SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

MOWLIIDKA, SAX MISE KHALAD? (DOOD CILMIYEED)

Waxaa masaajidka jaamaca ah isugu soo galay sheekh Faarax iyo sheekh Bashiir. Labada sheekh oo ilaa yaraantoodi isku xer ahaan jirey, muddo dheerna saaxiibbo ahaa waxaa si lama filaan ah uga dhex bilaabatay dood ku saabsan MOWLIIDKA [Dhalashadii Rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam] ma bannaantahay in loo dabbaal dego mise ma bannaana oo waa bidco?

Labada sheekh mid walbaa wuxuu soo daliishanayaa wixii uu u arko in ay mowqifkiisa xoojinayaan, waxayse layaab ku leeyihiin in uu midba kan kale si qaddarin iyo xaq raadis ah u dhagaysanayo, waxaase ka sii daran in ay ugu danbayntii is waafaqeen.

Waxba yaanan hadal kugu daaline, doodan akhri deetana u garsoor labada sheekh:- 

Sheekh Bashiir: salaama caleykum

Sheekh Faarax: wacaleykumu salaam, sheekh Bashiir see la yahay.

Sh. Bashiir: Ilaahay mahaddiis, maalmahan kuma arkine miyaad maqnayd?

Sh. Faarax: Mayee waxaan ku mashquulsanayn diyaarinta xafladdii Mowliidka Nabiga (scw).

Sh. Bashiir: Oo sheekh miyaadan weli fahmin in Xafladda Mowliidku bidco tahay?

Sh. Faarax: Maxaad ku hadlaysaa?! Ma Xafladda Mowliidka Nabiga (scw) baad bidco ku sheegaysaa? Waxayba ka mid tahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badane? Waaba wax Ilaahay loogu dhawaadee? Waaba jacaylkii Suubanehee? Sidee u leedahay waa bidco? Tanna waa lagaa sugayey! Anigu waa horaan arkay in balaayo kuu gacan haadinayso.

Sh. Bashiir: Faarax! Balaayo iima gacan haadine aan xaqa kuu caddeeyo.

Sh. Faarax: Oo sideeda maxaad xaq u taqaan?

Sh. Bashiir: Xaq waxaan u aqaan wixii Quraanka iyo Xadiiska iyo Camalkii Salafka waafaqsan. Adigu miyaadan sidaas u aqoon?

Sh. Faarax: Mayee anna sidaas aad sheegtay baan u aqaan! Laakiin I dhageyso: waxaas aad ku hadashay yaan cid kale kaa maqlin, ma dhalashadii Rasuulka (scw) baad bidco ku sheegaysaa? Waaba yaabe!

Sh. Bashiir: U kaadi sheekh Faarax, Nabiga (scw) dhalashadiisu bidco ma ahan ee waxaa bidco ah in maalintaas laga dhigto CIID ama loo dabbaal-dego ama loo arko inay maalmaha ka fadli badantahay iyo in cibaado gooni ah lagu gaar yeelo.

Sh. Faarax: oo maxaa kuugu daliil ah inay bidco tahay? Xujo ma u haysataa?

Sh. Bashiir: Waa khalad in aad aniga daliil I waydiisid. Adiga ayaa lagaa rabaa daliilka aad ku jidaysey cibaado aan Ilaahay quraanka ku jideyn, hal xadiisa oo kaliyana aanu ku soo aroorin, saxaabadii Rasuulkuna (scw) aanay samayn. Adaa sheegay inay cibaado iyo sunne tahaye ee keen daliilka {al bayinatu calal muddacii} adaa daliil lagaa sugayaa. Sideedana qaacido ayaa jirta: Qofkii wax cibaado ah sheega isagaa daliil laga rabaa

Sh. Faarax: Anigu daliilkayga gadaal baan ka sheegi doonaaye waa in aad caddaysid arrimahaas aad sheegtay? Caddee sababta aad ku diideysid.

Sh. Bashiir: waayahay, dhagahaaga si fiican u fur, waxa aan ku diidayna dhageyso:-

In maalintii uu Nabigu (scw) dhashay loo dabbaal dego waa wax bidco ah, oo aan Kitaabka iyo Sunnada iyo Ijmaaca toona waafaqsanayn waxaana soo derriyey dad aan culimo ahayn. Waxaana arrintaas kuugu caddaynayaa arrimahan soo socda.

Sh. Faarax: Soo daa, waan ka jawaabayaa waxan aad dhoob-dhoobayside.

Sh. Bashiir: adaa jawaabtooda lagaa sugayaa:

  1. Horta Nabigu (scw) ma dhigin mowliidka mana sheegin, saxaabadiisana ma aanu amrin, haddee diintana isagaa ina soo gaarsiiyey. Ma runbaa mise waa been.

Sh. Faarax: mayee waa run.

Sh. Bashiir: bal u fiirso:

  1. Khulafadii Rasuulku (scw) ma aanay dhigin mowliidka haddee iyagaana Xabiibka naga jeclaa, diintiisana ugu raacid badnaa. Saxaabada oo dhanna waa sidaas oo kale.
  2. Nabigu (scw) wuxuu ina amray inaynu sunnadiisa raacno, wuxuuna inooga digey waxyaabaha diinta lagu soo siyaadinayo, iyadoo khayr lagu doonayo. Xadiiskii Imaamu Muslim waatii Nabigu (scw) uu lahaa:

 ( أما بعد فإن خير الحديث كتاب الله وخير الهدي هدي محمد وشر الأمور محدثاتها وكل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة) اخرجه مسلم وفى رواية للنسائي( وكل ضلالة فى النار)

Macne{hadal waxaa ugu wanaagsan kitaabka Ilaahay, jid iyo waddo lagu socdana waxa ugu wanaagsan tii Nabi Muxammed (scw) arrimaha oo dhanna waxaa ugu xun kuwa lagu soo daro [diinta], wax walba oo lagu soo darana waa bidco, bidco oo dhanna waa baadinimo}

Sow ma cadda inaan diinta waxba lagu soo dari karin?

    • Xadiiskii kale ee xataa Arbaciinka Nawawi (an) ku yaalley ee Cirbaad bin Saariyah, sow sheekh ma xusuusatid? Ee uu Nabigu (scw) ku lahaa qofkii sii noolaada wuxuu arkayaa khilaaf fara badan ee sunnadayda iyo tan khulafadayda gawska danbe ku qabsada, deetana uu yidhi: {waxaan idiinka digayaa arrimaha gadaal laga keeni doono, wixii gadaal laga keenaa waa bidco, bidcana dhammaanteed waa baadinimo} bal fiiri “kulla muxdathatin” haddee erayga “kulli” macnihiisa cidi kuu sheegimayso:

 (وإياكم ومحدثات الأمور؛ فإن كل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة)

            Maxaad adigu mowliidka bidcooyinkaas la diidey kaga soo reebaysaa?

Sh. Faarax: Ma dhammaysatay?

Sh. Bashiir: Mayee ha I boobsiine sug:

  1. Nabigu (scw) wuxuu ummaddiisa faray wixii khayr ah oo dhan, wuxuuna ka reebay wixii shar ah. Miyaad haddaba, sheekh Faarax, weligaa aragtay hal xadiisana ha ahaadee meel uu Nabigu (scw) ku amrayo mowliidka, ama isagoo samaynaya, ama saxaabadiisa oo xafladdan dhigaya?

Sh. Faarax: Maya ma arkin mana jiro xadiis sheegaya in Nabigu (scw) amray ama dhigay Mowliidka.

Sh. Bashiir: Waayahay bal u fiirso! Miyuu Nabigu illaaway inuu inoo sheego ama inoo jideeyo Mowliidka? Mise kharka ku jira [haddii khayr ku jiro] ayuu ka kaaftoomay oo innaga ayaa ka khayr jecel? Mise innagaa Nabiga (scw) diintiisa uga fahan badan? Mise wuu sheegay oo saxaabada ayaan inoo soo gudbin? Arrimahaas midkii aad tiraahdaba waa khalad iyo gaf. Waana wax ay ku khasban yihiin inay mid ka mid ah doortaan kuwa u ololeeya xafladda mowliidka.

Sow ma ogid in Nabigu (scw) uu noolaa 23 sano oo uu Nabi Rasuul ah ahaa, muxuu hal sanana kulay ku ahaato u xusi waayey dhalshadiisa? Oo saxaabadu iyaguna ma hilmaameen dhalashadii xabiibkooda?

Haddii Nabiga iyo saxaabadiisuba ay ka tageen oo iska daayeen innagana waxaa inala gudboon in aynu iska deyno, ee ma ahan inaynu gacan dhaafno.

  1. Gaalada gaar ahaanna Kiristaanka ayaa lagu yaqaan inay xusaan dhalashad dadkooda waaweyn, sidaas darteed bay u xusaan waxa ay ku sheegaan (Miilaad Al masiix) oo ay leeyihiin waa maalintii uu dhashay Nabi Ciise (cs) waana caado ay waligood lahaan jireen. Iyaga ayaana lagaga dayday.
  2. Teeda kale, waxaan sheekh ku waydiiyey ma taqaan ciddii ugu horreysey ee Mowliidka dhigtay ama bilowday?

Sh. Faarax: haddee waxay ila tahay in waligood muslimiintu dhigi jireen, si saxase uma xusuusto qofkii ugu horreeyey ee dhiga. 

Sh. Bashiir: sida ay caddeeyeen culimada taariikhdu, oo uu ka mid yahay Al-imaam Al-maqriizii kitaabkiisa “Al-khudad wal aathaar” 1/490, iyo Muftigii hore ee Masar Muxammad Bakhiit Al-mudiicii kitaabkiisa “Axsanul Kalaam” iyo culimo kalaba waxay caddeeyeen in Mowliidka ay bilaabeen nimankii Masar xukumi jirey qarnigii 4-aad ee hijriga, ee lagu magacaabi jirey “Al-faatimiyiin”

Sh. Faarax: Ma “Faatimiyiintii” baad leedahay iyagaa bilaabay mowliidka? Nimankaas waxayba culimada islaamku sheegeen inaanay mulimba ahayne! Waxay ahaayeen firqada loo yaqaan “Baatiniyah” oo aan soon iyo salaad iyo xaj toona aaminsanayn! Waxay ku gabbanayeen magaca gabadhii Nabiga (scw) ee Faatimah. Xataa Imaamu Suyuudi kuma darin kitaabkiisa “Taariikhul Khulafaa” oo uu kaga hadlayey dhammaan madaxdii islaamka, wuxuuna sheegay inuu kas uga booday oo aanu ku tirineyn inay muslimiin yihiin.

Sh. Bashiir: Haa, sida taariikhda lagu hayo ciddii ugu horreysey ee mowliid dhigta iyaga ayay ahayd, waliba ninkii la odhan jirey “Al-Muciz Lidiinillaah”. Laakiin muslimiinta kuma dhex faafin. Waagii danbe ayaa waxaa faafiyey Boqorkii “IRBIL” ee Abu Saciid Al-Kuukbuuri, dhammaadkii qarnigii 6aad ama bilowgii kii 7aad.

    • Boqorkan Abu Saciid wuxuu arkay sidii ay Kiristaanku u waynaynayaan uguna dabbaal degayaan dhalashadii Nabigooda, markaas ayuu ka masayray oo yidhi: waa inaynu innaguna Nabigeenna sidaas oo kale u qaddarinno!
    • Haddaba boqorka iyo dadkii ka yeelayba way ku gar leeyihiin in ay Suubanaha qaddariyaan laakiin waxay hilmaameen saddex arrimood:

                              i.      In Nabiga (scw) waynayntiisu ay tahay in la raaco, la rumeeyo, diintiisa la difaaco, sunnadiisa la faafiyo, lagu salliyo lana jeclaado. Ee aanay ahayn in wax aanu jideyn la sameeyo.

                             ii.      Waxay kaloo illaaween in diinteennu ay tahay kaamil buuxda oo aan waxba lagu siyaadin karin, innaga dowrkeenuna yahay inaynu raacno (ittibaac) ee aysan ahayn inaynu wax cusub la nimaadno (ibtidaac).

                             iii.      Tan kale ee ay garab mareen ayaa ahayd in Ilaahay (sw) iyo Nabigiisuba ay na amreen inaynaan ku dayan gaalada, oo aynu khilaafno.

o       Xataa haddii niyaddiisu wanaagsanayd dee niyad wanaagsan diin laguma jideeyo.

  1. Nabiga (scw) jacaylkiisu waa waajib, qofkuna muslim ma noqonayo ilaa uu jeclaado, hase yeeshee waa su’aale labo nin keebaa Nabiga (scw) jecel:

                              i.      Nin sannadka oo dhan iska mashquulsan oo aan sunnada Rasuulka (scw) ku dhaqmin, laakiin habeenka 12 Rabiicul awal yimaada xafladda mowliidka, xafladdaas oo ragga iyo dumarku is dhex boodayaan, gabdhaha iyo wiilashuna iska doontaan, durbaanka iyo qasiidooyinku cibaado ka yihiin, fooxa iyo sigaarka isku qasmaan.....

                              ii.      Mise nin jecel inuu sannadka oo dhan nabiga xusuusnaado, sunnadii Rasuulku (scw) ay korkiisa ka muuqato, barta oo ku camal-fala axaadiista Rasuulka (scw), mar walba xasuusan oo ku salliya. Laakiin aan jeclayn in uu tago meeshaas ay mowliidka ku dhigayaan oo masaa’ibtu ka dhacdo, aanna doonayn inuu sameeyo wax aanu Rasuulku (scw) iyo Raggiisii toona samaynin, Afartii Imaam iyo culumadii xaddiiskuna aanay samayn? Kee sunnada u dhow? 

Haddaan si kale u dhigo Imaam Bukhaari, Muslim, Abu Da’uud, Shaafici, Axmed, Abu Xaniifah, Maalik iyo raggoodii oo dhinac ah iyo Faadimiyiintii mowliidka dejiyey oo dhinaca kale ah keebaa Nabiga (scw) jeclaa? 

Sh. Faarax: Waa iska cadyahay kan sunnada u dhow, ama Rasuulka jeclel, waana runtaa oo sababta Bukhaari iyo Shaafici mowliidka uga tageen waa arrin fiira mudan, lakiin …

Sh. Bashiir: Haa, iyagaa Nabiga naga wada jeclaa…

Sh. Faarax: Sheekhow axaadiis badan baad soo warisey, wixii aanu waligayo soo samaynaynayna waxaad rabtaa inaad bidco ku sheegtid. Haddaba anna I dhageyso aan kuu sheego xujooyinka cadcad iyo daliilka aanu u haysanno mowliidka.

Sh. Bashiir: Haye bal soo daa waxa aad haysid. Maxaadse ka yeelaysaa wixii aan daliil soo akhriyey. Miyaad inkiraysaa mise?

 Sh. Faarax: Mayee waan ka jawaabayaa.

Sh. Bashiir: oo ma jawaab baad u haysaa?

Sh. Faarax: Adaa arki doona? 

QAYBTA LABAAD... AKHRI...

W.Q: Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 17, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD