Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 8aad:::
Qaybtani waxa ay ka kooban tahay:
»Hijradii
Koowaad Ee Dhulka Xabashida
»Hijradii
Labaad Ee Dhulka Xabashida
»Fiiro
Gaar ah Boqorka Najaashi
»Qureysh
Oo Dhagar U Maleegaysa Muslimiintii Xabashida U Hijrooday
»Qureysh
Oo Abutalib Haddadaysa
»Qureysh
Oo Markale Abutalib Hor Taagan
»Islawaynayaasha
Gaalada oo ay ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw)
»Islaamiddii
Xamze Alle Haka Raalli Noqdee
»Islaamiddii
Cumar Ibn Khataab Alla Haka Raalli Noqdee
Hijradii Koowaad Ee Dhulka
Xabashida
Hijradii Koowaad ee Muslimiinta: Makko ilaa dhulka
Xabashida: Taariikh:
bisha rajab ee sannadkii shanaad ee nabinimada
(oo ku beegnayd 615 miilaadiga):
Khariidada:
www.lib.utexas.edu
|
Sidii go’aankii jirdilka iyo cadaadinta loo hirgliyey
bartamihii ama dhamaadkii sannadkii afraad ee nabinimada, nolosha Makko waa
kusii adkaanaysay dadka muslimiinta ah maalinba maalinta ka dambaysa,
inkastoo jirdilkaani uu si dabacsan ku bilowday markii hore, hadana mar
walba xaaladdu waa kasii daraysay, carada iyo nacaybka gaalada ka imaanaysay
cirka ayuu isku shareeray oo heerkii ugu sarreeyey ayuu gaaray, duruufihii
ayaa sii qallafsanaaday, Makko waxay la mid noqotay xabsi wayn oo
muslimiinta lagu silicdilyeeyo, ilaa sannadkii shanaad ee nabinimada ay
suuroobi wayday sii joogista Makka, islamarkaana laga fursan waayay bal in
muslimiintu raadiyaan xeelad ay cadaabkaan uga badbaadi karaan, xilligaan
qallafsan ee mugdiga ah ayaa waxaa soo dagay suuratul Kahfi, ayadoo sidda
jawaabo laga bixiyay su’aalo ay mushrikiintu Nabiga (scw) hore ugu soo
jeediyeen, su’aalahaan oo ay ayagoo Nabiga (scw) xujeeya isleh yuhuudda ka
codsadeen inay su’aalo adag u diyaariyaan, sidoo kale ayadoo suuraddu
xambaarsan sadex qiso.
Qisooyinkaan waxaa ku jira tilmaam bixinno xeeldheer oo
ku wajahan addoommada Alle ee Mu’miniinta ah, qisada ugu horreysa ee
asxaabul kahfi waxay si sarbeeban ugu irshaadinaysaa in laga hijroodo rugaha
kufriga udbaha mutay
iyo saldhigyada cadawnimadu ay dagtay, cabsi laga qabo
in diinta lagaa fidmeeyo daraadeed ayadoo la talo saaranayo Alle, ((Mar haddaad ka fogaateen ayaga iyo waxa ay caabudayaan ee Alle kasoo haray, u
dunma –ku urura- godka wuxuu rabbigiin idiin fidinayaa raxmaddiisa wuxuuna
idiin qorshaynayaa arrintiinna raaxo)) 18:16 (1)
Qisada Khadir Iyo
Muuse (cs)
waxay iftiiminaysaa inaan
duruufuhu waligood ku socon kuna mira dhalin kaliya sida daahirkooda ka
muuqata, waxaaba dhici karta inay natiijadu noqoto sida la moodayo
cagsigeeda –sida kasoo horjeeda—waxaa hadaba qisadaan laga dhadhansanayaa
murti qoto dheer oo ah, in colaadda aloosan ee lagu hurinayo muslimiinta
laga xaq daran yahay ay guusheeda ayagu yeelan doonaan, in kuwa kufriga iyo
xad gudubka isku bahaystay ay dulmiga ay gaysteen arramigiisa goosan doonaan,
in kooxdaas tirada iyo tabarta yar ee Muslimiinta ah maalin un Alle ur u
bixin doono ay kaga xaq soortaan ciddii gardarraysatay.
(2)
Qisada dul qarnayn waxay iftiiminaysaa in arladaan
Alle leeyahay uuna isagu dhaxalsiinayo ciddii uu doono oo addoomadiisa ka
mida ee uusan jirin nin isagu gaar u lihi, sidoo kale inay guushu ku jirto
dariiqa iimaanka ee aysan ku jirin dariiqa kufriga, sidoo kale in Alle
markii muddo la joogaba uu dunidiisa u soo dirayo cid u istaagta inay ka
badbaadiso masaakiinta ya’juujka samaankaas jira iyo ma’juujkiisa, sidoo
kale in cidda ugu mudan dhaxalsiinta dhulkaan ay tahay addoomada Alle ee u
hoggaansan Allaha iska leh dunidaan iyo waxa guudkeeda saaran.
(3)
Waxaa kaloo soo dagtay suuradda Zumar, oo ay ku jirto
in dhulka Ilaahay uu waasac yahay oo haddii meel lagugu cariiriyo ay jirto
meel kuu fidsan, ((Waxaa u sugnaaday kuwii wanaagga ku sameeyey dunidaan
wanaag –lagu abaalmariyo—dhulka allana waa waasac, waxaa uun loo oofiyaa
kuwa sabra ajarkooda xisaab la’aan)) 39:10
Waxaana Nabiga (scw) akhbaar kusoo gaartay in boqorka
xabashida Asmaxa Annajaashi uu yahay boqor caadil ah oo aan cidna agtiisa
lagu dulmin, markaas ayuu Muslimiinta ku amray inay u hijroodaan dhulkaas
xabashida, ayagoo diintooda kala cararaya cadaadinta iyo fidmaynta loogu
gaystay Makko.
Hadaba bisha rajab ee sannadka shanaad ee nabinimada
(oo ku beegnayd 615-kii Miilaadiga) ayey hormadii ugu horreysay ee saxaabada
ahi u hijroodeen xabashida, waxayna kooxdaani ka koobnaayeen 12 nin iyo afar
dumar ah, oo uu horkacayo Cuthmaan Ibn Cafaan, oo ay socodka ku weheliso
zawjadiisa sayidadda Ruqaya Bint Rasuulilllah (scw), wuxuuna qoyskaan Nabigu
(scw) ka yiri “labadoodu waa qoyskii ugu horreeyay ee Alle dartiis u
hijrooda intii ka dambaysay Ibraahiim iyo Luud (cs), waxay dadkaani siibteen
ayagoo isku qarinaya mugdiga habaynka –si aan qureysh u ogaan—waxayna u
jeesteen xagga badda furdo yar oo shacbiya lagu magacaabo, waxayna aqdaarta
Alle usoo qoondaysay labo doonyood oo gacansi ah oo ula jillaabtay dhulka
xabashida.
Dhinaca kale Qureysh ayaa warkaani gaaray, islamarkiina
waxaa laga daba diray ciidan raad qaaday, hasayeehee markay xeebtii gaareen
waxay ahayd mar muslimiintii si nabada ku gudbeen, waxayna muslimiintaani ku
joogeen dhulka xabashida nolol wanaagsan iyo darisnimo habboon
Bisha Ramadaan ee isla sannadkaas ayaa waxaa dhacday
in maalin Nabigu (scw) usoo baxay Xaramka, waxaana meeshaas gabranaa cadad
aad u badan oo qureysh ka tirsan, waxaa kaloo meesha fadhiyey tiro ballaaran
oo madaxda iyo saadada qureysheed kamida, fursadaan inuu ka faa’iidaysto
darteed ayuu Nabigu (scw) dhex istaagay, oo si lama filaan ah oo aysan iska
jirin u bilaabay suuradda Annajmi, hadaba sida la ogsoon yahay madaxya
wayntaan kufaartu ma aysan u maqal kalaamka Alle si baraxla’ markaas kahor,
sababtoo ah usluubkooda ay caadaysteen ee ay ku socdeen ee ay iskula
dardaarmeen wuxuu ahaa
((Waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay ha dhagaysannina
qur’aankaan, kuna qayliya –marka la akhrinayo—waxaa laga yaabaa inaad ka
adkaataane)), inaan la maqlin marka la akhrinayo oo lagu buuqo oo la isku
ceebeeyo ninkii lagu ogaado, sidaas ayuu ahaa usluubkoodu, markii uu Nabigu
(scw) si kadis ah ugu bilaabay suuraddaan, oo dhagahooda uu qaraacay kalaam
ilaah oo dareenkooda ka xoog badan, aadna u xeel dheer, quluubtana
jiidanaya, aan af muggii lagu sharaxi karin waynidiisa iyo wadnaha halka uu
kaga dhacayo.
Islamarkiiba waxay hilmaameen hawlahoodii, mid
walibana meeshiisii ayuu ku qalalay isagoo dhagta u raaricinaya, aan
maskaxdiisana wax kale kusoo dhici karin, markii uu akhriyay dhamaadka
suuraddaan aayado qalbiga garaacaya oo wadnuhu dhagaysigooda la duulo ayuu
ku sujuuday qawlka Alle ee ((U sujuuda Alle –dadoow—oo caabuda)) kadibna
waa sujuuday, gaaladii midwaliba isagoo aan is ogayn ayuu naftiisa inta
hanan waayay sujuud la dhacay, sida xaqiiqada ah waxay ahayd quwada xaqa oo
ka tan badatay cinaadkii iyo kufrigii daboolay nafahooda islawaynida iyo
dhayalsigu ka buuxsamay, ismaysan celin inay sujuud ula daateen Allihii
mudnaa in loo sujuudo, waxayna taasi ahayd arrin la yaab badan oo ku
tusinaysa xeeldheerida qur’aanka mucjisada ah.
Markiise ay ogaadeen waxa ay ku dheceen, ay dareemeen
in quwada kalaamka Alle ay leexisay hoggaankooda, ay ku barriiqdeen wixii ay
awoodooda oo dhan u hureen la dagaalankiisa amase tirtiriddiisa, markaas
ayaa talo farahooda ka haadday, canaan, hiifid iyo haaraam ayaa dhinac walba
kaga yimid, nin walba oo meesha ka maqnaa oo mushrikiinta kamida ayaa kii
joogay ku ceebeeyay, markii hadaba caydaan iyo dacaayadaani haraysay ayey
fakareen bal xeelad lagaga fakan karo, markii arrinta la falanqeeyay
islamarkiiba waxaa usoo baxday in Nabiga sharafta leh (scw) lagu been
abuurto, oo lagu muddoco inuu raac siiyey kalimad uu sanabadooda ku
xushmaynayo, “taasina waa qaraaniiqdii sarreysay shafaacadoodana waa la
rajaynayaa” beentaas foosha xun oo cad ayey dajiyeen oo buunbuuniyeen, si ay
ugaga cudurdaartaan sujuuddii ay Nabiga (scw) la sameeyeen, maxaase taas
loogula yaabi karaa qoom caadaystay dajinta iyo tixidda been abuurka, ku
xeeldheer isku dirka iyo hagardaamada.
Warkii dhacdadaan islamarkiiba waxaa loo tabiyay
muslimiintii dhulka xabashida u hijrooday, hasayeeshee si gabi ahaanba ka
gadisan suuraddiisa dhabta ah, waxaa gaarey in Qureyshi islaamtay oo Nabiga
(scw) rumeeyeen, markii hadaba warkaan loo tabiyey ayey usoo laabteen xagga
Makko bisha shawaal gudaheeda isla sannadkaas, markayse soo gaareen meel
Makko u jirta galin socod ayey u caddaatay xaqiiqada dhacdadaani siday
ahayd, qaarkood waxay isaga noqdeen dhulkii xabashida, intooda kalana Makko
ayey kusoo galeen dhuumasho amase hoos galid qof reer Makko ah
magangalyadiis.
Hijradii Labaad Ee Dhulka Xabashida
Muddadii muslimiintaas hijrootay ay maqnaayeen
duruufaha Makko ka jira guud ahaan waa kasii dareen, cadaadiskii iyo
jirdilkii muslimiinta loo gaysanayay ayaa sii laba jibaarmay, waxaana reer
Makko usii dheeraa dareen caro leh oo ka dhashay inay muslimiintii heleen
meel aamin ah oo ay gacantooda kaga fakadeen, sidoo kale waxay kasii
gubanayeen wararka laga sheegay boqorka Najaashi ee sheegaya darisnimada
wanaagsan ee uu muslimiinta siiyey, sidaa darteed ciqaabkii iyo balaayadii
ayaa meel xun gaaray, qof walba qaraabadiisii ayaa gacan xadiid ah ku
qabatay, markii xaaladdu heerkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u muuqatay
inaan laga fursan karin inuu mar kale saxaabadiisa usoo jeediyo inay u
hijroodaan dhulkii xabashida, sidaas ayaana la isla gartay.
Hadaba hijradaani aad ayey tii hore uga shido badnayd,
markii muslimiintu diyaar garoobeen waxaa ogaaday gaaladii reer Makko,
waxayna u istaageen inay xoog ku fashiliyaan, hasayeeshee muslimiinta ayaa
ka hormaray sidii ay moodayeen, safarkiina xagga Alle ayaa looga fududeeyay,
waxay ka cid galeen dhulkii xabashida intii aysan mushrikiintu soo gaarin.
Markaan hadaba tirada dadka hijrooday way ka badnayd
markii hore, ragga waxaa hijrooday sadex iyo siddeetan nin marka lagu tiriyo
Cammaar oo la isku khilaafo inuu la hijrooday, dumarkana siddeed iyo toban
ama sagaal iyo toban tirada hore waxaa qaba kuna adkaystay taariikh yahanka
wayn ee Maxamed Sulayman Almansurifowri.
Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa
Muslimiintii Xabashida U Hijrooday
Waxaa Qureysh ku cuslaatay in muslimiintii heleen meel
nabaadiino ah oo ay kula dhuuntaan naftooda iyo diintoodaba, waxay hadaba
iska dhex doorteen labo nin oo lagu doortay karti iyo caqli badni inay u
matalaan wafdi sidii heer qaran loo agaasimay, waxayna kala yihiin: Camar
Ibn Caas, iyo Cabdullahi Ibn Abirabiica –waa intaanay islaamine—waxayna la
direen hadiyado qaali ah oo loo qorsheeyay boqorka Najaashi iyo
wasiirradiisa ku hareeraysan.
Markii labadaan nin gaareen dhulka boqortooyada
xabashida waxay khiddadooda ka bilaabeen inay hadiyadahaas u gudbiyaan
madaxda iyo wasiirrada kahor intaysan la kulmin boqorka, sidoo kale inay ku
qanciyaan madaxdaas inay lagama maarmaan tahay celinta dadka muslimiinta ah,
islamarkaana waxay ku xoojiyeen xujooyin loo adeegsan doono boqorka si looga
dhaadhiciyo inaan laga fursan karin celinta muslimiintaas, waxay hadaba
labadaan nin iyo wasiirradu ku heshiiyeen in qaddiyadda la horgeeyo boqorka
Najaashi, in arrinta soo gudbinteeda ay labadoodu soo bandhigaan, in
wasiirraduna ay markaas hadalkooda ku ayidaan.
Xilligii qaddiyaddaan dhagaysigeeda loo qorsheeyey
markii la gaaray, ayaa labadaan nin la soo joojiyey boqorka Najaashi
hortiisa, una soo gudbiyeen hadiyado qaali ah, qadarin awgeedna sujuud ula
dheceen, waxaana laga codsaday inay sharraxaan ujeeddadooda, sidaan ayeyna
ku bilaabeen.
Boqoroow waxaa dhulkaagaan usoo dhuuntay dhallinyaro
garaad laawayaal ah oo ka baxay diintii bulshadooda, diintaadana aan galin,
ee la yimid diin ay ayagu dagsadeen oo aan la garanayn annaga iyo adiga
midkeenna, waxaanna noo soo kaa diray waxgaradkii iyo ehlu sharafkii tolkood
ee aabayaashood, adeeradood iyo qaraabadoodii si aad dib ugu soo celisid,
ayagaa cidkasta uga ogaal roon, ayagaana yaqaan dhalliisha ay ku ceebeeyeen
ama ku canaanteene, markaas wasiirradii ayaa ayaguna isu jiibiyey “waa
runtood boqoroow” ayaga u gacangali, dadkoodii iyo dhulkoodii ha u
celiyaane.
Boqorka Najaashi isaga waxaa u muuqatay in loo baahan
yahay in arrintaan laga sal gaaro, si taas loo hubiyana in dhinacyadeeda oo
dhan la dhagaysto, markaas ayuu amray in muslimiintii loo cid diro, ayagiina
waxaa la horkeenay boqorka.
Muslimiintu dhinacooda aad ayey u walwaleen, oo waxay
arkeen Qureysh oo markale nolosha u qoonsanaysa, markayse arrintaan
falanqeeyeen waxay isku afgarteen inay runta sheegaan si kasta oo duruuftu u
qaraaraato, sidoo kale inuu goobta uga hadlo Jacfar Ibn Abitalib, markii ay
xadrada boqorka soo galeen ayaa lagu amray inay boqorka u sujuudaan!! Jacfar
ayaa yiri, annagu waxaanu nahay qolo aan u sujuudin Allaha wayn ee sarreeya
cid aan ahayn!!.
Boqorkii Najaashi ayaa yiri “maxay tahay diintaan cusub
ee aad kaga baxdeen diintii bulshadiinna aydaan taydana kusoo galin ama
diimaha dunidaan laga yaqaan midna?.
Afhayeenkii muslimiinta Jacfar Ibn Abitalib ayaa wuxuu
yiri, “boqoroow waxaannu ahayn ummad jaahil ah, sanabada ayaannu caabudi
jirnay bakhtigana waanu cuni jirnay, fuxshi kasta oo xun ayaan samayn jirnay
qaraabadana waanu goyn jirnay, masaakiinta iyo dumarka ayaan qafaallan
jirnay kaayaga xoogga lihina kan liita ayuu cuni jiray, xaaladdaas ayaan ku
sugnayn, ilaa Alle noosoo diray Rasuul annaga naga mid ah oo aannu naqaan
runtiisa, ammaanadiisa iyo dhawrsanaantiisa, wuxuu marka noogu yeeray Alle
inaan kaliyeello oo caabudno, inaan ka fogaanno wixii aan annaga iyo
aabayaasho caabudi jirnay ee Alle kasoo haray ee dhagaxaanta iyo geedaha la
qoray ahaa, wuxuu kaloo nagu amray runta, gudashada ammaanada, xariirinta
ehelka, darisnimo wannaagga, ka istaagidda dhaca xaraamta iyo dhiigga dadka,
ka fogaanshaha fuxshiga samayntiisa iyo hadalka beenta ah, cunidda xoolaha
agoonta iyo ku been abuurashada gabdhaha dhowrsoon, wuxuuna nagu amray inaan
caabudno Alle kaligii, cidna aannaan la wadaajin, wuxuu kaloo nagu amray
salaadda, bixinta Zakada iyo soonka –wuxuu Jacfar tiriyay umuuraha
Islamka—marka waan rumaynay, waanuna aamminnay, waana raacnay wixii uu noola
yimid ee diinta Alle kamida, marka Alle kaliya ayaanu caabudnay, cidnana
lama aannaan wadaajin, waxaan xalaalaysannay wixii uu noo banneeyay,
waxaanuna ka fogaanay wixii uu naga reebay, hadaba qoomkayagii ayaa nagula
colloobay –oo nagu soo booday—way na jirdileen, noloshayna nagu cadaabeen,
waxayna naga fidmeeyeen diintayadii si ay noogu celiyaan cibaadadii
sanabada, iyo inaan bannaysanno wixii aan xalaalaysan jirnay ee qurunka
ahaa, markii ay na dhibeen ee na dulmiyeen ee noloshii nagu cariiryeen oo ay
diintayadii naga horjoogsadeen, ayaan dhulkaagaan usoo cararnay, waxaanuna
kaa door bidnay dunida inteedii kale, waxaanna jeclaysannay darisnimadaada,
annagoo rajaynayna inaan agtaada nalagu dulmin karin boqoryohow.
Boqorkii ayaa wuxuu yiri, hadda waxba ma ka waddaa
wixii uu Alle xaggiisa kala yimid? Jacfar wuxuu yiri, haa!! Najaashi marka
wuxuu yiri, igu dul akhri, markaas ayuu ku dul akhriyay gabalka hore ee
suuradda
Maryam, ((KHYCS)), boqorkii Najaashi ayaa wallaahay ooyey ilaa uu
garkiisa ilmo ku qooyey, waxaa kaloo ooyey, culumadiisii diinta ilaa ay
kutubtii ilmo ku qooyeen markii ay maqleen kalaamkii Alle ee uu Jacfar ku
dul akhriray, markaas ayuu Najaashi yiri: waxaan aad akhrideen iyo wixii
ciise (cs) la yimid hal il ah ayey kasoo wada bexeen, iga hor dhaqaaqa
–Camar iyo saaxiibkiis—wallaahay inaanan waligay idiin dhiibayn aydaanna
hunguri ka qabine, markaasay bexeen.
Markii ay bexeen ayuu Camar Ibn Caas saaxiibkiis
Cabdullahi ku yiri, wallaahay kaarto ayaan u dagsanayaa barrito
–muslimiinta—aan ku ciribtiro, Cabdullahi ayaa yiri, war waxaas ha samayn
dadkaani waa qaraabadeennii inkastoo ay na khilaafeene, Camarse aragtidiisii
waa ku adkaystay.
Subixii ayey codsadeen markale in boqorka la horgeeyo,
markii la hor keenay ayuu yiri, boqoroow!! Waxay ciise ka leeyihiin hadal
wayn –aad u xun—oo aan afka lasoo marin karin, markaas ayuu boqorkii markale
u cid diray muslimiinta si uu arrintaan u waydiiyo, markaas ayey argagaxeen,
laakiinse waxay isku afgarteen inay runta sheegaan cidkasta hanoqotee,
markii lasoo galiyey oo la waydiiyey maxaad Ciise masiix ka leedihiin, ayuu
Jacfar yiri, waxaan un ka leenahay wixii Nabigayagu (scw) ka yiri: waa
addoonkii Alle, Rasuulkiisii, ruuxdii iyo kalimaddii uu ku tuuray Maryam
bikaaradii dhawrsoonayd.
Najaashi saxar qallalan ayuu dhulka ka qaaday, markaas
ayuu yiri, wallaahay Ciise inuusan dhaafsiisnayn waxa aad tiri saxarkaas wax
le’eg, madaxdii iyo wasiirradii ayaa sanka huruufay, Markaasuu yiri, xataa
haddaad sanka taagtaan wallaahay.
Markaas ayuu muslimiintii ku yiri, iska laabta waxaad
ku tihiin dhulkayga dushiisa shayuum –shayuumkuna waa ammaan baad tihiin
afka xabashida—ninkii idin caaya waa dambiile, ninkii idin caaya waa
dambiile, ninkii idin caaya waa dambiille!! Ma jecli in la isiiyo dabri
dahab ah oo aan qof idin kamida dhibaateeyo, dabriguna waa buur oo afka
xabashida ah.
Markaas ayuu ku yiri hawl wadeennadiisa, u celiya
hadiyadahooda wax dana kama lihiye, wallaahay inuusan Alle laaluush iga
qaadan markii uu boqortooyadayda ii celiyaye ma anigaa ka qaadanaya, dadkase
taladooda iima qabannine ma anigaa u qabanaya.
Umu salama oo qisadaan marisay waxay tiri, markaas ayey
labadoodii baxeen ayagoo dufaysan oo lagu celiyey hadiyadihii ay
layimaadeen, annaguna waxaan ku nagaannay daar tan u wanaagsan iyo daris
habboon.
Qisadaan dherarkeeda waxaan u marinnay sida uu Ibn
Isxaaq u mariyey, waxaase jira qisada dacalladeeda kale qaar sheegaya in
marka uu Camar Ibn Caas Najaashi la kulmay ay ahayd badar kadib, culuma kale
ayaa waxay sheegeen inay labo goor dhacday, laakiinse habka ay qisada u
sheegeen su’aalaha iyo jawaabaha iyo hadallada Jacfar waa habkii Ibn Isxaaq
sheegay laf ahaantiisii, waxayse qisadu muujinaysaa in ay arrimahaani
dheceen markii ugu horreysay ee ay Najaashi la kulmeen.
Fiiro Gaar ah Boqorka Najaashi
Boqorka Najaashi oo magiciisu yahay Asmaxa, waxaa la
sheegay in aabihiis uu ahaa boqorka xabashida u taliya xilligiisii, kaligiis
ayuu wiilal dhalay, marka saraakiishii xabashida ayaa boqorkaas dilay oo
walaalkiis xukunka u magacaabay, muddo kadib boqorkaasi ayaa dhintay
wiilashiisiina waa laga waayey cid boqortooyadii hanan karta, markaas ayey
taladii Najaashigaan dib ugu soo celiyeen, waana halka uu ka leeyahay Alle
laaluush igama qaadan markii uu boqortooyadayda iisoo celiyay.
Xusuusaha taariikhdiisa laga sheegay waxaa kamid ah
inuu ahaa nin caadil ah, taasina waa tii uu Nabigu (scw) ugu dooray
saxaabadiisa inay xaggiisa u hijroodaan, sidoo kale wuxuu ku islaamay
dacwadii Jacfar gaarsiiyey, inkastoo aan dawladdiisa cid kale oo
mas’uuliyiin sarsare ahi ka islaamin.
Markii Nabigu (scw) uu
waraaqaha u diray boqorrada iyo
madaxda waawayn ee dunida ka jira warqad ayuu u diray Najaashi uu islaamka
ugu yeerayo uuna usii dhiibay Camar Ibn Umaya Addimri, waxaana la sheegay
inuu warqadii Nabiga (scw) wajigiisa saarayay jacayl uu u qabo darteed,
wuxuuna soo diray warqad uu Nabiga (scw) ugu sheegayo inuu Islaamay uuna ku
caddaynayo inuu u hoggaansan yahay talada Nabiga (scw) uuna leeyahay
Rasuulka Allow haddaad jeceshahay inaan kuu imaado waan kuu imaanayaa.
Hadaba ninkaas wanaagsan markii uu dhintay uuna ku
dhintay dhul gaalo oo aysan la joogin cid muslimiin ah oo ku tukata Nabigu
(scw) isagoo waxyi loogu sheegay ayuu amray saxaabadiisa inay isugu soo
baxaan fagaaraha salaadda ciidda si loogu tukado janaazo qof maqan, lamana
sheegin cid kale inuu Nabigu (scw) salaad janaazo qof maqan ku tukaday isaga
mooyee –Alle meel wanaagsan ha geeyo (1).
Fiiro Gaar Ah
In badan oo dadka taariikhda wax ka qora ahi waxay
aaminsan yihiin in Islaamku Soomaaliya kusoo galay sababta hijrooyinkaan
labada ah, sidaa darteed in Soomaaliya ka Islaamnimo horreysay reer Madino,
inkastoo hadaba aragtidaan dad badani qiyaaseen oo ka hadleen hadana maanan
arag cid keentay dhacdooyin taariikheed oo cad oo aan ayagu qiyaas un ahayn,
annigoo aan hadaba arrintaan diidanayn waxaa iimuuqata shaki badan wax keeni
kara sida inaysan jirin wax taariikh ah oo Soomaaliya laga hoyo xilligaas
iyo kahorba, sida masaafada dhul ahaaneed ee u dhaxaysa halka markaas
Xabashida magaalo madaxda u ahady iyo Soomaaliya, sida in ay sugan tahay
dhacdooyin taariikheed oo cad cad oo caddaynaya inay jiraan hijrooyin badan
oo dad carab ahi ay Soomaaliya ku yimaadeen dhinaca badaha iyo xeebaha oo ay
markaa suurowdo in islamnimadu dhinacaas kusoo gaartay Soomaalida, arrintaan
oo aysan halkaani ahayn meeshii lagu faahfaahin lahaa waxaan isku dayi
doonaa –insha Allah—inaan xilligeeda iftiiminno.
Dhinaca kale Qureysh markii ay ku guul darraysatay
dhagartii ay maleegeen, oo ay ku fashilmeen shirqoolkoodii, ayna ogaadeen
inaysan kibirkooda iyo dhaqan xumadooda ku faafin karin xudduuddooda meel
dhaafsan, waxaa ku dhalatay figrad kale oo gurracan aadna u khatar wayn,
waxaa u muuqatay inaan mushkiladaan ku habsatay si looga dabaalan karaa
jirin in Nabiga (scw) dacwadiisa laga joojiyo mooyaane, hadday suuroobi
waydana, gabigiisaba laga takhaluso, hasayeeshee sidee taasi ku suurto
galaysaa ayadoo Abutalib wali ka sokeeyo walina naf iyo maalba ilaaladiisa u
hurayo?!! Waxay taladii ula muuqatay in Abutalib loo tago, farriin kululna
markaan la gaarsiiyo taasina inay tahay waddada kaliya ee markaan u furan(2).
Qureysh Oo Abutalib Haddadaysa
Isimmadii iyo salaaddiintii qureysheed oo aan cidina ka
maqnayn ayaa Abutalib isasoo hor dhoobay, waxaana la yiri, Abutaliboow
waxaad tahay nin odaytinimo, sharaf wayni iyo darajaba dhexdayada ku leh,
waxaanuna mar hore kaa codsannay inaad naga qabato wiilka walaalkaa dhalay,
mana aadan naga qaban, annaguna wallaahay ku dulqaadan mayno foolxumadaan,
cayda aabayaashayo, yasidda cuqaashayada iyo dhalliilidda ilaah yadayada,
maanta inaad wiilkaaga xumaatadiisa naga joojiso ama inaan labadiinaba
idinkula dagaallanno arrintaan, ilaa midkeen rogmado, waxba kama dhexeeyaan.
Cagajuglayntaan iyo digniintaan kululi aad ayey ugu
cuslaatay Abutalib, marka wuxuu u cid diray Rasuulka Alle (scw) oo ku yiri:
adeer tolkaa maanta isagoo aan cidina ka maqnayn ayuu iiyimid, waxayna igula
hadleen erayadaas kulkulul, hadaba inoo tur naftayda iyo naftaadaba, wax
aanan awoodinna dusha ha iisaarin, markaas ayuu Nabigu (scw) u qaatay in
adeerkiis hagraday oo garabkiisa ka baxay uuna hiilkiisa ka daalay, wuxuu
markaa yiri, “adeer wallaahay hadday qorraxda dul saaraan midigtayda
dayaxana dul saaraan bidixdayda inaan arrintaan ka tago –ilaa Alle
guulaysiiyo ama aan ku dul dhinto—inaan ka tagayn” waana ilmeeyey niyad jab
dartiis oo istaagay, markii uu dhaqaaqay ayuu Abutalib yiri soo laabo markuu
soo laabtay, ayuu yiri, adeer sheeg wax allaalle waxaad jeceshahay,
wallaahay inaanan waligay cadow kuu dhiibayn.
Waana gabyey oo yiri,
-
Ilaahii arsaaqoo naflaha uumay baan maraye:
-
Inkastooy illaawe iyo luglow odayo keenaanba:
-
Illinkaaga inayan marin ilaa iilka lay dhiga e:
-
Ilmahayga aniguu yohoo waan awudnahaye:
-
Ehelkiisa anigaa u xiga ood intii la ahe:
-
Amarkaaga fuli abshir adoon aragti liidaynin:
-
Ifka waxa ka jira diin aadaa iila khayr badane:
-
Haddii anan afxumo eersanayn eray la iigasyto:
-
Ama aanan magac eexinayn kama irdhoobeene:
-
Amarkaaga fuli waxaynu nahay uliyo diirkeede:
(4)
Qureysh Oo Markale Abutalib Hor Taagan
Qureysh markii ay arkeen in Rasuulkla Alle (scw)
shaqadiisii ku hawllan yahay, walina uu kusii socdo dacwadiisii, sidoo kale
Abutalib inuu diiday hagrashada Rasuulka Alle (scw) iyo inuu ayaga ka
fogaaday kulana colloobay arrintaan, taasina ay go’aankiisa tahay, waxay
isku dayeen gorgoro rikhiis ah, kala badalasho caqli xun oo lagu qoslo,
waxay soo kaxaysteen Cummaarata Ibn Waliid, markaas ayey ku yiraahdeen
Abutaliboow, inankani waa barbaarka Qureysh u xoog wayn uguna qurux badan,
qaado adigaa iska leh garashadiisa iyo gargaarkiisaba, ka dhigo wiil adigaa
leh, noona gacan gali wiilka walaalkaa dhalay, ee khilaafay diintii
aabayaashaa, kala firdhiyey isku duubnaantii tolkaa, yasay wax garadkoodii,
aannu dillee waa un nin ninkale laguugu baddalaye, markaas ayuu Abutalib
yiri, “wallaahay gorgoradiinaa afxun, ma wiilkiinaad ii dhiibanaysaan si aan
idiinku koriyo, wiilkaygana waan idiin dhiibin si aad u dishaan, waxaas
rikhiiska ahi waa wax aan waligood dhacayne iga hor dhaqaaqa” Mudcim Ibn
Cadiyi Ibn Nowfal Ibn Cabdimanaf ayaa wuxuu yiri, “Abutalibow wallee
odayaashu waa kuu xaqsooreen, waana ku dadaaleen mushkiladaan inay kaa lug
bixiyaan, iimase muuqato inaad waxba ka yeelayso” markaas ayuu Abutalib
yiri, iimaysan xaqsoorin, waxaadse go’aansatay inaad meel xun I dhigto oo
cadowga iila jirsatee, waxaad awooddo samee, islamarkiibana Abutalib wuxuu
mariyey gabay dheer oo uu ku sifeeyey cadaawadda Qureysh kala hortimid iyo
inuusan marna isagoo nool Nabiga (scw) garabkiisa ka baxayn, sidoo kale
marna shisheeyaha u dabcayn.
Hadaba labadaan kulan ee Qureysh la yeelatay Abutalib
qaamuusyada taariikhdu ma sheegin xilliga ay ku beegan yihiin, hasayeeshee
marka si qoto dheer loogu dhabagalo waxaa muuqanaysa inay dheceen
dhexdhexaadka sannadkii lixaad ee nabinimada, sidoo kale in waqti yari un u
dhexeeyey.
Islawaynayaasha Gaalada oo ay
ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw)
Markii Qureysh ku fashilantay kuna guul darraysatay
labadii kulanba, waxay sare usii laalaabeen jirdilkii iyo silicdilyayntii,
heer wixii hore oo dhan kasii xun, waxaase feer soctay dhagar kale oo
qalloocan oo ku dhalatay duqaadda iyo islawaynayaasha, dhagartaas oo
muddadii dambe isasoo taraysay, taasoo ah in ay Nabiga (scw) si qarsoodi ah
u daldalaan, hawgalkaan qarsoodida ahi wuxuu gadaal ka sababay in ay
islaamka soo galeen labo horyaal oo geesiyaasha Makko ee caanbaxay kamida,
kuwaas oo kala Xamza Ibn Cabdilmudalib iyo Cumar Ibnul Khataab.
Intaynaan hadaba u galin sababaha ay ku islaameen aan
dul marro dhagartaas qarsoodida ah sida ay gaaladu isugu dayeen, waxaana
kamida in;
Cutbata Ibn Abillahab uu maalin Nabiga (scw) u yimid,
markaa uu yiri, “Anaa akfuru Binnajmi idaa Hawaa: Wabilladii danaa
fatadallaa: waxaan ku gaaloobay xidigga laalaadsamay: iyo kan dhawaaday soo
hoobtay” markaas ayuu iskutaagay oo qamiiska ka jeexay kadibna wajigiisa
sharafta leh candhuuf ku tufay, inkastoo aan candhuuftu Nabiga (scw)
wajigiisa soo gaarin, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri, “ilaahow ku sallad ey
eydaada kamida” waana la ajiibay habaarkaas Nabiga (scw), run ahaantii Cutba
wuu sadcaalay isagoo ay safarkiisa ku weheliyaan koox ragga oo Qureysh ah,
ilaa ay dageen meel loo yaqaan Zarqaa oo Shaam ku taal, markii habaynkii la
gaaray ayaa libaax ku gaaf wareegay oo gurxamay, markaas ayaa Cutba meel la
galiyo la waayey isagoo leh “Alla hoogaye wallaahay libaaxaasaa I cunaya,
Muxamed ayaa igu habaaray, wallaahay isagoo Makko jooguu idilay annoo Shaam
jooga, islamarkiiba libaaxii inta soo booday oo dadkii oo dhan soo dhaafay
ayuu Cutba madaxa ku dhagay oo labo u kala gooyay.
Sidoo kale Cuqbata Ibn Abimucayd Nabiga (scw) oo salaad
ku jira ayuu qoorta kaga istaagay isagoo sujuudsan, ilaa indhuhu soo duuli
gaareen.
In arrintaan dilka qarsoon ahi ka go’nayd waxaad ku
garan kartaa qisadaan uu Ibn Isxaaq sheegay in Abujahal uu maalin yiri,
“bulshada qureysheedeey, Muxamed waa diiday xumaatada aad u jeeddaan wax aan
ahayn, ceebaynta diintayada, cayda aabayaashayo, yasidda wax garadkayaga iyo
liididda ilaah yadayada, anniguna ilaahbaan ballan kaga qaadaye dhagax aanan
culayskiisa qaadi karin ayaan ula fariisanayaa, markuu sujuudo salaadiisa
ayaan madaxa kaga baraajinayaa, markaas ama I dhiiba ama idifaaca idinkay
idin jirtaa, markaas kadib Bani-Cabdimanaf –lafta Nabiga—waxay samayn karaan
ha sameeyaan” markaas ayey wada yiraahdeen wallaahay inaan waligayo cid kuu
dhiibayn ee fuli ujeedadaada.
Subixii markay ahayd ayuu siduu tilmaamay dhagax wayn
soo xambaartay, oo Nabiga (scw) u fariistay, Nabiguna (scw) sidii uu
caadaystay ayuu soo kallahay oo u istaagay salaad, Qureysh dhinaceeda waa
soo kallahday oo nin waliba booskiisa fariistay, ayagoo sugaya inay
daawadaan falka Abujahal samayn doono, markii Nabigu sujuuday ayuu Abujahal
dhagixiisii xambaartay oo xagga Nabiga (scw) aaday isagoo sida uu sheegay
doonaya inuu madaxa ku burburiyo, markuu usoo dhawaaday, waxaa la arkay
isagoo gadaal gadaal usoo cararaya, midabkiisu isbadalay, argagax foolxuni
ka muuqdo, gacmihiisuna dhagixii ku qallalleen, ilaa uu dhagixii iska
tuuray, raggii qureysheed oo meesha fadhiyey ayaa ku yaacay si ay u
badbaadiyaan ayagoo leh, war maxaa kugu dhacay!! Abal xakamow? Markaas ayuu
yiri, waan istaagay si aan ugu sameeyo wixii aan xalay idiin sheegay,
markaan usoo dhawaaday waxaa sokadiisa igaga soo booday awr baarqab ah, maya
wallaahay inaan madixiisa, dawaaddiisa iyo miciyihiisa waligay baarqab leh
arag, markaas ayuu damcay inuu icuno.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa la iisheegay inuu Nabigu
(scw) yiri, Jibriil buu ahaa (cs) hadduu iisoo dhawaadana waa dafi lahaa,
Abujahal intaa kuma joogine wuxuu sameeyey markaas kadib arrin keentay
islaamidda Xamza oo Nabiga (scw) adeerkiis ah.
Markasta oo dhacdooyinku iska daba yimaadaanba figradda
dilka Nabigu (scw) waa soo kordhaysay ilaa duqaadda agtooda ay noqotay arrin
waqti un ku xiran, khilaafse uusan ka jirin, Cabdullahi Ibn Camar Ibn Caas
wuxuu yiri, maalin ayaan la fariistay ayagoo Kacbada dhinaceeda gabran,
markaas ayey isla soo qaadeen Rasuulka (scw), markaas ayey yiraahdeen,
wallaahay waligayo inaannaan arag inta aan ninkaan u dulqaadannay wax loo
dulqaato, waxaan ugu dulqaadannay foolxumo wayn, goor ay sheekadan hayaan
ayaa waxaa soo muuqday Rasuulka (scw), markaas ayuu dhagaxa madow inta
taabtay soo dul maray isagoo dawaaf ah, markaas ayey hadal aflagaado ah u
qariyeen, Nabiga (scw) wajigiisa caro ayaan ka gartay, mar labaadkii ayuu
soo maray, haddana waa u qariyeen sidoo oo kale, Nabiga (scw) wajigiisa caro
ayaan ka gartay, mar saddexaadkii ayey haddana ku tuureen, markaas ayuu inta
istaagay yiri, ma imaqlaysaan qureysheey, Allaha naftaydu gacantiisa ku
jirtaan ku dhaartaye, waxaan idiinla imid gawrac, oraahdaas Nabiga (scw)
ayaa taabatay oo ku cuslaatay raggii, ilaa ninkasta aad mooday in madixiisa
shimbir saaran tahay, ilaa kii ugu hadal xumaa uu ku maslaxayey hadalka ugu
wanaagsan ee uu oran karo, waxay leeyihiin: Abulqaasimoow raalli ahow iska
bax wallaahay jaahil maadan ahayne.
Makray subixii dambe ahayd ayey haddana meeshii
fariisteen, oo bilaabeen sheekadii Nabiga (scw) islamarkiiba waxaa soo
muuqday Nabiga (scw), markaas ayey hal mara sidii hal nin ah ugu soo
boodeen, oo hareereeyeen, nin kamid ahina kulleetiga ayuu gardaduub u hayaa,
Abuubakar ayaa isku beegaya oo wuxuu leeyahay isagoo ooyaya, ma waxaad ku
dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah? Markaas ayey ka gaddoomeen,
Cabdullahi Ibn Camar wuxuu yiri, taasi waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan
arkay Qureysh ayagoo Nabiga (scw) u gaysanaya.
Bukhaari
wuxuu soo saaray in Curwa Ibn Zubayr uu
Cabdullahi Ibn Camar ku yiri, iisheeg wixii ugu darnaa ee mushrikiintu ay
Nabiga (scw) u gaysteen markaas ayuu yiri, ayadoo Nabigu (scw) salaad ku
jiro Kacbada agteeda ayaa waxaa soo dhaqaaqay Cuqbata Ibn Abimucayd, markaas
ayuu go’iisa qoorta inta u suray ku ceejiyey ceejin aad u xun, makaas ayaa
waxaa yimid Abuubakar oo inta garbaha qabtay gadaal uga riixay Nabiga (scw)
isagoo leh “ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah”
Qisa kale oo Asmaa ay marisay waxaa kusoo arooray in:
nin qaylo dhaan ahi uu Abuubakar u yimid oo yiri, war ka gaar saaxiibkaa,
markaas ayuu Abuubakar orday, isagoo madixiisa –uu shanlaynayey—uu tima
dheer oo laallaada ku leeyahay, wuxuuna leeyahay “ma waxaad ku dilaysaan nin
inuu yiri rabbigay waa Allah” markaas ayey Abuubakar ku mashquuleen oo
Nabiga (scw) ka jeesteen, wuxuu marka soo laabtay isagoo aan timihii dheeraa
hal madixiisa kaga oollin.
Islaamiddii Xamze Alle Haka Raalli Noqdee
Duruufahaan qallafsan, jawigaan daruuraha mugdiga iyo
xaqdarrada ahi hareeyeen ee ay muslimiintu marayaan, ayaa waxaa u iftiimay
dulmanayaasha kaah wayn oo waddada u nuuriyey, kaahaasina waa Islaamiddii
Xamza Ibn Cabdilmudalib, horyaal ka samata bixin kara marxaladda adag ee ay
marayaan, wuxuuna islaamay dhamaadka sannadka lixaad ee nabinimada gaar
ahaan bisha dilxijja ee sannadkaas.
Sababta uu ku islaamayna waxay ahayd, in Abujahal uu
soo maray Rasuulka Alle (scw) oo buurta Safa jooga, markaas ayuu
dhibaateeyay oo daandaansaday, Rasuulkuna (scw) waa aamusan yahay oo la
hadli mayo, markaas ayuu dhagax inta qaatay madaxa ku dhuftay ilaa uu daqar
u gaystay dhiig ka qubtay, markaas ayuu odayaal xarunta Qureysheed ee
Kacbada agteeda ah fadhiya iskala fariistay, dhinaca kale markii uu falkaan
xun ku kacayay waxaa u jeedday gabar addoon u ah Cabdullahi Ibn Judcaan oo
gurigeeda oo Safa ku yaal fadhiday, waxaa gabadhii soo maray Xamza oo ka
yimid ugaarsi oo qaansadiisa jeeniqaarsan, markaas ayey tiri, “war istaag
haddaad arki lahayd waxa Abujahal u gaystay Muxamed, halkaan isagoo fadhiya
ayuu ugu yimid markaasuu caayey oo daqray Muxamedna lama hadlin” waxayna u
sheegtay falkii xumaa ee uu Abujahal kula kacay Nabiga (scw) arrintaan ayuu
aad uga xanaaqay, Xamza isagoo ahaa nin aad looga cabsado oo aano kulul,
wuxuu u qaadan waayey in Abujahal falkaas kula kacay inanka uu adeerka u
yahay Nabiga (scw), marka isagoo aan cidna la hadlayn oo raba mar un in
ishiisu qabato Abujahal ayuu soo orday, markuu Kacbada soo galay ayuu kor
istaagay Abujahal, markaas ayuu qaartii uu sitay madaxa ku dhuftay oo daqar
foolxun u gaystay, oo yiri, maxaad u caynaysaa!! Annigaa diintiisa haysta oo
wuxuu aaminsan yahay aaminsane haddaad awooddo kaalay anniga iga saar waa
adiga dabada xume!!.
Markaas waxaa istaagay niman u dhashay Bani-makhzum
–lafta Abujahal—si ay ugu hiilliyaan Abujahal, dhinaca kalana waxaa istaagay
rag Bani-haashim ah, markaas labadii dhinac waa isu dhaarteen, Abujahal ayaa
marka yiri, war Abucummaara –Xamza—faraha ka qaada, annigaa wiilka uu
adeerka u yahay caayeye, islaamidda Xamza hadaba markii hore waxay ahayd nin
ciil qaaday oo ka dhiidhiyey in dadkiisa la bahdilo, markuuse Nabiga (scw)
la kulmay ayaa Alle qalbigiisa khayrka u qurxiyey, oo uu xarigga Alle si
fiican u qabsaday, wuxuuna soo kordhiyey in muslimiintu awood ka
kororsadeen, sidoo kale in Qureysh ogaatay in Xamza islaamay oo Nabiga (scw)
difaaci doono sidaa darteed sharkoodii qaar ayey dib u joojiyeen.
Islaamiddii Cumar Ibn Khataab
Alla Haka Raalli Noqdee
Duruufahaan qallafsan ee gurracan, jawigaan daruuraha
mugdiga iyo xaqdarrada ahi dabooleen, waxaa markale iftiimay kaah kale oo
kii hore ka iftiin badan oo dulmanayaasha wadada u nuuriyey, kaahaasina waa
islaamidda Cumar Ibn Khataab, geesi horyaal ah oo bannaanka laga maray,
wuxuuna islaamay bisha dilxijja sannadka lixaad ee Nabinimada, sadex cisho
kadib islaamidda Xamza.
Islamidda Cumar waxaa ka horreysay in Nabiga sharafta
badani (scw) uu Alle baryey, sida uu Tirmidi wariyey Nabiga (scw) ayaa yiri,
“Ilaahow Islaamka ku xooji labada nin koodii agtaada laga jecel yahay Cumar
Ibn Khataab ama Abujahal Ibn Hishaam” koodii Alle agtiisa laga jeclaa wuxuu
noqday Cumar Ibn Khataab.
Marka si xeeldheer loo fiiriyo sababka Cumar
islaamnimada usoo jiiday, oo la rogrogo dhammaan dacallada dhacdadaan, waxaa
muuqanaysa in islaamnimadu aysan ahayn shay hal mara qalbigiisa galay ee ay
si tartiib ah nafsaddiisa iskaga daba dhalatay, intaynnaan sababka
islaamnimadiisa u galin bal aan dulmarro Cumar noloshiisa iyo dhaqammadiisa
kahor intuusan islaamin.
Cumar wuxuu caan ku ahaa dabeecad adkaan iyo inuu yahay
nin aano kulul, sidaa darteed inbadan ayey muslimiintu hagardaamo iyo shido
kala kulmeen, hasayeeshee waxaa muuqata inay naftiisa ku lagdamayeen figrado
isbaraanbaraya oo iska hor imaanaya, dhinac ixtiraamkiisa wayn ee uu u hayo
dhaqamadii soo jireenka ahaa ee aabe iyo awoowe laga soo gaaray, ku
mabbanaantiisa balwadda sarkhaamidda iyo dheesha uu dadkiisa ka arkay,
dhinaca kalana la yaabiddiisa ku adkaysiga muslimiintu diintooda u haystaan,
u dulqaadashada jirdilka iyo silicdilyaynta loogu hayo caqiidadooda, iyo
shakiga qofkasta oo caqli lihi la qabo in waxa Islaamku u yeerayo ay ka
habboon yihiin kana fiican yihiin waxyaalaha kale ee dadku haystaan, sidaa
darteed markuu wax istusaba waxkalaa uga soko mara.
Marka lasoo koobo sababka islaamiddiisa, Cumar habayn
ayuu gurigiisa ku hoyan waayey arrin ku kalliftay darteed, markaas ayuu soo
raadsaday Nabiga (scw) inuu shiddeeyo darteed, marka xaramka ayuu soo galay
islamarkiiba wuxuu la kulmay Nabiga (scw) oo ku tukanaya daahyada Kacbada
dhexdooda, markaas ayuu Cumar meel dambe istaagay, Nabiguna (scw) wuxuu
markaas bilaabay suuradda Alxaaqa, Cumar wuxuu yiri, markaas ayaan aad ula
yaabay habka qur’aanku u dhisan yahay iyo isku toosnaantiisa, markaas ayaan
iskula hadlay ninkaani waa gabyaa sidii Qureysh u sheegtay, markaas ayuu
akhriyay ((Waa hadalkii Alle –qur’aanku—ee uu usoo dhiibay rasuul sharaf
badan: Mana ahan hadal gabyaa intaad rumaynaysaan baa yare)) Saanne waa
kaahin –xidiga sheeg—markaasuu akhriyay ((Kaahin hadalkiisna maahan in yar
baad farakaysaane: waa mid laga soo dajiyey Rabbigii dunida lahaa
–xaggiisa)) ilaa suuradda dhamaadkeeda, wuxuu yiri, markaas ayaa Islaamku
qalbigayga ku dhacay.
Taasi waxay ahayd dhibicdii ugu horreysay ee qalbigiisa
Islaam ku dhasho, inkastoose naftiisa dareenkaani ku dhashay, hadana waxaa
jiidanayay oo ka xoog badnaa qolofta qalbigiisa ku dahaarantay ee qadarinta
dhaqamada jaahiliga ah, ku xirnaanta tolka iyo taladiisa iyo waynaynta
diintii aabayaasha, arrimahaan oo ka tanbatay dhadhansiga xaqiiqada ee
qalbigiisu meel fog oo gudihiisa ah ka urinayo, sidaa darteed wuxuu aad ugu
hawllannaa la dagaalanka diintaan cusub (Islaamka), isagoo aan u dangalayn
waxyaalaha naftiisu iskula hadlayso.
Maalin ayuu hadaba go’aansaday inuu Islaamka cirib
tiro, si uu u ciribtirana wuxuu ka bilow isyiri geesinimo iyo indha adayg
awgiis dilka Nabiga (scw), isagoo arrintaan darteed u socda ayaa waxaa ka
hor yimid nin lagu magacaabo Nucaym Ibn Cabdillah Annuxaam amase nin
Banizuhra ama Bani makhzum midkood ah, markaas ayuu yiri, xaggee u socotaa
Cumarow? Markaasuu yiri, waxaan doonayaa inaan Muxamed dilo! Suuye, oo sidee
uga badbaadaysaa Bani-haashim iyo Bani-Zuhra adigoo Muxamed dilay?
Markaasuuye Cumar, waxaad iila muuqataa nin gaaloobay oo diintiisii ka
tagay, ninkii ayaa yiri, Cumarow haddaad wax dilayso wax kaaga yaab badan
ayaan ku tusayaaye, walaashaa iyo seeddigaa labaduba waa gaaloobeen oo waa
ka tageen diintaada aad haysato.
Markaas ayuu Cumar inta go’aankiisii baddalay soo aaday
guriga seeddigiis –siciid Ibn Zayd –isagoo ciil la karaya ilaa uu guriga
kusoo dhawaa, waxaa markaas ayaga la jooga Khabaab Ibnul Arath, oo sita
warqad ay ku taal suuradda (Daha) oo uu uga akhrinayo –markastana wuu kusoo
noqon jiray si uu qur’aanka ugu akhriyo—markuu khabaab sharqanta Cumar
maqlay ayuu guriga meel kaga dhuuntay, Faatimana –cumar walaashiis—waxay
qarisay saxiifaddii, Cumarna wuu maqlay markuu guriga kusoo dhawaa codka
Khabaab ee uu qur’aanka u akhrinayo, markuu usoo galay ayuu yiri, waa maxay
nuhnuhda aan agtiinna ka maqlayo, markaasay yiraahdeen, wax aan sheeko aan
dhexdayada haysanney ahayn ma jiraan, markaasuu yiri, armaad gaalowdeen,
markaasay walaashiis tiri, Cumarow ka waran haddii xaqu uusan diintaada ku
jirin? Markaas ayuu seeddigiis kusoo booday oo inta dhulka ku riday si xun
ugu istaagay, gabadhii ayaa inta soo orodday ka riixday ninkeeda, markaas
ayuu dharbaaxo xoog badan ku dhuftay oo wajigeeda dhiig ka hayraamay, Ibn
Isxaaq wuxuu sheegay inuu daqar ku dhuftay, marka gabadhii oo caraysan ayaa
ku qaylisay “maxaad samaynaysaa Cumarow haddii xaqu uusan diintaada ku
jirin, Ash-hadu Allaa Ilaaha Illallahu, Wa Ash-hadu Anna Muxamedda
Rasuulullah.
Markii uu Cumar ka quustay, uuna arkay dhiigga
walaashiis uu ka daadiyey ayuu isku xishooday, wuxuuna yiri, bal iidhiiba
kitaabkaan aad haysaan aan akhriyee, walaashiis Faatima ayaa tiri, waxaad
tahay najaas kitaabkana ma taaban karo cid aan daahir ahayn, ee istaag oo
qubayso, markaas ayuu inta istaagay qubaystay, oo inta kitaabkii soo qaaday
akhriyey, (Bismillahi Raxmani Raxiim) markaasuu yiri, magacyo wanaagsan oo
daahir ah, wuxuu sii akhriyay suuradda (daha) ilaa uu gaarey qowlka Alle ee
((Innanii Annallahu Laa Illaaha Illaa Ana Facbudnii Wa Aqimisalaata
Lidikrii)) Anigu waxaan ahay Allah, Alle kalana ma jiro aniga mooyee ee
Icaabud, salaaddana ku oog xusuustayda, Cumar wuxuu yiri, maxaa ka wanaagsan
hadalkaan oo ka sharaf badan, itusa Muxamed.
Khabaab markuu maqlay hadalka Cumar ayuu qolkii kasoo
baxay oo yiri, bishaarayso Cumarow, waxaan rajaynayaa in ducadii Rasuulka ee
habaynkii khamiista la ajiibay (Allow Islamka ku xooji Cumar Ibn Khataab ama
Abijahal Ibn Hishaam) nabiguna (scw) uu joogay daarta ku taalla buurta Safa
salkeeda.
Cumar seeftiisii ayuu jeeniqaartay, kadibna wuxuu aaday
meeshii Nabigu (scw) joogay ilaa uu daartii yimid oo albaabkii garaacay,
daarta dadkii gudaha ku jiray nin ayaa istaagay oo albaabka daldaloolkiisa
ka fiiriyey, mise waa Cumar oo seeftiisii jeeniqaarsan!! Markaas ayuu Nabiga
(scw) u sheegay, dadkiina inta argagaxeen ayey dhinac isugu urureen, Xamza
ayaa yiri, war maxaa dhacay oo aad isugu aruurteen? Markaasay yiraahdeen waa
Cumar, suuye oo Cumar muxuu yahay! Ka fura albaabka hadduu khayr uu doonayo
u yimid waan siinaynaa, haddii uu shar uu doonayo u yimidna seeftiisaan ku
dilaynaaye, Nabiguna (scw) gudaha ayuu ku jiray oo waxyi ayaa kusoo dagayey,
marka Xamze intuu ka hortagay ayuu cududda iyo seefta xariggeeda jajuub
isula qabtay, Nabiga (scw) ayaa soo baxay oo yiri, ninka siidaaya, ilaa uu
Nabiga soo korjoogsaday, markaas ayuu inta kulleetiga iyo seefta xariggeeda
isla qabtay xaggiisa xoog ugu soo jiiday oo yiri, “miyaadan ka harayn
kufriga Cumaroow ilaa Alle kugu soo dajiyo hoogga iyo cadaabka wixii Waliid
Ibn Mughiira kusoo dagay oo kale, Alloow Cumar waa kanaa, Ilaahow Islaamka
Cumar Ibn Khataab ku xooji” markaas ayuu Cumar yiri, Ash-haddu Allaa Ilaaha
Illallah Wa Ash-haddu Annaka Rasuulullah, Waxaan qirayaa Alla mooyee ilaah
kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin, aduguna aad Rasuulkii Alle tahay,
waana Islaamay, markaas dadkii daarta ku jiray ayaa takbiirtay qayladeeda
laga maqlay Masjidka Xaramka.
Cumar wuxuu ahaa geesi horyaal ah oo bannaanka laga
maray, sidoo kale nin anafo kulul oo lagu yaqaan, arrimahaan awgood
islaamiddiisii waxay dhalisay xiisad ballaaran, oo dhinaca musrikiintana ay
dareemeen dullinimo, foolxumo iyo hoog, dhinaca muslimiintana u hagoogtay
cizi sharaf iyo farxad.
Sida uu Ibn Isxaaq sheegay Cumar wuxuu yiri, markaan
islaamay, waxaan is iri tolow yaa reer Makko ugu neceb Rasuulka (scw)
markaasaan iri, Allaylehe waa Abujahal, markaas ayaan soo aaday ilaa aan
albaabkiisa garaacay, markaas ayuu iisoo baxay oo yiri, Ahlan wasahlan,
Cumarow maxaad iigu socotay? Saanne waxaan kuugu imid anaan kuu sheego inaa
Alle rumeeyey iyo Rasuulkiisa Muxamed, aanna aqbalay wixii uu la yimid,
markaas ayuu albaabkii wajiga igaga xiray oo yiri, wajigaaga alla foolxumee
iyo waxaad la timidba.
Cumar wuxuu yiri, ninku markuu islaamo ragga ayaa
xirxiri jiray oo garaaci jiray, marka waxaan waayey cid aniga I xirta,
markaas ayaan soo aaday abtigay Caas Ibn waa'il oo u sheegay inaan Islaamay
markaasuu guriga galay oo albaabka xirtay, haddana waxaan aaday Abujahal
markaasuu albaabka xirtay, markaas ayaan waxaan soo aaday Jamiil Ibn Mucamar
wuxuuna ahaa ninka Qureysh ugu war faafinta badan, markaasaan u sheegay
inaan Islaamay, wallaahay inuusan eray kale iwaydiin, codkiisa heerka ugu
dheer intuu ku dhawaaqay ayuu yiri, war Cumar waa gaaloobayeey, anniguna waa
agtaagnaaye, intaan qayliyey ayaan waxaan iri, war waa beentiise waan
Islaamayeey, ummaddii magaalada joogtay oo dhan ayaa marka soo yaacday,
maalintii oo dhan ayey la dagaallamayeen isna la dagaallamayey ilaa qoraxdu
cirka isku taagtay, Cumarra daalay, markaas ayuu fariistay iyana waa kor
dhooban yihiin oo yiri, waxaad rabtaan igu sameeya Allaan ku dhaartaye
maalintaan sadex boqol magaalada ku gaarro ama waad nooga qaxaysaan ama waan
idiinka qaxaynaa.
Qisadaan dacalladeeda kale waxay kordhinayaan, in Cumar
markii uu daalay dadkiina kusoo yaacayaan uu oday wayn oo Cutba ladhoho inta
lagdaday oo ku dul fariistay inta labada indhood faraha ka galiyey yiri, iga
celi dadka haddii kale wallaahay waan kaasoo bixinayaa indhaha, odaygii
marka inta qayliyey yiri, war ka joogooy war ka joogooy, marka kasta oo uu
daalo sidaas oo kale ayuu yeelaa ilaa uu nasto.
Markaas kadib sida uu Bukhaari wariyey dadkii magaalada
oo dhan ayaa soo dareeray ayagoo doonaya inay dilaan Cumar, isaguna
gurigiisa ayuu galay, marka waxaa usoo galay Caas Ibn waail, markaasuu yiri,
maxaad guriga u fadhaa, Cumarra wuxuu yiri, dadkii oo dhan ayaa soo socda oo
doonaya inay idilaan, suuye waxba kuma yeeli karaan anigaad ammaankayga ku
jirtaa, kadibna Caas dadkii ayuu ka hortagay oo yiri, war xaggee usocotaan?
Markaasay dheheen Cumar oo gaaloobay ayaan soo dilaynaa, suuye iska noqda
annigaa ammaan galiyey, dadkii hal mara ayey iska laabteen.
Dhicana muslimiinta Islaamidda Cumar guul wayn ayey
usoo hoysay, Ibn Cabbaas wuxuu yiri, waxaan waydiiyey Cumar, maxaa faaruuq
laguugu bixiyey? Markaasuu yiri, Xamze ayaa sadex maalmood hortay Islaamay—sheeko
dheer ayuu sii waday—marka Nabiga (scw) ayaan u imid markaan Islaamay ayaan
iri, Rasuulka Allow miyaynaan xaqii ku sugnayn nolol iyo geeriba maxaan isu
qarinaynaa? Markaas ayuu yiri, haa Allaha wayn baan ku dhaartaye xaqii ayaad
ku sugan tihiin geeri iyo nololba, saanne Allihii xaqa kula soo diray ayaan
ku dhaartaye waan baxaynaa, markaas ayaan soo baxnay annagoo labo saf ah,
Xamze ayaa midkood horyaal u ah anniguna kan kale, cagahayagana gurdan ayaa
ka baxaya, ilaa aan Masjidka gallay, markaas ayaa Qureysh ifiirisay Xamzana
fiiriyeen, markaasaa waxaa asiibtay murugo tii ugu foolxumayd, markaas ayaa
Nabigu (scw) igu magacaabay Alfaaruuq kala caddeeye.
Cabdullahi Ibn Mascud wuxuu yiri, maannaan awoodin
inaan ku tukanno Kacbada agteeda ilaa Cumar Islaamay,sidoo kale Suhayb Ibn
Sinaan Arruumi wuxuu yiri, markii Cumar Islaamay, Islaamkii ayaa soo shaac
baxay oo si muuqata ayaa dadka loogu yeeray, waxaanna fariisannay Kacbada
hareeraheeda annagoo hilqo hilqo u fadhina, oo masjidkaan dawaafnay, ciddii
nagu qaldanta ayaan ka aargoosannay, oo wuxuu noo gaystaan dib ugu celinay,
sidoo kale Ibn Mascuud wuxuu yiri, laga soo bilaabo markii Cumar Islaamay
cizi ayaannu lahayn.
_______________________________
1: Qisada Asxaabul Kahfi, sida la
sheegay waxay ahaayeen ummadihii Nasaarada inkastoo habka qisadu u socoto ay
aad uga muuqato inay ka horreeyeen Nasaarada oo ay ahaayeen ummadihii
Yuhuudda, sida la sheegay waxaa jiray ummad gaalo ah oo sannadkii hal maalin
ah oo ay ciid isugu soo baxaan oo sannab u sujuudaan leh, marka waxay
lahaayeen boqor lagu magacaabo Diqyaanoos oo arrintaan ku dhiirigaliya,
markii meeshii la yimid dhallin yaro caruurta boqorrada ah ayaa arrintaani u
cuntami wayday marka ayagoo aan is ogayn ayaa midba meel u cararay kadibna
geed ayey ku wada kulmeen, markay iswaraysteenna waxay ogaadeen inay isku
ujeeddo yihiin, markaas ayey ku heshiiyeen inay masjid ay Alle kaligiis ku
caabudaan dhistaan oo ay noqdeen walaalo Islaamka ah, kadibna arrintii ayaa
lagu ogaaday oo boqorkii lagu dacweeyay, markaas ayuu arrintii waydiiyey
ayaguna xaqa ayey caddeeyeen, markaas ayaa dil lagu haddaday ayaguna waxay
codsadeen in fursad la siiyo ay arrinta kaga fiirsadaan, intii fursadaan
lagu jiray ayey carareen markii ay waayeen meel ay ka gaari karaanna waxay
galeen god lagu magacaabo Banjaloos, markaas ayaa hurdo dusha lagaga tuuray
ay ku jireen saddex boqol iyo sagaal sano.
2: Qisada Khadir waxay ku saabsan tahay,
in maalin Nabiga Alle ee Muuse (cs) oo dadkiisa khodbad u jeedinaya uu nin
waydiiyey dadka yaa ugu cilmi badan, Muusena uu ku jawaaban aniga, arrintaas
oo Alle ku canaantay in laga rabay inuu dhoho Allaa yaqaan darteed, markaas
ayuu Nabi Muuse (cs) wuxuu Alle ka baryey in loo sheego cidda ka cilmi badan,
markaas ayaa waxaa la yiri addoon Alle oo jooga labada badood meesha ay
isaga soo dhacaan ayaa kaa cilmi badan, halkaas oo Muuse (cs) uu go’aansadey
inuu ugu tago cilmi raadin darteed, marka markii ay israaceen ayuu
Addoonkaas Alle ee Khadir sameeyey arrimo sadex ah oo muuqaalkoodu u muuqdo
khalad laakiinse uu mid walba sheegay xigmad qarsoon ee uu'u sameeyey inay
jirto.
3: Qisada dul qarnayn laba geesle, waxay
iyana ku saabsan tahay nin boqor ah oo muslim ah oo Alle awood wayn siiyey,
ninkaas oo dunida ku wareegay oo markaas ummado badan iyo mucjisooyin la
kulmay, waxaana kamida waxyaalihii uu la kulmay inuu arkay ummad daciif ah
oo ummad kale oo ka xoog wayni ay kusoo duulaan markasta, oo ay markaas
xasuuqaan, markaas uu ninkaani darbi wayn meeshii ay kasoo gudbi jireen kaga
ooday.
Sida Qur’aanku sheegay ummaddaas xoogga
wayn waxaa lagu magacaabi jiray Ya’juuj iyo Ma’juuj, waxay kaloo
taariikhyahannadu sheegaan in ummadaas daciif ka ahi ay ahayd ummadda
turkiga.
4: Tixaha gabayga ah waxaa mariyay
qoraaga Abdirizaq Musanaf
Daabacaad: SomaliTalk.com |December 14, 2004
QAYBTA
7aad |
QAYBTA
9aad |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|