhib kuma aanan arag waanna u
digayoo waxay dheheen waannu yeelaynaa waxa aad jeceshahay, waxaase la
iisheegay in Bani Xaaritha ay xagga Ascad Ibn Zuraara usoo bexeen si ay u
dilaan, taasna waxaa ugu wacan inay ogaadeen inuu ina habreedkaa yahay si ay
xurmadaada magangalyo bixinta u jabiyaan, markaas ayuu Sacad isagoo ka
caraysan warkaas loo sheegay istaagay, inta warankiisii qaatay ayuu
xaggoodii u dhaqaaqay, markuu hadaba arkay nimankii oo xasillooni ka muuqato
ayuu fahmay in Usayd u danlahaa inuu nimanka wax ka maqlo, markaas ayuu soo
kor istaagay isagoo caytamaya, oo Ascad Ibn Zuraara ku yiri: Abu Umaamow
wallaahay haddaysan qaraabo nimada inaka dhaxaysaa jirin inaadan waxaas
igula soo dhiirateen, ma guryahayagii ayaad noola soo galaysaa wax aan
dhibsanayno.
Ascad ayaa Muscab ku yiri: wallaahay waxaa
kuu yimid sayid tolkiis oo dhan hoggaanka u haya, haddii uu ku raacana
axadna inuusan ka harayn kana dib dhacayn, Muscab ayaa Sacad Ibn Mucaad ku
yiri: marka hore maad fariisatid, haddii aad arrintaan ku raalli noqoto waad
aqbalaysaa haddii aad dhibsatana waa lagaa joojinayaa waxa aad dhibsataye,
markaas ayuu Sacad yiri: caddaalad ayaad samaysay, kadibna warankiisa ayuu
mutay oo fariistay, Muscab marka Islamka ayuu u bandhigay wuxuuna ku dul
akhriyay Qur’aanka, qofkii goob joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay wajigiisa
ayaan ka garannay Islamka intuusan hadlin furfurnaanta iyo iftiinka
wajigiida ka baxay darteed, markaas ayuu wuxuu yiri: maxaad samaysaan
markaad Islamka galaysaan? Waxay yiraahdeen waad qubaysanaysaa dharkaagana
waad dhaqaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa shahaadada xaqa ah, kadibna
waxaad tukanaysaa labo rakcadood, sidii ayuuna yeellay.
Sacad warankiisa ayuu qaatay, wuxuuna u
dhaqaaqay halkii naadiga tolkiis ahi fadhiyeen, markii ay arkeen ayey waxay
yiraahdeen: Allaan ku dhaarannaye wuxuu idinkula soo noqday waji aan ahayn
wajigii uu marki hore idinkala tagay.
Markii uu soo korjoogsaday ayuu yiri:
tolkay reer Bani Cabdi Ash-halow, maxaad taladayda iyo amarkayga ku
taqaanneen? Waxay yiraahdeen: sayidkayaga aan laga daba hadlin, kan noogu
ra’yi quman, kan noogu habboon inuu namatalo, markaas ayuu Sacad yiri:
hadalkiinnu waa iga xaaraan rag iyo dumar toona ilaa aad Alle rumaysaan iyo
Rasuulkiisa (scw) galabkii qof kamida umasoo galin nin iyo haweenay midna
isagoo muslim ah mooyee ama ayadoo muslimad ah hal nina oo Asiiram lagu
magacaabo mooyee, ninkaas islaamnimadiisu dib ayey u dhacday ilaa maalintii
dagaalkii Uxud, maalintaas ayuu islaamay waana dagaallamay islamaalintiina
waa shahiiday, hal sujuud ahna Alle uma uusan sujuudin, markaas ayuu Nabigu
(scw) yiri: in yar ayuu camal falay ajar badan ayaase lagu abaal mariyay.
Muscab wuxuu saldhig dacwadiisa uga sii
dhigtay guriga Ascad Ibn Zuraara, halkaas oo uu dadka Islamka ugu yeerayay
ilaa aysan harin xaafad ama guri Ansaari leedahay oo aysan joogin rag iyo
dumar muslimiin ah, marka laga reebo xaafadaha Bani Umaya, Khadma iyo Waa’il,
waxaa ayaga dhexjoogay ninka gabyaaga ah ee lagu magacaabo Qeys Bin Aslat
aad ayeyna taladiisa u aaminsanaayeen, marka isagaa Islamka kala dibdhacay
ilaa laga gaaray sannadkii Khandaqa –sannadka shanaad ee Hijrada.
Wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa
sannadka sadex iyo tobnaad ee nabinnimadee ayuu Muscab Ibn Cumayr Makko
kusoo laabtay, isagoo Rasuulka (scw) usoo xambaaray bishaarooyinkii guusha,
sidoo kale uga sheekaynaya qisooyinkii uu kala kulmay qabiilooyinka Madiino
ee khayrka iyo khibradda ah iyo quwadda iyo difaaca ku jira qabiilooyinkaan.
_____________________________
1: Fiiri Albidaaya Wannihaaya 2/486.
2: Fiiri Zaadul Macaad 2/47-48.
Daabacaad: SomaliTalk.com |
March 17, 2004
QAYBTA
10aad |
QAYBTA
12 |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|