Shirkii
Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis {23-24 Dec
2006}.....
- SomaliTalk.com |
Dec 26, 2006
Shirka waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban
9-xubnood, guddigaas oo loo qabtay in ay muddo
90-maalmood ah ku soo diyaariyaan qorshihii lagu dhisi
lahaa hay'ad ama urur loo sameeyo sidii Soomaalida looga
cirib tiri lahaa haby-sooca iyo quursiga, waxaana loo
ballamay in Maarso 24, 2007 kulanka la isugu soo laabto
si loo dhiso hay'adda ladagaalanta Haby-sooca
Soomaaliyeed...
Minnesota, USA: Shir-weyne ay qaban
qaabadiisu soo socotey dhawr sano ayaa Dec 23-24, 2006 lagu
qabtay Jaamacadda
Minnesota, kulliyada Carlson School ee magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota
ee dalka Maraykanka. Waxaana kulankaas ka qayb galay 40 qof oo casumaad ku
yimid oo ka socda Jaaliyadda Soomaalida, Iimaamyada
Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad kuwaas oo ka kala
yimid meelo kala duwan oo caalamka ah.
Waxaa shirka lagu daawaday
filim ay dad aad u farabadan ka hadleen quursiga iyo
hayb sooco, sawirada hoose waa qaar ka mid ah dadka
ku jira filimka..
|
Furitaankii shirka ka dib
waxaa laga soo jeediyey warbixin guud oo ku saabsan taxanaha
la dagaalanka hayb-sooca ilaa Barnaamij idaacadeedkii 1999
ee isweydiintii "Quursigu
Qiil ma Leeyahay", hawlgalkii barnaamijyadii
wacyigelineed ee Minnesota ka curtay iyo dhacdooyinka ka
kala aloosmay goobo kala duwan oo lagu saleeyey daawashada
fiidyow muujinaya qabyo dhacdooyinkaa tusaale u ahaa. Waxaana
markaas warbixinno kooban laga dhegeystey ka qayb galayashii.
Shirka oo laba maalmood
socdey waxaa lagu gorfeeyey sidii ummadda Soomaaliyeed looga suulin
lahaa hayb-sooca, takoorka iyo quursiga. Waxaana madasha
looga wada hadlay, lagu lafa-guray, si qoto dheerna looga
wada xaajoodey sidii asaas loogu samayn lahaa nidaam
cilmiyayasan oo ummadda Soomaaliyeed looga suulinayo
hayb-sooca.
Dadkii shirka ka hadlay, ee doodaha ka
qayb qaatay, talooyinkana soo jeediyey waxaa ka mid ahaa: Sh.
C/Raxmaan Shariif, Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar, Sh. C/Salaan
Aadan, Sh. Axmed Taajir, Garaad Axmed Diiriye Geylan, Dr.
Cali Nuur, Dr. Xuseen Sh. C/Raxmaan, Sh. Xasan Jaamici,
Siciid Saalax, Suldaan Ibrow, Sahra Maxamed Cali Samatar,
Mubaarak Cali Xirsi, C/risaaq Faarax Xuseen, Yaasiin
Sakhraan, Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub, Axmed Yuusf,
Cismaan Warsame, Xaawo Faarax Aadan, Maryan Maxamed, Seynab
Xasan, Cadar Kaahin, Calidaruus Cali, Xaamud Maasheeye,
Maxamed Alla-bari, C/raxmaan Eelay, Maxamed Xaaji Xuseen,
Siciid Faahiye, Faadume Cali MJ, iyo akhyaar kale oo aad u
farabadan.
Dadka kale ee shirka khadka telefoonka
toos loogu soo xiray ee madasha la hadlay waxaa ka mid ahaa:
Maxamuud Xuseen Faarax ra'iis oo ku hadlayey magaca dadka la
hayb sooco ee Muqdisho. Cabdi Cusmaan Cali oo ku hadlayey
magaca dadka la hayb sooco ee Imaaraadka Carabta, Abu Dhabi.
Xaaji Muuse Caabdi Mire oo ku hadlayey magaca dadkala hayb
sooco oisagoo jooga California, USA. Iyo Cali Jaamac oo ku
hadlayey magaca dadka la hayb Sooco ee ku sugan dalka
Sweden.
Intii shirku socdey, waxaa la isweydiiyey: Maxaa
kallifay in la takooro qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed,
maxaa keenay in la quursado, oo la hayb-sooco beelo kamid ah
Soomaaliya, xaggeese
arrintaasi ka bilaabatay, maxaase bilaabay, sideese loo
daweyn karaa oo hadda ummadda Soomaaliyeed looga suulin
karaa hayb-sooca.
Waxaa kale oo si xeel dheer
looga wada hadlay sidii ummadda Soomaaliyeed loo bararujin
lahaa - oo xitaa haddii loo baahdo loo diri lahaa tabliiq
ummadda Soomaaliyeed ku baraarujiya dhibaatada iyo xanuunka
ay takoorka iyo
quursigu u geysteen mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaana la
xusay in taariikhdu ay qori doonto qof kasta oo arrintaan
wanaag kaga qayb qaata suulinteeda.
Dadkii ka hadlay kulanka
waxaa ka mid ahaa nin Soomaaliyeed oo ka warramay heerka uu
qabiilku ka taagan yahay Soomaalida ayaa ka waramay qiso ahayd
in uu yiri: Maalin ayaan arkay qof dumar ah oo da' ah oo
xanuunsan oo xilli qabow ah taagan meel boosteejo ah
gawaarida laga raaco, waxaan ku iri, ayuu yiri: eeddo
gaariga aan wato makugu qaadaa oo ma ku geeyaa meesha aad rabtid?, wexey igu tiri: marka hore
qoladee tahay?. Hadalkaas markaan maqlay waxaan u ekeeday
sidii nin la toogtey, ayuu yiri, waxana uu ku daray: waxaan
markaas ku iri: Eeddo aniga qoladayda iska dhaaf ee ii sheeg in
aad rabtid in aan ku geeyo meesh aad rabtid. Intaas markaan
is dhaafsanay ayaa Gabar la
socotey waxay tiri: walaal islaantu waa
xanuunsaneysaa ee nagey cisbitaalka. Markaas ayaa islaantii
inta ay soo boodey waxay tiri: Anigu raaci maayo qof aanan
qabiilkiisa aqoon." Waxa uu yiri anigu waxaan ku koray
Itoobiya oo waxaa yaraantayadii madaxa naga garaaci jirey
Xabashi, waxaana waalidkay na dhehi jirey socda oo Soomaaliya aada,
waxaana u lugayn jirey dhanka Soomaaliya si aan u aragno
askari Soomaaliyeed oo lebisan dharka askarta Soomaalida-
arrintaas oo dadkii madasha fadhiyey qiiro ku reebay.
Waxaa si xeel dheer looga
hadlay in dhibaatada Soomaaliya ee arrinta quursiga aysan ku
koobnayn dadka la yaso ama la hayb sooco, balse sidaas oo kale
Qofka wax yasaya uu dhibaato qabo, oo ay tahay in la daweeyo.
Kulanka oo lagala socdey
khadka Internetka ayaa laga soo wici karey daafaha dunida,
dadkii soo wacay waxaa ka mid ahaa: Cali Diireye Geylan, oo
kulanka ka soo wacay Sweden, waxana uu u mahad
naqay dadka soo qaban qaabiyey shirka, waxana uu codsaday in
la sameeyo tabliiq dadka wacyi geliya.
Kulankii dadkii ka hadlay
waxaa ka mid ahaa
Garaad Axmed
Diiriye Geylan oo ah garaad bishii Janaayo ee sannadka 2006
lagu caleemo saaray magaalada Laascaanood. Waxana uu hadda
ka soo safray Sweden si uu uga qayb qaato shirka.
Ka bilow Bidix: Suldaan Ibrow, Garaad Axmed Diiriye Geylan,
Cali Xirsi
Ugu horayn waxa uu garaadku
u mahad celiyey qabanqaabiyayaashii shirka, waxana uu xusay
in dhawr sano ka hor aysan suurto gal ahaan jirin in lagaba
hadlo qadiyadan haby-sooca, waxaana hadda lagu guulaystey in
laga hadlo qadiyaddan. Waxana uu xusay in arrintani haddii
si daacad loo fuliyo wax ka qabashadeeda in xal u noqon
karto dalka Soomaaliyeed oo dhan.
Garaad Axmed waxa uu xusay
in (Dagaaladii Soomaaliya kadib) ay dad Soomaaliyeed ku
badbaadeen iyagoo sheeganaya magaca Gabooyaha, waxana uu
yiri: waxaan ku faraxsanahay in dadkaasi ay ku badbaadeen
magaca gabooye. Waxaa
mahad Allah ah in dadkii la dhehi jirey midgaan ayaa tihiin
in hadda la sheeganayo, si loogu badbaado, ayuu yiri.
Waxana uu Garaad Axmed yiri:
Waxaa dhici
karta in xalka Soomaalidu uu ku jiro dhankayaga, annaga
ayaan
cidna raacsanayne.
Waxaa shirka laga sheegay
waxyaabihii hayb sooca ka qayb qaatay in ay ka mid ahaayeen
in wixii ka horreeyey 1960 marka ardayga dugsiga la qorayo
in la diiwaan gelin jirey magaca ardayga iyo qabiilkiisa -
kaas oo lagu qori jirey diiwaanka xaadirinta. Nin oday ah
ayaana xusay in xilligaas ay dhici jirtey in ardayda ka
dhalatay beelaha la hayb sooco in ay fasalka ka soo daahaan
si ay dhaafto xaadirintu si aanba magacooda loo sheegin
iyagoo ka cabsi qabay in la garto hayb-tooda oo markaas lagu
yaso ama lagu takooro.
Qisadaas waxay nin dhallinyaro
ah oo madasha fadhiyey soo xusuusisay qiso isaga ku dhacday,
qisadaas oo ahayd: in uu yiri: Waxaan dugsi ka dhigan jirey
magaalaada Berbera xilligaas oo ku beegnayd 1979-80, waxaan
ahaa fasalka 6aad, waxbarashadana aad ayaan ugu wanaagsanaa
anigoo geli jirey kaalimaada ugu sareeya, ayuu yiri. Maalin
ayaa waxaa dhacday in magaalada Berbera la keenay Riwaaday
ay dadkii jilayey ka mid ahayd Maryan Mursan. Waxaan isku
deyey in aan tago riwaayada, laakiin iima suurta gelin,
anigoo aan lacag u haysan. Hadallada Riwaadaas ku jirey ayaa
waxaa ka mid ahaa in ay Maryan Mursan ay makhaayad ka
dalbatay KIRISH-OO-MIRISH. Subaxdii markaan iskoolkii imid,
ayuu yiri, ayaa waxaa dhacday in arday gadaal fadhiya waxa
uu yiri "Kirish oow mirish", markaas ayaa ardaydii soo wada
fiiriyeen kursigii aan fadhiyey, ayagoo dhammaantood wada
qoslaya - xitaa gabar kursi iidhow fadhidey markii ay
aragtay in aan iyaada lagu jeedin ayey qosolkii ku dartay,
markaas ardaydii oo dhan aniga ayey isoo eegayaan ayagoo igu
qoslaya. Macallinkii ayaa ardaydii aamusiyey. Cabbaar ka dib
sidii ay qosol u bilaabeen inta ay yiraahdeen "kirish oo
Mirish". Anigoo oo yaxyax meel aan galo la' ayaa fasalkii
maalintaas sidaas ku dhammaaday. Gurigii markaan tegey
waxaan go'aansaday in aanaan dugsiga dib dambe ugu laaban -
MAALINTAAS AYAA ISKOOL AAN DHIGTO IIGU DAMBEYSEY -
Noloshayda Iskool maalintaas ka dambeysey ma dhigan,
ayuu yiri. Markii uu hadalka sharraxayey waxa uu yiri
kelmedda "Kirish oo Mirish" waxaa looga jeedaa calooleyda la
cuno oo lagu caayayey beelaha la hayb sooco oo uu sheegay in
uu ka tirsan yahay. Waxa uu yiri Aabahay oo Sucuudiga jirey
xitaa waa loo cid diray si la iigu qanciyo in aan Iskool ku
laabto, wax kasta inta la sameeyey waa la igu kari waayey in
aan Iskool dambe dhigto.
Sidaas oo kale ayaa laga
waramay qisooyin qabsaday beelaha hayb sooco.
Kaddib waxaa lafa-gur lagu
samaayey sidii kulamaddii muddada dheer soo socdey loogu
rogi lahaa wax qabad la taaban karo, iyo in la sameeyo
hay'ad isku xir oo asaas u noqota sii wadida hawsha la
dagaalanka haby sooca. Dad badan ayaana arrintaas fikradooda
ka dhiibtey, waxaana dadweynaha lagu dhiiri geliyey in qofkii
arrintaan ka qayb qaadanaya in uu samir lahaado, kuna
dhiiranaddo mabda' suulinta haby sooca.
Dr. Cali Nuur oo ka soo
safray dalka kanada ayaa ka warbixiyey arrin dadkii ka
qoslisey, waxa uu yiri: Waxaa dhacday in magaalo ku taal
gobolka Ontario ee dalka Kanada in laga asaasay urur
loogu magac daray Gabooyaha, markii laga war helay ayaa loo
tegey dadkii ururkaas asaasay, markaas ayaa la yiri: Ururka
waxaa samayn kara dad beeshaas u dhashay ee faraha kala baxa,
waxay markaas dadkii ururkaas sameeyey ku jawaabeen: Ururkan
waxaan u samaysanay 500 oo qoys oo magacaas noogu xeraysan
farahana kala biximeyno oo hadda annaga ayaaba ka tirsan
Gabooyaha. Marka sidaas oo kale, ayuu yiri Dr. Cali Nuur, ha
noo samaysanina urur aad nagu maamushaan... Hadalkaas oo
dadkii ka qosliyey.. Waxana uu muujiyey sida uu ugu
faraxsanaa in magacaas lagu badbaadey.
Su'aalihii shirka la iska weydiiyey waxaa
ka mid ahaa: Ma waxaan ku dagaal gallaa kelmedda "Midgaan",
mase waxaan la dagaallanaa kelmedda "Midgaan", taas oo
shacabka Soomaaliyeed laga filayo in ay jawaab ka bixiyaan.
isku soo xooriyoo: waxaa si xeel dheer
looga dooday, loona lafa guray, in dhibaatada uu quursigu ku
hayo shacabka Soomaaliyeed aysan ku koobnayn hal dhinac,
balse kuwa wax quursada qudhoodu u baahan yihiin wacyi gelin
u nasteexayn si guud ahaanba quursiga loo xididda siibo, oo
looga xididda siibo dadka ku hadla afka Soomaaliga, ummadda
Soomaaliyeed laga saaro cuqdadda uu keenay quursigu, la
walaaleeyo ummadda Soomaaliyeed. Si arrimahaas loo fuliyona
waa in la helo dad daacad ka ah arrintaas oo u guntada sidii
ay ummadda inteeda kale arrintan ugu baraarujin lahaayeen
Ugu dambayntii shirka waxaa looga doodey
sidii loo samayn lahaa urur, waxaana markii u dambeysay laysku raacay in urur la sameeyo
kaas oo wax
qabadkiisuna yahay in uu u adeego beelaha la hayb sooco kaas oo samafal
noqon doona. Waxaana laysku raacay in guddi soo diyaariya ururkaa la sameeyo,
guddigaas oo ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo laga
sugayo 90 maalmood in ay kusoo diyaariyaan qorshaha ama xeerka hay'adda la
dhisi doono ay yeelan doonto. Waxaana la rabaa in guddiga in soo sameeyaan
CILMI-BAARIS arrinta quursiga la xiriirta iyo sidii dhidibada loogu dhigi
lahaa nidaam wacyi gelineed. Waxaana guddigaas laga rabaa sidii ay u soo
diyaarin lahaayeen isku xirka dhammaan dadka hawshan ka qayb qaadanaya ee
kala jooga daafaaha adduunka. Waxaana la ballan san yahay in 24ka bisha
Maarso ee 2007 ay guddigaasi wax-qabadkoodii soo soo hor dhigaan shir-weyne
xilligaas ay u ballan san yihiin dadkii ka qayb galay shirkan. Markaas ayaa
guddigan sagaalka qof ah hawshoodu ku egtahay, waxaana la qorshayanayaa in
markaas hawsha lagu wareejiyo hay'adda la soo dhisi doono. [Guddiga waxaa
lagala xiriiri karaa: Cusmaan Ducaale: Email:
Tayasir7198@yahoo.com ama Tel: 1-612-227-8830]
Wixii faahfaahin ah oo intaas dheer waxaa
lagala xiriir karaa:
- Siciid Saalax (612-290-1521)
- Cusmaan Daahir (612-227-8830) - Email:
Tayasir7198@yahoo.com
- Mubaarak Cali Xirsi (612-275-0518)
- Maxamed Aadan (303-523-5510)
Qoraal dheer oo uu Dr. Cali Nuur soo gaarsiiyey SomalTalk
ka akhri halka....
Akhri:
QUURSIGU QIIL MALEH [Shirkii
Minneapolis ee 2004]
Akhri:
Qaban qaabadii shirka la dagaalanka hayb sooca
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2006