SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TAARIIKHDA - ISLAAMKA


Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 9aad:::

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay:
»Ergay Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya
»Abutalib Oo Shirinaya Bani Haashim iyo Banil Mudalib
»Cunaqabayntii Guud
»Axdigii Gaboodfalka iyo Cadowtinimada
»Saddex Sano Gudaha Goshii Abitalib
»Wafdigii Ugu Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma
»Sannadkii Muragada
»Sayidadda Khadiija Oo Xagga Alle Aadday
»Muragadii iyo dhibkii oo cirka isku shareeray
»Guurkii Sowda Alle Haka Raalli Noqdee


Ergay Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya

Kadib markii ay islaameen labadaan geesi ee horyaalka ah, Xamza iyo Cumar –Alle haka raalli noqdee—dulmigii iyo xaqdarradii ayaa xoogaa feydmay, waxay mushrikiintu ka baraarugeen sarkhaankii ay ku jireen ee silicdilyaynta muslimiinta iyo dullayntooda ahaa, sidaa darteed waxay isku dayeen bal inay Rasuulka (scw) kula gorgortamaan in si gacan furan loogu harqiyo wax walba oo suuragal ah oo laga yaabo in ujeedadiisa uu hawlgalkaan ka leeyahayi ay tahay, si ay uga joojiyaan, hasayeeshee waxaysan masaakiintaani u xog haynin in dhamaan dunida qorraxdu usoo baxdaayi aysan garab kaneeco u dhigmin marka la feerdhigo dacwadiisa, sidaa awgeed way ku fashilmeen wayna ku guul darraysteen dantii ay dooneen.

Sida Albayhaqi uu sheegay maalin ayaa Abujahal iyo dhamaan islawaynayaasha mushrikiintu ay talo goyn u fariisteen, marka Abujahal ayaa hadalka furey oo yiri, odayaal sidaad la socotaan ninkaan Muxamed arrintiisu waa nagu dheeraatey waana nagu dhex fidday, maynu u dirro nin caalim ku ah sixirka, kahaanada –xiddiga sheegnimada—iyo gabayga, oo la hadla una kuurgala kadibna nooga keena warbixin cad xaaladdiisu waxa ay tahay, Cutba ayaa yiri, odayaal anigu waxaan waqti hore daraaseeyay sixirka, kahaanada iyo gabaygaba, cilmi ayaanna u leeyahay, mana dhici karto inuu iga qarsoomo haddii cudurkiisu kuwaas yahay, markaas ayey yiraahdeen u tag hadaba Abalwaliidow, Ibn Isxaaq wuxuu isagu qisadaan ka wariyay Muxamed Ibn Kacab Alquradi inuu yiri, waxaa la iisheegay in Cutbata Ibn Rabiica (1) –wuxuuna ahaa kaabbaqabiilka ciddiisee—uu maalin yiri isagoo xarunta Qureysheed fadhiya Nabiguna (scw) uu meel gees ah oo masjidka kamida fadhiyo, bulsha waynta Qureysheey miyaysan qumanayn inaan Muxamed la kulmo inaan la hadlo? Oo aan u bandhigo waxyaalo ay suurowdo inuu qaarkood iga aqbalo, si aan u siinno isna dhibkiisa nooga joojiyo –xilligaasina waa markii Xamza islaamay oo ay arkeen saxaabada Nabiga (scw) ayagoo sii badanaya oo kordhaya—markaasay dheheen: haa Abal waliidow, u tag oo la hadal, Cutba waa dhaqaaqay ilaa uu Rasuulka (scw) la fariistay markaas ayuu intuusan ujeeddadiisa guda galin hadallo xigmad yar ku hadaaqay oo yiri, ma waxaad ka khayr badan tahay Haashim mise ka khayr badan tahay Cabdulmudalib ama Cabdullahi, Nabiguna (scw) waa fiirinayey umase jawaabin.

Markaas ayuu isdajiyay oo yiri, maandhow waxaad dhexyada ka joogtaa meesha aad ogtahay, haybadda qoyska ha ahaato amase qaymiga nasabkee, waxaadna reer tolkaa ula timid, mushkilo wayn oo aad ku kala firdhisay isku duubnidoodii, ku liidday cuqaashoodii, ku ceebaysay ilaah yadoodii iyo diintoodii, kuna gaalaysiisay mowtidoodii hore ee aabayaashood, marka maandhow iga dhagayso arrimo aan kuusoo jeedin doono, iskana fiiri waxaa suurowda inaad qaarkood ogolaataaye, Rasuulku (scw) wuxuu yiri, dheh Abalwaliidow waan ku maqlayaaye, markaas ayuu yiri, maandhow haddii dantaada aad waxaan aad la timid ka leedahay ay tahay inaad hanti ku tabacdo maalkayaga oo dhan ayaan isugu kaa daraynaa ilaa aad noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad sharaf iyo magac doonayso dushayadaan kuu caleemo saaraynaa ilaa aannaan talo goosan adiga la’aantaa, haddii aad boqortinimo ku doonayso boqorbaan kuu dooranaynaa, haddii waxaan kuu imaanayaa rooxaano –jinniyo—yihiin aad arkeyso aadanse naftaada ka celin karin caafimaad baan kuu raadinaynaa, hantiyadana waan kuu huraynaa ilaa aad ka biskooto, waxaa suurowda in rooxaanuhu ninka ka adkaadaan ilaa laga daaweeyee, ilaa Cutba hadalkii dhameeyey.


Dhegeyso Qiraa'adii Shiikh C/Rashiid Cali Suufi

Rasuulka Allana (scw) waa dhagaysanayaa, markaas ayuu yiri, ma dhamaysay Abalwaliidow? Markaasuu yiri, haa, Nabiguna (scw) wuxuu yiri, iga dhagayso hadaba, suuye haye: ((Bismillahi Raxmani Raxim: Xa miim: Soo dajintii katimid raxmad badanaha guud raxmad badanaha gaar ahaaneedna ah: Kitaab loo kala saarsaaray aayaadkiisa qoomkii wax garanaya: Bishaareeye digniin bixiye –isagoo ah—wayna ka jeesteen badankoodii oo waxba maqli mayaan: Waxayna yiraahdeen quluubtayada daboolbaa kaga xiran waxa aad noogu yeerayso dhagahayagana culays baa kaga jira annaga iyo adiga dhexyadayadana darbi–teed—baa ku xiran ee dhinacaaga u camal falo annaguna waan camal falaynaa)) Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu ku dul akhrinayo bilowga suuradda Fusilat, Cutbana waa aamusay oo gacmaha inta gadaal ka ritay isku tiiriyay isagoo dhagaysanaya, ilaa uu Rasuulku (scw) gaaray sujuudda suuaradaan ku jirta kuna sujuuday, markaas ayuu yiri, waad maqashay Abalwaliidow, ee adiga iyo waxaad maqashay ayaan isaga kiin dhexbaxay!!.

Markaas ayuu Cutba raggiisa xaggooda u dhaqaaqay, markaas ayey inta isdhugteen dheheen, wallaahay wuxuu idiin la yimid waji ka badalan wajigii uu idin kala tagey, markuu la fariistay ayey dheheen: maxaad la kulantey Abalwaliidow? Wuxuu yiri: waxaan la kulmay inaan maqlay hadal wallaahay aanan isagoo kale waligay maqal, wallaahay inuusan gabay ahayn, oo sixir ahayn, oo kahaano ahayn, bulsho waynta Qureysheey iga yeela talada oo markaan aniga iidaaya, isaga dhex baxa ninkaan iyo hawlgalkiisa uu ku jiro oo faraha ka qaada, Allaan ku dhaartaye hadalkiisu inuu yeelan doonaa dhacdo taariikheed wayn oo waarta, haddii carabi disho gacan aan tiinna ahayn ayaad ku ciil beesheen, hadduu carab ka guulaystana, boqortooyadiisu waa boqortooyadiinii, cizigiisuna waa cizigiinnii, dadkana idinkaa ugu mudnaan doona agtiisa, markaas ayey yiraahdeen, wallaahay Abalwaliidow wuxuu kugu sixray carrabkiisa, markaas ayuu yiri, aniga taladaydu wataase sidaad doontaan ka yeela.

Qisadaan dacalkeeda kale wuxuu caddaynayaa in Cutba uu Nabiga (scw) dhagaysanayey ilaa uu gaaray qowlka Alle ee ((Hadday jeestaan dheh –Nabi Alloow—waxaan idiinka digay suuxiso –musiibo cirwareento ah—oo la mid ah cirwareentadii Caad iyo Thamud –asiibtay)) markaas inuu istaagay isagoo cabsi la gariiraya, markaas uu afka gacanta ka saaray oo yiri: Ilaah iyo riximkaan kugu dhaariyee jooji, isagoo ka cabsanaya in digniinta laga digayaa ku habsato, kadibna in uu nimankii meesha fadhiyay xaggooda aaday ayuu hadalkii aan soo marray yiri.

Abutalib Oo Shirinaya Bani Haashim  iyo Banil Mudalib.

Dhacdooyinkii iyo maalmahii ayaa mooshinkoodii ay ku socdeen iska baddalay, xaaladihii iyo duruufihii ayaa isdooriyay, waxwaliba wajigoodii mid ka duwan ayey lasoo bexeen, Abutalibna si xeeldheer ayuu ugu kuurgalayey sida arrimuhu u socdaan, waxaana naftiisa kusoo badanayey dareen cabsiyeed isasoo taraya in mushrikiintu maagan yihiin in ay dilaan wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu si taxaddar leh u fiirinayay dhacdooyin iska dabayimid usbuucyada lasoo dhaafay gudahooda, tusaale ahaan waxay mushrikiintu ku haddadeen loollan dagaal oo isaga ka dhan ah, waxay isku dayeen gorgoro wiilkiisa ay kaga baddashaan Cumaarata Ibn Alwaliid si ay u dilaan, Abujahal dhagax danbasyaal ah ayuu sii walwaalay si uu wiilka walaalkiis dhalay madaxa ugaga barraajiyo, Cuqbata Ibn Abimucayd go’ ayuu ku ceejiyey oo wuxuuba ku sigay inuu dilo, Cumar Ibn Khataab isagoo seeftiisa wata ayuu tagay si uu uga takhaluso wiilka walaalkiis dhalay Nabiga (scw), Abutalib arrimahaan oo dhan ayuu u fiirsanayey wuxuuna ka urinayay saxansaxo shar oo qalbigiisu la xasili la’yahay, waxaana agtiisa hubaal noqotay in mushrikiintu go’aansadeen inay xeerkiisa iyo xurmadiisa magangalinta jabiyaan, sidoo kale inay go’aansadeen inay dilaan wiilkiisa Nabiga (scw) maxaa hadaba Xamze ama Cumar badbaadin karaan haddii qof mushrikiinta kamid ahi si hallad ah gaadmo ugu dilo Nabiga (csw).


Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nebiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda): Suurat Az-Zukhruf, Aaayada 79aad

Arrimahaan ayaa Abutalib hubsaday mana aysan ahayn xaqiiqo un mooyee, waxay gaaladu wadatashiyo badan kadib isku waafaqeen inay si aan qarsoonayn u dilaan Rasuulka Alle (scw), go’aankaanina waa kan Alle ku tilmaamay qowlkiisa ((Misse waxay go’aansadeen arrin –dilka Nabiga—annaguna waxbaan go’aansannay –ciribtirkooda)) 43:79 maxaa hadaba Abutalib la gudboon si uu mushkiladaan uga lugboxo.

Markii uu arkay sida naxariis darrada ah ee Qureyshi u hurinayso xumaatada loo dhan yahay ee lagala soo horjeedo wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu kulmiyay laftiisa Banihaashim iyo lafta kale ee ay Cabdimanaf wada yihiin ee Banil Mudalib, halkaas oo uu inta ka dhex istaagay ugu yeeray difaacidda Nabiga (scw) isagoo ku dhiirri galiyay inay geeri iyo nololba iyagu dhiiggiisa leeyihiin dadkana ka xigaan, hadaba raggii kulankaan kasoo qayb galay ee labadaan lafood u dhashayi muslim iyo gaalba kulligood waxay Abutalib la qaateen kuna garab istaageen mowqifkiisaan, ayagoo ka gubanaya xeerkooda magan galinta ee la jabiyey, marka laga reebo Abullahab oo isagu nacaybkiisa uu Nabiga (scw) u hayo dartiis tolkiis hareer maray oo Qureysh la jirsaday.

Cunaqabayntii Guud

Afar dhacdo oo marka mushrikiinta loo fiiriyo waawayn ayaa dhaqso isaga daba yimid muddo ku siman afar usbuuc oo qura gudahood, dhacdooyinkaan oo kala ah: islaamiddii Xamza, kadibna Cumar, kadibna Nabiga (scw) oo ku gacan sayray gorgorooyinkii ay usoo jeediyeen, kadibna Banul Mudalib iyo Banihaashim oo axdi beeleed ku kala xirtay muslimkoodii iyo gaalkoodiiba difaacidda Nabiga (csw) iyo ilaalintiisa, dhacdooyikaan dartood ayey la wareereen mushrikiintu wayna mudnaayeen wareer, sababtoo ah waxay ogaadeen in haddii ay isku dayaan daldalidda Nabiga (csw) uu waadiga Makka dhiiggoodu harqinayo isaga hortiis, waxaaba suurowda inay arrintu isu rogto qalalaaso amase sabuubo ay dhamaantood la rogmadaan ama la cirib beelaan, xaqiiqooyinkaan oo dhan ayey hubsadeen markaas ayey u leexdeen dulmi iyo gaboodfal kale oo aan dilka gaarsiisnayn hasayeeshee ka qaraar dhamaann wixii ay hagardaamo iyo dhib hore u gaysteen.

Axdigii Gaboodfalka iyo Cadowtinimada

Waxay ku kulmeen daanta koonfureen ee waadiga Muxassab halka –loo yaqaan daanta baniikinaana-Islamarkaana waxay saxiixeen isbahaysi ka dhan ah labada lafood ee Banihaashim iyo Banil Mudalib, axdigaan dulmiga ku dhisani wuxuu ka koobnaa qodobo aad u naxariis daran oo kala ah sidaan: inaan lala xididin ama laga guursan, inaan wax laga iibin ama laga soo gadan, inaan lala fariisan ama la dhexgalin, inaan guryahooda la galin ama lala hadlin, ilaa ay Rasuulka (scw) soo dhiibaan si loo daldalo, waxayna gaboodfalkaan ku qoreen saxiifad laga saxiixay isimadda cuqaasha iyo dhamaan islawayneyaasha, ayadoo nin walba ay u weheliso ballamo adag iyo dhaaro kulkulul “in aysan waligood Banihaashim ka ogolaanaynin heshiis, in aysan waligood u turayn una naxaynin ilaa ay Nabiga (scw) usoo gacan galiyaan si loo dilo” Ibn Qayim wuxuu yiri, waxaa la sheegay in ninkii warqadaan gacantiisa ku qorayi uu ahaa Mansuur Ibn Cikrama Ibn Caamir, waxaa kaloo lagu sheegay, Nadar Ibn Xaarith, sida saxda ahise waa inuu ahaa Baghiid Ibn Caamir Ibn Haashim, marka Nabiga (scw) ayaa habaaray islamarkiiba gacantii ayaa qallashay.

Markii axdigaan la ansixiyay oo uu dhamaystirmay, waxaa saxiifaddii la suray meel gudaha Kacbada ah, islamarkiibana waxaa la bilaabay dhaqan galintii iyo fulintiisii, hadaba labadii lafood ee Banihaashim iyo Banil Mudalib dhinac ayey isugu miirmeen muslimkoodii iyo gaalkoodiiba –marka laga reebo Abullahab—waxayna ku urureen gudaha beer loo yaqaan gosha Abitalib, halkaas oo ay ku oodmeen laga bilaabo dhalashada bisha Muxarram sannadka todobaad ee soo saarista Nabiga (scw).

Saddex Sano Gudaha Goshii Abitalib

Cunaqabatayntii iyo go’doomintii ayaa qaraaraaday, waxaa ka dhamaaday cad iyo caano, baad iyo biyo, quud iyo qori dhamaan wixii ay gacanta ku hayeen, laga soo bilaabo markii ay hirgaliyeen axdigaan kuma aysan gaabsan mushrikiintu dhaqan galintiisa kaliya ee waxay ku hawllanaayeen olole ballaaran oo ganacsatada magaalada soo galaya lagala wareegayo bocsharooyinka ay ganacsiga u wataan si aysan Banihaashim ugu gudbin, ilaa balaayadii, gaajadii iyo waxla’aantii ay heerkii ugu xumaa gaareen, oo ay u dhib muteen inay cunaan hargaha qallalan amase daaqaan caleenta geedaha, sidoo kale ilaa waadiga gudihiisa laga maqlayey wiiraaska caruurta iyo dumarkooda ka yeeraya baahi iyo aqsoobid darteed.

Sannadahaas oo dhan ma jirin wax jidiin la mariyo oo gaari jiray si qarsoodi ah mooyaane, mana loo ogalayn inay soo iibsadaan baahiyahooda bilaha la xurmeeyo waqti ka baxsan, xilliyada qaarkood waxay raggooda gaashaan qaadka ahi u bixi jireen meelo fogfog ayagoo ganacsatada Makko usoo socota kaga soo iibsanaya badeecooyinka, laakiinse reer Makko si ay cunaqabataynta u meelmariyaan qaymaha ayey badeecadaas ku qaaliyayn jireen ilaa ay cirmar noqoto aysanna awoodin inay gooyaan.


Sarreen

Xakiim Ibn Xizaam ayaa marar sarreen ula dhuuman jiray eeddadiis Khadiija Bint Khuwaylid, marka maalin ayaa waxaa jidgooyo ku sameeyay Abujahal si uu ugu diido, arrintiina dagaal ayey isu rogtay ilaa uu kala dhexgalay Abulbakhtari, una suuro galiyay inuu sarreenkii yaraa u gudbiyo eeddadiis, dhinaca kale Abutalib wuxuu cabsi ka qabay in Rasuulka (scw) gaadmo lagu dilo, markii habaynkii hurdada la gaaro ayuu Rasuulka (scw) oran jiray seexo joodarigaaga ilaa qofkii dilkiisa damacsani uu arko meesha uu seexday, markii gam’idda la guda galo ayuu wiilashiisa ama walaalihiis amase adeerradiis gogosha uga baddali jiray, Nabiguna (scw) joodarigii ninkaas seexan jiray.

Xilliga wareegtada Xajjka Rasuulka (scw) iyo muslimiintuba waxay usoo bixi jireen meelaha dadku dagaan oo islaamka ugu yeeri jireen, waxaynuna soo marray dhaqan xumadidii uu Abullahab hawshaan ka gaysan jiray.

Burintii Saxiifaddii Gaboodfalka

Saddex sano oo kaamil ah ayaa gudubtay wax isbaddal ahina uusan soo kordhin, hadaba curashadii bisha Muxarram sannadka tobnaad ee nabinnimada ayaa waxaa si lama filaan ah u dhacday burinta axdigii gaboodfalka ahaa iyo dulmiga, jeexidda warqaddii xaqdarrada lagu qoray, waxaana tallaabadaan horseeday in markii hore Qureyshi ku kala qaybsanayd axdigaan qoristiisa iyo dhaqangalintiisa qof ku qanacsan iyo qof dhibsanaya labadaba, waxaa hadaba burintiisa ka shaqeeyey dadkii dhibsanayey.

Hishaam Ibn Camar oo u dhashay lafta Bani Caamir Ibn Lu’ayi wuxuu ahaa dadkii markii hore kasoo horjeeday meelmarinta axdigaas, islamarkaana wuxuu gaarsiin jiray Banihaashim raashin uu si dhuumasho ah ugu gayn jiray habaynkii, ninkaani markii uu qaymeeyey duruufta dadkaani heerka qaraar ee ay gaartay, wuxuu u tagay ninkale oo lagu magacaabo Zuhayr Ibn Abi Umaya –hooyadiisna tahay Caatika Bint Cabdilmudalib—markaas ayuu ku yiri: Zuhayrow ma waxaad ku raalli noqotay inaad wax iska cunto iskana cabto abtiyaashaana xaaladda aad ogtahay ay ku jiraan? Markaasuu yiri: war heedhe balo ku arki waydaye maxaan sameeyaa nin kaliya unbaan ahaye, wallaahay haddaan hal nina heli lahaa waxaan u istaagi lahaa burinta warqaddaas xun, Hishaam wuxuu yiri: nin waad heshay, suuye waa kuma, suuye waa aniga, markaas ayuu Zuhayr yiri, nin saddexaad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu aaday Mudcam Ibn Cadiyi, wuxuuna uga sheekeeyay ehelnimada Banihaashim iyo Banil Mudalib iyo marxaladda qallafsan ee ay maanta ku jiraan, islamarkaana wuxuu ku dhaleeceeyey ku waafaqsanaantiisa Qureysh axdigaas gurracan ee xaqdarrada ku dhisan, markaas ayuu Mudcim yiri: war heedhe balo ku arki waydaye maxaan samayn karaa hal nin ah unbaan ahaye? Markaasuu yiri ninkale ayaa ku garab taagan, suuye waa kuma, Hishaam wuxuu yiri, waa aniga, odaygii wuxuu yiri: war nin kale inoo raadi, suuye horaan u raadshoo waa Zuhayr Ibn Abi Umaya, odaygii wuxuu yiri, nin afraad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu u tagay Abulbakhtari Ibn Hishaash, wuxuuna usoo jeediyay hadalkii uu kula hadlay Mudcim oo kale, markaas ayuu odaygii yiri: ma jirtaa cidkale oo figraddaan inaku raacsan, suuye haayoo waxaa inala qaba, Zuhayr Ibn Abi Umaya iyo Mudcim Ibn Cadiyi aniguna waan ku garab taag nahay, markaasuu yiri odaygii nin shanaad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu u tagay Zamcata Ibn Aswad Ibnul Mudalib Ibn Asad, wuxuuna lasoo hadal qaaday eheltinimada Banihaashim iyo xaqa sokeeye nimada ee la gooyey, islamarkaana wuxuu u bandhigay kala shaqaynta jabinta axdiga gaboodfalka ku dhisan, markaas ayuu odaygii yiri, ma jirtaa cidkale oo figraddaan nagu taageeri doonta haddaan u istaagno, suuye haa, wuxuuna u magacaabay raggii hawgalka kula jiray, marka raggaani intay wada ballameen ayey waxay ku kulmeen goobta loo yaqaan xajuun, halkaas oo ay isku dhaarsadeen inay u istaagaan jabinta axdigaas xaqdarrada ku dhisan, sidoo kale inuu Zuhayr Ibn Abi Umaya noqdo ninka ugu horreeya ee arrintaan qarxinaya ragga kalana ay markaas iska daba hadlaan ayagoo qaddiyaddaan ayidaya una jawaabaya ciddii ka hortimaadda.

Subixii nin waliba wuxuu kusoo kallahay xarunta Kacbada naadiga booskii uu ku lahaa, Zuhayrnna –ninkii hadalka bilaabi lahaa—wuxuu soo kallahay isagoo iskujoog qurux badan ku labisan, markaas ayuu Kacbada dawaafay todobo goor oo inta dadka xaggiisa usoo jeestay yiri: bulshada reer Makkow ma cunnadaan cunaynaa oo dhar quruxsan xiranaynaa, ayadoo Banihaashim rogmadeen, waxba aan laga iibin lagana iibsan, wallaahay inaan fariisanayn ilaa aan jeexjeexo warqaddaas arxan goyska ah ee khayr darrada lagu qoray.

Abujahal –oo dhinac fadhiyay—ayaa yiri, beentaa weeye, wallaahay inaadan jeexi karin, Zumcata Ibnul Aswad ayaa yiri, wallaahay adigaa ka been badan!! Markii horaba kama aannaan raalli ahayn qoristeeda iyo wixii lagu qoray midna, Abulbakhtari ayaa yiri: runtiis weeye Zumca, kama aannaan raalli ahayn waxa lagu qoray mana ansixinayno, Mudcim Ibn Cadiyi ayaa yiri: runbaad sheegteene beenlow waxaa ah ciddii wax kale ku hadashay, hor alle ayaan bari uga nahay warqaddaas iyo waxa ku yaalba, Hishaam Ibn Camar ayaa isna yiri hadalladaas hadal lamida.

Markaas ayuu Abujahal isagoo yaabban yiri: waa arrin habayn la qorsheeyay, meel aan halkaan ahaynna taladeeda lagu gooyay.

Dhinaca kale subaxaas waxaa masjidka fadhiyay Abutalib oo sababta isna u yimidi tahay, in Alle Nabigiisa (scw) tusiyey warqaddii xaaladda ay ku sugan tahay, in Alle u diray aboor oo uu markaa cunay dhamaan wixii gudaheeda ku yaallay ee gaboodfal, rixin goys iyo dulmi ahaa, marka laga reebo meel yar oo ay kaga taallay magaca Alle subxaanah iyo xuskiisa, markaas ayuu Nabigu (scw) arrintaan adeerkiis uga warramay, Abutalib markii uu arrintaan la kulmay ayuu guud ahaan Qureysh ku yiri, warkaas ayuu Muxamed ii sheegay, hadduu been sheegayo waan idiinka leexanaynaa sidaad doontaan ka yeela, haddii uu run sheegayana waad ka noqonaysaan cunaqabataynta aad na saarteen iyo xaqdarrada aad noo gaysateen, markaas ayaa waxaa la wada yiri, caddaalad ayaad ku hadashay, Abujahal mooyee.

Kadib markii haddaba hadalkii la isku jiidjiiday Abujahal iyo kooxdaan kasoo horjeedday, Mudcim Ibn Cadiyi ayaa warqadda xaggeeda u dhaqaaqay si uu u jeexjeexo, mise wuxuu la kulmay ayadoo aboor cunay kulligeed, marka laga reebo erayga (bismikallahuma) iyo wixii magac iyo xus Alle ah ee ku jiray intaas ma aysan cunin.

Halkaas ayaa warqaddii lagaga takhalusay uuna si buuxda ugu joogsaday axdigii dulmiga ku dhisnaa ee Qureysh ku heshiisay, islamarkii ayuunna Rasuulka Alle (scw) iyo dadkii la socdayi kasoo bexeen waadigii lagu go’doomiyey, dhacdadaani waxay ahayd mucjisyo caqliga dadka ka wayn oo mushrikiinta la tusiyey, mucjisadaas oo caddaynaysa nabinimada Rasuulka (scw), hasayeeshee dhaqankoodu wuxuu ahaa sidii Alle nooga waramay ((hadday arkaan mucjiso –wayn—way ka jeensanayaan oo waxay oranayaan waa sixir isdabajoog ah)) 54:2.

Wafdigii Ugu Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma

Kadib markii Rasuulka Alle (scw) kasoo baxay kayntii lagu go’doomiyey wuxuu guda galay inuu horay usii anbaqaado hawlgalkiisa faafinta Islamka, Qureyshina inkastoo ay joojiyeen axdigii cunaqabataynta, kama aysan waantoobin cadaadintii muslimiinta iyo caqabadaynta dadka Islaamka soo galaya, Abutalibna kama uusan gaabin inuu ilaalinayo Nabiga (scw), hasayeeshee wuxuu ahaa nin da’diisu markaas kor u dhaaftay siddeetan sano, sidoo kale dhacdooyinkii xanuunka badnaa iyo mushkilooyinkii waawaynaa ee sannado badan xariirsanaa, haba ugu sii darraato cunaqabataynii goshee, ay xubnihiisa jilciyeen, dhabarkiisa jabiyeen,, murqihiisana dabciyeen, bilo tirsan un markii laga joogay kasoo bixitaankii gosha, waaba isagii oo cudurku soo ridanayo, islamarkiibana waa kusii xumaaday, hadaba markaas ayey mushrikiintu ka cabsadeen sumcad xumo ku haleesha carab dhexdeeda haddii ay wax hagardaamo ah u gaystaan wiilka walaalkiis dhalay markii uu dhinto ka gadaal,  markaas ayey waxay isku dayeen inay Nabiga (scw) kula garramaan Abutalib hortiisa, sidoo kale inay markaan uga tanaasulaan fursado aysan xilligaan kahor marna ku raalli noqdeen, waxay hadaba wafdigaani noqdeen ergadii ugu dambaysay ee Qureyshi leedahay ee Abutalib la kulma.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri iyo culumo kalaba, markii uu Abutalib xanuunsaday, oo inuu cuslaaday ay Qureysh gaartay, ayey odayaasha qureysheed isku yiraahdeen, “Xamze iyo Cumar waa islaameen Muxamed hadalhayntiisuna waa ku faaftay qabiilooyinka carbeed oo dhan, ina keena aynu Abutalib u tagnee, hannoo garsooro annaga iyo wiilka walaalkiis dhalay, xaqiisana hannooga gooyo annagana hannooga xaqsooree, wallaahay waxaan ka cabsanaynaa inuu taladaya naga xoogee –dacalka kale ee qisadu wuxuu yiri, waxaan ka cabsanaynaa in odaygaan duqa ahi geeriyoodo, oo markaas gadaashiis wiilkiisa dhib gaaro markaasna carabi nagu ceebayso, markii hore kuma aysan dhicine markii uu dhintay ayey wiilkiisa shiddeeyeen.

Sikastoo ay noqotaba, shan iyo labaatan xubnood oo ay ku dhan yihiin waxgaradkii, isimmadii iyo ehlu sharafkii Qureysheed ayaa u dareeray xagga Abutalib, waxaana raggaas ku jira Cutba Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba, Abujahal Ibn Hishaam, Ummaya Ibn Khalaf, Abusufyaan Ibn Xarbi iyo rag badan oo islawaynayaasha iyo ehlu sharafka kamid ah, markaas ayey hadalkooda ku bilaabeen, Abutalibow waad la socotaa heerka qadarinta ee aad dhexdayada ka joogto, waadna u jeeddaa xaaladdaada caafimaad oo runtii waanu kuu cabsannay, dhicana kale xog ogaal ayaad u tahay dhibka naga dhexjira annaga iyo wiilka walaalkaa dhalay, hadaba u yeer oo isagana u xaq goo annagana noo xaq goo, makaas isna ha naga joogsado annana aan ka joogsanno, annaga iyo diintayadaba dhinac ha naga maro annaguna aan isaga iyo diintiisa dhinac kamarree, markaas ayuu Abutalib u cid diray Nabiga (scw) waana yimid, marka wuxuu Abutalib yiri, adeer raggaani waa odayaashii iyo waxgaradkii reer tolkaa oo dhamaantood maanta isu yimid si ay kuu siiyaan wixii aad ka doonayso, adiguna aad u siisid wixii ay kaa doonayaan, islamarkaana wuxuu uga warramay hadalkii ay odayaashu usoo jeediyeen iyo tanaasulaadkii ay soo bandhigeen ee ahaa in labada dhinac mid waliba midka kale ammaan galin doono.

Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri, ka warrama haddaan idin siiyo hal kalimad ah oo aadku dhawaaqaysaan, kalimaddaas oo aad carab ku hananaysaan cajamna –dadka aan carab ahayn—idiinku hoggaansamayso “dacal kale wuxuu sheegay inuu yiri isagoo Abutalib hadalka ku wajahaya, waxaan ka doonayaa hal kalimad ah oo ay oranayaan, carab ay ku hananayaan cajamna Jizyo –gibir madax furasho—idiin soo xambaarayso, dacal kale, adeer maad ugu yeertid wax uga khayr badan? Markaaas ayuu Abutalib yiri, oo maxaad ugu yeeraysaa, waxaan ugu yeerayaa oraah qura oo Carabina idiinku hoggaansami doonto Cajamna aad kula wareegaysaan hoggaanka maamulkooda, sida uu Ibn Isxaaq sheegay markii uu sidaas yiri, hadalkii ayaa ku dhagay oo afkii ayaa malaysan waa dartiis la kala tagay, mana aysan fahmin si ay ku diidi karaan hal oraah ah oo ilaa heerkaan gaarsiisan amase ilaa xadkaan wax anfici karta, islamarkiiba Abujahal ayaa soo booday oo yiri, maxay tahay oraahdaasi, igu aabahaaye waan ku siinaynnaa iyada iyo toban lamidehe, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waxaad oranaysaan “Laa Ilaaha Illallaah, Alle mooyee ma jiro ilaah kale oo xaq lagu caabudo, waxaadna ka fogaanaysaan dhamaan ciddii isaga ka soo hartay” markaas ayey gacmaha isla dheceen oo yiraahdeem: Muxamedow ma waxaad doonaysaa inaad ilaahyadoo dhan hal ilaaha ka dhigto? Wallee arrintaadu waa mid yaab leh, markaas ayey inta istaageen yiraahdeen, wallaahay inuusan ninkaani waxba idin siinayne iska taga oo ku socda diintii aabayaashiin, ilaa annaga iyo ninkaan Alle nakala xukumo, waana kala tageen.


Dhegeyso Qiraa'adii Shiikh C/Rashir Cali Suufi

Hadaba dhacdadaan ayaa Alle qur’aankiisa ku tilmaamayay suuradda Saad markuu yiri ((Saad: Qur’aanka xuska wayn leh –addoomaha anfacaya—ayaan ku dhaartaye: Ee kuwa gaaloobayi islawayni ayey ku jiraan iyo dhinacmar—xaqdiidnimo: Imisaan halaagnay iyaga hortood ummad –xaqa beenisay—oo ay markaas dhawaaqeen xilli aan dhawaaqu waxba taraynin: Waxayna la yaabeen in uu u yimid digniin bixiye iyaga kamida –bashar ah—waxayna yiraahdeen kuwii gaaloobayi kani waa sixirroole been badane ah: Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii –kasoo reebay—ilaah kaliya arrinkaani waa wax lala yaabo: wayna kala tageen madaxdii –odayaashii madaxya waynta ee shirka—kamid ahaa, iyagoo leh war socda oo ku adkaysta ilaahyadiina arrinkaani waa arrin dan laga leeyahaye –in la iska kiin kormariyo)) 38:1—7.

Sannadkii Muragada

Jirradii ayaa kusii cuslaatay Abutalib, hadaba shirkaan waxyar lagama joogin in geeridu qurgoysay, waxayna dhimashadiisu dhacday bisha rajab sannadka tobnaad ee nabinimada, markii gosha laga soo baxay lix bilood kadib, waxaa kaloo la sheegay in la oofsaday bisha ramadaan sannadka tobnaad, geerida Khadiijo saddex maalmood un kahor.

Sida Bukhaari uu kitaabkiisa ku wariyey markii Abutalib geeridu soo kor joogsatay waxaa usoo galay Nabiga (scw) isagoo ay agfadhiyaan Abujahal iyo Cabdullahi Inb Abi Umaya, markaas ayuu Nagigu (scw) yiri, adeer dheh Laa Ilaaha Illallaah oraah aan Alle agtiisa kuugu doodo, markaas ayuu yiri, Abujahal iyo Cabdullahi, Abutalibow ma waxaad nacaysaa diintii Cabdulmudalib? Marka Nabiguna (scw) wuu kusoo celinayey kalimaddiisii labadii gaalna way kusoo celinayeen, ilaa hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlay uu yiri, waxaan ku sugnahay diintii Cabdulmudalib, markaas ayuu Nabigu (scw) inta istaagay yiri, wallee waan kuu danbi dhaaf dalbin inta aan la ii diidin, markaas ayey soo dagtay ((uma habboona Nabiga iyo kuwii Alle rumeeyay inay u danbi dhaaf dalbaan mushrikiinta)) 9:113 waxaa kaloo soo dagtay ((adugu ma hanuunin kartid ciddii aad jeclaatay)) 28:56.

Markii odayga naftu daysay ayuu Nabigu (scw) meesha ka kacay, wax yar kadibna Cali ayaa ka daba yimid oo yiri: Rasuulka Allow adeerkaa odaygii dhunsanaayi waa dhintay, markaas ayuu yiri: tag oo aas aabahaa, halkaas ayuuna ku dambeeyey ninkii odayga ahaa, run ahaantiina uma baahna in la caddeeyo qaymaha uu Abutalib ugu fadhiyey Nabiga (scw) iyo jiritaanka dacwadiisa, sidoo kale heerka uu ka joogay ilaalinta iyo difaacidda Nabiga (scw), wuxuu ahaa dhufayska kaliya ee ay dacwada Islamku kaga gabbato daandaansiga islawaynayaasha iyo dhimmanayaasha, hasayeeshee wuxuu ku adkaystay khuraafaadka diintii uu kasoo gaaray odayaasha hore, sidaa darteed ma uusan liibaanin si buuxda, waxaana Bukhaari ku taal in Alcabbaas uu Nabiga (scw) waydiiyay: maxaad u tartay adeerkaa, wuu ku difaaci jiray oo adiga dartaa u caroon jiraye? Nabiguna (scw) wuxuu yiri: wuxuu ku jiraa meel sagxad ah oo naarta kamida haddii aanan anigu jiri lahaynna wuxuu ku jiri lahaa gunta hoose ee Naarta, sidoo kale wuxuu Nabigu (scw) yiri: waxaa laga yaabaa in shafaacadaydu gaarto oo la galiyo sagxad Naarta ah oo cag caddada gaarsiisan.

Xadiith ay culumada taariikhdu kusoo arooriyeen kutubahooda wuxuu Nabigu (scw) yiri, Qureyshi ima gaarsiin wax wayn oo aan dhibsado ilaa uu Abutalib dhintay, sidoo kale Muxamed Ibn Siiriin wuxuu yiri: markii Abutalib geeridu soo kor joogsatay ayuu Nabiga (scw) u yeeray oo ku yiri: adeer haddii aan dhinto dhex tag reer abtigaa Baninajaar –reer madiino—cid martidooda ka difaaci ogi ma jirtee, waxaa kaloo Abutalib laga wariyey inuu yiri: anigoo maalin la socda wiilka aan adeerka u ahay –Nabiga scw—suuqa dilmajaaz ayaan harraaday, markaas ayaan uga dacwooday, ciribtiisa ayuu dhulka ku dhuftay, markaas ayaa biyo saafi ahi kasoo burqadeen, qisadaani waxay muujinaysaa in Abutalib u raaci jiray Nabiga (scw) suuqyada markii uu u boxo si uu u ilaaliyo.

Sayidadda Khadiija Oo Xagga Alle Aadday

Kadib dhimashadii Abutalib labo bilood ama saddex bilood amase seddex cisho –sida akhbaaruhu isu khilaafeen—waxaa la oofsaday Ummul mu’miniin Khadiija Alkubraa meel roon Alle ha geeyee, waxayna geerideedu dhacday bisha Ramadaan sannadka tobnaad ee taariikhda nabinnimada, xilligaas oo cimrigeedu yahay lixdan iyo shan jir, halka Nabiguna (scw) konton jirsaday.

Khadiija waxay dhalatay sannadka lixdan iyo siddeedaad ee hijrada kahor, waxayna ku kortay guri madaxeed oo sharfan, sidaa darteed waxay ku sifowday akhlaaqda wanaagsan waxayna u dhalatay caqli badni iyo karti go’aan qaadasho, hadaba sifooyinkaani waa kuwii ugu sabab noqday inay noqoto shakhsiyad sumcad wayn oo laga haybaysto ilaa reer tolkeed ku magacaabi jjreen islaamnimada kahor Daahira, sharafteeda iyo dhawrsanaanteeda awgeed, waxaana Nabiga (scw) hortiis guursaday nin lagu magacaabo Abihaala, waxaana markii ay dhimatay lagu aasay meel lagu magacaabo Xajuun oo hadda gudaha Makko ku jirta.

Sida la ogsoon yahay Khadiija waxay ahayd nicmo wayn oo Alle u galay Nabigiisa (scw), waxayna la noolayd labaatan iyo shan sano ayadoo dajinaysa xilliga uu kacsan yahay, u hiillinaysa xilliga la gardarraysto, ugu kaalmaynaysa gudashada xilka wayn ee Alle saaray, la dhex muquuraysa halganka qaraar ee uu ku jiro, la garab taagan nafteeda iyo maalkeeda ladaba, waxayna ahayd sida uu Ibn Isxaaq ku sifeeyey wasiir ama lataliye daacadnimo qalbiga ugu haya, sidaa darteed ayuu Nabigu (scw) ka yiri: way I rumaysay markii dadku igu gaaloobay, I aamintay markii dadku I beeniyey, waxayna ila qaybsatay maalkeeda markii dadku I qadiyeen, Allana wuxuu igaga irsaaqay caruur cid kale waa iiga diiday.

Waxaa labada kitaab ee saxiixa ah kusoo arooray in, Jibriil (cs) uu Nabiga (scw) u yimid oo uu yiri: Rasuulka Allow Khadiijo waatanaa soo socota, waxayna siddaa weel iidaan ku jiro ama cunno amase cabbitaan, markay hadaba kuu timaado ku dul akhri salaan Alle uga timid, uguna bishaaree guri Jannada ku yaal ka samaysan xabbad luul ah oo gudaha laga qoray gudihiisana aan qalyo iyo daal midna oollin, dacal kale wuxuu kordhinayaa inuu Jibriil yiri: annigana iga gaarsii salaanta.

Waxaana hubaal ah in Nabigu (scw) jeclaa oo ay qalbigiisa meel khaas ah uga xirantay ilaa Caa'isho ay tiri: marna kama uusan daali jirin inuu ammaano Khadiija, waligayna kama aanan masayrin haweenay la ila qabo inta aan Khadiijo ka masayray, waxaana un la iguursaday dhimashadeedii saddex sano kadib ammaanta darteed, ilaa aan maalin inta masayr iqaaday aan iri maxaad ka sheegaysaa haweenayda duqda ah oo Alle mid ka fiican kuugu baddalay, markaas ayuu Nabigu (scw) carooday ilaa aan ka shallaayey, aanna go’aansaday inaanan waligay xumaan ku sheegin.

Muragadii iyo dhibkii oo cirka isku shareeray

Labadaan dhacdo oo xanuunka badan ayaa isku xigsaday maalmo yar un gudahood, markaas ayey dareenka murugada iyo qalbi gariirku ku waynaatay qalbiga Nabiga Alle (scw), kadibna kama uusan dhex bixin in masiibooyinku si isdaba joog ah ugaga imaanayaan reer tolkiis, kadib markii geeridii ku timid Abutalib ayey ku dhiirradeen, waxayna bannaanka soo dhigeen xumaato iyo cadownimo aan waxba la iskula harin, taasoo keentay inuu Nabigu (scw) reer Makko khayr kala quustay, islamrkaana uu xagga Daa'if u cararay, isagoo rajo ka qaba inay dacwadiisa aqbalaan ama u gargaaraan amase uga hiilliyaan reer Makko, hasayeeshee kalama uusan kulmin cid u hiillisa iyo cid soo dhawaysa midna, wayba uga dareen ilaa ay gaarsiiyeen wax uusan waligiis Makko kala kulmin sida aan arki doonno –insha Allah—.

Dhinaca kale sida ay Nabiga (scw) shiddadu ugu korortay ayey saxaabadiisana shiddayntu ugu korortay, ilaa Abuubakar –ninka odayga ah ee sumcadda waynaa saaxiibka khaaska ah ee Nabigana ahaa—ay duruuftu ku kalliftay inuu Makko isaga higroodo, ilaa uu gaaray meesha loo yaqaan Barkal Qamaad, isagoo u jeeda dhulka Xabashida, halkaasna uu kaga horyimid nin lagu magacaabo Ibn Dughna uuna soo celiyey kadib markii uu magan galyadiisa ugu ballanqaaday.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri: markii Abutalib dhintay ayey Qureyshi gaarsiisay Rasuulka (scw) wax aysan waligeed damcin noloshii Abutalib, ilaa uu qaballuus wax iskuma fale ahi xantoobo ciid ah ku sayriyey madaxiisa sharafta leh, markaas uu gurigiisa soo galay isagoo ciiddii madaxiisa ku rassaysan tahay, markaas mid gabdhihiisa ka mid ahi ay madaxa u dhaqaysay ayadoo ooyeysa, Rasuulka Allana (cw) wuxuu ku leeyahay ha ooyin gabadhaydooy, Alle ayaa aabahaa difaacayee, markaas ayuu wuxuu leeyahay Qureyshi wax aan dhibsado ima yeelin ilaa uu Abutalib dhintay.

Hadaba dhibaatooyinkaan xanuunka badan ee isku xigsday dartood ayuu Rasuulku (scw) sannadkaan tobnaad ku magacaabay “sannadkii murugada” magacaanina waa magaca sannadkaani ku caanbaxay qaamuusyada taariikhda dhexdooda.

Guurkii Sowda Alle Haka Raalli Noqdee

Bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada ayuu Nabigu (scw) guursaday Sowda Bint Zumca, waxayna ahayd gabdhihii hore u islaamay, hijradii labaad ayeyna u hijrootay dhulka Xabashida, halkaas oo ninkeedii oo lagu magacaabi jiray Sakraan Ibn Camar kana mid ahaa  isaga laftiisu muslimiintii hijrooday uu ku dhintay, waxaa kaloo layiri markii laga soo laabtay ayuu Makko ku dhintay, markii hadaba ay cuddadeedii dhamaysatay ayuu Nabigu (scw) doonay

Dhacdadaan isku xirkeeda waxaa ka shaqeeyey gabadha muslimadda ah ee lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim, gabadhaas oo markii Khadiijo dhimatay Rasuulka (scw) u tagtay oo tiri: Rasuulka Allow miyaannaan kuu guurinayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: oo yaad ii guurinaysaa, markaasay tiri: haddaad rabtana gabar yar, haddaad rabtana garoob, markaas ayuu yiri: waa tuma gabadhu waase tee garoobku, markaasay tiri: haddaad gabar doonayso waa Caa'isho inanta uu dhalay dadka ninka aad ugu jeceshahay, haddaad garoob doonaysana waa Sowda Bint Zumca, marka Khowla waxay u tagtay odayga gabadhaan dhalay oo ah nin wayn oo hawlgab ah, markaas ayey salaan kadib tiri: Muxamed Ibn Cabdillahi ayaa gabadhaada hadalhaya, markaas ayuu yiri: nin sharaf badan oo u qalma iyadu maxay tiri, markaasay Khowlo tiri: way rabtaa markaasay ayuu yiri: ha iiyimaado.

Marka Nabiga (scw) oo ay socodkiisa dad ku weheliyaan ayaa yimid, islamarkiibana waa lagu meheriyey gabadha, waxaana ku xigay dhamaystirkii hawsha guurkaan, waxay hadaba Sowdo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Nabigu (scw) guursaday Khadiija kadib, sannado kadibna waxay codsatay in fursaddeedii ay Nabiga (scw) ku lahayd loo hibeeyo Caaisha, waxaa la yaab badan walaalkeed Cabdi Ibn Zumca oo meel ku maqnaa ayaa yimid, markaas ayuu madaxa ciid isaga shubay, markii uu islaamay ayuu yiri: wallaahay maalintaas caaq baan ahaa aan waxba ogayn, marka aan ciidda isugu shubayo in Sowda uu Muxamed guursaday, laakiinse caaq ma uusan ahayne islaam ayuusan maalintaas ahayn, marka waxba ma uusan ogayn.
__________________________________

1: Cutbata Ibn Rabiica Ibn Cabdishamsi Abul waliid, odayga Qureysheed iyo waliba mid kamida mas’uuliyiinteeda waawayn ee xilliga jaahiliga, waxaa lagu sifayn jiray caqli badni, dulqaad iyo ammaan badan, wuxuuna ahaa nin lagu yaqaan codkarnimo hadalkiisu fulo, markii hore wuxuu ku koray agoonnimo uu soo korsaday Xarbi Ibn Ummaya, markii ugu horreysay ee magaciisa la maqlay waxay ahayd markii uu kala dhex galay labada qabiilo ee Hawaasin iyo Kinaana oo uu dhex maray dagaal loo yaqaan dagaalkii fusaaqda, halkaas oo uu soo jeediyay xallin labadii dhinacba ku qanceen, dagaalkiina sababtiisa ku istaagay, sidaa darteed waxaa la oran jiray ma jirin nin xilliga jaahiliga madaxnimo iyo magac wayni ku sifoobay isagoo faqiir ah marka laga reebo Abutalib Ibn Cabdulmudalib iyo Cutba Ibn Rabiica, iyagu hanti la’aan ayey magac waynaadeen.

Ayaan darrise Cutba islaamka ayuu soo gaaray markaas ayuu islawaynaaday oo xadkiisa dhaafay, wuxuuna ka qayb galay dagaalkii Badar isagoo mushrikiinta lasocda, waxaana la sheegay inuu ahaa nin muruqyo waawayn oo baaxad wayn, ilaa markii dagaalku bilaaban rabay loo waayey koofiyad dagaal oo madaxiisa leeg, markaas go’ loogu duubay, dagaalkaan oo uu wacdaro ka muujiyay wuxuu hoggaaminayay koox bilowgii horaba hore colka isaga soo soocay isaga iyo labo qoyskiisa ah, halkaas oo uu dhex ugu dhacay Caliyi Ibn Abitalib iyo Xamza Ibn Cabdilmudalib islamarkiina ka takhaluseen, sannadka labaad ee Hijriga oo ku beegan sannadka 624 Ciise dabadi.

Isha Sawirada:
http://abdulrashid.net/html/quran.asp
http://en.wikipedia.org/wiki/Makka
http://www.google.com/

Talo bixin ku aadan qoraalkan u dir qoraaga oo emailka hoos ku qoran:::

Daabacaad: SomaliTalk.com |December 29, 2004

QAYBTA 8aad QAYBTA 10aad      


URL: www.SomaliTalk.com/taariikh

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 
 



HTML CD