Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 10aad:::
Qaybtani waxa ay ka kooban tahay
- Quwadda Sabarka ee
Sugnaanshaha Dhalisey
»» Rumaynta Alle
»» Hoggaan qalbigu u hoobanayo
»» Garashada Mas’uuliyadda
»» Rumaynta Aakharo
»» Qur’aanka
»» Bishaarada Guusha
- Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka
Makko
- Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan
Gudaha Makko
- Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga
- Islaamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyinka Iyo
Shakhsiyaadka.
- Qabiilooyinkii Islaamka Loo Bandhigay
- Guurkii Caaisho
Quwadda Sabarka
ee
Sugnaanshaha Dhalisey
Marka aad si xeeldheer ugu kuurgasho heerka
cadaadinta dadka muslimiinta ah Makko loogu gaystayi gaaray, waxaad
islamarkiiba iswaydiinaysaa, maxay tahay quwadda qarsoon ee gaarsiisay inay
ilaa xadkaan u dulqaataan silicdilyaynta iyo dhibaatooyinka wadnuhu
maqalkooda la gariirayo oogaduna la dubaaxinayso ee iyaga lala beegsanayo,
maxayse yihiin ilaha ay uga dab qaadanayaan kartidoodaan xad dhaafka ah.
Tani hadaba waa su’aal ay in badan taariikh yahannadu iswaydiiyeen, in
badanna indheergaratadu ku wareereen. Si aan taariikhdaan fahan fiican uga
qaadano waxaan u baahannahay inaan tafsiir cad ka bixinno quwaddaas qarsoon
iyo ilahaas dhaliyay jawaabihii ay culamadu ka bixiyeen, waxaana ugu
horreeya.
Rumaynta Alle
Sababka ugu wayn oo quwaddaan dhaliyeyi ugu
horreynba waa iimaanka –rumaynta—Alle kaligiis iyo barashadiisa si dhab ah,
iimaankaas yaqiinta ku shisani markii macaankiisu qalbiga la falgalo buuraha
ayuu ka culays waynaadaa, qofka qalbigiisa yaqiintaasi ka buuxsantayna
markastoo dhibaatooyinka dunidaani cuslaadaan ama isdulfuulaan amase
waynaadaan waxay ula muuqataa sidii xayaabo biyo kor saaran amase ciiro
dabayluhu sitaan oo dhaqso u bidi doonta, daadxoortu ayadoo qallalan ayey
tageysaa wixii agab lihina ayagaa harin.
Sababkaan wayn waxaa la xariira sababo kale
oo sugnaanshaha xoojinaya, waxaana ka mid ah.
Hoggaan qalbigu u hoobanayo
Nabigu (scw) isagoo ah hoggaanka koowaad ee
ummadda Islamka ah amase aadanahaba idilkiis, wuxuu ahaa shakhsi Alle si
deekhsinimo ah ugu hodmiyay asbaabaha lagu soo hirto ee dhamaystirnaanshaha
sifooyinka xagga garaadka iyo caqliga la xariira iyo qummanaanshaha xagga
abuurista iyo muuqaalka la xariira, waxaa Alle ka haqab tiray dabeecadaha
macaan, akhlaaqaha quman iyo hannaanka toolmoon, sidoo kale abuurista
qurxoon, wuxuu ahaa shakhsi nafuhu xaggiisa usoo dunmaan sida biyuhu meesha
godan ugu qulqulaan, naftooda huraan isaga sokadiisa, jirkooda illaawaan isaga dartiis, habsamida
loo uumayna waxay ahayd mid aan ruux kale lagu irsaaqin, sidoo kale wuxuu
heerka ugu sarreeya ka gaaray sharafta iyo toosnaanta, khayrka iyo barkhadda,
ammaanada, dhawrsoonaanta iyo runta, sidaas ayuu mudnaanta koowaad ku
yeeshay dadka dhexdiisa, sumcaddiisuna waxay ahayd mid aysan cadowgiisa iyo
kuwa khilaafsani marna ka shakiyin amase qarin karin, marka laga gudbo
saaxiibadiis iyo kuwa jecel, sidaa darteed maysan jirin oraah xaggiisa kasoo
fusha illaa waxay u qaadan jireen hubaal iyo yaqiin aan run ahaanshaheeda la
iswaydiin.
Markii Qureyshi ay mamnuuceen dhagaysiga
qur’aanka ayaa waxaa meel ku wada kulmay saddex nin oo odayaasha qureysheed
ka mid ah, mid walba oo raggaas ahina wuxuu si qarsoodi ah u dhagaystay
qur’aanka wayse kala qarsanayeen, islamarkiiba sirtoodii ayaa fashilantay,
markaas ayuu Akhnas Ibn Shariiq yiri: Abu-Sufyanow sidee u aragtaa waxa aad
Muxamed ka maqashay, Abusufyaan wuxuu yiri: wallaahay waxaan maqlay waxyaalo
aan garan karo xigmadda looga jeedana aan fahmayo, markaas ayuu Akhnas yiri:
aniguna wallaahay sidaas ayaan ahaye Abulxakamow –Abujahal—sidee kuula
muuqdaan waxa aad maqashay, markaas ayuu yiri: oo maxaan maqlay!! Annaga iyo
Bani Cabdimanaaf –lafta Nabiga—waxaan ku tartannay sharafta, waxbay
quudiyeen annaguna waan quudinnay, mago culus ayey bixiyeen annaguna waan
bixinay, hanti ayey qaybiyeen annaguna waan qaybinnay, ilaa aan ku simannay
ratiga baarkiisa, oo aan lamid noqonnay sida labadii faras ee rihaan,
markaas ayey leeyihiin waxaan leennahay nabi cirka looga waxyoodo, goormaan
tan gaaraynaa, wallaahay inaannaan rumaynayn waligayo kana aqbalayn.
Waxaaba tan kasii cad Mughiira Ibn shucba –ninka
saxaabiga ahi—wuxuu yiri: maalintii ugu horreysay ee aan Rasuulka Alle (scw)
aqoonsaday waxaan la socday Abujahal, marka waxaan la kulannay Rasuulka Alle
(scw) markaas ayuu Abujahal ku yiri: Abulxakamow waxaan kuugu yeerayaa xagga
Alle ee xaqa maqal oo soo aad Alle xaggiisa iyo rasuulkiisa, markaas ayuu
Abujahal yiri: Muxamadow maad iska daysid cayda ilaah yadayda, ma waxaad iga
doonaysaa inaan kuu qirno inaad farriintaada na gaarsiisay, wallaahay xataa
haddaan ogahay in waxa aad sheegaysaa xaq yihiin kuma raaceene, markaas ayuu
Rasuulka Alle (scw) iska tagay, Abujahalna aniga ayuu iisoo jeestay oo yiri:
wallaahay waxaan ogahay in waxa uu sheegayaa ay xaq yihiin, laakiinse
Banuqusaya –qabiilka Nabiga—waxay na yiraahdeen furaha Kacbada annagaa hayna,
saannune haye, markaasay yiraahdeen: daaru nadwa (baarlamaanka) annagaa
hayna, saannune haye, markaasay yiraahdeen: calanka dagaalka iyo marti
galinta xujayda annagaa iska leh, saannune haye, markaasaan sharafta ku
tartannay ilaa aan isla simannay, markaasay hadda na leeyihiin nabibaa nagu
jira: wallaahay inaanan tan yeelayn. 
Abujahal wuxuu oran jiray: Muxamadow annagu
adiga ku beensan mayno laakiinse waxaan beeninaynaa waxa aad la timid,
markaas ayaa Alle kusoo dajiyay ((addiga kuma ay beensanayaan laakiinse kuwa
daalimiinta ahi aayadaha Alle ayey inkirayaan)) 6:33.
Sidoo kale waxaan soo marray markii Nabiga
(scw) oo dawaafaya ay gaaladu hadal qalloocan u qariyeen saddex goor,
markaas intuu soo eegay uu yiri: Qureysheey wallaahay waxaan idiin la imid
gawrac, markaas inta kalimaddaasi cabsi ku abuurtay ayey hadallo qabow ku
maslaxayeen. Mar kale markii ay mandheerta hasha dusha u saareen isagoo
sujuudsan wuu habaaray, markaas qosolkii ayaa inta ka biday, oo qalaq iyo
murugo qabatay ayey yaqiinsadeen inay halaagsamayaan.
Sidoo kale markii uu habaaray Cutba Ibn
Abillahab, hadalkaasi qalbigiisa ayuu gilgilay wuuna hubay in uu run yahay
ilaa markii uu libaaxa arkay uu yiri: wallaahay Muxamed baa idilay isagoo
Makko jooga. Markale Ubaya Ibn Khalaf ayaa ugu dhaartay inuu dilayo, markaas
ayuu Nabigu (scw) yiri: adigu idili mayside aniga ayaa ku dilaya hadduu Alle
idmo, markii Nabigu (scw) dhaawac yar oo xagtin ah qoorta kala helay
maalintii Uxud, Ubaya dhulkii ayaa hayn waayey oo wuxuu lahaa: wallaahay
anigoo Makko jooga ayuu igu yiri anigaa ku dilaya, wallaahay hadduu candhuuf
igu tufo maanta waa idili lahaa, isla saacaddiina waa u dhintay.
Markale Sacad Ibn Mucaad –saxaabiga—ayaa
wuxuu la kulmay saaxiibkiis Umaya Ibn Khalaf gudaha Makko, markaas ayuu
Sacad ka maqlay oraah uusan jeclaysan, markaas ayuu yiri: war naga tag
wallee Nabigaan (scw) maqlay isagoo leh: in muslimiintu ku dilayaane,
markaas ayuu Umayo argagaxay oo xaaskiisa u sheegay oo go’aansaday inuusan
Makko marna ka bixin, markii hadaba Abujahal ku khasbay bixintaanka
dagaalkii Badar ayuu soo gatay ratiga Makko ugu dheereeya si uu dushiisa ugu
cararo, haweenaydiisa ayaa ku tiri, war xaggee aadaysaa ma illowday hadalkii
saaxiibkaa Sacad kuu sheegay? Markaasuu yiri: wallaahay ma ilaawine waxaan
doonayaa inaan xoogaa hore usii raaco colka ee waan kasoo noqonayaa.
Hadalladaas dhamaantood waxay inoo caddaynayaan sida xataa gaaladu
hadalkiisa u rumaysnaayeen, sidoo kale quwadda aaminsanaantiisu dhexdooda ku
lahayd.
Marka la fiiriyo dadka Nabiga (scw)
rumaysan ee xilligiisa noolaa ee saaxiibadiis ah ayaga wuxuu ka dagay booska
naftu dagto, wuxuuna muuqaalkiisu ka mashquuliyey qalbiga iyo indhaha, sidaa
darteed jeclaanta qalbiga kasoo go’day ee ay u qabaani waxay ahayd mid
xaggiisa u jiidanaysa sida magnadku birta u jiito amase sida meesha godani
biyaha u jiidato, waana halka uu ninkii gabyayi ka yiri:
- Muuqaalkiisu waa nuur jismiga maaxday
aadmiga e:
- Waa maaddo jawhariya iyo maarta
geedahaye:
- Waa muxubo nuur laga unkiyo moodda
galabeede:
- Waa qalab maqnaadiisa iyo macadin
diimoone:
- Waa maahir lagu soo hirtoon loo mataal
heline: (1)
Midkale:
- Haddii aanu mas’ala jeedinayn
macallinkeediiye:
- Ama aanu diin marinahayn mihindiskii khayre:
- Murtida uu layimid daahirkaa kaaga
maagbixine:
- Inuu mussadiq suurradaa marag madoonto
ahe:
- Mulkiga uunka yaa Muxamedoow mahadnaq kuu
siiya: (1)
Jeclaantaan iyo naf u huriddaani waxay ku
keentay inay ku qanacsan yihiin in jirkooda xubinba mar la gooyo isagana aan
korkiisa xagtini gaarin ama aan qodaxi mudin.
Maalin ayaa Abubakar mushrikiintu jirdileen,
si aad u daran ayeyna u garaaceen ilaa uu dhulka ugu dhacay oo ay markaas ku
tumanayeen si foolxunna u garaaceen, islamarkaana Cutba ayaa kabihiisa
wajiga kala dhacayay ilaa dhiiggu wada qooyay oo la garan waayay wajigiisa
meel sanku kaga yaal, marka lafta uu ka dhashay ee Banutaym ayaa go’ ugu soo
qaaday gurigiisa ayagoo aan ka shakisanayn inuu dilkaan u dhimanayo, marka
galabtii uu soo miyirsaday, hadalkii ugu horreeyay ee ay ka maqleen wuxuu
yiri: iiga warama Rasuulkii Alle (scw), markaas ayey inta aflagaadeeyeen
kala dareereen ayagoo leh, biyo ku qulaami waxa hadduu rabo ha dhintee,
marka hooyadii Umulkhayr ayaa biyo ku khasbaysa isaguna wuxu leeyahay iiga
warama Nabigii Alle (scw), markaas ayey tiri: wallaahay uma warhayo
saaxiibkaa, markaasuu yiri: u tag Umuljamiil Bint Khataab oo soo waydii,
markaas ayey Umulkhayr u tagtay oo tiri: Abubakar wuxuu ku leeyahay iiga
waran Muxamed Ibn Cabdillahi, markaasay Umuljamiil tiri: Abubakar iyo
Muxamed Ibn Cabdillahi midna kulama aqaan haddaadse jeceshahay inaan
wiilkaagaas xaggiisa kuu raaco waan yeelayaa, Umuljamiil markay soo kor
istaagtay Abubakar oo mayd u eke ah ayey oohin ceshan wayday oo tiri:
wallaahay kuwa sidaas kuu galay waa kuwa ilaahay ku gaaloobay oo fusaaq ah,
waxaanna rajaynayaa in Alle kaaga aargooyo, Abubakar wuxuu yiri: iiga waran
Rasuulkii Alle (scw), markaasay tiri: hooyadaa ayaa ina maqlaysee naga dir,
markaasuu yiri: wax macna ah maleh tani waxba ku yeeli mayso, markaasay tiri:
waa nabdoon yahay ilaah mahaddii wuxuuna joogaa daartii Arqam, markaasuu
Abubakar yiri: ilaahay wuxuu dushayda ku leeyahay inaanan cunno dhadhamin
biyana liqin ilaa aan Rasuulkii Alle (scw) u tago, hadaba markii habaynku
madoobaaday oo socodku yaraaday ayey labadoodii garbaha qabteen ilaa ay
Rasuulka (scw) u galiyeen.
Qisadaani waa un mid kamida dhacdooyin
badan oo muujinaya sida ay saxaabadu naftooda ugu hurayeen aragtida Nabiga (scw)
iyo ilaalintiisa, waxaanna arki doonnaa hadduu Alle idmo tusaalayaal badan
khaas ahaan goobaha dagaallada. Waxay hadaba lanoolaanshaha Nabiga (scw) iyo
dugaalsiga hanuunintiisa iyo jeclaantiisu u sahashay dhibkasta oo loo
gaystay, waxay kaloo qisadaani muujinaysaa heerka cadaadintu gaartay sidoo
kale siyaasadda isqarinta ee ay muslimiintu dhaqangaliyeen.
Garashada Mas’uuliyadda
Waxay saxaabadu garanayeen xilka wayn ee
Alle dusha u saaray, ee ah gudasha gaarsiinta diintaan bini aadmiga oo idil,
sidoo kale inaan mas’uuliyaddaan si looga dhuuman karo jirin amase cid looga
galgasho, ciribxumada ka ratibmaysa ka cararisteeda ee ayaga soo gaaraysa
ama uunka oo idil ayaaba ka balaayo badan dhibka ay hadda ku jiraan iyo
jirdilka, khasaaraha kasoo haleelaya ka dhuumashada xilkaan ma ahan mid
heerna lagu qiyaasi karo, hadaba xilkasnimaddaani waxay u fududaysay
dhibaatooyinka kasoo gaaraya qaadista jidkaan xaqa ah.
Rumaynta Aakharo
Saxaabadu waxay yaqiin cad ka haysteen inay
hor istaagi doonaan Allihii caalamkaan amaamuday, inuu cammalladooda ku
xisaabin doono mid yar iyo mid waynba, markaasna arrintu nicmo aan
dhamaanayn ama cadaab lagu waaro aysan midkood un ka fursan doonin, sidaa
darteed noloshooda waxay ku dhamaysteen meel u dhaxaysa cabsida Alle iyo
hurguriyeynta raxmaddiisa, ((waxay gudanayaan wixii la faray quluubtooduna
waxay ka cabsanaysaa inay rabbigood u laabanayaan)), dunida sharkeeda
iyo khayrkeedaba marka aragtidooda loo fiiriyo uma dhiganto garab kaneeco,
rumaysnaantaan aakharo ee quwadda wayni waxay fududaysay waxyeellada aduunka.
Qur’aanka
Xilliyadaas kala go’a ah, qallafsan ee
mugdiga ah ee aysan jirin meel loo ciirsado oo Alle kasoo hartay, waxaa soo
dagayey suurado iyo aayado qur’aan ah oo xujooyin ku dhisaya mabaadiida
Islamka ee farriintiisu ku dul wareegayso, ayagoo adeegsanaya usluub daliil
ku xoog badan oo soo jiidasho leh, u bidhaaminaya muslimiinta mustaqbal
iftiimaya sidoo kale tusinaya tiirarka uu ku dul istaagi doono bulsho muslim
ah oo tusaale-gal ah, islamarkaana naftooda ku afuufaya kartida adkaysiga
iyo dulqaadka ((Ma waxaad u malayseen inaad jannada iska galaysaan ayadoo
uusan idiin imaan tusaalihii kuwii hortiin gudbay, waxaa taabatay
balaayooyin –baahi—iyo dhibaatooyin –cudurro iyo wareegtooyin xun—waana la
gilgilay ilaa uu rasuulkii yiraahdo iyo kuwii rumeeyay ee la jiray waa
goorma nasriga Alle)) 2:214.
((Ma waxay u maleeyeen dadku in lagu daynayo
inay yiraadeen waan rumaynay ayagoo aan la fidmayn: Wallee waxaan fidmaynay
kuwii ka horreeyay Allana wuu muujin kuwa runta sheegay wuuna muujin kuwa
beenta sheegay)) 29:1-3.
Sidoo kale aayadaha xilligaan soo dagi
jirayi waxay riddinayeen shubhooyinka gaalada istusiya, riddin afxiraysa oo
aan u reebayn xeelad iyo meel ay cuskadaan toona, waxayna uga digayaan
cadaabka iyo mustaqbalka xun ee kusoo fool leh hadday ku adkaystaan kufriga
iyo cinaadka ayadoo la feerdhigayo muuqaaladda taariikhiga ah ee ummadihii
hore amase sida Alle subxaanah uu u maamulay ummadihii jidkoodaan raacay,
marar kalana si qabow waano ugu jeedinaya bal inay hurdada ka toosaan.
Dhinaca kale qur’aanku wuxuu muslimiinta u
kaxaynayay duni kale oo uu furayo isagoo tusinaya muuqaallada abuurka Alle
ee dunidaan ku gaafwareegaya sida meerayaasha waawayn, qorraxda, dayaxa iyo
zuxalka iyo mariikha, isbaddallada habaynka iyo maalinta sida dhamaan ay ugu
hoggaansan yihiin ujeedadii Alle u qoondeeyay. Dhinac kale quruxda
rabbinimada kaamilnimada uluuhiyada, iyo raadadka raxmadda iyo turiinshaha,
arrimahaan oo kulligood saxaabada qalbigoodu u boholyoobayo, wuxuuna
qur’aanku sabarrada ku sitay farriimo bishaarayn raxmadda Alle raalli
ahaanshihiisa jannooyinka uu u qoray xambaarsan, sidoo kale u sawiraya
gaaladii islawaynayaasha ahaa oo Alle la horgeeyay kadibna lagu markhaati
furay kadibna lala wareegay oo inta silsilado lagu xirxiray loo jiidayo
boholaha naarta markaas waji inta loogu tuuro la dhadhansiinayo kulaylka
jahannamo.
Bishaarada Guusha
Laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay
Islaamka dadka loogu yeeray saxaabadu waxay garanayeen inaan ujeeddada
Islaamku ahayn kaliya in shido loo soo jiido amase in dhib uun gorodda loo
suro, ee waxay garanayeen in dacwada Islaamku ay higsanayso goolal waawayn
ayna soo dhawdahay maalinta ay soo afjari doonto jaahiliyadda, sidoo kale ay
manjaxaabin doonto nadaamka dulmiga ku dhisan ee sanabo caabudku dhaliyay,
sidoo kale in goolasheeda ay kamid tahay inay la wareegto hoggaanka
siyaasiga ah ee caalamka si ay dunida guudkeeda ugu ballaariso ammaanka,
caddaaladda iyo kala dambaynta, islamarkaana ay bashariyadda u horseedo
mustaqbal horumar leh oo Alle ka raalli yahay.
Hadaba qur’aanku bishaaradaan marna si cad
ayuu u tilmaami jiray marna si sarbeeban, tusaale ahaan xilliyadaas dhabar
jabka ahaa ee saxaabadu mareen ee arlada korkeedii lagu cariiryay ayaa waxaa
soo dagaya aayado ka waramaya sheekooyinkii nabiyadii hore ee la diray
ummadihii beeniyay sidii loo halaagay iyo in guushii markii dambe
muslimiintii la cadaadinayay la siiyay, taasoo muujinaysa in kufaartaan
Makko ayagana jidkaan la marsiin doono nadaamkoodu inuu fashilmayo guushana
ay muslimiintu yeelan doonaan.
Mar kalana waa la caddayn jiray waxaana
kamida qur’aankaas qawlka Alle ((Wallee ballanqaad kayagii ayaa u hormaray
addoomadayadii rususha ahaa: in ay ayagu un yihiin kuwa guusha la siin doono:
Iyo in junuuddayadu –kuwa xaqa raacay—ay adkaan doonaan: ee ka jeeso
xaggooda ilaa intii muddo ah: Una fiirso iyana way fiirin doonaane –waxa ku
dhaca: Ma cadaabkayagay dagdagsanayaan: markii uu –cadaabku—ku dago
fagaagooda waxaa xumaaday subaxa kuwii loo digay)) 37:171—177, sidoo kale
fiiri suuradda Alqamar:
45, Saad:
11, Naxli:
41, sidoo kale markii ay Nabiga
waydiiyeen qisada Nabi Yusuf fiiri suuradda Yuusuf:
7, in reer Makkana ku
dhici doonaan fashilkii Yuusuf walaalihiis ku dheceen markii ay xaq darro ku
heshiiyeen, Ibraahim:
13—14, Ruum:
4—5, qur’aankaas oo kulligiis si cad ugu
bishaaraynaya guusha muslimiintu heli doonaan iyo cirib xumada gaalada kusoo
fool leh.
Rasuulka Alle (scw) isaguna dhiniciisa ayuu
laf ahaantiisu bishaarooyinkaan baraarujin jiray markii muddo la joogaba,
sidaa darteed markii la gaaro xilliga wareegtada Xajjka ayuu dadka ku
dhexwareegi jiray suuqyada waawayn sida Cukaad, dilmajaas iyo Mijinna si uu
u gaarsiiyo diinta isagoo leh, war dadoow dhahaya Alla mooyee ilaah kale oo
xaq lagu caabudaa ma jiro aad liibaantaane, aad Carab ku mulkidaan Cajamna
ha idiin hoggaansantee, markaad dhimantaanna boqorro aad jannada ku
noqotaane. Waxaan kaloo soo marray markii uu Cutba la hadlay inuu Cutba
hubsaday in Nabigu (scw) arlada qabsan doono, inuu hadalkaasna fahmay, sidoo
kale waxaan soo marray hadalkii uu Nabigu (scw) ugu jawaabay wafdigii
qureysheed ee ugu dambeeyay ee Abutalib la kulma.
Khabaab Ibn Arath wuxuu yiri: maalin ayaan
Nabiga (scw) u imid isagoo go’iisa barkan Kacbada harkeeda, annagoo
mushrikiinta dhib badan kala kulannay markaas ayaan iri: Rasuulka Allow
miyaadan Alle noo baryayn miyaadan arag wax aan ku jirno, markaas ayuu soo
fariistay isagoo wajigiisu guduudan yahay, oo yiri: waad dagdagaysaane
dadkii idinka horreeyay shanlo xadiid ah ayaa lagu shanlayn jiray inta lafta
ka sokaysa ee hilib iyo seedo ah dhibkaasina diinta kama leexin jirin, (dariiq
kale) ama miinshaar ayaa madaxa kala barkiisa laga saari jiray oo lagu oran
jiray diintaada ka laabo taasina diinta kama leexin jirin, Allana waa
dhamaystiri doonaa amarkiisaan ilaa safarku isaga socdo Sanca ilaa Xadramowt
isagoo aan ka cabsanayn Alle mooyee iyo bahal uu arigiisa uga baqo, waadse
dagdagaysaan.
Hadalhaynta bishaarooyinkaani run ahaantii
ma ahayn wax ku kooban kaliya dadka muslimiinta ah, ee waxay ahayd arrin la
wada ogsoon yahay ilaa xilliyada qaarkood gaaladu ay ku maadaysan jireen,
Aswad Ibn Mudalib iyo kuwa fadhiga la wadaaga ee ay saaxiibada yihiini
markay arkaan saxaabada Nabiga (scw) intay isqandhuuftaan ayey oran jireen:
waxaa idin dul maraya boqorradii aduunka, ayagaa qabsan doona Kisra iyo
Qaysar!! Markaas ayey inta kor u qayliyaan oo qosqoslaan sacab tuman jireen.
Hadaba saxaabadu markay fiiriyaan
bishaarooyinkaan kulligood muujinaya mustaqbalka iftiimaya ee ay higsanayaan
islamarkaana hore uga dabqaadanayeen rumaysnaanta aakharo iyo guusha wayn ee
laga rajo qabo in janno lagu liibaano, sidoo kale rumaysnaanta in ay jirto
maalin cadowgaan daandaansanaya laga gacan sarrayn doono iyo in
cadaadintaani tahay marxalad socota oo laga gudbi doono, waxay u arkayeen
jirdilka iyo silicdilyaynta lala beegsanayo ee dhinac walba ka hareereeyay
kaliya un “daruuraha xagaabaa durba faydantee” marxalad socota oo lasoo
afjari doono.
Dhinaca kale Rasuulka Alle (scw) wuxuu
quluubtooda ku dheefin jiray macaanka iimaanka, xigmadda Qur’aanka iyo
murtida Sunnada, isagoo ku tarbiyaynaya tarbiyad qoto dheer hufidda ruuxda,
sare u qaadidda himmadda, higsashada goolal sarsare, hagaajinta dhexdooda,
ka xoroobbidda u hoggaansamidda maadiyaadka, ka fogaanshaha dhadhansiga
shahwaadka, sidoo kale wuxuu afuufi jiray dhinbisha damiirkooda, isagoo ka
saaraya mugdiga jaahiliyadda una saaraya iftiinka iimaanka, wuxuu bari jiray
adkaysiga iyo dulqaadka, cafinta iyo layliyidda nafta, markaas ayey lamid
noqdeen xagga quwadda ku duugan adkaysiga buuraha, waxaa la qaymo yaraaday
macaansiga aduunyada, waxay ka fogaadeen jiidashada caadifadda, waxay
baahidooda oo dhan kusoo koobeen raalligalinta Allaha wayn, u shaqaynta
jannada, barashada cilmiga, ilaalinta dagganaanshaha iyo xasilloonida,
taasina waa miraha tarbiyaddii Nabiga (scw) macallinkii dunida oo dhan loo
diray inuu haggaajiyo.
***Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka
Makko***
Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan
Gudaha Makko
Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga

Buuraha laga soo galo magaalada Daaif



Sida ay hadda u eg tahay Daaif [Taif]
Sawiarada:
www.jannah.org
|
Kadib markii geeridu ku timid Abutalib,
Nabiga (scw) adeerkiis, ahaana ninkii u taagnaa ilaalintiisa, islamarkaana uu
ku jiray ammaangalintiisa, cadaadinta iyo gardarrada lala beegsanayo Nabiga
(scw) laf ahaantiisa ayaa heerkii ugu xumaa gaartay, waxay mushrikiintu
bannaanka soo dhigeen cadaawad iyo colaadin qaawan, sidaa darteed Makko
waxay isu rogtay meel aysan suuragal ahayn inuu Nabigu (scw) kusii noolaado,
bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka May
ama bilowga Jun sannadka 619 ciise dabadi—ayuu Nabigau (scw) u sadcaalay
xagga magaalada Daaif, waxayna Makko u jirtaa lixdan mayl, safarkaas oo uu
cagihiisa ku maray siisocod iyo soo noqodba, waxaana Nabiga (scw)
safarkiisaan ku weheliyay saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha,
intii uu waddadaan ku jiray qabiila kasta oo uu waddada kusii maro wuxuu ugu
yeerayey Islamka hasayeeshee hal midihina kama aqbalin, hadaba markii uu
gaaray gudaha Daaif, wuxuu ugu horreyntiiba u qasday saddex nin oo walaalo
ah oo ah madaxda beesha Thaqiif, nimankaan oo kala ah Cabdiyaaliil Ibn Camar
Ibn Cumayr Athaqafi iyo walaalihiis Mascuud iyo Xabiib, halkaas oo uu Nabigu
(scw) inta la fariistay ugu yeeray diinta Alle iyo inay u gargaaraan Islaamka.
Kadib markii ay dhagaysteen soo jeedinta
Nabiga (scw) wax khayr ah kalama uusan kulmin, midkood wuxuu yiri: daahyada
Kacbada anigaa jeexjeexaya haddii adiga Alle kusoo diray, midkalana wuxuu
yiri: oo Alle miyuu waayay cidkale oo uu soo diro!! –markuu adiga kusoo
dirayo muu oday la yaqaan soo diro—kii saddexaadna wuxuu yiri: wallaahay
inaanan waligay kula hadlayn, haddaad rasuul Alle tahayna waad ka sharaf
wayn tahay inaan hadalka kugu afceliyo, haddii aad Alle dushiisa ku been
abuuranaysana iima qalanto inaan kula hadlo, markaas ayuu Rasuulku (scw)
isaga agtagay oo ku yiri: haddii aad sidaas yeesheen waxaan idinka
codsanayaa inaad aniga iyo warkaygaba ii qarisaan.
Muddo toban maalmood ah ayuu hadaba Nabigu
(scw) dhex joogay gudaha Daaif, isagoo aan dhaafin nin madax ah ama mas’uul
ah amase magac wayn leh oo uu maqlay ee waa u tagayey oo la hadlayay,
hasayeeshee kulligood hal cod ah ayey ku wada yiraahdeen: nooga bax
dhulkayaga, mana aysan u fulin codsigii uu ka dalbay ee ahaa inay qariyaan,
waxayba ku dhiirrigaliyeen doqomadooda iyo qaballuusyadooda, markii uu
damcay inuu boxo waxaa daba yaacay doqomadii, addoomadii iyo dhamaan wax
iskuma falayaashii, ayagoo caynaya oo ku qaylinaya, ilaa sharqantii dadkii
isugu soo ururay, markaa hareerihiisa ay ka sameeyeen labo saf, markaas ayey
waxay guda galeen inay ku hadlayaan erayo aflagaado ah islamarkaana ay
dhagax tuurayaan ilaa anqowyadiisa dhiigu ka hayraamay oo labadiisa kabood
dhiigu wada qooyay. Zayd Ibn Xaaritha oo dhagaxa naftiisa uga dhigayay ayaa
madaxiisa waxaa gaaray daqarro badan, sidaas ayey Nabiga (scw) kooxdaan
shayaadiinta ahi u dhagax tuurayeen ilaa duruuftu ku kalliftay inuu galo
beer ay leeyihiin Cutba Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba oo saddex mayl
magaalada u jirtay, markii uu beerta galay ayey isaga hareen, Nabiguna (scw)
wuxuu fariistay geed Cinab ah oo wayn hooskiis, halkaas oo uu darbi isku
tiiriyay ilaa uu xoogaa nastay oo xasilay, markaas ayuu wuxuu akhriyay
ducada caan baxday, ducadaan oo muujinaysa sida qalbigiisu (scw) uga
buuxsamay murugo iyo niyad jab dhibka uu la kulmay badnidiisa iyo inuu ka
naxsan yahay inaan qofna ka rumayn ummaddii uu la kulmay, wuxuuna yiri:
((Allaahuma Ilayka Ashkuu Dacfa Quwatii
Waqillata Xeelatii Wahawaanii Calannaas Yaa Arxama Raaximiin: Alloow
adigaan xaggaaga uga dacwoonayaa awood jilcidayda iyo xeelad yaridayda iyo
liididda dadku igu hayaan, Inta naxariisata kan ugu naxariis badanoow,
Adigaa inta la bahdilay Rabbigood ah, adigaa Rabbigay ah ee yaad igu
hallaynaysaa? Ma mid shisheeye ah oo wajiga igu gubaya, mise mid cadow ah oo
aad arrimahaygii gacanta u galisay, haddaadanse adigu ii caraysnayn u
aabayeeli mayo, laakiinse iska cafintaada ayaa ii waasacnimo badan, waxaan
magangalayaa nuurka wajigaaga ay mugdiyadu la iftiimeen, ayna ku islaaxdo
arrin aduunyo iyo mid aakharaba in caradaadu igu soo dagto amase
ciqaabkaagu igu bannaanaado, raalligalin tan ugu fiican adaa leh ilaa aad
raalli noqoto, walaa xawla walaa quwata illaa bika)).
Fiiro Gaar ah
Ducadaan faa’iidooyinka laga kororsanayo
waxaa kamid ah, in markii xeeladaha adduun isasoo xiraan meesha kaliya ee
qofku u dacwoonayo ay tahay Allaha sababa iyo waxa ka dhashaba abuuray
xagiisa, waana sidaas dhaqanka nabiyada Alle laga arkay, sidii nabi Yacquub
(cs) yeelay, Nabigeenana (scw) aan halkaan kaga aragno.
In dalabka uu addoonka Alle u gudubsado kan
sarreeyaa uu yahay cafinta Alle inuu helo, isla markaas haddii uu helo
cafiska Alle waxa kale aysan dhib wayn ahayn, sidoo kale waxa ugu wayn ee uu
qofku Alle ka magan galayo inay yihiin caradiisa iyo waxa ka dhalanaya oo
cadaabkiisa ah.
In markii dhib ku soo gaaro xallintiisa
meesha aad ka bilaabaysaa ay tahay raalligalinta Alle, sababtoo ah waxaa
suurowda dhibkaani inuu yahay wax aad mutaysatay, marka in la doonayo inuu
marka horaba qofku toobad soo celiyo.
In marka qofku Alle dalabkiisa hordhiganayo
uu ku bilaabo qirashada tabar yaridiisa iyo baahida uu u qabo ku
tiirsanaanta Allaha abuuray, islamarkaana inuu caddeeyo inuusan quwad iyo
xeelad uusan Alle ka helin lahayn, lasoco qisadii. |
Markii labadii nin ee beerta lahaa –oo reer
Makko ahaa—ay arkeen dhibka Nabiga (scw) soo gaaray, naxariis qaraabo nimo
ayaa xoogaa u qabatay, markaas ayey waxay u yeereen wiil addoon ah oo ay
leeyihiin oo lagu magacaabo Cadaas, wuxuuna ahaa Nasraani, oo ku yiraahdeen:
war laan miro leh oo Cinab ah qaad oo ninkaas u gee, markii hadaba uu Nabiga
(scw) hortiisa dhigay ayuu Nabigu (scw) gacanta usoo taagay isagoo leh
“bismillah” markaas ayuu cunay.
Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: hadalkaas
ummadda dhulalkaan ku nooli ma yiraahdaan, markaas ayuu Rasuulka (scw) yiri:
adigu dhulkee ka timid? Diinteese haysataa, anigu
Nasraani ayaan ahay waxaanna kasoo jeedaa magaalada “Naywaa”, ayuu yiri
wiilkii. Rasuulka Alle
(scw) ayaa markaas yiri: magaaladii ninka wanaagsan Yuunus Ibn Mataa!!
Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: oo maxaa ku ogaysiiyay Yuunus Ibn Mataa wax uu
yahay? Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: ninkaasi walaalkay ayuu ahaa, nabi
ayuu ahaa aniguna nabi ayaan ahay, Cadaas jilbaha ayuu inta dhulka ku
dhuftay ayuu bilaabay inuu Nabiga (scw) madaxa, gacmaha iyo adimada ka
dhunkanayo.
Caddaas wuxuu ahaa qofkii ugu
horeeyey magaalada Daa'if ku qaata Islaamka, waxaan aaggaas laga
dhisay Masaajid wiilkaas loogu magac daray, masjidkaas oo ilaa hadda
dhisan. [Taariikhda
Taif]
|
Labadii nin ee beerta lahaa ayaa midkood
kan kale ku yiri: wiilkaagii wallee wuu kaa fasahaadiyay, markii Cadaas soo
laabtay ayey waxay ku yiraahdeen: waryaa inkaar qabeyohow maxaad samaysay?
Markaas ayuu yiri: sayidoow wallaahay inuusan arladaan dusheeda joogin shay
ka khayr badan ninkaan, wallee wuxuu ii sheegay arrin aan nabi mooyee cid
kale aqoonin, markaas ayey ku yiraahdeen: waryaa Cadaasow, nacasyohow yuusan
diintaada kaa leexin, diintaadaa tiisa ka khayr badane!!
Kadib markii uu Nabigu (scw) meeshaan ku
nastay, wuxuu isaga laabtay wadada Makko aadda isagoo murugaysan oo aad u
himmad jabsan, markuu marayay meesha lagu magacaabo “Qarnul Manaazil” ayaa
waxaa Alle usoo diray Jibriil oo uu weheliyo Malaga buuraha u xilsaaran,
isagoo Nabiga (scw) uga amar qaadanaya inuu reer Makko labada buurood ee
dhinacyada ka xiga iskula dharbaaxo, hadaba dhacdadaan faahfaahinteeda
Bukhaari ayaa kitaabkiisa saxiixa ah kusoo guuriyay, isagoo ka warinaya
Caaisha inay tiri:
Waxaan ku iri Nabiga (scw) ma kusoo martay
maalin kaaga shido badan maalintii Uxud? Markaas ayuu wuxuu yiri: inanyahay
tolkaa dhib badan ayaan kasoo maray, waxaana iigu shido badnaa wixii aan
kala kulmay maalintii jaahwareerka, markii aan naftayda u bandhigay ina
Cabdiyaaliil Ibn Cabdikulaal, igamana uusan yeelin wixii aan ka doonayay
markaas ayaan hortayda isaga dhaqaaqay inigoo jaahwareersan
–murugaysan—hadaba maanan baraarugin anigoo Qarnul Thacaalib jooga un mooyee
–waana halka lagu magacaabo Qarnul Manaazil—markaas ayaan madaxayga kor u
qaaday mise daruurbaa iharaysay, dhexdeeda ayaan fiiriyay mise Jibriil ayaa
ku jira oo ii yeeraya!! Wuxuu yiri: Alle waa maqlay hadalkii tolkaa kugu
yiri iyo wixii ay kuugu jawaabeen, wuxuuna kuu soo diray Malaga buuraha si
aad ugu amarto wixiii aad jeceshay inuu ka sameeyo, markaas ayaa waxaa ii
yeeray Malaga buuraha waana isalaamay, kadibna wuxuu yiri: Muxamedow arrintu
waa sidaas, sidaad doonto, haddaad doonayso inaan labada buurood isugu
dhufto waan yeelin (labada buuroodna waa buuraha Makko ee Abuqubays iyo kan
kasoo horjeeda ee Qucayqicaan), Nabigu (scw) wuxuu yiri: ha yeelin, waxaan
rajaynayaa in Alle (caza wajalla) uu dhabarkooda kasoo saaro cid Alle
kaligii caabuda aan shay kalana la wadaajine.
Jawaabtaan uu Rasuulka Alle (scw) jeediyay
waxaa ka dhex muuqanaya dulqaadkiisa iyo shakhsiyaddiisa mudnaanta badan ee
sarreysa, sidoo kale akhlaaqdiisa wayn ee aan gunteeda hoose laga salgaari
karin.
Dhacdadaan wayn kadib waxaa Nabiga (scw) ka
feydmay murugadii oo qalbiga ayaa u qaboobay, gurmadkaan wayn ee xagga
caalamka qaybka ah ka yimid ee Alle uga fidiyay todobada samo korkooda
dartiis, markaas ayuu usii gudbay dhinaca Makko ilaa uu gaaray meesha lagu
magacaabo “Waadii Nakhla” halkaas oo muddo maalmo ah ku nagaaday, inkasta oo
aysan jirin cid si gaar u tilmaantay meeshii uu Nabigu (scw) baadiyahaan ka
joogay, hadana waxaa jira waadiga Nakhla labo meelood oo ku habboon in lagu
nagaado, doh geedo iyo biyo leh iyo batal bacaad wayn oo biyo leh, midkood
unbaana loo malaynayaa inuu joogay.
Muddadii uu halkaas joogay waxaa Alle soo
diray koox jinni ah oo qur’aanka dhagaystay islamarkiibana ku islaamay,
waxaana qisadooda Alle ku sheegay labo meelood oo kitaabkiisa kamid ah, tan
hore ay tahay suuradda
Axqaaf
((Xasuuso markii aan kuusoo leexinnay koox
jinni ah oo qur’aanka dhagaysanaya markii ay yimaadeen –meesha lagu
akhrinayey—waxay yiraahdeen aamusa –dhagasyta—markii la dhameeyayna waxay u
laabteen ciddoodii ayagoo u digaya: Waxay yiraahdeen tolkayagoow annagu
waxaan maqallay kitaab lasoo dajiyay Muuse kadib oo rumaynaya wixii ka
horreeyay –ee kutub Alle ah—kuna hanuuninaya xaqa iyo wado toosan:
tolkayagoow yeela daaciga Alle –khayr sheegaha—oo rumeeya wuxuu idiin
dhaafayaa –Alle—dunuubtiina wuxuuna idinka magangalinayaa cadaab kulul)).
Sidoo kale suuradda
Aljinni: ((Waxaad
dhahdaa –rasuul Allow—waxaa la ii waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ahi
–qur’aanka—oo markaa yiraahdeen waxaan annagu dhagaysannay Qur’aan layaab
badan: Wuxuu ku hanuuniyaa wanaagga marka waannu rumaynay lamana wadaajin
doonno rabbigayo cidna)) ilaa shan iyo toban aayadood.
Hadaba marka la fiiriyo habka aayadahaani u
socdaan, sidoo kale axaadiithta tafsiiraya dhacdadaan waxaa muuqanaya inaan
Nabigu (scw) lasocon markii kooxdaan jinniga ahi korjoogeen, ee wuxuu
ogaaday markii Alle ugu sheegay aayadahaan, sidoo kale in kulankaani ahaa
markii ugu horreysay ee ay Nabiga (scw) la kulmeen, waxaase qisooyinku
caddeeyeen inay marar kale wafdi ahaan ugu yimaadeen iyo inuu habayno
tacliin baray.
Run ahaantii dhacdadaan lafteedu waxay
ahayd gurmad kale oo Alle uga soo fidiyay kaydadkiisa qarsoon iyo jundigiisa
aysan isaga mooyee cidkale aqoonin, marka la fiiriyo aayadaha dhacdadaan
sharaxaadeeda kusoo dagay, waxaa ka muuqanaya bishaaro kale oo ah inaan
quwad kasta oo quwadaha dunidaan ka jira ah inkastoo ay xoog waynaato aysan
dacwadaan ka horjoogsan karin inay guulaysato, sida halka laga yiri: ciddii
aan ajiibin daaciga Alle inuusan arladaan gudaheeda Alle ku caajis galin
karini waa daliil cad in quwadda dulmiga ku dhisan ee qureysheed aysan sii
dhisnaan doonin, sidoo kale in aysan heli doonin cid uga gargaarta Alle
hadduu halaag la doono.
Bishaarooyinkaani markii ay iska daba
yimaadeen ayaa Rasuulka (scw) ay ka dulqaadmeen dhamaan daruurihii himmad
jabka, murugada iyo quusta ee ku habsaday laga soo bilaabo markii Daaif laga
soo saaray isagoo la cayrinayo oo la dagaalay, wuxuu marka go’aansaday inuu
Makko ku laabto, inuu dib u bilaabo khiddadiisii hore ee ku salaysnayd
bandhigidda Islaamka iyo gudbinta farriinta Alle ee waaraysa si firfircooni
iyo xammaasad hor lihi ku jirto.
Markaas ayaa Zayd Ibn Xaaritha oo yaabbani
ku yiri: Rasuulka Allow sidee ugu galaysaa ayagoo kusoo saaray –Qureysh ayuu
uga jeedaaye—markaa ayuu Nabigu (scw) yiri: Zaydoow waxaan aad arkayso Alle
faraj buu u furi doonaa iyo meel looga boxo, Allana waa u gargaari doonaa
diintiisa waana guulaysiin doonaa nabigiisa.
Sidaa darteed Nabigu (scw) socodkiisii ayuu
hore u xariiriyay ilaa uu u dhawaaday Makko, wuxuu marka ku nagaaday Xiraa,
halkaas oo uu nin u dhashay qabiilada Khuzaaca u diray Akhnas Ibn Shariiq
inuu magangalintiisa kusoo galo Makko, Akhnas wuxuu yiri: anigu xulafo ayaan
ahay –qureysh uma dhalan—xulafaduna cid magangalyo masiiso, markaas ayuu u
cid diray Suhayl Ibn Camar ujeeddadii hore oo kale, isaguna wuxuu yiri:
laftayda Banii Caarim ma magangaliso Banii Kacab Ibn Lu’ayi –qabiilka
nabiga—markaas ayuu u cid diray Mudcim Ibn Cadiyi, markaas ayuu Mudcid yiri:
haa anigaa leh, kadibna waa is hubeeyay, oo wiilashiisa u yeeray iyo
tolkiisa kuna yiri: qalabkiina qaata oo Kacbada hareeraheeda is gamaamada
Muxamedbaan magangaliyaye, markaas ayuu Nabiga (scw) u cid diray isagoo leh
soo gal, markaas ayuu Nabiga Alle (scw) soo galay isagoo uu Zayd la socdo
ilaa uu soo galay masjidka Xaramka, markaas ayuu Mudcim Ibn Cadiyi hashiisa
korkeeda istaagay oo cod dheer ku dhawaaqay isagoo leh: bulsho waynta
qureysheey Muxamed ayaan magangalyo siiyay, yuusan qof idinka mid ahi
waxyeello u gaysan, Rasuulkuna (scw) rugniga dhagaxa madow ayuu salaamay oo
labo rakcadood tukaday kadibna gurigiisa ayuu u baqoolay Mudcim iyo
wiilashiisiina waa ku hareeraysan yihiin ilaa uu gurigiisa galay.
Waxaana la sheegay inuu Abujahal markii
Mudcim hadlayay yiri: ma magangalyo bixiye ayaad tahay mise mid raacay oo
muslimay? Mudcim: magangalyo bixiye unbaan ahay, markaas ayuu yiri: magan
galinnay ciddii aad magangalisay, sikasta arrintu ha ahaatee, Nabigu (cw)
waa u aqoonsaday Mudcim ficilkaan quruxda badan ee uu kusoo dhaweeyay, sidaa
darteed markii maxaabiistii Badar la hordhoobay ayuu yiri: hadduu Mudcim Ibn
Cadiyi noolaan lahaa kadibna uu igala hadli lahaa kuwaan qashinka ah waan u
siidayn lahaa.
Islamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyinka Iyo
Shakhsiyaadka.
Bisha dulqicda sannadka tobnaad ee
nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka bisha Jun amase bilowga July sannadka
619 ciise dabadi—ayuu Rasuulka Alle (scw) kusoo laabtay magaalada Makko si
uu dib ugu bilaabo u bandhigiddii Islaamka ee qabiilooyinka iyo
shakhsiyaadkaba, sida la ogsoon yahayna marka la gaaro wareegtada Xajjka
ayey dadku ayagoo habqan ah oo gaadiidkooda saaran Makko jaho walba oo fog
kaga imaan jireen, si ay u gutaan waajiba Xajjka, oo ay ku guda wataan dano
kale oo badan sida suuq gayn iyo xus Alle intaba, Nabiguna (scw) fursaddaan
qaaliga ah ayuu dacwadiisa uga faa’iidaystay, markaas ayuu wuxuu ula kulmay
qabiilo qabiilo, isagoo Islamka u bandhigaya, sidaas ayuuna yeeli jiray
lagasoo bilaabo sannadkii afraad ee nabinimada.
Qabiilooyinkii Islamka Loo Bandhigay
Imamu Zuhri wuxuu yiri: waxaana nalooga
magacaabay qabiilooyinkaan uu Rasuulka Alle (scw) u tagay oo Islaamka ugu
yeeray oo waliba ugu yeeray inay laf ahaantiisa ilaaliyaan oo dhulkoodii uu
u raaco, Banu Caamir Ibn Sacsaca, Muxaarib Ibn Khafsa, fazaara, Ghasaan,
Murra, Xaniifa, Sulaym, Cabas, Banu Nasar, Banul Bukaa, Kinda, Kalab,
Xaarith Ibn Kacab, Cudra iyo Alkhasaarima kulligoodna hal mid ahi kama
aqbalin.
Hadaba qabiilooyinkaan uu Imamu Zuhri
magacaabay u bandhigiddooda Islaamku ma ahayn hal mar ah, sidoo kale ma ahayn hal
wareegto oo Xajj gudaheed, ee waxay ahayd muddada u dhaxaysa sannadka afraad
ilaa xajjkii ugu dambeeyay ee Hijrada ka horreeyay, tan kale ma suuroobi
karto in si gaar ah farta loogu fiiqo xilli gaar ah oo uu qabiilo khaas ah
la kulmay, inkastoo taariikh yahanka wayn Almansuurifowri uu qaarkood ku
xadeeyay in sannadkii tobnaad Islaamka loo bandhigay, Ibn Isxaaq oo soo
guuriyay habkii qabiilooyinkaan qaarkood Islamka loogu bandhigay iyo sidii
qaarkood u jawaabeenna waakan looxii ayadoo aan soo koobnay.
Banu Kalab
Nabiga (scw) ayaa la kulmay laf kamid ah oo
lagu magacaabo Banu Cabdillah, markaas ayuu Islaamka ugu yeeray, oo naftiisa
u bandhigay –inay ilaaliyaan—ilaa uu kaga yiri: war reer Bani Cabdullahow
Alle magaca aabihiin waa wanaajiyay, hasayeeshee maysan aqbalin dhamaan
wixii uu ugu yeeray ama u bandhigay.
Banu Xaniifa
Wuxuu kula kulmay meeshii ay dageen,
markaas ayuu Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, nasiib darradooda ma jirin
qabiil carbeed oo ka jawaab ku foolxumaa iyaga.
Bani Caamir Ibn Sacsaca
Nabiga (scw) ayaa u tagay, halkaas oo uu
Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, sidoo kale uu naftiisa u bandhigay,
markaas nin kamid ah oo lagu magacaabo Buxayra Ibn Firaas ayaa yiri:
wallaahay haddii aan barbaarkaan qureysheed qaato –madax ka dhigto—Carab
waan ku liqi lahaa, markaas ayuu yiri: ka warran haddii aan amarkaaga u
hoggaansanno oo ballan kugula gallo, kadibna Alle guusha kaa siiyo ciddii ku
khilaafta annagu xukunka ma yeelanaynaa adiga gadaashaa? Markaas ayuu Nabigu
(scw) yiri: Xukunka Alle ayaa iska leh isagaana halkii uu doono dhigaya,
markaas ayuu yiri: oo ma dhuuntayadaan cadowga carbeed u bannaynaynaa adiga
difaacaaga, markii Alle guusha adiga ku siiyana talada cid aan annaga ahayn
ayaa iska leh, wax dana kama lihi, waxa aad wadato!! Wixii uu doonayayna waa
ku diideen.
Hasayeeshee markii qabiiladaani dhulkoodii
ku laabteen, waxay arrintaan uga sheekeeyeen oday duq ah oo aan isagu Xajjka
sannadkaas imaan gabowgiisa dartiis, oo waxay ku yiraahdeen: waxaa noo yimid
nin dhallinyaro ah oo Qureysh ah, Bani Cabdilmudalib ka dhashay, oo
sheeganaya inuu nabi yahay, nooguna yeeray inaan difaacno, aannu la jirsanno
iyo inaan dhulkayaga usoo kaxaysanno, odaygii madaxa ayuu gacmaha saaray oo
qayliyay isagoo leh: Bani Caamiroow alla khasaara tan ka wayn manna soo
maray? alla baalasheedu qabasho ma leeyihiin? Allaha naftaydu gacanta ugu
jirtaan ku dhaartaye inuusan nin banii Ismaaciil ahi waligiis iska sheegan,
waana xaq –nabinimadaasi—ee xaggee caqligiinu idinka aaday.
Kinda Iyo Bakar Ibn Waail
Kinda markii uu Nabigu (scw) la kulmay oo
Islaamka ugu yeeray nin kamid ah oo lagu magacaabo Ajlax ayaa yiri: haddii
aanu ku raacno oo aad guulaysato annagu xukunka ma leennahay kadib markaad
dhimato, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: xukunka Alle ayaa leh meeshuu doono
ayuuna dhigayaa, markaas ayuu yiri: dooni mayno hadaba amarkaaga, sidoo kale
wuxuu la kulmay qabiilada Bakar Ibn Waail, markaas ayuu Islaamka u bandhigay
sidoo kale uu ugu yeeray inay difaacaan si uu Alle waxa uu doonayo dadka uga
gaarsiiyo, markaas ayey yiraahdeen: Furus ayaan la dagnaayoo waxba ma
magangalinno iyaguna siday doonaan ayey noo maamushaanoo iskama difaaci
karno, markaas ayuu yiri: ma doonaysaan in mulkigooda Alle idinka idiin soo
wareejiyo, hasayeeshee halkaas markay u maraysay waxaa qayliyay Abullahab oo
daba joogay.
Mu’miniin Aan Makko U Dhalan
Sidii uu Rasuulku (scw) qabiilooyinka iyo
wafdiyadaba Islaamka ugu bandhigay, wuxuu u bandhigay qof qof iyo
shakhsiyaad, waxaana qaarkood kasoo yeeray jawaabo wanaagsan, waxaana
rumeeyay rag dhawr ah Xajjkaan kadib, waana kuwaan magacyada intii la
sheegay.
Suwayd Ibn Saamit
Wuxuuna ahaa nin gabyaa ah oo caqli badni
lagu tilmaamo oo reer madiino ah, tolkiis waxay ku magacaabi jireen Kaamil
–dhamaystirane— xoog waynaantiisa, gabaygiisa, sharaftiisa iyo nasab
wanaagiisa awgood, ujeeddadii uu Makko u yimid oo Xajj ama Cumro ahayd
markii uu dhamaystay, ayuu Nabigu (scw) la kulmay oo Islaamka ugu yeeray,
markaas ayuu wuxuu yiri: malaha waxa aad siddaayi waxaa suurowda inay lamid
yihiin waxa aan sido oo kale, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: oo maxay
yihiin waxa aad adigu siddo, wuxuu yiri: xigmaddii Luqmaan!! Markaas ayuu
Nabigu (scw) yiri: igu dul akhri –iimari—isagiina waa ku dul akhriyay,
Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri: hadalkaani waa hadal wanaagsan hasayeeshee
kan anigu aan sido ayaa ka khayr badan –ka fadli badan—waana Qur’aan Alle
igusoo dajiyay, waa hanuun iyo nuur, islamarkiina Rasuulku (scw) Qur’aanka
ayuu ku dul akhriyay, Islaamka ayuuna ugu yeeray, isna waa islaamay oo yiri:
hadalkaani waa hadal wanaagsan, markii uu Madiino ku laabtay wax yarba masii
noolayn in lagu dilay dagaalkii Bucaath (2) islaamnimadiisuna waxay ku
beegan tahay bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee nabinimada.
Iyaas Ibn Mucaad
Wuxuuna ahaa wiil dhallinyaro ah oo isaguna
reer Madiino ah, wuxuu la socday wafdi u dhashay qabiilka Ows oo Makko u
yimid inay isbahaysi iyo hiil ka helaan Qureysh ay uga hiillinayaan qabiilka
kale ee ay walaalaha yihiin ee Khazraj, xilligaasina waa waxyar un kahor
intuusan qarxin dagaalka Bucaath bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee
nabinimadda, markaas oo ololka cadaawadda ee labada qabiilo dhexyaalla uu
hawada ku aloosnaa, durbaanka colaaddana la tumayay deegaanka Madiino iyo
nawaaxigeeda, qabiilada Owsna sida la ogsoon yahay way ka tiro yaraayen
qabiilka kale ee Khazraj, markii hadaba Rasuulka Alle (scw) ogaaday soo
galitaankooda ayuu u tagay oo la fariistay kuna yiri: war ma u baahan tihiin
wax iidinka khayr badan waxa aad u timaadeen? Markaas ayey yiraahdeen oo
maxay yihiin waxaasi? Markaas ayuu yiri: waxaan ahay anigu Rasuulkii Alle,
Alle ayaa addoomadiisa ii soo diray anigoo ugu yeeraya inay Alle caabudaan
aysanna la wadaajin cid kale, wuxuuna igusoo dajiyay kitaabkii, kadibna
wuxuu u sharaxay Islaamka kuna dul akhriyay Qur’aanka, hadaba Iyaas Ibn
Mucaad ayaa yiri: war nimanyohow waxaanaa wallaahay ka khayr badan waxa aad
u timaadeen, marka Abulxasiir Anas Ibn Raafic –nin wafdiga kamid ahaa—ayaa
xantoobo ciidda dixda ah qaatay oo Iyaas wajiga kaga sayriyay oo yiri: bax
nagala tag waxa aad ku hadlaysid, igu cimrigaygee wallee arrin kan aan ahayn
ayaannu u nimide, markaas ayuu Iyaas iska aamusay, Rasuulka Allana (scw) waa
kacay, wafdigaasina Madiino ayey isaga laabteen ayagoo aan ku guulaysan inay
axdi beeleed isbahaysi ah ka helaan Qureysh.
Kadib markii ay Madiino ku laabteen Iyaas
waqti dheer masii noolaan inuu islamarkiiba geeriyooday, waxaana la sheegay
inuu ashahaadanayay oo Allahu akbar sanayay oo xamdi naqayay oo
tasbiixsanayay markii naftu ka dhacaysay, sidaa darteed kama aysan
shakisanayn inuu dhintay isagoo muslim ah.
Abudarri Alqifaari
Isaguna wuxuu ahaa dadka ku nool deegaanka
Madiino ku xeeran, markii hadaba warka soo bixidda Nabiga (scw) ay Madiina
gaarsiiyeen raggii Suwayd Ibn Saamit iyo Iyaas Ibn Mucaad lahaa, ayuu
warkaani Abudarrina dhagihiisa ku duulay oo uu maqlay, arrintaan ayaana
sabab u ahayd islamnimadiisa.
Imamu Bukhaari ayaana qisadaan Ibn Cabbaas
ka wariyay inuu maqlay Abudarri oo leh: waxaan ahaa nin u dhashay qabiilada
qifaar, waxaana nasoo gaartay in uu nin Makko kasoo baxay sheeganaya inuu
nabi yahay, markaas ayaan walaalkay ku iri: ninyohow tag oo ninkaas la kulan
oo la hadal, warbixintiisana iikeen, marka wuu tagay waana la kulmay kadibna
waa soo laabtay, markaas ayaan iri: ka warran arrintii aan kuu diray,
markaas ayuu yiri: wallaahay waxaan arkay nin khayrka amraya sharkana
reebaya, markaas ayaan ku iri: igama aadan daawayn warka –ima aadan
deeqsiin—waxaan hadaba qaatay dambiil iyo bakoorad kadibna waxaan u
sadcaalay Makko, ma aananse aqoon –Nabiga—waxaanna dhibsanayay inaan cid
waydiiyo –cabsi darteed—waxaan iska cabbi jiray biyaha Zamzamka waxaanna
iska joogi jiray masjidka, marka waxaa isoo maray Cali oo yiri: ninku nin
socoto ah ayuu iila egyahay? Saanne haa, markaas ayuu yiri: ina keen
gurigaygii iiraac, marka waan raacay isagoo aan waxba iwaydiinayn aniguna
aanan waxba waydiinayn una warramayn, markii aan waabariistay ayaan Masjidka
kusoo kallahay, si aan dadka u waydiiyo –Nabiga—wax akhbaar ah oo ku saabsan
cid iisheegaysaana ma jirto, ilaa Cali isoo maray oo markaas yiri: miyuusan
ninku wali gurigiisa magaalada ka baran? Saanne maya, suuye ina keen,
markaas ayuu Cali yiri: ninyohow maxaa xaalkaagu ahaa, oo maxaad magaaladaan
u timid? Saanne haddaad ii qarinaysid waan kuu waramayaa, markaas ayuu yiri:
waan yeelayaa, waxaan iri: ninyohow waxaa nasoo gaartay in magaaladaan uu
kasoo baxay nin sheeganaya inuu nabi Alle yahay, marka walaalkay ayaan soo
diray inuu la hadlo, wuuna igusoo laabtay isagoo aan warka ideeqsiin, marka
waxaan goostay inaan anigu la kulmo.
Makaas ayuu Cali yiri: war waa lagu
toosiyaye anigaa hadda u jeeda –usocda—meeshii aan galo igasoo daba gal,
haddii aan arko cid aan kaaga cabsado darbibaan istaagayaa sidii nin kabaha
hagaagsanaya ee adugu iska gudub, marka waa dhaqaaqay aniguna waan daba
socday ilaa uu –guri—galay aniguna waan ula soo galay Nabiga Alle (scw)
markaas ayaan ku iri: Islaamka ii bandhig, waana ii bandhigay islamarkiiba
meeshaydii ayaan ku islaamay, markaas ayuu igu yiri: (Nabigu scw)
Abadarriyoow arrinkaan qarso, kuna laabo dhulkaagii markii aad maqasho inaan
meel kasoo shaac baxnay soo dhaqaaq, markaas ayaan waxaan iri: Allihii xaqa
kula soo diray ayaan ku dhaartaye dhexdooda ayaan kaga qaylinayaa
–shahaadada—masjidka ayaan imid oo Qureysh ka buuxdo, markaas waxaan iri:
bulshada Qureysheey, anigu
(Ashhaddu Allaa ilaaha Illaa Allaahu Wa Ashhaddu
anna Muxamadan Cabduhu warasuuluh) shahaadada xaqa ah ayaan ku dhawaaqay,
waxay yiraahdeen: u istaaga saabi’aan –kalimad lagu oran jiray qofka
gaalooba—garaaca, marka waa la igaraacay ilaa aan geeri qarkeed istaagay,
waxaa igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul fariistay isagoo ku leh: war hoogee
ma waxaad dilaysaan nin qifaar u dhashay, hantidiina iyo waddadiinuba ay
dhexmarto, markaas ayey iga rogmadeen, subixii dambe markaan waabariistay
ayaan soo laabtay oo waxaan ku dhawaaqay sidii aan shalay sameeyay, markaas
ayey yiraahdeen: u istaaga saabi’aan islamarkaana sidii shalay oo kale ayaa
la iigaraacay, waxaana igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul hagoogtay isagoo ku
celinaya oraahdiisii shalay oo kale.
Dufayl Ibn Camar Addowsi
Dufayl waa nin magac wayn oo ehlu sharaf
ah, sidoo kale gabyaa caqli badan ah, waxaana intaa usii dheeraa inuu ahaa
kaabba qabiilka ciddiisa, waxayna qabiiladiisu lahaayeen dawlad yar ama
ismaamul goboleed ay ka asaaseen nawaaxiga yamaneed meel kamida.
Makko ayuu yimid sannadka kow iyo tobnaad
ee nabinnimada, hadaba intuusan magaalada soo gaarin ayaa waxaa ka hortagay
madaxdii, maalqabeennadii iyo mudanayaashii magaalada, waxayna kusoo
dhaweeyeen qadarin iyo salaam madaxeed tan ugu qaalisan ayagoo u raaciyay:
Dufayloow dhulkayaga ayaad marti noogu tahay, ninkaan dhexyada joogaana
–Nabiga scw—waa na jaahwareeriyay oo mushkiladdiisa waannu saari waynay,
wuxuu kala firdhiyay isku duubnidayadii, wuxuuna kala tuuray taladayadii,
hadalkiisuna waa uun sixir, wuxuu ku kala fogaynayaa ninka iyo aabihiis,
ninka iyo walaalkiis, ninka iyo haweenaydiisa, waxaanuna kaaga cabsanaynaa
adiga iyo tolkaagaba balaayada annaga nagu habsatay ee halla hadlin wax alla
abuurtayna haka dhagaysan.
Dufayl wuxuu yiri: wallaahay inaysan
odayaashii iga faaruqin ilaa aan go’aansaday inaanan hal eray ka maqal
aananna la hadlin ilaa aan dhagaha suuf ku gufaystay markii aan Masjidka
usoo kallahayay, cabsi aan ka qabo in hadalkiisa wax uun kamid ahi igu soo
duulaan, markii aan hadaba Masjidka kusoo kallahay, waxaan la kulmay isagii
oo taagan oo tukanaya marka meel u dhow ayaan istaagay, inkastoo aan dhagaha
gufaystay Alle waa diiday inaan hadalkiisa wax ka maqlo mooyee, waxaanan
maqlay hadal wanaagsan.
Markaas ayaan waxaan naftayda ku leeyahay
alla hooyaday iwaydaye wallaahay anigu nin caqli badan oo gabyaa ah ayaan
ahay, wannaaguna wax xun igagama qarsoomi karo, maxaa hadaba ii diiddan
inaan ka dhagaysto ninkaan waxa uu leeyahay, haddii uu wanaag yahay waan
qaadan haddii uu xumaan yahayna waa tuurine, markaas ayaan meeshii fariistay
ilaa uu gurigiisa aaday, anna waan raacay ilaa uu gurigiisa galay anna waan
kasoo daba galay, markaas ayaan uga warramay qisada aan la kulmay iyo sida
la iiga cabsi galiyay iyo suufkii aan dhagaha ku gufaystay kadibna hadalkii
yaraa ee aan ka maqlay, kadibna waxaan ka codsaday inuu arrimihiisa ii
bandhigo, markaas ayuu Nabigu (scw) Islaamka sharaxay oo Qur’aanka igu dul
akhriyay, wallaahay inaanan waligay maqal hadal ka wanaagsan, waligay
inaanan arag arrin ka caadilsan, islamarkiiba waan islaamay, waxaanna ku
dhawaaqay shahaadada xaqa ah waxaanna iri: Rasuulka Allow waxaan ahay nin
tolkiisu wax ka maqlaan, waanna ku laabanayaa, Islaamka ayaanna ugu yeerayaa,
ee Alle iiga bari inuu iisameeyo mucjiso ila socota oo ay igu rumaystaan,
markaas ayuu iigu duceeyay.
Calaamaddiina waxaa Alle ka dhigay, markii
uu qoomkiisii usoo dhawaaday ayaa wajigiisa nuur ka ifay faynuusta oo kale
ah, markaas ayuu wuxuu yiri: Alloow meel aan wajiga ahayn iiga dhig waxaan
ka cabsanayaa inay yiraahdaan “waa la dhalandooriyaye” markaas ayaa nuurkii
u wareegay suunkiisa, ugu horreyntiiba aabihiis iyo marwadiisa ayuu Islaamka
ugu yeeray wayna islaameen, hasayeeshee qabiilka intiisii kale waa ka
daaheen Islaamka isna dacwada kama joojin ilaa uusoo hijrooday sannadka
afraad ee Hijrada isaga oo ay la socdaan siddeetan ama todobaatan qoys oo
tolkiis muslimiina ah, wanaag badan ayaana Alle ka muujiyay Islaamka
dhexdiisa, wuxuuna shahiiday maalintii duulaankii Yamaama (beertii geerida)
isagoo Alle dartii u diriraya, waxaana dacwada Dufayl miraheeda in aad ogaato kaaga
filan inuu Abuhurayre ku islaamay.
Dimaad Al Azdi
Dimaad wuxuu u dhashay qabiilada Azdi
shanuu’a ee reer yamaneedka ah, wuxuuna dadka kaga tufi jiray –ka daawayn
jiray—cudurka dabaysha ama rooxaanaha, markii uu hadaba Makko soo galay
wuxuu maqlay qaballuusyadeeda oo ku sheekaynaya Muxamed waa waalan yahay,
markaas ayuu wuxuu yiri: haddii aan ninkaan u tago waxaa suurowda in Alle
gacmahayga ku daaweeyo, ujeeddadaas ayuu Nabiga (scw) ula kulmay wuxuuna
yiri: Muxamedoow anigu dabaysha ayaan daaweeyaaye wax dan ah maka leedahay
inaan kugu akhriyo, Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu akhriyay khudbada
xaajada: Innal xamda lillah naxmuduhu wanastaciinuhu: ilaa dhamaadka.
Mahad idilkeed Alle ayey u sugan tahay,
annagoo ku mahadinayna kuna gargaar waydiisanayna, ciddii uu hanuuniyo Alle
wax dhumiya ma leh, ciddii uu dhumiyaana wax hanuunsha ma leh, waxaanna
qirayaa Alle mooyee ilaah kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin waxaan
kaloo qirayaa in Muxamed yahay addoonkiisii iyo rasuulkiisii, intaa kadib.
Ninkii oo yaabban ayaa yiri: iigusoo celi
ereyadaadaas, Rasuulka Alle ayaa saddex goor ugu celceliyay, markaas ayuu
wuxuu yiri: wallee waxaan maqlay hadalka Kahanada, hadalka sixirrooleyaasha
iyo kan gabyaagaba, waligay erayadaadaas oo kale maanan maqal, wallee waxay
gaareen badaha guudkooda, fidi gacantaada aan Islaamka ballan kugula galee,
halkaas ayuuna Dimaad ku islaamay ballan qaadna Nabiga (scw) kula galay.
Lix Nafood oo Udgoon oo Reer Madiino ah
Wareegtadii Xajjka sannadka kow iyo tobnaad
ee nabinnimada oo ku aaddan July 620 ciise dabadi, waxay heshay dacwada
Islamku unug wanaagsan oo durba isku baddalay geedo hadoodil ah oo hooskooda
haraca ah ay muslimiintu kaga gabadeen hongorraha dulmiga iyo xadgudubka
islawaynayaasha sannado dheraran.
Waxaa hadaba xigmadda Nabiga (scw) kamid
ahaa uu kala hortagayo beeninta iyo horjoogsida xaqa ee ay reer Makko ku
hayaan, inuu boxo mugdiga habaynku markii uu isgalo oo ku wareego meelaha
qabiilooyinku dageen, si aan qof mushrikiinta Makko kamid ahi uga horjoogsan
hadafkiisaan.
Habayn dayax leh ayuu Nabigu (scw) baxay
isaga oo ay socodkiisa ku weheliyaan Abubakar iyo Cali, wuxuuna soo maray
meelaha ay dageen qabiilooyinka Duhal iyo Shaybaan Ibn Thaclaba, wuxuuna
kala hadlay Islaamka, sidoo kale waxaa Abubakar iyo nin kamid ah lafta
Rabiica dhexmaray su’aalo iyo jawaabo la yaab leh, lafta Banu shaybaan
jawaabahoodu rajo ayey lahaayeen, hasayeeshee waxay ka istaageen galidda
Islaamka, kadibna wuxuu Nabigu (scw) soo maray karinta Mina, halkaas oo uu
maqlay rag sheekaysanaya hadalkood, markaas ayuu aaday oo gaaray, waxayna
ahaayeen lix nin oo dhallinyarada Madiino ah kulligoodna u dhashay lafta
Khazraj, waxayna kala yihiin.
- 1: Ascad Ibn
Zuraara ................................ Lafta Bani Najaar
- 2: Cowf Ibn Xaarith Ibn Rifaaca, Ibn
Cafraa ... Lafta Bani Najaar
- 3: Rifaaca Ibn Maalik Ibn
Cajlaan ................. Lafta Bani Zureyq
- 4: Qibda Ibn Caamir Ibn
Xadiida ................. Lafta Bani Salima
- 5: Cuqbata Ibn Caamir Ibn
Naabii ................. Lafta Bani Xaraam
- 6: Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn
Ri’aab ................. Lafta Bani Cubayd

Bannaanka Mina, 12 km ayay Koonfur kaxigtaa Makka
|
Nasiib wanaagga reer Madiino dadka la
dheeryihiin waxaa kamid ahaa inay ka maqli jireen qabiilooyinka ay
iskaashatada yihiin ee Yuhuudda in la gaaray xilligii uusoo bixi lahaa nabi
nabiyada Alle kamid ah, ayna oran jireen intaannu raacno ayaannu idin
gumaadi doonnaa sidii loo gumaaday reer Caad iyo Iram.
Markii uu Nabigu (sw) soo gaaray nimankii
ayuu yiri: yaad tihiin nimanyohow, markaas ayey dheheen: koox Khazraj ah, ma
xulafadii Yuhuudda ayaad tihiin ayuu yiri, markaas ayey yiraahdeen: haa
markaas ayuu yiri: wax yar maad ii fariisataan aan idinla hadlee? Say
yiraahdeen haye wayna la fariisteen, markaas ayuu Nabigu (scw) u sharraxay
xaqiiqada Islaamka iyo dacwadiisa, wuxuuna ugu yeeray xagga Alle, qur’aanna
waa ku dul akhriyay, markaas ayey waxay isku yiraahdeen, wallaahay wax
xasuusta nimanyohow, waa nabigii Yuhuuddu idiinku gooddin jireene yaysan
idiinka hormarin, u dagdaga rumaynta dacwadiisa, islamarkiibana way
islaameen.
Raggaani hadaba waxay ahaayeen indheer
garadka Madiino, magaaladaas oo ay aafaysay dagaallo sokeeyo oo ku raad
qoyan, horena u naafeeyay quruumo badan, walina ololkeedii uu qaxmayo, waxay
rajeeyeen in dacwada nabigaan Alle sabab uga dhigo joojinta dagaalka iyo
hubkoo la dhigo, waxay hadaba yiraahdeen: waxaannu kasoo tagnay tolkayo mana
jiro qolo ay dhex taallo waxa Alle dhex dhigay oo isnacayb iyo shar ah,
waxaana suurowda in Alle kugu mideeyo, oo aad noosoo wareegto, waxaanuna ugu
yeeraynaa arrinkaagaan, waxaanna u bandhigaynaa wixii aan kaa yeellay ee
diintaan ah, haddii adiga dartaa Alle ku mideeyana ma jiri doono nin kaa
xurmo wayn.
Markii ay raggaani Madiino ku laabteen,
waxay sii qaadeen farriintii Islaamka oo dadka ugu yeereen ilaa aysan jirin
guri guryaha Madiino kamid ah oo uusan hadalhaynta Islaamku galin, guri
walbana Nabiga (scw) warkiisa ayaa yaal.
Guurkii Caaisho
Bisha Shawaal sannadkii kow iyo tobnaad ee
nabinnimada, wuxuu Rasuulka Alle (scw) guursaday Caaisha siddiiqadda wayn
Alle haka raalli noqdee, waxaa hadaba lagu meheriyay iyadoo lix jir ah,
wuxuuna ku dhistay Madiino saddex sano kadib sannadka koowaad ee Hijriyada
iyadoo sagaal jir ah, mana jiro wax caruur ah oo Caaisho Nabiga (scw) u
dhashay.
Soo jeedinta guurkaan waxaa ka shaqeeyey
gabadha lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim oo u kala dabqaaday labada dhinac,
sida la ogsoon yahayna Caaisha waxay u doonnanayd Jubayr Ibn Mudcim, markii
arrintaan Abubkar loo sheegay in Nabigu (scw) hadal hayo gabadhiisa ayuu
aaday Mudcim Ibn Cadiyi oo lasoo hadal qaaday arrinta gabadha ee uu
wiilkiisa u doonay, odaygii Mudcim haweenaydiisa ayuu inta eegay yiri:
maxaad arrintaan ka leedahay gabareey, sayte inta Abubakar soo eegtay: waxaa
suurowda haddaan wiilkayaga gabadhaada u guurinno inaad naga duufsato oo
diintaada galiso!! Abubakar intuu Mudcim soo eegay ayuu yiri: adiguna maxaad
leedahay? Markaasuu yiri: waad maqlaysaa marwadaydu waxa ay ku leedahay.
Abubakar wuxuu yiri: markaas ayaan istaagay
anigoo aan ballantaas waxba niyaddayda kaga harin.
________________________________
1: Tixaha waxaa mariyay Abdirisaq Musanaf
2: Duulaanka Bucaath, wuxuu ka dhex dhacay
labada qabiilo ee walaalaha ah ee Ows iyo Khazrah, dagaallada labadaan
qabiilo ka dhexeeya, oo ummadaha dariska la ahi ay hurin jireen waxay
socdeen muddo dheer, waxaa hadaba ugu dambeeyay dagaalkaas Bucaath oo
khasaare aad u ballaarani kasoo gaaray labada dhinacba, sidoo kale ay ku
dhamaadeen dhamaan odayaashii iyo hoggaamiyeyaashii dagaalka, arrintaan oo
noqotay fursad xagga ku faafidda Islamka.
Daabacaad: SomaliTalk.com |
Jan 16, 2004
QAYBTA
9aad |
QAYBTA
11 |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|