SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 


WARARKA MAANTA:: AGOOSTO 9

  • Muuse Suudi Yalaxoow oo gaashaanka  ku dhuftay inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta

  • Madaxwayne ku xigeenka DGPL oo ka jawaabay Dacwadii dhawaan lagu soo oogay.

  • Jaamacadda Carabta oo ka gaabsatay ka hadlida qoraal uu u soo gudbiyay Madaxwaynaha Dowlada KMG ah

  • Sheekh Xasan Daahir Aweys oo cadeeyay in aan Ciidamo shisheeye  la keeni karin Somaliya.

  • Beesha Muddulood oo qeybsatay Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya

  • Beesha gaaljcel ooo qeybsatay Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya

  • Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka oo ay taageereen qaarka mid ah Beelaha Soomaalida

Waxaa isku soo dubaridey:
.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Muuse Suudi Yalaxoow oo gaashaanka  ku dhuftay inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika ee booqashada ku joogay  Magaalada Muqdisho 

Guddoomiyaha Golaha Samata bixinta Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Ururka USC/SSA Md,Muuse Suudi Yalaxoow  oo ka mid ah hogaamiyayaasha ugu tunka wayn Magaalada Muqdisho ayaa gaashaanka u daruuray in Guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta iyo IGAD ee haddafkoodu yahay sidii Ciidamo shisheeye loo keeni lahaa Dalka Somaliya. 

Guddigan oo baryahanba Muqdisho u joogay bal sidii ay kulamo u la yeelan lahaayeen Ururada Siyaasada ee ka dhisan Magaalada Muqdisho ayaa Hogaamiye Muuse Suudi u diiday inay tagaan goobtiisa,mana cada ilaa iyo iminka sababta dhabta ah ee uu Hogaamiye Muuse Suudi u diiday inay guddigaasi booqashao ku tagan deegaanada uu ka taliyo. 

Xiriir ay Guddigan la sameeyen Hogaamiye Muuse Suudi Yalaxoow oo ku wajahnaa bal sidii uu mar un ugu ogolaan lahaa inay booqdaan deegaanadda uu ka taliyo ayaa waxa ay wararka sheegayaan inuu arintaasi ka soo hor jeestay Muuse Suudi oo ku dhagan hadafkiisii ahaa inuusan u oggolaan doonin Guddigaasi inay xarumihiisa tagaan. 

Madaxwayne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ka jawaabay Dacwadii dhawaan lagu soo oogay. 

Maxamed Cabdi Xaashi Madaxwayne ku xigeenka Maamul Goboleekdka Puntland  ayaa jawab kulul ka bixiyay qoraalkii dhawaan ka soo baxay ku xigeenka xeer ilaaliyaha  guud oo ahaa qoraal dacwad ah oo dhan ah Madaxwayne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. 

Qoraalkaasi oo ahaa mid lagu sheegay eedeeymo loo soo jeedinayay Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa danbiyada lagu soo eedeeyay inuu meel uga dhacay sharaftii Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col.C.lahi Yuusuf Axmed iyo inuu sameeyay Xil magacaabis ka hor imaanaysa Dastuurka u dagsan Maamulka Puntland. 

Maxamed Cabdi Xaashi Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxaa uu dhinaca kale uu sheegay inuu u hogaansami doono wax waliba oo uu qabo sharciga,laakiin qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu xaq u leeyahay inuu difaaco xuriyatul qowlkiisa iyo sharaftiisa intaba. 

Madaxwayne ku xigeenku waxaa uu ugu danbeeyntii uu qoraalkiisaasi ku xusay in loo baahan yahay in xeer ilaalintu haddii ay dacwadiisa ay caddeyn u hayso u soo gudbiso Maxkamadda Awooda u leh qaadista kiiskaasi,haddii kalena ay dib isugu noqoto. 

Muranka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa mar kale soo laba kacleeyay,iyadoo  qaarka mid ah madaxda Maamulka Puntland ay sheegayaan inay jirto qorshayaal la doonayo in xilka looga qaado Madaxwayne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi,waxaana qorshayaashaasi lagu xamanayaa inay wadaan xubnaha ay isku dhaw yihiin Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Nabadgalyada Boosaaso oo soo Hagaagaysa [Warbixintii C/fataax Jaamac ee Maanta]

 

Jaamacadda Carabta oo ka gaabsatay ka hadlida qoraal uu u soo gudbiyay Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Waqtigeedu dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan.

 

Daabaco Boggan | Print


GUJI HALKAN...

Jaamacadda Carabta ayaan ka hadlin qoraal uu soo diray Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee waqtigeedu dhamaaday taasoo uu uga hadlayaay Xaalada Soomaaliya iminka ka taagan iyo halka uu marayo Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya oo ay ugu horeeysay sidii lootaageeri lahaa waxa ka soo baxay shirkaasi. 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan qoraalkaasi uu u diray Jaamacadda carbta ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay ku kulansan yihiin Wasiirada Arimaha Dibadda Wadamada ku jira Jaamacadda Carabta,iyadoo uu ahaa shirkaasi mid deg deg loo qabtay kana dhacayay Magaalada Xarunta u ah Wadanka Masar ee Qaahira,waxaana Dowlda ku Meel gaarka ah uga qeyb galay Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim “Yuusuf dheeg” 

Iyadoo ay Jaamacadda Carabta ay tahay Urur Goboleedka qura ay aqoonsan Maamulka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaan haddana waxaan cadeeyn sababta ay Jaamacadda Carabta  ugu hadli waysay qoraalka uu u soo diray Madaxwayanaha TNG-da waqtigeedu dhamaaday ee Dr,C/qaasim Salaad Xasan.

Arintan ayaa waxaad moodaa inay tahay mid sii yareynaysa taageeradii ay Dowlada KMG ah ka heli jirtay Wadamada Carabta iyo Ururada Islaamka,iyadoo taasi ay dadka qaar sabab uga dhigayaan Dowlad Soomaaliyeed oo llaga filan karo Shirka Somalida uga Socda Wadanka dariska la ah ee Kenya. 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u cadeeyay Guddiga Xaqiiqo raadinta  Midowga Afrika diidmadiisa ku wajahan Ciidamo shisheeye oo la keeno Somaliya.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin muhiim ah ka ah Ururka Al-itixaad  ayaa shir uu shalay la yeeshay Guddiga Xaqiiqo raadinta Midowga Afrika waxaa uu u sheegay inaysan Soomaaliya iminka u baahnayn Ciidamo Shisheeye oo la keeno. 

Shirkaasi ayaa intii uu socday  waxaa la waydiiyay Wadaadka Su’aalo lagu cabirayo sababaha uu ku diidan yahay in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya iyo haddiiba laga hor yimaado go’aankiisa ah in aan ciidamo shisheeye la keenin Soomaaliya oo ay la yimaadan Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya waxa ay ka yeelayaan haddii ay yihiin Culumada diidan ciidamadaasi nabad ilaalinta. 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku adgaystay inaysan Soomaalida rabin Ciidamo shisheeye oo ka howlgala Wadanka Soomaaliya,wuxuuse  sheegay inay jiraan Ciidamadii Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku filan yihiin dhamaan wixii ay qaban lahayeen Ciidmadaasi shisheeye haddii ay helaan buu-yiri Sheekha,waxaana uu sidoo kale sheekha uu carabka ku dhufta  intii uu shirka lahaa guddigaasi sida uu uga soo hor jeedo Shirka Somalida uga socda Kenya iyo waxa ka soo bixi doona intaba. 

Gabagabadii ayay Guddiga Xaqiiqo raadinta Midowga Afrika waxay ka dalbadeen Sheekha inuu fikradiisa ugu soo gudbiyo qaab qoraal ah,taasoo ay u gudbin doonaan Golaha Amaanka ee Midowga Afrika marka ay dibugu laabtaan. 

Beesha Muddulood oo ku guuleeysatay qeybsashada Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shir ay shalay isugu yimaadaan Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Muddulood  ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay qeybsadaan Xubnihii uga soo aaday Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa 15-Xubnood. 

Shirkaasi oo ahaa mid ay dood badan isku dhaafsaden Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beeshaasi Muddulood  ayaa waxaa markii danbe ay ku guuleeysteen inay ku hishiiyaan sida ay u qeybsanayaan Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya.

Dhowr jeer oo ay shirar ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beeshaasi Muddulood ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo uu u dhexeeyo farqi wayn oo ah dhinaca habka ay wax u qeybsanayaan,taasoo dhalisay murano badan. 

Ugu danbeeyntii waxaa ay wax u qeybsadeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beeshaasi Muddulood sidan:-

  • Harti Abgaal 4,
  • Wacbuudhan 4,
  • Waceysle      3,
  • Ujeejeen       3,
  • Wadalaan 1,

Qeybtan oo ah mid ay kuwada qanacsan yihiin hogaamiyayaasha Beesha Muddulood ayaa gacanta loo geliyay IGAD,waxaana qalinka kuwada duugay Hogaamiyayaasha Siyaasada ee kala ah: Maxamed Cumar Xabeed “Maxamed Dheere” Muuse Suudi Yalaxow,Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish,Hilowle Iimaan Maxamuud iyo Iimaanka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud imaam Cumar.  

Beesha gaaljcel oo ku guuleeysatay inay Magacaabato Xubanaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Somaliya ee lagu soo dhisi doonto Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya. 

Wararka ka imaanay Magaalada Nairobi ee xarunta u ah Dalka Kenya isla markaana uu ka socdo Shirka Dib u hishiisiinta Soomaalida  ayaa sheegaya in beesha Gaaljecel ay ka mid noqotay beelaha ku guuleystay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya. 

Beesha Gaaljecel oo ka mid ah Beelaha Soomaalida ee ka qeyb qaadanaya Shirka Dib u hishiinta Soomaalida uga socda Duleedka Magaalada Nairobi Meeshalagu Magacaabo Embagati ayaa IGAD u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin Magacyada Xildhibaanada uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliwayn. 

Liiskan ay ku qoran yihiin Magacyada xubnaha Beesha Gaaljecel uga mid Noqonaya Baarlamanka Somaliya oo uu ku saxiixan yahay Ugaadka Beeshaasi ayaa waxaa lagu Magacaabay xubnahan kala ah:-

  • 1=mar Aaden Xasan
  • 2=use Nuur Amiin
  • 3=laahi Maxamed Aaden
  • 4=alax Cali Faarax
  • 5=xmed Fiidow Cumar.

Dhanka kale waxaa iyana jira liisas kale oo isbarbar socda oo loo gudbiyaya IGAD,iyadoo ay jiraan beelo isku haysta Magacyada u matali kara Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasoo lagu wado inay meel un ay u dhacdo howshooda Magacaabista Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya. 

Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka oo ay taageereen qaarka mid ah Beelaha Soomaalida ee ka qeyb galaya Shirka Kenya. 

Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horay u soo gudbiyey Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed  ayaa waxaa iminka so ifbaxay qaarka mid ah Beelaha Soomaalida oo soo dhaweeyay Qorshahaasi. 

Col.C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo dhawaan kulankii ay beeshiisa la yeelatay Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD ka sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo Xunabaha Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo Beelkasta loogu daraayo min7-Xubnood ayaa waxaa soo shaac-baxay teegeerida ay qorshahaasi taageerayaan Qaar ka mid ah Beelaha Soomaalida. 

Arintan ah kordhinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horay uga gaabsaday Wasiirada Ariamah Dibadda IGAD iyo Guddoomiyaha Guddiga fududeeynta IGAD u qabilsan dib u hishiisiinta Soomaalida,kaasoo xooga saaraya sidii beelaha Soomaaliyeed u soo gudbisan lahaayeen liisaska ay ku qoran yihiin Magacyada Xildhibaanadooda ugamid noqonaya Baarlamaanka Somaliya. 

Beelaha taageeray qorshahaasi ayaa waxa ka mid ah Beelaha Hawiye,Dirta Koonfureed iyo Beesha Shanaad ayaa IGAD u gudbiyay inay kordhiso Xubanah Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo ay taasi sabab uga dhigeen inay jiraan beelo badan oo wax tabanaya,la argi doonee halka uu  ku danbeeyn doono Qorshahaasi.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

<><><>

 

Nabadgalyada Boosaaso oo soo Hagaagaysa
iyo Abaaraha ay ka Dhaga nabteen Hay'adaha Caalamiga iyo Deeq loo fididyey Qaxooti reer Oromo ah
Guji Agosto 9

 Faafin: SomaliTalk.com | August 9, 2004

WARARKII AGOOSTO 7 & 8::
»Beesha Gaalboore kuma qanacsana Xubuntoodii la siiyey gabadha

»Digniin kama dambeeys ah oo la siiyay Beelaha ka qaybgalaya shirka
»Go’aankii C/Lahi Yusuf Oo Ay Taageereen siyaasiyiinta…..
»Dalboon:” X. Ceydiid iyo Caato afduub ayey ku haystaan Saruur"
»Beelaha Cali Saleebaan Waa Beelaha Harti Mana Ogolaanayaan Dulmi 
»Taageerayaasha Qanyare iyo Indha-cade oo ka heshiiyay Dagaalada
»C/lahi Yuusuf: 7 xubnood baarlamaanka haloogu daro Beel Kasta
»Ganacsadata Soomaaliyeed oo ku soo biiray Dadka loolanka..
iyo WARAR KALE OO GOOS GOOS AH...

WARARKII AGOOSTO 6
»Dhaarintii Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib Loo Dhigay
»X. Ceydiid iyo C.Caato oo Xilkii Ka Qaaday Ugaaska Beesha Ceyr ...
Ka ka akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD