SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
JAWAAB KU SOCOTA CABDIWAAXID

Alle ayaa mahad leh,

tan xigta waxaan jeclahay inaan in yar ka dhaho hadal warbixin u qoray ninka cabdiwaxid la dhaho kuna saabsan shirkad uu sheegay HAFZA in la dhaho oo lagu wareerjiyey 99 sano mud ah inay lahaato marinka Xafuun,

walaalkey marka hore waxaan leeyahay shay inta uusan qofku qorin waxay ku fiican tahay in uu hubiyo in ay jirto iyo inaysan jirin, arinta isagu siduu u sheegay waa in marinka Xafuun shirkadaasi ka dhigto dhul dalxiis ayna iyadu maamulayso mudo aad u dheer, hadii arintaan la raaco oo sidaas ay tahay anigu waxaan is leeyahay aduunkaan wadamo iyo quruumo kala duwan ayaa ku nool waxa laga aamini karaa in ay tahay arin la soo dhowyn karo waayo waxa asaas u ah horumar iyo hagaajin ilo dadku ka heli karaan dhaqaale iyo dhisme wadan, aniguse waxan qabaa inaysan jirinba waayo dhul rajadiisu fiicantahay oo dadka degan lagu kalsoonaan karo ayaa hawsha intas le'eg laga qabsan karaa.

Somalida waxa laga aaminsanyahay inay tahay dad aan wax qabsan karin, malaa yacnigana ka hela, marka dad sidaan ah in dad ajinebi ahi dhulkooda maal gashadaan ma suurowdo, anigu waxaan ku noolahay hada wadanka Kenya, waxa jira dad Soomaali ah oo guryo wadanka ka dhistay guryahaas dhulka ay ka dhisan yihiin waxaa iska leh dad Kenyan ah waxana heshiisyo lagula galay in ay lahaanayaan mudo 50 - 60 sano u dhaxayso, ninkii iska lahaa dhulkaas muxuu sugayaa?, wuxuu sugayaa 50 sano kadib in dhismihii isagu yeesho yaa nool yaa dhintay, wuxuu xeerinayaa in uu isagu yahay ninkii dhulka u hari lahaa oo wax kasta oo la gesho ay isaga u noqon doonaan ma guurtadiisii, marka inaga ma inaga suurtowdaa inaan dhahno shirkad ama qof ajinebi ah dhulkaan anaa leh ee maal gasho oo mudo heshiis aan kala qorano, waa maya? markiiba waxaa dood la soo boodaya dad badan oo ku hal qabsanaya waa la boobay dhulkii Soomaalida sida Cabdiwaaxid oo kale, miyuusan ogeyn cabdiwaaxid in dhulkan Soomaalidu leedahay asal iyo mustaqbalba, dadkaan leh dhulkii SOomaalida ayaa la qaadanayaa waa reerkee reerka dhul laga qaadayaa maanta, inagiibaaba aan isu ogeleyn inaan wada noolaanee maxay dad martiyihi inaga soo doonayaan, marka waxba yaanan hadalkayga sii dheereyne iska dhaafa dacaayadan riqiiska ah oo aan meelna wax geyney.

Hadii sida loo shegayaa ay tahay oo HAFZA jirto runtii waa arin ku dayosho mudan cid kastoo maal gashi ku samaysanaysa dhulka SOomaalidana waa in la garab istaago oo la soodhoweeyo, heshiis kasta oo la galo waa waxa aduunku ku degan yahay, 99 sano heshiisyo ah hada waxa jira kii Bosnia iyo Croatia ay ku wada galeen qarnigii tegey dhamaadkiisii oo ahayd in ay isticmaasho Bosnia dekeda ay leeyihiin Croatku mudo dhan 99 sano, ogow waa dad col ahaa Croatku ma dhihin maxaa dhulkayaga loo bixiyey ee way soo dhoweeyeen waxayna u arkeen in ay heli donaan fursado badan oo ganacsi iyo maal gashi isugu jira, marka walaalayaal ma xuma in dhulka la difaaco oo sharaftiisa la ilaaliyo ee maanta sida dhulku yahay maalina kama liito waa qorfe aan jid lahayn, hadii aad timaado waad ka naxaysaa adigoo weliba maankaaga ay gelayso in dhulkaagii hooyo ka haray aduunka intiisa kale, markaad aragto dadku siday ku noolyihiin qofkii damiir lihi wuu xanuunsanayaa diifta iyo rafaadka ka muuqata hooyooyinkeena iyo ubadkeena iskaba daa cid kalee, marka iyadoo aan cidna lagu xumaynayn cidna lagu fogeynayn aan iska dhaafno wax aan dux iyo nuxur inoo lahayn.

waxaan qormadaydaan ku soo gabagabaynayaa walaalkay cabdiwaaxid iyo kuwa sidaas oo kale ula fekera inaysan wax dan ah ahayn in inagoo aduunkiiba ka harnay hadana faquuqid aan bilowna iyo in la naco dadka marti inagu noqon lahaa,

wabilaahi Towfiiq

Kayse Hasan
Nairobi Kenya
kayse25@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005

Maqaalkii C/waaxid:
»
Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD