QAYBTII
1-AAD HALKAN RIIX
SH. FAARAX:
Waad ku mahadsantahay sida qurxoon ee aad u dooday, laakiin ha
moodin in aanu daliil la’aan iska soconayno. Waxaanu haysannaa
xujooyin cad-cad oo tusinaya in mowliidku xaq yahay.
SH. BASHIIR:
Ma aayad mise xadiis
baad mowliidka u haysaa? Sheekh Faarax!
SH FAARAX:
Haa, aayad kaliya
maahee aayado badan iyo axaadiis badan baan u haystaa!
SH. BASHIIR:
Haye, bal soo daa
waxa aad haysid, waxaanse kuu sheegayaa: haddii aad aayad ama xadiis
mowliidka muujinaya keentid, anigu waan towbad keenayaa, waanna kugu
raacayaa…
SH FAARAX:
aniguna sidoo kale,
qofka muslimka ah iyo xaqa il iyo aragti baa ka dhaxaysa.
SH BASHIIR:
Waa saxe, soo daa daliil kaaga.
1.
SH FAARAX:
waxaa iigu daliil ah aayadda quraanka ah ee uu Ilaahay yidhi [macne]
“dhab ahaan, Ilaahay (sw) iyo malaa’iktiisuba waxay ku salliyaan
Nabiga (scw). Dadka muuminiinta ahoow idinkuna ku salliya oo salaama
salaamid”
Haddee mowliidkuna waa Nabiga (scw) oo
lagu salliyayo iyo ammaan loo jeedinayo. Sow xujo cad ma ahan?
SH BASHIIR:
Ma ka jawaabi karaa?
SH FAARAX:
Haa, haddaad jawaab isku haysid, daliil walba oo aan keeno waa in
aad sheegtid waxa aad ku diidey.
SH BASHIIR:
Haddee sheekh! Ma mowliidka ayaynu ka doodayney mise Salliga Nabiga
(scw)? Mowliidku waa wax ka duwan salliga, qofwalbana wuu ogyahay.
Teeda kale haddii xoogaa salli ah lagu dhex daro wax bidco ah, sida
xafladda Mowliidka, dee miyay xalaalaynaysaa? Anigu maalin walba
waxaan Nabiga (scw) ku salliyaa boqollaal jeer, marka yaynaan sheekh
Faarax masalo kale ku wareegine mowliidka daliil ma u haysaa?
Aayaddani waxay ina amartay inaynu Rasuulka (scw) ku sallino. Haddee
saxaabaduba way ku sallin jireen, mowliidna ma aanay dhigi jirin, ee
aynu sidoodii yeelno, oo Nabiga (scw) aynu ugu sallino sidii uu
isagu ina baray! Waa intaas warka aan sheegayo. Teeda kale, bal
tafaasiirtii salafka iyo culimadii hore u laabo! Heli maysid cid
aayaddan mowliidka ku fasirtay.
SH FAARAX:
Waa runtaayoo sheekh Bashiir way kala duwan yihiin labada masalo,
balse ii kaadi:
2.
Mowliidku waa farxad lagu farxayo dhalashadii Nabiga (scw),
Ilaahayna wuxuu Quraanka ku yidhi:
{{
قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ
خَيْرٌ مِمَّا يَجْمَعُونَ
يونس:58}}
Aayaddani wuxuu Ilaahay innagu amray
inaynu ku faraxno “fadliga iyo naxariista Ilaahay”. Haddaba sheekh
Bashiir illayn maantoo dhan hadal daldali maynee, fadliga iyo
naxariista Nabi Muxammed (scw) ka weyn oo aynu ku farxaynaa maxay
tahay?
SH BASHIIR:
Sheekh Faaraxoow horayna waan usoo ishaaraye, quraanka waa inaynu u
fasirno sidii Saxaabada, Taabiciinta iyo Culimada Tafsiirku u
fasireen. Haddii aynu Quraanka maskaxdeenna oo kaliya la aadno waynu
lumaynaa. Bal waatan oo maktabaddii dhinaceenna ayay taallaaye iga
tus hal mufasir oo aayaddan u fasiray sidaas aad sheegtay? Ma galnaa
maktabadda?
SH FAARAX:
(isagoo cimaamaddiisii caddayd iyo koofiyaddiisii dhulka ka
qaadanaya) Ina kici.
SH BASHIIR:
Waakan tafsiirkii ugu waynaa ee Ibnu Jariir. Ibnu Kathiirna waa kan.
SH FAARAX:
Haa, tafaasiirta oo dhan way yaalliin. Maktabaddani way
cammirantahay oo kani waa Baqawi, Qurdubi, Ibnu Al-Jowzii iyo Ibnu
Al-Carabii, kuwo kalena way yaalliin.
SH BASHIIR:
Maashaa Allaah, sheekh Faarax soo qabo kii aad doontid.
SH FAARAX:
(wuxuu soo qabanayaa Tafsiika Qurdubi, wuxuuna soo saaray Suuratu
Yuunus, 58) haa… haa… waxaa ku yaalla Ibnu Cabbaas iyo Abu Saciid
Al-Khudri, waxay leeyihiin “fadliga aayaddu sheegaysaa waa Quraanka,
Raxmadduna waa Islaamka”.
Bal u kaadi, (wuxuu fiirinayaa
tafaasiirtii oo dhan, hadba mid buu soo saarayaa, laakiin wuu waayey
wax aayadda ku fasiraya Mowliidka, intuu kitaabkii ugu danbeeyey ku
celiyey halkiisii buu yeen:) al muhim Nabigu (scw) waa “raxmad”,
taas ma muran baa ka taagan?
SH BASHIIR:
Maya, laakiin taas kama aynaan doodayn. Raxmad iyo fadli Alleh inuu
yahay la iskuma hayee ma ku haysaa cid ku fasirtay Mowliidka?
SH FAARAX:
Allaylehe maya.
SH BASHIIR:Wax
kale ma haysaa?
SH FAARAX:
Haayoo:
3.
Waxa kale oo iigu daliil
ah xadiiskii Imaamu Muslim ee ahaa in uu Nabigu (scw) soomijirey
Isniinta, markii la waydiiyeyna wuxuu yidhi: “Waa maalintii aan
dhashay, [waxyigana] la igu soo dejiyey”. Marka maadaama oo Rasuulku
(scw) wayneeyey malintii uu dhashay, haddee maxaad noogu diideysaa
inaanu annaguna waynayno?
SH BASHIIR:
Sheekh Faaraxoow arrintaas waxaan kaga jawaabayaa qodobbadan:
-
Nabigu (scw) wuxuu wayneeyey
maalin walba oo Isniin ah, innaguna waxaynu ka doodaynaa waa
maalinta 12aa ee Rabiicul Awal. Dee waa laba arrimood oo kala
duwan. 12ka RA Isniin iyo maalin kalaba way noqon kartaa!
-
Nabigu (scw) wuxuu ku wayneeyey
soon iyo cuntadii oo uu iska dhaafay, idinkuna waxaad ka
dhigteen maalin ciid ah oo hilib iyo bariis la isla dhaco, waana
wixii uu sameeyey lidkeed.
-
Nabigu (scw) maalinta 12aad ee bishan RA kuma
aanu gaar yeelin wax xus ah ama cibaado ah, xataa lama hubo inuu
yahay maalintii uu dhashay oo khilaaf baa ku jira, ee waxa uu
soomay Isniinta asbuuc walba. Marka sheekhoow, aynu soonno
maalin walba oo Isniin ah, sidaas baynu Rasuulka (scw) ku
waynayn karnaa, ee ma ahan inaynu sharcigiisa u gacan dhaafno.
SH FAARAX:
Allaylehe been lama sheegee, arrintaasi waa runtaa oo waa laba shay
oo kala duwan, laakiin:
4.
Maxaad ka leedahay
xadiiskii Bukhaari iyo Muslim” ee ahaa in Nabigu (scw) uu jideeyey
in la soomo maalintii uu Nabi Muuse (cs) badbaaday, Fircoonna la
halaagay ee “Caashuuraa”?
SH BASHIIR:
Waxaan ka leeyahay laba jawaabood:
-
Jawaabtii aan kaga jawaabay
xadiiskii hore, iyo.
-
Haddii ay Mowliidka tusinayso
muxuu Nabigu (scw) iyo asxaabtu u fahmi waayeen? Illayn Nabigu (scw)
isagaa caashuuraa soomay oo jideeyey, maalinta Mowliidkana
isagaa ka aamusay. Miyuunan Nabigu (scw) iyo asxaabtu khayrka u
baahnayn, mise innagaa ka fahan dheer? Alloow hadalkaas odhan
maayee Adigu ha iga yeersiin.
SH FAARAX:
Alloow anna ha iga yeersiin.
SH BASHIIR:
Sideedana sheekh qaacido usuuliya ayaa jirta oo ah: “wax walba oo
sababtiisu joogtay wakhtigii Nabiga (scw) oo aanu samayn, in la
sameeyaa waa bidco, in laga tagaana waa sunne”
كل شيء كان سببه موجوداً في زمن النبي
صلى الله عليه وسلم ولم يفعله ، ففعله بعده بدعة .
Taasina waa xaaladda mowliidka.
Qaacido kalana waxay leedahay: “wax
cibaado ah in la sameeyaa waa xaaraam ilaa daliil loo helo”:
الأصل في العبادات الحظر ، فلا يشرع
منها إلا ما شرعه الله ورسوله ، والأصل في العادات الإباحة ، فلا يمنع
منها إلا ما حرمه الله ورسوله .
Wax kale sheekh ma haysaa?
5.
SH FAARAX:
Haayoo mid aadan ka jawaabi karin baan hayaa. Xadiiskan uu Bukhaari
wariyey bal si fiican u dhuux, deetana ka jawaab: Curwah [taabici]
wuxuu yidhi: Thuweybah waxay ahayd adeegto uu Abuu Lahab lahaa,
deetana wuu xoreeyey markaasay Nabiga (scw) nuujisey. Markii uu Abu
Lahab dhintay ayaa waxaa riyo ku arkay qof qaraabadiisa ka mid ah,
wuxuuna ku arkay xaaladda ugu xun. Suuye: maxaad la kulantay? Abu
Lahab wuxuu yidhi: dabadiin wax khayra lama kulmin, lakiin waxaa la
igu waraabiyey xorayntii aan xoreeyey Thuweybah.
Marka, sheekh Bashiir, kol haddii Abu
Lahab oo gaal ah uu ku intifaacay farxaddii uu Nabiga (scw) ku
farxay oo uu markaas jaariyaddiisii xoreeyey, miyaanay farxaddaasi
innagana ina anfacayn?
SH BASHIIR:
Horta sheekh Faaraxow, waxan ku moodayey in aad wax daliil u eg
keenaysid, lakiin hadda waxaa ii muuqata inaad “laf cad toobin ku
haysid”. Xadiiskan bal sharrixiisa dib ugu laabo, oo fiiri waxa ay
culimadu kaga jawaabeen, maktabaddiina waynu dhex fadhinaayaa.
o
Waa
marka koowaade, xadiiskani in kastoo uu Bukhaariga ku yaallo,
haddana ma ahan hadalkii Nabiga (scw) iyo saxaabada (rc) toona. Waa
xadiis mursal ah sida uu Xaafid Ibnu Xajarba sheegay. Sida la wada
ogyahay, Bukhaari wuxuu dammaanad qaaday in axaadiista hadalka
Rasuulka (scw) ah ee uu kitaabkiisa ku xusay ay saxiix ahaadaan,
laakin hadallada “taabiciinta” ma dammaanad qaadin. Haddaba
“xadiiskani” waa “mursal” mursalna inaanu xujo galin cidi kaaga
warrami mayso, sheekhanaa.
o
Waa
marka labaade, haddii lagaba soo qaado inuu saxiix yahay, lama
cuskan karo, maxaayeelay waa “riyo” riyana diin lagama qaato, ka
fiiri “Fatxul Baariga Ibnu Xajar baa yidhiye” 9/49
o
Saddexaad, arrinta aad sheegtay ee in Thuweybiya la xoreeyey markii
Nabigu (scw) dhashay, oo Abu Lahab loogu bishaareeyey, waa mid
khilaafsan sida ay qabaan culimada siirada iyo taariikhdu, Ibnu
Xajar ayaa arrintaas ku caddeeyey “Fatxiga” iyo “Tamyiizka” labadaba.
Ibnu Cabdul Bar, isna “Isteycaabka” ayuu ku sugay, sidaasoo kalana
Ibnul Jowzii wuxuu ku caddeeyey “Alwafaa bi Axwaalil Mustafaa”. Sida
Ibnu Xajar uu qoray wakhti dheer baa u dhexeeyey xorayntii Thuweybah
iyo dhalashadii Rasuulka (scw).
o
Wuxuu
Xaafid Ibnu Xajar soo guuriyey in xadiiskan (mursalka ah) uu
khilaafsanyahay qawaacidda shareecada, maxaa yeelay “gaal camalkiisu
ma anfaco”. Waaba mustaxiil buu xaafidku soo guuriyey. Teeda kale,
xadiiskan bukhaari, kuma taallo in Abu Lahab uu ku farxay dhalashada
Rasuulka (scw), xaggee ka keentay adigu sheekh?
6.
SH FAARAX:
Sheekh Bashiir, Xaafid Suyuudi oo ninka aad taqaanid ah ayaa arrinta
Mowliidka kitaab dhan ka qoray.
SH BASHIIR:
Oo muxuu daliishaday?
SH FAARAX:
Wuxu daliishaday xujooyinkaas aan soo sheegay iyo hal xadiis oo
kale.
SH BASHIIR:
Oo muxuu yahay xadiiskaasi?
SH FAARAX:
Waaba kan kitaabkiisii kaa shisheeyee soo qabo
SH BASHIIR:
(Wuu soo qabtay “Xusnul Maqsad fi Camalil Mowlid”)
SH FAARAX:
Ii dhiib anaa ka soo saarayee. (Wuu soo bixiyey) haa, wuxuu leeyehey:
Waxaan helay xadiis kale oo loo daliishan karo mashruucnimada
Mowliidka. Waa xadiiskii Beyhaqi ee ahaa in Nabigu (scw) uu naftiisa
ka walqalay. Wuxuu suyuudi ku sii daray: Mar hadday sugantahay in
Nabiga (scw) awowgiis horay uga walqalay, waxaa xadiiskan lagu
fasirayaa inuu Ilaahay uga mahad celinayey abuurista uu abuuray, iyo
inuu ummaddiisa u jideynayey Mowliidka!
SH BASHIIR:
Sheekh Faarax iska
hubi! Xadiiskani waa “daciif”, waxaana daciifiyey Ibnu Xajar. Waa
kaase ka fiiri kitaabkiisa “Talkhiisul Xabiirka” 4/147, imaamu
Nawawi isna wuxuuba yidhi: “waa xadiis baadil ah”, “Al Majmuuc”.
Marka yaynaan waxaas diin ka dhigan sheekh, Ilaahay danbigaaga ha
dhaafee. Daliil kale ma haysaa?
7.
SH FAARAX:
Haayoo Mowliidka waxaanu ku xusuusannaa Nabiga (scw) maalintii uu
dhashay, ma waxaad naga rabtaa in aanu Nabiga (scw) iska illowno?
SH BASHIIR:
May maya maya, sheekh waa in aynu had iyo jeer Nabiga (scw)
xusuusnaano. Habeen iyo maalin, subax iyo galab, suuqa iyo guriga,
masjidka iyo madarasada, goob iyo goor walba oo aynu joognaba waa in
aynu qalbiga ku haynaa, afkana kaga sallinaa (sallallaahu caleyhi
wasallam), sunnadiisana raacnaa.
SH FAARAX:
(isagoo madaxa ruxaya oo aad ula maqsuudsan uguna qanacsan hadallada
sheekh Bashiir ayuu wuxuu gacanta ku rog-rogayaa tusbaxiisa
boqollaha ah, wuuna yara fakarayaa) sheekhow jacaylka Nabiga (scw)
ayuu kordhiyaa.
SH BASHIIR:
sida aynu Nabiga (scw) u jeclaanayno Ilaahbaa quraanka inoogu
sheegay, kaliya waxaad akhrisaa aayadda 31aad ee “Aalu Cimraan”,
qolo ayaa sheegtay inay Ilaahay jecelyihiin markaas ayaa lasoo
dejiyey “aayadda imtixaanka”macne {{waxaad ku dhahdaa: haddaad
Ilaahay jeceshihiin aniga [Nabiga scw] isoo raaca, Ilaahay wuu idin
jeclaanayaa denbigiinana wuu idiin dhaafine}} lana kaasho Ibnu
Kathiir tafsiirkiisa.
8.
SH FAARAX:
Horta sheekhow way ii caddaatay in uusan Nabigu (scw) jideynin
Mowliidka, waana iska caddahay in uu yahay “bidco” waa danbe la
keenay, laakiin sow “bidco xasanah” iyo “bidco sayi’ah” ma jiraan?
Mowliidku waa bidcah xasanah, waa wax wanaagsan oo Ilaahay loogu
dhawaanayo, marka dee waa sunne! Sidaas maxaad ka qabtaa?
SH BASHIIR:
Walaal sheekh Faarax, maxaad maanta oo dhan isaga daba
meeraysanaysaa, maad xaqqa u hoggaansantid? Waad ogtahay in Nabigu (scw)
ka digey bidcada oo dhan oo aanu kala qaadin, oo uu yidhi “kullu
bidcatin dalaalah” ee sidee adigu u khilaafi kartaa Rasuulka adoo
leh “ mayee bidcada qaar baa wanaagsan”. Ilaahay ka cabso sheekh.
Wax aan Ilaahay jideyn yaynaan jideyn. Hadalka ay culimada qaarkood,
sida Imaamu Shaafici, ku yidhaaheen bidcadu waa laba qaybood oo mid
baa wanaagsan tan kalana way xuntahay, hadlkaas dadka qaarkood si
khaldan bay u fahmeen.
SH FAARAX:
Oo maxaad adigu u fahamtay?
SH BASHIIR:
Aniga ma ahan, ee waa in aynu u fahamno sida saxda ah ee ay iyagu
ula jeedeen. Culimada bidcada diraasaadka ku sameeyeyna u fahmeen,
sida Imaamu Shaadibi iyo Imaamu Ibnu Rajab. Waxay culimadaasi
yidhaaheen: Waa khalad in la jideeyo “bidco diini ah”, oo cidina wax
aan Ilaahay jideyn [sida mowlidka, xadrada…] diinta kuma soo dari
karto.
Hadalka ay culimada qaarkood
yidhaaheen ee ah in ay jirto “bidca xasanah” waxay ula jeedaan
“bidcada luqawiga ah”. Maxaa yeelay erayga “bidco” waxaa soo galaya
wax walba oo cusub, laakiin waxa cusubi waa un labo, wax adduunyada
la xiriira, waana kan uu Imaam Shaafici ula jeedo, waxaadna ka
fahmaysaa kitaabkiisa “al-Risaalah” p 504, iyo wax cusub oo diinta
lagu soo kordhiyey, waana kan uu Nabigu (scw) u jeedo, marka uu
leeyahay “kullu bidcatin dalaalah”, xaasha Lillaahi in Imaamu
Shaafici uu Nabiga (scw) khilaafo. Al Ciz bin Cabdisalaam isagu
hadalkiisu waaba iska cadyahay oo wuxuu ka hadlayaa “al masaalix al
mursalah” oo ah masalo kale oo waasic ah, daliilka sharciga ahna ka
mid ah.
Waxaa isna arrintan ka yidhi hadal
mudan in biyo dahab lagu qoro Imaamu Maalik, hadalkiisa anigu kuu
fasiri maayo:
“من
ابتدع في الإسلام بدعة يراها حسنة فقد زعم ان محمدا صلى الله عليه وسلم
خان الرسالة لأن الله يقول ( اليوم اكملت لكم دينكم واتممت عليكم نعمتي
ورضيت لكم الاسلام دينا) فما لم يكن يومئذ دينا فلا يكون اليوم دينا”
Shaadibi ayaa Ictisaamka ku soo
wariyey 1/49
SH FAARAX:
(in muddo ah ayuu hoos fiirinayey, deetana maduxuu kor u qaaday)
Horta sheekh Bashiirow, waxyaabaha aad daliishatay waa waxyaabo sax
ah, kuwa aan anigu keenayna waad ka wada jawaabtay, jawaabahaaguna
waa kuwo looqaateen ah, haddaba, waxaa ii caddaatay inaad iga
saxsantahay, Ilaahay baan uga noqonayaa khaladkii aan muddada intaas
le’eg dadka ku hoggaaminayey, Ilaahow ii danbi dhaaf (isagoo ilmadu
ka qubanayso) towba yaa Rabbi, towba yaa Rabbi…
SH BASHIIR:
Kulligeen Ilaahay ha inoo danbi dhaafo.
SH FAARAX:
adigana Ilaahay
khayr ha ku siiyo. Ma jiraan wax culimadii hore ah oo masaladan si
fiican u caddeeyey?
SH BASHIIR:
Miyaadan haysan
kitaabkii Imaamu Taajuddiin al-Faakihaani ee “Al mowrid fi Camalil
Mowlid”? Wuxuu ahaa caalim reer Iskandariyah oo dhintay 734 h.
Hadal aad u qiima badan buu halkaas ku
leeyahay.
Ibnu Xaaj (dhintay 732) kitaabkiisa
“Al Madkhal” juska labaad bilowgiisa akhri.
“Ictisaamka” Imaamu Shaadibi (dhintay
790) iyo Fataawihiisaba akhri.
Ibnu Taymiyah (dh:728) “majmuuciisa”
akhri.
Sheekh culimada ka hadashayi way
badanyihiine kutubta u laabo.
SH FAARAX:
Ilaahay siraadka ha
kuu iftiimiyo sida aad xaqa iigu iftiimisay, wax bidco ah baan diin
moodayey.
Labadii sheekh iyagoo aad u faraxsan
ayay wad istaageen xabadkana si saaxiibnimo ah isu saareen.
Dhammaad
QAYBTII 1-AAD HALKAN RIIX