Silsiladda Taariikhda Islaamka
Dhalashadii Nabiga (scw) iyo Afartan Sano
oo Nabinimada kahoreeyay
Waxay inoo maraysay arintii
naderka ee Nabiga aabihii, wuxuuna ahaa sidaan.
-Cabdulaahi Aabaha
Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar
Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna
dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku
dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay
difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri
u gawracayo markaasay ka yeeleen, markaasuu magacooda ku qoray leebka
qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si
uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi,
markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo
Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u
diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib
oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba
nidarkaygii ka sameeyaa?.(hadaba
halkaan aan ka anba qaadno qaybteena afraad ee kala qabso):
Qaybta 4aad
Markaas ayey waxay usoo jeediyeen inuu u tago haweenay faalallow ah oo
arrintaan uu hordhigo, markaasna wixii ay kula taliso uu sameeyo,
Cabdulmudalib taladaan ayuu qaatay sababtoo ah Cabdulaahi wuxuu ahaa wiilka
uu ilmihiisa ugu jecel yahay uguna han wayn yahay, marka haweenaydii ayuu u
tagay, waxayna usoo jeedisay inuu u qori tuuro wiilka Cabdulaahi ah iyo
toban neef oo geela, haddii qorituurku wiilka kusoo baxo geela ayuu toban ku
kordhinayaa, markasta oo ay wiilka kusoo baxdana geela ayuu toban ku darayaa
ilaa uu rabbigiis raalli noqdo, hadday geela kusoo baxdana waa gawracayaa.
Cabdulmudalib Makko ayuu kusoo noqday wuxuuna u qorituuray Cabdulaahi iyo
toban halaad oo geel ah, markaasay wiilkii ku dhacday, geelii ayuu toban ku
daray haddana wiilkii ayay ku dhacday sidaas ayuu geelii u kordhinayay ayna
markasta wiilka ugu dhacaysay ilaa geelii gaaray boqol halaad markaas ayay
ku dhacday, Cabdulmudalib marka boqol halaad ayuu gawracay, ugana leexday
ciddii cunaysa hilibkaas ayadoo aan laga celinayn dad iyo dugaag toona.
Dhacdadaan waxaa lasheegay inay dhacday shan sano kahor dhalashada Nabiga (scw)
waxaana ka ratibmay in magta ragga oo carabta dhexdeeda lagu bixin jiray
toban neef oo geela dhacdadaan kadib ay hirgashay boqol halaad in lagu
bixiyo arrintaan darteed, Islamkuna uu sidaa ku sugay, sidoo kale waxaa
Nabiga (scw) laga wariyay inuu yiri “waxaan ahay labada la gawracay
wiilkoodii” isagoo uga jeeda Ismaaciil (cs) iyo aabihiis Cabdulaahi.
Cabdulaahi markuu labaatanka sare u dhaafay, Cabdulmudalib wuxuu u doortay
wiilkiisa gabar maalintaas lagu tiriyo qalanjada Qureysh ugu sidata nasab
wanaag qurux iyo qaymi gabdheed intaba, Aamina Bint Wahab Ibn Cabdimanaaf
Ibn Zuhra Ibn Kilaab (nabiga hooyadiis), aabaheedna waa kaabbaqabiilka lafta
Banii-zuhra oo kamida lafaha Qureysheed sidoo kale caaqilkooda hodanka ah,
intaa kaliya ma ahan ee waa gabar uu Cabdulmudalib dunteeda yaqaan inuu
eedadeed Haala Bint Uhayb qabay darteed, abtirsigana waxay Nabiga (scw)
isugu yimaadaan awowga shanaad.
Madiinah Al anbawiyah | Sawirka 1907 CE. |
Cabdulaahi wuxuu ku dhistay Makka reerkiisa cusub ee lagu hanwayn yahay,
markuuse muddo yar la dagganaa ayaa Cabdulmudalib u diray inuu Madiina timir
uga soo iibiyo halkaas ayuuna si kado ah ugu geeriyooday, waxaa kaloo la
yiri safar ganacsi ayuu Shaam ugu baxay isagoo lasocda ganacsato Qureysheed,
markay soo laabteen ayay Madiina soo mareen Cabdulaahi oo xanuunsan halkaas
ayuu marka ku dhintay waxaana lagu aasay daar uu leeyahay nin lagu magacaabo
Naabigha Al-jacdi.
Cabdulaahi wuxuu markaas ahaa shan iyo labaatan jir, sida ay
taariikhyahannada intooda badani leeyihiin geerida Cabdulaahi waxay ahayd
intaan Nabigu (scw) dhalan waana sida saxda ah waana agoonnimada heerkeeda
ugu sareeya, waxaase kaloo la yiri waxay ahayd dhalasha Nabiga (scw) labo
bilood kadib, markii khabar geeriyaadkiisu soo gaaray Makko, Aamina waxay u
tirisay tix baroordiiq ah oo kuwa ugu yaabka badan ah waxayna tiri.
-
Duniyeey ninkii kugu hanwayn hadimo weeyaane
-
Hog miyaa la dhigay ina haashim haadda laga duugay
-
Hanqar dhacaya hoostiis miyaa iilka lagu haabay
-
Haddii balo u gacan haadisoo malagu hoosaasay
-
Kuma harin haldhaagii naflaha nimaan ku heensaaye
-
Galabkii garbaha lagu hilay hoobkii lagu qaaday
-
Hareeraha markay wada qabteen la isku haaraamye
-
Geeridu rag waa huran tahoo waa had loo qoraye
-
Isagoon harreed marin haddii mawdku halakeeyey
-
Hor Allaan ka furay inuu lahaa haybsi iyo hooba
(1)
Marka
la isku daro hantida uu Cabdulaahi ka tagey oo laga dhaxlay waa, shan
tuldood oo geel ah, xayn ari ah iyo gabar yar oo adoon xabashiyada ah oo
magaceedu yahay Barkah niinaasteeda (kunyadeeda) Umu Ayman, waana
xanaanaysadii Nabiga (scw).
Dhalashadii iyo Afartan
sano oo Nabinnimada ka horeeya.
Maktabad (Library) laga dhisay gurigii uu ku dhashya Nebi Muxamed (scw)
Khariidada Al-xarameyn Shariif.. |
Wuxuu
ku dhashay Rasuulka Alle (scw), Sayidkii Nabiyada Alle, khalqiga Alle kii
ugu khayr badnaa, waadiga (gosha) Banii-Haashim oo Makko ku yaal, subax
Isniin ah oo ay sagaal tahay bisha rabiicul awal, sanadkii koowaad ee
dhacdadii maroodiga, afartan sano kadib dhismihii dawladda Saasaaniyada ee u
dhisay kisraa Aanu sharwan ee reer Furus (persia), waxayna dhalashada Nabigu
(scw) ku beegan tahay 20 ama 22/4/571-dii (labaatankii ama labo iyo
labaatankii bisha April sanadkii 571-kii) sida uu xaqiijiyay caalimka wayn ee
taariikh yahanka ah Muxamed Sulaymaan Almansuurifuuri iyo caalimka wayn ee
ku takhasusay meerayaasha Maxmud Pasha(2).
Qiso
saxiix ah oo uu soo saaray Ibn Sacad waxay caddaynaysaa in Nabiga (scw)
hooyadii ay tiri “markii aan dhalay waxaan arkay nuur iga soo baxay oo
ifiyay daaraha Shaam ku yaal”.
Sidoo
kale waxaa jira sheekooyin badan oo ku wada saabsan dhalashada Nabiga (scw)
hasayeeshee aan waxba ka sugnayn waxaana ka mid ah, inay Aamina tiri markaan
uurkiisa lahaa waligay maanan arag wax ka fudud ama ka sahlan, inay tiri
waxaan xiran jiray kuulo xirziyo la magangalo ah markaasay iga kala
go’ayeen, inay riyo ku aragtay ayadoo loogu bishaaraynayo magac waynidiisa,
in isla riyada lagu amray inay u bixiso Muxamed, inay aragtay markay indhaha
kala qaaday gabayo ku qoran loox dahab ah oo ay ugu ducayso, in markii uu
dhashay uu u soo baxay si aan ilmuhu u soo bixin ee uu gacmaha cuskaday uuna
samada xaggeeda fiirinayey, inuu dhashay isagoo gudan ama uu jibriil guday.
Sidoo
kale in la maqlay jinniyo haatufkood isugu bishaaraynaya dhalashadiisa, in
sanabadii kacbada hareeraheeda yaallay la arkay ayagoo madaxa u foorara, in
aqalka looga taliyo Furus ee Iiwanu Kisraa uu gariiray oo golayaashiisa
qaarkood burbureen, in raahib yuhuudi ah oo Caysaa la dhoho uu sheegay
habaynkii uu dhashay, iyo sheekooyin badan oo kale, laakiinse kulligood waa
sheekooyin aan sugnayn oo asal saxiix ah lahayn sidaa darteed aan la
xaqiijin karin inay dhaceen iyo inkale.
Albayhaqi wuxuu sheegay in markii Nabigu (scw) dhashay ay damtay dabkii
Majuustu caabudi jreen, sidoo kale inay dumeen kaniisadihii ku yaallay
hareeraha badyarta Saawah intay markii hore gurtay, inkastoo uusan qirsanayn
Maxamed Al-Ghazaali.
Markii Aamina ay umushay waxay u cid dirtay awowgiis Cabdulmudalib ayadoo
ugu bishaaraynaysa dhalashada wiilka uu awowga u yahay, markaas ayuu isagoo
faraxsan soo orday oo qaatay oo kacbada la galay oo Alle baryay oo u mahad
naqay oo u bixiyay Muxamed -magacaanina wuxuu ahaa magac aan hore loo aqoon
carabta dhexdeeda- markuu todobo maalmood joogayna waa guday sidii carabtu
yeeli jireen xilligaas.
Haweenaydii ugu horeysay oo Nabiga (scw) naas nuujisay hooyadii kadibna
waxaa la oran jiray Thuwayba, waxayna ahayd gabar uu xoreeyay Abulahab oo u
irmaan wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Masruux, sidoo kale waxay Nabiga
(scw) kahor naas nuujisay adeerkiis Xamza, kadibna waxay naas nuujisay
Abusalama Ibn Cabdilasad Almakhzumi, oo kulligood noqday walaalo xagga naas
wada nuugga ah.
Qabiilada Banii-sacad dhexdeeda.
Sida
dhaqanka carabtu ahaa waqtigaas, markii dadka magaalooyinka daggan ilmo u
dhashaan waxay u diri jireen dumar naas nuujiya dhulalka baadiyaha fog ah si
ay caruurtooda uga fogeeyaaan cudurada magaalada, iyo in jirkoodu xoogsado
oo seedahoodu adkaadaan iyo inay yaraantooda luqada carabiga si fiican ugu
bartaan, sidaa darteed Cabdulmudalib wuxuu Nabiga (scw) u raadiyay haweenay
naas nuujisa, wuxuuna u helay haweenay u dhalatay qabiilada Banii-sacad oo
lagu magacaabo Xaliima Bint Abii-du’ayb ninkeedana Xaarith Ibn Cabdilcuza
niinaastiisana (kunyadiisa) Abikabsha.
Qoyskaan Nabiga (scw) nuujiyay wuxuu ku yeeshay walaalo cusub oo xagga
nuugmada ah waxayna kala ahaayeen Cabdullaahi, Aniisa iyo Shaymaa gabadhaan
dambe waxay si gaar ah u xannaanayn jirtay Nabiga (scw) sidoo kale
Abusufyaan Ibn Xaarith Ibn Cabdulmudalib oo meesha isna lagu nuujinayay oo
ay Nabiga (scw) ilma adeer yihiin.
Xaliimatu Sacdiya muddadii ay nabiga (scw) oo yar haysay waxaa laga tusay
barkhaddiisa iyo barakadiisa wax badan oo ay malaysan wayday layaab awgiis,
hadaba bal aan ayada ka dhagaysano qisadaan macaan inay inoo mariso.
Sida
uu Ibn Isxaaq sheegay Xaliimatu Sacdiya waxay ka sheekaysay “inay dhulkoodii
kasoo sadcaaleen ayada iyo ninkeeda iyo ilma saqiir naasnuuga ah oo ay
dhaleen, ayagoo la socda dumar u dhashay qabiilada Banii-sacad oo aan
kulligayo raadinayno caruur aan nuujiyo, waxay tiri, xilligaasina waa sanad
abaar ah oo aan mood-yo nool midna noo reebin, waxaa noo rarraa safarka
dameer dhadig oo xaycad ah oo aan leennahay, sidoo kale waxaan wadanaa hal
duq ah oo irmaan, waxay tiri, Allaha wayn baan ku dhaartaye inaysan dhibic
caano ah dhiiqayn, mana aanaan seexan jirin habaynkii oohinta ilmaha yarka
ah ee aan wadano darteed, gaajada iyo rafaadka uu la gam’i la’hayey,
naaskayga kama helo caano deeqa, hasha duqda ahina kuma filla, laakiinse
waxaan ka rajo qabnay in faraj naloo furo oo aan gargaar xag Alle ka hello,
marka dameertii aan kusoo baxnay ayaa noo dhaqaaqi wayday caato iyo tabar
darri darteed, ilaa ay socotadii naga reebtay oo ay nagu dhibsadeen ilaa aan
ugu dambayntii si dhible Makko kusoo gallay anagoo raadinayna ilma aan
nuujino.
Markaan nimid Makko haweenay kasta oo naga mid ah waxaa loosoo jeediyey inay
Rasuulka qaado, markaasay diidaysay markii loo sheego inuu agoon yahay,
taasina waxay ku dhacday waxaan samafal ka filanaynay ilmaha aabahood,
markaasaan waxaan isku oranaynay: ogoon! Oo maxay hooyadiis noo samayn
kartaa!! Sidaa darteed agoonnimada ayaan ku nacaynay.
Maalmo kadib dumarkii ila socday kulligood waxay heleen ilmo ay qaataan oo
naasnuug ah aniga mooyaane, markii aan go’aansannay inaan dhulkayagii ku
laabanno ayaan ninkaygii waxaan ku iri, ninyohow wallaahay waan dhibsanayaa
inaan haweenkii saaxiibaday ahaa iskala laabto anigoo aan ilma wadan,
wallaahay agoonkaas ayaan aadayaa oo iska qaadanayaa, markaasuu yiri wax
dhibihi kaama saarna, haddaad rabto qaado waxaa laga yaabaa in Alle barako
naga siiyee, waxay tiri marka waan aaday oo soo qaatay, mana qaateen ee
waxaan waayey ilmo kale oo aan la noqdo.
Markii aan soo qaatay oo aan kula soo laabtay meeshii aan dagnay,
islamarkiiba markaan dhabtayda saaray naasahaygii ayaa dararay intuu doono
oo caano ah ayaa ka godladay ilaa uu ka dhargay, walaalkiis ayaa isna la
cabbay ilaa uu isna dhargay oo seexday, mana aannaan seexan jirin markaas
kahor ilmaha oohintiisa darteed, ninkaygii ayaa hasha duqda ah xaggeeda
aaday mise waaba ayadiiyoo gaaxsan!! (caana kabuuxaan) marka wuxuu kasoo
lisay caano aan labadayadiiba cabnay ilaa aan dharag la cabbi waynay oo aan
ka istaagnay, marka waxaan hoyannay habayn barakaysan, markaan waa
bariisanay ayaa ninkaygu wuxuu igu leeyahay ma ogtahay xaliimooy wallaahay
waxaan hellay naf barakaysan, markaasaan waxaan leeyahay wallaahay waan
rajaynayaa khayrkaas.
Waxay
tiri, kadibna waan baxnay aniguna waxaan fuulay dameertaydii gaabiska ahayd
labadii caruurta ahaana waa ila saaran yihiin, mise waa dameertii oo
dheeraynteeda laga yaabay!! wallaahay safar laydii oo dhan waan ka hormaray
xawlli iyo socod aysan kulligood awoodin, ilaa gabdhihii ay igu leeyihiin,
naahoow Xaaliimooy miyaadan noo turayn!! Miyaysan waxaani dameertaadii ahayn
aad markii hore wadatay, markaasaan leeyahay haa wallaahay waa lafteedii,
markaasay leeyihiin wallaahay qisadeedu waa mid layaab wayn!!.
Waxaan gaarnay dhulkayagii deegaanka Banii-sacad mana jirin xilligaas meel
dhulka ilaahay ka mid ah oo ka abaar badan oo ka qallalan, markaan tagnay
anagoo wiilkii yaraa wadana, arigaygii ayaa iisoo dheelmada maalin walba
isagoo jimcoon oo dharagsan oo caano ka buuxa markaasaan maallaa oo caano
cabnaa, mana jirin dhulkaas qof Alle abuuray oo dhibic caano ah heli kara!!
Xoolaha kale waxaad moodaa inay gureen, dadka meesha dagani waxay ku
canaantaan dadka xoolaha u raaca, inkaar qabooyin yohow xoolaha soo daajiya
meesha uu soo daaqsiiyo Xaliimo ninka ariga u raaca, markaasaa xoolihii soo
dheelmadaan ayagoo aan waxba iska badalin gaajaysan oo guran, aan dhibic
caano ahna dhiiqayn, arigayguna wuxuu soo dheelmadaa isagoo dharagsan oo
caano ka buuxaan!!! Hadaba waxaan arkaynay khayr, ziyaado iyo barako nagu
soo korortay ilaa ay dhamaadeen labadiisii sano ee naasnuugga oo aan naaska
ka gooyay, wuxuuna u korayay si ka dheeraysa sida wiilashu u koraan sidaa
darteed labadii sano uma dhamaan ilaa uu noqday wiil xooggan!!.
Waxaan u tagnay hooyadiis anagoo aad uga qalqaalinayna inuu wiilku nalasii
noolaado, khayrka aan ka aragnay dartiis, hooyadiis ayaan kala hadlay oo
waxaan ku iri, maad ii daysid wiilkayga ha ila joogee ilaa uu ka xoogsado,
waxaan uga cabsanayaa cudurrada Makko ina ku dhacaane, marka waxaan
qalqaaliyaba way ii ogalaatay oo waan soo ceshaday.
Marka
Nabigu (scw) sidaas ayuu usii dhexjoogay qabiilka Banii-sacad, ilaa uu afar
jir noqday ama shan jir waxaa dhacday xilligaas mucjizo kale oo la yaab
badan.
Sida
uu Imaamu Muslim wariyay Nabiga (scw) asagoo wiilal yaryar la cayaaraya ayaa
waxaa u yimid Jibriil (malaku Jibril cs) marka intuu dhinac u lagday oo
laabtiisa dooxay oo qalbigiisa lasoo baxay, ayuu cad hilib ah oo yar inta ka
gooyay oo tuuray yiri, waa intaas qaybtii (cadkii) shaydaan ku lahaa,
kadibna intuu baaf dahab ka samaysan oo biyo zamzam ahi ku jiraan ku dhaqay
wadnihii ayuu meeshisii ku celiyay, caruurtiina waa kala carareen oo
dhinicii xaafadda iyo Xaliimo u yaaceen ayagoo ku qaylinaya, war Muxamed waa
la dilayeey!! Xaafadda dadkii joogay ayaa soo yaacay oo caruurtii ka hor
tagay Mise waxaa ka horyimid Nabiga oo midab badalan oo boorkii saaran
yahay!! (3)
Nabiga (scw) oo u wareegay
hooyadiis dhabteeda
Hadaba arrintaan mucjisada ahi markay dhacday ayaa Xaliimo cabsatay oo waxay
iskula hadashay wiilkaan yar oo amaanada kugu ah armaa asagoo gacantaada ku
jira la dilaa, sidaad ayay marka hooyadiis ugu celisay, hooyadiis ayuuna
Nabigu (scw) lasii noolaa ilaa uu gaaray lix sano jir.
Waxaa Aamina u muuqatay inay gudato waajib ka saaran xusidda booqashada
qabriga ninkeedii dhintay oo madiino ku yaal, markaas ayay u safartay xagga
madiino ayadoo jaraysa masaafo gaaraysa shan boqol oo kilometer, waxaana la
socda wiilkeeda yar ee agoonka ah Muxamed (scw), gabadheeda shaqaalaha ah ee
Umu ayman iyo odaga soddoggeeda ee Cabdulmudalib, markay bil joogtay madiino
ayay iskasoo laabatay, gooray marka dhexda soo marayso, waa ayadii oo si
lama filaana jirro ugu dhufanayso, oo isla bilowgii waddaba cudurkii kusii
xumaaday, markay maraysan Abwaa oo u dhaxaysa Makko iyo Madiino ayayna ku
geeriyootay, sidaas ayuu Nabigu (scw) ku noqday agoon iyo rajay labada.
Nabiga (scw) oo u wareegay awowgiis dugaalkiisa
Cabdulmudalib Makko ayuu kula soo laabtay wiilka yar ee uu awowga u yahay,
isagoo ay qalbigiisa kusii kobcayso dareeen isugu jira jacayl iyo walwal uu
ka naxsan yahay wiilkaan yar ee labadiisii waalidba waayay isagoo aan calfan
jacaylkii hooyadii iyo raxmadii aabihiis midna, marka niyaddiisa ayaa u
dabacday si uusan wiligiis qof ilmihiisa ka mida ugu dabcin una jeclaan,
wuxuuna go’aansaday inuusan kaga tagin kallinnimada aqdaartu ku xukuntay, ee
waa inuu u huraa wax uusan ilmihiisa kale oo dhan u hurin.
Sida
uu Ibn Hishaam sheegay, waxaa Cabdulmudalib Kacbada harkeeda loo dhigi jiray
darin jilicsan, marka wiilashiisu waxay fariisan jireen darinta hareeraheeda
ilaa uu odaygu yimaado, qof wiilashaas ka mid ahina kuma dhiirran karin inuu
ku fariisto darintaas qadarin ay odaga xushmaynayaan darteed, markaasuu
Nabidu (scw) yimaadaa isagoo kuray yar oo xooggan ah markaasuu darintaas ku
dul fariistaa, adeeradiis ayaa dib u qabta si uusan darinta u fariisan,
markaasuu Cabdulmudalib yiraahdaa markuu arrintaas arko, iidaaya wiilkaa
yarka ah, wallee mucjizo laga yaabo ayuu yeelan doonaaye!!. Markaasuu
darintiisa isla fariisiyaa oo dhabarka u salaaxaa oo ku farxaa waxyaalaha uu
samaynayo.
Markii Nabiga (scw) cimrigiisu marayey sideed sano, labo bilood iyo toban
maalmood, waxaa Makko ku geeriyooday awowgiis Cabdulmudalib, laakiinse
intuusan dhiman Cabdulmudalib waxaa u muuqanaysay inuu gacan kalsooni leh ku
ogaado korriimada wiilka yar ee uu awowga u yahay, wuxuu marka u yeeray
Abu-dalib oo u dardaarmay kafaala qaadka Nabiga (scw), Abu-dalib oo ah
adeerkiis ay aabihiis isku hooyo yihiin.
Nabiga (scw)
oo u wareegay korinta Adeerkiiska aabihiis la baha
Abudalib wuxuu u istaagay gudashada xaqa koriimada wiilka walaalkiis dhalay
heerka ugu sareeya iyo hannaanka ugu qurxoon, wuxuuna ku daray caruurtiisa
waana ka saramariyey, wuxuu ku gaar yeellay ixtiraam iyo qadarin dhaaftay
heer walba, muddo ka badan afartan sano ayuusan ka daalin inuu garabkiisa
xoojinayo, cadow iyo nacabba ka celinayo, nin dhow iyo nin dheerba ka
difaacayo, shisheeye iyo shardoonba isaga u mari waayeen, u doodayo una
diganayo isaga dartiis, waxaana inoogu imaandoona tusaalayaal kala duwan oo
arrintaan ku saabsan meelahooda insha allaah.
Daruuraha Oo Wajigiisa
Lagaga Roob Dalbayo
Sida
uu sheegay Al-xaafid Ibn Casaakir, nin la yiraahdo Jalhama Ibn Carfada ayaa
wuxuu yiri, waxaan soo galay Makko ayagoo ku jira xilli abaar kulul ah,
markaas ayaa Qureysh Abudalib u tageen oo ku dheheen, Abudalibow sidaad
aragto, Makko waa abaaraysatay ubadkiina waa baahooday, ee soo bax oo roob
doon, Abudalib ayaa soo baxay waxaana la socda wiil yar oo aad mooddo
qoraxda oo maalin cadar ah, daruur cokani ka faydantay, (nuurkeeda) waxaa
hareerihiisana socda wiilal yar yar, Abudalib ayaa marka gacanta qabtay oo
dhabarkiisa Kacbada ku tiiriyay wiilka, fartiisana wiilka xaggiisa u taagay,
cirkana caad xataa ma saarayn, daruur yarna laguma arag, marka islamarkiiba
daruuro ayaa dhinac walba isaga yimid oo curtay oo da’ay oo unkaday oo
hillaacay, waadigiina waa burqaday oo daad baa qaaday, balad iyo baadiyana
waa lawada doogsaday, arrintaan ayuu marka Abudalib ku tilmaamay
gabaygiisa.
Raahibkii Buxayra
Rasuulku (csw) markuu gaaray labiyo toban sano (12 sano) iyo sida la yiri
laba bilood iyo toban cisho, ayaa waxaa la safray adeerkiis Abudalib safar
ganacsi oo lagu aaday dhulka Shaam, hadaba markay marayeen magaalada Busraa
oo ka tirsan Shaam gaar ahaan xarun u ah dagaanka Xawraan, waqtigaasna lagu
xisaabo magaala madaxda dhammaan carabta hoostimaada maamulka
Imbiraadooriyada Room, magaaladaas markay marayeen (waxaana ku noolaa nin
raahib ah (caalim diimihii hore haysta) oo loo yaqaan Buxayraa magaciisana
la yiraahdo Gerjis) oo dageen, raahibkii ayaa usoo dagay oo soo dhaweeyay oo
martisoor ku sharfay -markaas kahorna cidna inuu u soo dago laguma aqoon-
markaas ayuu Nabiga (scw) ku dul wareegay oo aqoonsaday calaamado iyo
astaamo uu ka fiirinayay.
Markaas ayuu inta gacanta ku dhagay yiri, “kani waa sayidkii caalamka, kani
waa kan Alle soo diri doono isagoo raxmad makhluuqiisa oo dhan u ah”
Abudalib oo yaaban ayaa ku yiri, “maxaad ku ogaatay? Markaasuu yiri, lagasoo
bilaabo markaad karinta buurtaas fog kasoo dagateen, dhulkaan dhagax iyo
geed waxa korkiisa yaallaa dhaamaan waxay ula dheceen sujuud, umana
sujuudaan cid aan nabi ahayn, waxaan kaloo ku garanayaa kaatunkii nabinimada
oo kaga yaalla carjowda garabka hoosteeda isagoo la moodo xabad tufaax ah,
calaamadihiisana kutubtayada ayaan ku haynaa, wuxuu kaloo Abudalib ka
codsaday inuu celiyo ninkaan yar oo uusan Shaam la galin, cabsi uu uga qabo
Yuhuuddu inay dilaan, markaas ayuu Abudalib ku daray wiilashiisa qaarkood oo
ay dib usoo celiyeen Nabiga (scw).
Dagaalkii Fujaarta
Markuu Nabigu (scw) shan iyo toban jirsaday, waxaa dhacay dagaal loo yaqaan
Dagaalkii Fujaarta oo ka dhexdhacay Qureysh oo ay wehiliyaan dhamaan lafaha
Kinaana dhinac iyo qabiilada Qeys Ciilaan dhinaca kale, waxaana Qureysh iyo
xulafadeeda oo dhan maalintaas dagaalka hogaaminayay Xarbi Ibn Umaya heerka
uu dhexdooda ka joogay sharaf iyo da’ba darteed, hadaba maalinka galinkii
hore waxaa gacan sareeyay dagaalka Qeys Ciilaan oo kinaana iyo Qureysh waa
la jabiyay, ilaa ay harkii noqotay markaas ayaa kafaddii dagaalku dhinaca
kale isu rogtay oo la jabiyay Qeys Ciilaan guushiina ay raacday Qureysh iyo
lafaha kinaana.
Dagaalkaan waxaa loogu magacaabay dagaalkii fujaarta in lagu xad gudbay
seeraha xaramka oo aysan bannaanayn in lagu dagaalamo iyo waliba bilaha
xurmada leh oo dhexdooda la dagaalamay, hadaba sida la sheegay, dagaalkaan
waxaa goobjoog ka ahaa Nabiga (scw) oo leebabka iyo warmaha u diyaarinayay
una aruurinayay adeeradiis.
Heshiiskii Fadalada
Dagaalkaan mudda yar kadib bisha dulqicda oo bilaha xurmada leh ka mid ah,
waxaa Makko lagu saxiixay mucaahado loo yaqaan heshiiskii fadalada,
heshiiskaan oo ay isugu yeerteen qaar kamid ah lafaha Qureysheed ee
Banu-Haashim, Banu-Mudalib, Asad Ibn Cabdilcuza, Zuhrata Ibn Kilaab iyo Taym
Ibn Murra, waxaa lagu qabtay guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan Ataymi
(deekhsigii caanka ahaa) da’diisa iyo sharaftiisa darteed, marka waxay isku
dhaarsadeen oo isku ballansadeen inay u hiilliyaan oo garab istaagaan qof
allaale qofkii lagu dulmiyo Makko iyo hareeraheeda oo reer Makko ah ama
ummadaha ilaahay ee kale, sidoo kale inay isku meel ugasoo wada jeestaan
qofkii dulmiile ah oo gardaran ilaa ay xoog uga qaadaan dhacii uu gaystay,
hadaba heshiiskaan waxaa ka qayb galay Rasuulka Alle (scw) wuxuuna yiri
markii Alle nabinnimada ku karaameeyay kadib “ wallee waxaan kaga qayb galay
guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan heshiis aanan jeclaan lahayn in la iigu
baddalo geela kiisa cascas, haddii Islamnimada dhexdeeda la iigu yeerana
(isagoo kale) waan ka qayb gali lahaa
Wuxuu
kaloo yiri, “waxaan ka qayb galay isbahaysigii mudayibiinta (kuwa cadarka
jabiyay oo isku dhaarsaday) anigoo adeeraday la socda anigoo wiil yar ah”
(4)
Mucaahadadaan fadalada nuxurkeedu wuxuu fogaynayaa jaahiliyadda iyo
qabyaaladda ku dhisan hiilka xaq darradda la isugu kaalmeeyo, mushkiladaas
oo waqtigaas naafaysay cududdii dadka, galaafatayna quudyo qori wixii
gacanta lagu hayay, xilligaas uu Nabigu (scw) heshiiskaan ka qayb qaatay
sida uu Ibn Isxaaq sheegay wuxuu Nabigu (scw) jiray labaatan sano, waxaa
halkaan inooga muuqata sida uu Nabigu (scw) uga qayb qaatay uguna faraxsanaa
dhismaha iyo xoojinta mabda’a caddaalada, intuusan nabiga noqon labaatan
sano kahor.
Markii odayaashaani heshiiskaan u fadhiyeen dhinaca kale ee magaalada waxaa
ka socotay arrin la xariirta heshiiskaan mirihiisa, taas oo ahayd in nin
zubaydi ah oo reer yamaneed ah uu Makko lasoo galay hanti yar oo uu bocsharo
ka doonayey, waxaana ka iibsaday oday reer Mako ah oo lagu magacaabo Caas
Ibn waa’il Asahmi markaas ayuu xaqiisii u diiday inuu siiyo, ninkii
zubaydiga ahaa wuxuu marka u ergooday niman ay isbahaysi leeyihiin oo u kala
dhashay qabiilooyinka Cabdidar, Makhzum, Jumax, Sahmi iyo Cidiyi intaba inay
dulmiga Caas ku sameeyey uga xaqsooraan, hasayeeshee kulligood waxba ugama
qaban umana aysan dhagtaagin calaacalkiisii, markaas ayuu inta fuulay buurta
Abuqubays oo Makko xaggeeda usoo jeestay ku qayliyay gabayo uu ku sifaynayo
xaqiisii laga dulmiyay uuna reer Makko ugu sheegayo inay wadaagaan
xaqdarrada loo gaystay.
Marka
odayaashii heshiiska u fadhiyay markay saxiixeen mucaahadada ayay maqleen
qaylada ninkaan oo dhagahooda kusoo dhacaysa, markaasay yiraahdeen
“wallaahay waxaani meel lagaga tago maleh” waxaa marka u dhaqaaqay
qadiyadaan xallinteeda odayaal uu ku jiro Azubayr Ibn Cabdulmudalib iyo
raggii heshiiska saxiixay oo inta u tageen Caas Ibn Waail xoog kaga qaadeen
hantidii uu ka dhacay ninka zubaydiga ahaa.
Waxaa
la sheegaa in heshiiskaan fadalada markii ugu horeysay ay dajiyeen sadex nin
oo u dhashay qabiilada Khuzaaca oo la kala oran jiray Fadal, Fudayl iyo Abu
Fadal, halkaan oo ah meeshii uu ka raacay magaca fadaladu, waxaa kaloo la
yiri waxaa magacaan loogu bixiyay celinta fuduusha (xuquuqda dheeraadka ah)
loo celiyo dadkii lahaa. “waxaana aan shaki ku jirin inaan maanta u
baahanahay heshiisyo badan oo fadalo ah".
Noloshii
Xoogsiga
Sida
la ogsoon yahay ma jirin shaqo khaas ah oo Nabiga (scw) lagu yaqiin
dhallinyaro nimadiisii, hasayeeshee waxaa jira qisooyin badan oo caddaynaya
inuu raacay xoolaha ariga intii uu joogay Bani-Sacad dhexdooda, sidoo kale
inuu reer Makko ugu raacay lacag yar oo shilimaad ah.
Markuuse shan iyo labaatan jirsaday, wuxuu u safray dhulka Shaam isagoo
wada hanti bocsharo ah oo ay leedahay Khadiija Bint Khuwaylid Umul
mu’miniin, Zawjadii Nabiga (scw) markii dambe Alla haka raalli noqdee,Ibn
Isxaaq wuxuu yiri, Khadiija waxay ahayd haweenay maalqabeen ah oo sharaf
badni iyo magac wayni lagu yaqaan, waxay hantideeda ku adeeg san jirtay
ragga, ayadoo ku shaqaalaynaysa lacag magacaaban, inay bocsharadeeda ula
safraan Shaam darted.
Qureyshoo dhanina waxay ahaayeen ummad ganacsato ah, markay hadaba maqashay
hadalhaynta dadku Nabiga (scw) hadal hayaan amaantiisa, sida run badnida uu
ku caan baxay iyo amaano waynidiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan, way u cid
dirsatay oo u soo jeedisay inuu hantideeda ula safro Shaam islamarkaana inay
siinayso lacag in doora ka badan wixii ay ragga asaaggiis ah siin jirtay,
sidoo kale inay ku darayso wiilkeeda adoonka ah ee Maysara, markaas ayuu
Nabigu (scw) Khadiija ka aqbalay soo jeedintaan, lana safray bocsharadii
Khadiijo ilaa uu Shaam la tagay.
Guurkii
Nabiga
(scw) iyo Khadiijo
Markii uu Makko kusoo laabtay, oo Khadiija hantideedii ku aragtay amaano
iyo barkhad iyo faa’iido wax aysan filanayn waligeedna hore ugu arag,
wiilkeedii Maysara-na uu dhankiisa uga warramay waxyaalihii uu Nabiga (scw)
ku arkay oo dabeecado macaan, sifooyin iyo dhaqamo sarreeya, figrado toosan
oo habboon, oraah run ah, iyo hab nololeed wanaagsan ah, sidoo kale uu u
sheegay mucjizooyin uu la yaabay oo ay ka mid tahay in xilliga qoraxdu
kulushahay ay markasta daruuruhu haraynayeen, arrimahaas oo dhan markay
aragtay, waxay heshay baadideedii la baafinayay amase kii ugu habboonaa inay
nolosha la wadaagto, Khadiijana waxay ahayd haweenay ay madaxda iyo
mudanayaashu soo doonaan oo hanti wayn ku ballanqaadaan guurkeeda markaasay
ku gacan sayri jirtay.
Hadaba arrintaan nafteeda ka guuxaysa oo ay iskula hadashay ayay kala
sheekaysatay saaxiibadeed Nafiisa Bint Munaya, inantaan ayaana Nabiga (scw)
aaday ayadoo usoo jeedinaysa guurka Khadiija, markaas ayuu ku raalli noqday
oo uu odayaasha adeeradiis ah u sheegay inay u doonaan Khadiija ayaguna
dhankooda waxay gabadha ka dooneen adeerkeed islamarkiibana waxaa ku xigay
dhamaystirkii hawshaan.
Waxaana xafladdii caqdiga kasoo qayb galay Banu-Haashim iyo dhamaan madaxda
iyo waxgaradka qabiilooyinka Mudar oo dhan, xilligaasina waxay ku aadan
tahay kasoo laabadkiisii Shaam labo bilood kadib, wuxuuna mahar uga dhigay
labaatan qaalmood, waqtigaasna Khadiija waxay jirtay afartan sano, -Ibn
Isxaaq wuxuu isagu yiri sideed iyo labaatan sano oo kaliya- waxayna
maalinkaas ahayd tan ugu sidata inamaha Qureysheed nasab, hanti iyo caqli
badni intaba, sidoo kale waa marwadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw)
guursaday lamana uusan guursan ilaa ay dhimatay Alla qabriga ha u
qaboojiyee.
Caruurta Nabiga (scw) oo dhanna waxaa u dhashay Khadiija Ibraahim mooyee,
markii ugu horreysay waxay u dhashay Alqaasim -waana wiilka Nabiga kuunyada
(niinaasta) looga dhigay- Kadibna Zaynab, Ruqaya, Umu Khalthuum, Faadima,
ugu dambayntiina Cabdulaahi waana wiilka lagu magacaabo Dayb iyo Daahir,
hadaba wiilashii Nabiga (scw) kulligood waxay ku dhinteen saqiirka,
gabdhuhuse kulligood waxay soo gaareen Islamka oo Islaameen oo hijroodeen,
laakiinse waxay wada geeriyoodeen intii Nabigu (scw) noolaa faadima mooyee
oo lix bilood ka dambaysay kadibna ka dabatagtay.
Dhismihii Labaad Ee
Kacbada
Iyo Arrintii Garsoorka
Markii Nabigu (scw) sodon iyo shan shano jirsaday waxay Qureysh u istaagtay
dhisme cusub in Kacbada la dhiso, sababta keentayna waxay ahayd inay Kacbadu
ka samaysnayd dhisme qadiim ah oo duugoobay oo dherarkiisu nin joogiis wax
yar ka sarreeyo sagaal dhudhun oo xilligii Ismaaciil ah, saanqaafkii sarana
waa daatay markaasaa koox tuugo ahi xadeen kayd keedii gudaha ugu jiray,
taasoo jirta hadana waxaa burbur badani kasoo gaaray –inay dhisma duuga
tahay darteed- daadadka iyo dabaylaha soo noqnoqda kuwaasoo udubaheeda
dabciyay darbigeedana riiqay, soo dirista Nabiga (scw) shan sano ka horna
waxaa Makko jibaaxay daad wayn oo ku furmay xaramka markaas oo ay Kacbadu
dumitaan qarka u istaagtay, sidaa awgeed ayay Qureysh ku khasbanaatay inay
cusbooneeyaan dhismaha Kacbada si ay magacooda u ilaashadaan, waxayna isku
waafaqeen inaan la galin xoolo aan xalaal wanaagsan ahayn, sidaa darteed
laguma dhisi karo hanti ribo laga keenay ama xaq dad laga soo dhacay amase
hanti laga keenay haweenay jirkeeda ka ganacsata iyo waxyaalaha lamida.
Markii la damcay in hawshii la bilaabo waxaa laga baqay duminta Kacbada
amase in qofkii ku bilaaba dumin balaayo wajaafto –wayna ka haybaysan jireen
Kacbada- ilaa uu ku adkaystay oday la yiraahdo Alwaliid Ibn Mughira oo uu ku
bilaabay dumin, markii la arkay inaan waxba asiibin ayaa la wada dumiyay,
ilaa ay gaareen aasaaskii dhismihii Ibraahim (cs) markaas ayay qabiilo ahaan
u qaybsadeen dhismaha, waxayna laf walba ku khaas yeeleen qayb kamid ah inay
dhisto, markaas ayaa qabiil waliba soo urursaday si gaara dhagaxaantiisa,
waxayna bilaabeen inay dhisayayaan waxaana dhismaha agaasimayay oo
toosinayay fuundi Roomi ah oo lagu magacaabo Baaquum.
Hadaba markii la gaaray dhigistii Dhagaxa Madow (xajarul Aswadka) la dhigi
lahaa booskiisii oo dhismuhu halkaas gaaray, ayay is khilaafeen oo isku
qabsadeen ciddii dhigi lahayd oo la gaar noqon lahayd sharafta dhigistiisa
booskiisa la dhigo, murankii ayaa sii socday afar ama shan habayn waana
kulalaaday ilaa uu qarka u istaagay inuu isu baddalo dagaal qaraar oo ka
dhaca gudaha xaramka, markay arrintu heerkaas gaartay ayaa waxaa istaagay
oday lagu magacaabo Aba Umaya Ibnul Mughiira Almakhzumi oo usoo jeediyay si
dagaalka looga fogaado inay gartaan u dhiibtaan qofka ugu horreeya ee kasoo
gala albaabka xaramka, kulligoodna way ku raalli noqdeen taladaan.
Waxaana Alla la maagay inuu qofkaasi noqdo Rasuulka Alle (scw) markay arkeen
ayay farxad cirka u qayliyeen ayagoo leh “kani waa amiinkii waan ku raalli
noqonnay kani waa runlowgii Muxamed” markii uu soo gaaray oo ay arrintii uga
warameen wuxuu Nabigu (scw) codsaday inay keenaan go’ wayn markii la keenay
ayuu Xajarul Aswadkii wuxuu dhigay go’ bartankiisa, wuxuuna ku amray in
madaxdii waawaynaa ee qabiilooyinka muranku ka dhexeeyo ay kulligood go’a
geesaha wada qabtaan oo markaas wada qaadaan, ilaa ay gaarsiiyeen meeshii la
dhigi lahaa markaas ayuu gacantiisa ku qabtay oo meeshiisa dhigay,
garsoorkaan ayaa waxaa loo wada arkay xal biyokama dhibcaan ah oo lagu wada
qancay lagagana badbaaday colaad aan la ogayn meel ay ku dhamaan lahayd
hadday bilaaban lahayd.
Hadaba waxaa Qureysh ka dhamaaday hantidii xalaasha ahayd sidaa darteed
waxay ka tageen ilaa lix dhudhun dhinaceeda waqooyiga ah oo dhismihii
Ibraahim ee Kacbada ka mid ahaa –waana meesha loo yaqaan Xijriga ama
Xadiimka- albaabkeeda ayay kor u qaadeen si uusan u galin cid ay ayagu
doonaan mooyee, markii dhismuhu kor u gaaray shan iyo toban dhudhunna
saanqaaf ayay u sameeyeen, ku taagan lix tiir oo waawayn.
Markii dhismuhu dhamaaday qaabka Kacbadu wuxuu soo baxay hab afargees u dhow
oo xagga kore 15 dhudhun, ballaca labada darbina ilaa 10 dhudhun, dhagaxa
madowna wuxuu yaallaa meel dhulka lagu dawaafo ka sareysa miter iyo bar,
albaabkeeduna wuxuu dhulka kasareeyaa labo miter, waxaa dhinaca waqooyigana
kaga wareegsan darbi yar oo ku wareegsan meesha shaadaroonka oo Kacbada
kamid ah.
Fiiro gaar ah Kacbada
Nabigu (scw) markuu Makko qabsaday wuxuu damcay inuu dhismaha Kacbada dumiyo
oo Xijriga kusoo daro oo labo albaab u yeelo midna laga galo midna lago
boxo, hasayeeshee wuxuu isaga daayay dad Islaamka ku cusub inay moodaan
Kacbadii oo lagu cayaarayo amase lagu xadgudbayo, marka todobaataneeyadii
hijriga ayaa waxaa dumiyay Cabdulaahi Ibn Zubayr oo u dhisay sidii Nabigu
(scw) jeclaystay, hadana waxaa qabsaday nin ay isaga iska soo horjeedeen oo
lagu magacaabo Al-xajaaj Ibnu Yusuf oo todobaatan iyo afartii hijriyada dib
u dumiyay dhismihii Kacbada sideedii horena ku celiyay.
Sidoo
kale nin lagu magacaabo Ma’muum oo khaliif ahaa ayaa damcay inuu dumiyo oo
sidii fiicnayd ee Nabigu (scw) damcay uu u dhiso, laakiinse Imaamu Maalik
ayaa yiri, iska daa waxaan ka cabsanayaa in boqor waliba yiraahdo anna waan
duminayaa oo si fiican baan u dhisayaa, markaas ayuu iska daayay, sidaa
darteed waxay hadda Kacbadu ku joogtaa dhismihii Al-xajaaj Ibn Yusuf ee
74-tii hijrada la dhisay.
_________________________________________
1- tixaha waxaa curiyay Cabdirisaq
musanaf
2- fiiri Raxiiqa safxada 45
3- fiiri saxiixu muslim baabka Israaga
4- xadiithka waxaa soo saaray Axmed, Bukhaari kitaabkiisa Adabka, Dabaraani,
Alxaakim fiiri adabka raqam 567 sidoo kale waxaa saxiixiyay Dahabi Iyo
Albaani.