SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 7, 2004


  • Baaq kasoo baxay Ugaaska Beesha Gaalboore (Mirifle)
  • Xuseen Dalboon:” Xuseen Ceydiid iyo Caato afduub ayey ku haystaan beesha Saruur.
  • Digniin kama dambeeys ah oo la siiyay Beelaha ka qaybgalaya shirka…….
  • Go’aankii C/Llaahi Yuusuf Oo Ay Taageereen qaar ka mid ah siyaasiyiinta…..
  • Hey’adda Elman oo cambaareeysay dagaalo ka dhacay muqdisho
  • Dagaalo Beeleed oo goo-goos ah oo ka socda  deegaano ka tirsan mudug….
  • Machadka SIMAD oo si xiiso leh uga socoto carwadii labaad…
  • Beelaha Cali Saleebaan Waxay ka mid Yihiin Beelaha Harti Mana Ogolaanayaan Dulmi
  • Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabbada oo ka digay sida ay wax u qeybsanayaan IGAD
  • Cawil Ducaale oo gaashaanka ku dhuftay Wararka sheegaya inuu tagay Madasha Shirka Somalida uga socdo ee Kenya. 
  • C/lahi Yuusuf: 7 xubnood baarlamaanka haloogu daro Beel Kasta
  • Rag u dhashay Wadanka Koongo oo Ganacsto Reer Muqdisho ah dhac lacageed u geystay.
  • Taageerayaasha labada hogaamiye kooxeed ee kala ah Qanyare iyo Indha-cade oo ka heshiiyay Dagaalada dhawaan dhex maray.
  • Ganacsadata Soomaaliyeed oo ku soo biiray Dadka loolanka ugu jira Jagada Madaxwaynenimada Soomaaliya
  • Bandhig Carweedka Simad oo galay Maalintiisii Sedexaad
  • KOOX KA TIRSAN AL-QAACIDA OO LA TIMID QAAB CUSUB OO LOO CIYAARO KUBADDA CAGTA!!
  • CIIDAMMADA BOOLIISKA EE DALKA BRAZIL OO MAGAALADA SAO PAOLA KU RAAD JOOGA BIN LADEN   
  • WARARKA TODDOBAADKA EE GAALKACYO... GUJI

Beesha Gaalboore (Mirifle) Kuma Qanacsana Xubintoodii Baarlamaanka ee Lasiiyey Gabadha

Ugaas Sheekh Aadan Sheekh C/raxmaan (Bangaaladhesh)
Location: Somalia Gogalka Bokool, Huddur

Warsaxaafadeed ka soo baxey beesha Gaalboore oo ka mid ah beelaha mirifle khaasatan (hadamaha) laf ka mid ah ayaa baaq waxay ka soo saareen in ay ku qanac saneyn xubintii baarlamaanka looga magacaabey taas oo ah gabadha layiraahdo sareedo maxamed kheyr cabdale kadib marka ay fadheysteen waxgaradka beesha ayaa waxay soo saareen in ayada matalikarin beesha.

Baaqaas oo ka soo baxey ugaaska lafta ayada ka dhalatey iyo odayaasha, culmaa udiinka, dhallinyarada, iyo dhamaan wax garadka laftaas oo ay kutilmaameen in ayada qaadi Karin mas ulayadooda. Waxaa kale ay ku sheegeen baaqaas in ay u wakiisheen in uu u qaado xubintooda baarlamaanka lagu dhisidoono shirka ka socda embgathi ninka la yiraahdo Cali Cumar Jiis kaas oo ah wakiilkooda lafta Gaalboore

Ugaas Sheekh Aadan Sheekh C/raxmaan (bangaaladhesh)
Iyo Ahmed Buule (ilbagte)
bakool114@yahoo.com

<><><>

Xuseen Dalboon:” Xuseen Ceydiid iyo Caato afduub ayey ku haystaan beesha Saruur.

Amiin Yuusuf Khasaaro
 
Amiinkhasaaro@hotmail.com

             Xuseen Yuusuf Faarax (Dalboon) oo ka mid ah wax garadka Beesha Saruur ee ka qaybgalaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Nairobi ayaa ku tilmaamay Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato inay afduub ku hayaan beesha Saruur iyo guud ahaan Bahweynta Habargidir.

“Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato waxaa u meel martay sheegashadoodii ahayd inay yihiin hoggaamiyeyaasha beesha Habargidir taasoo keentay inay curyaamis u keenaan dhammaan beelaha Habargidir, taasoo ay daliil u tahay in ay ka dul boodeen ugaasyadii iyo odayaashii dhaqanka” ayuu yiri Dalboon mar uu la hadlayay Weriye ka tirsan Wargeyska oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Dalboon oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Labada nin waxay maalintii khamiista ahayd gudbiyeen magacyada saddex nin oo ka tirsan Beesha Saruur oo aysan waxba ka ogayn odayaasha Dhaqanka beesha, markii la weydiiyayna waxay ku jawaabeen annaga ayaa ka mas’uul ah dhamaan beesha Habargidir”. Xuseen Yuusuf Faarax wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha aysan waxba soo xuli karin, oo waxa ay beelaha u keenaan oo keliya ay saxiixi karaan, arrintaasina waxaad moodaa inay raggaan ka tilaabsadeen, kuna dhaqaaqeen wixii ay iyaga la ahayd una muuqata mid aan laga aqbali doonin.  Magacyada saddexda ah ee hoggaamiyeyaashaasi gudbiyeen sida uu Dalboon u sheegay Weriyaheenna Dayax, waxay kala yihiin: Maxamed Axmed Rooble, Xirsi Aadan Rooble iyo  Cali Kaarshe Maalin.

Digniin kama dambeeys ah oo la siiyay Beelaha ka qaybgalaya shirka…….

wasiiradda arrimaha dibadda ee IGD ayaa Khamiistii waxa ay soo gaba-gabeeyeen kulankii ay ku lahaayeen Magaaladda Nairobi e ay uga hadlaayeen shirka dib u heshiisiita Soomaaliyeed waxa ayna sheegeen in ay aad uga xumaadeddn dib u dhicii  ku yimid dhaarintii la dhaarin lahaa Xildhibaanadda cusub ee Dowladda Federal-ka ah, hase ahaatee waxa ay hoggaamiyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka dalbadeen in maalmaha soo socda ay soo af-jaraan wixii khilaaaad ah ee u dhexeeya Beelaha, si loo helo Baarlaman dhameystiran.

19-Bishan ayay wasiiradu sheegeen in lagu dhaaaqi doono Madaweynahay Dowladda KNG Federl-ka  dimuquraadiga Jamhuuriyadda soomaaliyeed, hae ahaatee waqtigaas ayaa la sheegay in ay akan doonoto in beelaha soo maaliyeed ay si rasmi ah u gudbiyaan Xibnaha Baarlaman, waxaana weli isku dhagan Jufooyinka hoose ee Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu marba liis u gudbinaya Guddiga fududeeynata shirka.

Go’aankii C/Llaahi Yuusuf Oo Ay Taageereen qaar ka mid ah siyaasiyiinta…..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu warqad qoraal aha u gudbiyay gudiga xalinta qilaaaadka ee shirka Dib u heshiisiinta, waxa ayna war-qadaasi ku saabsaneyd in xil-dhibaanadda Golaha Baar-lamaanka lagu kordhiyo 35-sibnood oo ay Beeshiiba heli doonto 7-Xibnood oo dheeraad ah.

Waxaa tala soojeedinta C/llaahi taageeray qaar  ka mid ah Hogaamiyaasha siyaasadda, iyagoo sheegay in ay xal u noqon doonto hanaanka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo tusaale u soo qaateen markii uu socday shikii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Carta oo lagu kor dhiyay 20-xibnood oo dheeraad ah, markii uu sidaa dalbaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geele.

Guddiga fududeynta shirka ayaa tala soo jeedinta C/llaahi Yuusuf ku gacan sayray.

Hey’adda Elman oo cambaareeysay dagaalo ka dhacay muqdisho…

War Saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanah ee Elman ayay ku cambaareeysay dagaalkii ka dhacay jidka 30-ka ee magaaladda Muqdisho, iayadoo ay He’addu ay war saxaafadeedkeeda ay ku sheegtay in dagaalkaas uu geystay qaraaro baaxad leh oo dhiaho iyo dhaawac intaba lahaa.   Hay’adda ayaa dagaalkaas ku tilamaantay mid aan u jeedo laheyn, isla markaana lidi ku ah nabad ku noolashaha,waxa ayna Hay’adu ugu baaqeysaa in kooxihii ka dambeyay dagaalkaas ayna mar kale soo celin dagaal, isla markaana ay khilaafkooda ku dhameystaan wada hadal.

Ugu damabeyntii waxa ay Hay’adu codsaneysaa in aan mar kale la bilaabin dagaal nuucaas oo kale ah, iyadoo cidii dagaal kale biloowdana ay Hey’addu sheegtay in lala xisaabtami dono, waxaan war saxaafadeedkaas ku saxiixnaa Gudoomiyaha Hay’adda Elman Human Right center Eng. Sudaan Cali Axmed.

Dagaalo Beeleed oo goo-goos ah oo ka socda  deegaano ka tirsan mudug….

Waxa inta u dhexeysa dagmada Cadaado iyo Dagmada Gaalkacyo ka socda daagaalo goos-goos ah oo la xariira falal aar goosi ah.

Maalintii Arbacadii waxa tuulada Xinlabi  oo ka tirasan gobolka Mudug lagu dilay laba nin oo labada dhinac ay, hase ahaatee waxa maalinkii Khamiista tuulo iyana ka mid ah deegaan kaas lagu dilay 5-ruux oo isku qooys ah oo kala ahaa Oday iyo 3-wiil oo uu dhalay iyo adeerkood, waxaana la sheegay in dagaalkan ay markiiba ku baxeen Odayaal ka tirsan labada dhinac, iyagooo doonaya in dagaalku uusan ku sii faafin deegaano kale

Machadka SIMAD oo si xiiso leh uga socoto carwadii labaad…

Waxaa maalintii Khamiista aheyd machadka SIMAD ka furmay Carwadii labaad ee uu qabto machadka SIMAD, waxaana Carwadaasi ka soo qeyb galay in ka badan 30-shirkadoo oo ka shaqeeyay qeybaha kala duwan ee Ganacsiga.

Waxaa Carwadaasi furay Xasan Sheekh oo ah hormuudka Machadka SIMAD, waxa uuna sheegay in sababaha loo qabtay Carwadan ay tahay in caalamka la tuso in ay Soomaaliyada weli nooshahay, waxna ay qabsan karto, waxa ka loo ka hadlay Sh.Nuur Baaruud oo ah Gudoomiye ku xigeenka Daladda Culimada Soomaaliyeed, waxa uuna Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay shacabkooda u naxariistaan

“ Haddii Dollar-ku hoos u dhaco Ganacasatadana waxaa looga baahan yahay in ay maciishadda hoos u dhigaan” uyuu yiri Sh. Nuur

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
Amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

Beelaha Cali Saleebaan Waxay ka mid Yihiin Beelaha Harti Mana Ogolaanayaan Dulmi

Qoraal ku suu baxay somalitalk 4-8-2004 ayaa lagu sheegay inay beelaha Cali Saleebaan gudbiyeen magacyadii xubnaha baarlamanka kmg soomaaliyeed iyadoo guud ahaan beelaha Geri, Cabdi koonbe, Ciise Daarood iyo Harti ay u arkeen go,aankii gudiga khilaafaadka ay ugu qaybiyeen beelaha daarood mid gebi ahaanba aan laga fiirsan sharcigana aan waafaqsanayn.

Hadaba waxaan halkaan ku cadaynayaa in beelaha cali saleebaan ay ka mid yihiin beelaha kor ku xusan aysana aqbali karin quursi lagula koco beelaha kor ku xusan uusana waxba ka jirin warkii somalitalk lasiiyay uuna yahay mid laab lakac ah aysana ka war qabin beelaha cali saleebaan uuna yahay mid xadgudub iyo ceebaysi ku ah beelaha cali saleebaan oo ka mid ah beelaha harti.

Waxaan mar labaad u sheegaynaa in beelaha cali saleebaan ay ku midaysan yihiin in beelaha kor ku xusan lagu dulmay qaybintii gudiga khilaafaadka aysana aqbalayn go,aankaas. ergada puntland ee shirkana tix geliyaan go,aankii golaha xukuumada puntland ee ahaa inay dib ugu soo laabtaan dalka si loo wada tashado.

 
abdisamad yuusuf mohamed   (abwaan)
xsangaale@hotmail.com

DUBAI, UAE

<><><>

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabbada oo ka digay sida ay wax u qeybsanayaan IGAD

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Banadir ayaa ku tilmaamay in aysan aheyn xaalad la aqabali karo sidii ay u qeybsadeen xubnaha baarlamaanka uga mid noqonaya beesha Mudulood ama ku cad sida liiska ay urur gobaleedka Igad u gudbiyay mid ka mid ah saxiixayaasha beesha mudulood ugu jira 24ka saxiixayaal.

Hadaba waxaan si cad u diideynaa wax kasta oo wax yeeli karaa midnimada iyo wadajirka beesha, Sidaas darteed ma ahan in maalmaha ay dhibaatada jirto la walaashado, marka ay wax qeybsi yimaadana la iloobo walaahaheen, Hilibi, Moobleen iyo Wacdaan Cismaan ayuu yiri afhayeenkaasi u hadlayay Xoghayaha guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Badadir.

Hadaba mar aan xiriir la sameeyay Xoghayaha Guud ee dhaqdhaqaaqaas C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" si aan u xaqiijino waxa ka jira hadalka afhayeenka ku hadlayay magaciisa wuxuu yiri waxaan uga digeynaa dhamaan xubnaha beesha Mudulood iyo mas'uuliyiinta ka joogta shirka in ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan wixii gef ah oo ay galaanna in ay mas'uuliyaddeeda qaadi doonaan mustaqbalka.

 Wuxuna ugu dambeystii ka codsaday Imaamka beesha mudulood Imaam Maxamuud Imaam Cumar in uu guto waajibaadkii loo caleema saarey oo ahaa in uu u caddaalad falo dadkiisa, kuna kadsoomin damaca waalida ku dhisan ee ay qabaan xubno ka tirsan hogaamiyayaasha siyaasadda ee beesha Mudulood.  

Dahir Abdulle Alasow, Nairobi, Kenya
Asoj@hotmail.com
somali_journalists@yahoo.com

<><><>

WARARKA UU ISKU SOO DUBARIDAY
 Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Wasiirka Maaliyadda Maamulka la Magac baxay Somali Land Cawil Ducaale oo gaashaanka ku dhuftay Wararka sheegaya inuu tagay Madasha Shirka Somalida uga socdo ee Kenya. 

Cawil Ducaale Wasiirka Maaliuyadda ee Maamulka la Magac baxay Somali Land ayaa waxa uu sheegay inay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya inuu tagay meesha uu ka socdo Shirka Somaliya ee Embagati,isagoo intaasi ku daray in cida wararkaasi faafisay ay yihiin kuwa jecel xumaanta Maamulka Somali Land,Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka Maaliyadda Somali Land Cawil Ducaale oo ka hadlayay wararkaasi keenay inuu iminka beeniyo ayaa sheegay inuusan ba’id ku taamin waxaad yagtaa meel ay ku shirayaan Soomaalida Koonfureed oo uu sheegay inysan isaga iyo Cidda uu matalo ee Somali Land waxba ka gelin,iyadoo uu hadalkaasi u muuqday mid u ku doonayo inuu ku soo ceshado kal soonida Dadka Reer Somali Land ee la gaarsiiyay Wararka sheegaya inuu Wasiirkooda Maaliyada tagay Shirka Somalida uga Socda Dalka Kenya.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Somali Land Cawil Ducaale waxa uu sheegay inuu socdaal ku tagay Magaalada Xarunta u ah Wadanka Ethiopia ee Addis-ababa halkaasoo oo uu sheegay inuu kula kulmay qaarka mid ah Madaxda Dowlada Ethiopia oo ay ka wada hadleen dhowr arimaad oo muhiim u ah Labada Maamul ee ka jira Somali Land iyo Ethiopia,iyadoo ay ugu horeeyso Dhinaca Ganacsiga sida Ethiopia oo aad u rabta sidii ay u isticmaali lahayd Dekedda Magaalada Barbara.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yusuf oo ku hungoobay qorshe uu hor dhigay shir gaar ah oo ay Beesha Daarood la yeelatay Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD.

WARARKA TODDOBAADKA EE GAALKACYO
Shir looga hadlayay habka canshuur ururinta ganacsatada Gobolka Mudug ayaa saaka ka dhacay Xarunta Gobolka ee magaalada Galkacyo
.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Oo Socdaal Howleed Ku jooga Dagmada Burtinle.

Baaq Ay Soo Saareen Golaha Xukuumadda Puntland Oo Sheegaya In Ergada PL Ay Dalka Dib Ugu Soo laabato.
 GUJI

Shirkan ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay tabanayaan Beesha uu ka soo jeedo Col.C/laahi Yuusuf Axmed ee Harti iyo sidii wax loga qaban lahaa arimaha murugsan ee soo wajahay Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya,iyadoo uu Col.C/laahi Yuusuf oo kulankaasi hordhigay fikradiisa ku wajahan wax qeybsiga Beesha Daarood oo uu sheegay inay beeshiisa wax ka maqan yihiin.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Punt Land Col.C/laahi Yuusuf waxa uu carabka ku dhuftay inay doonayaan in baarlamaanka loo kordhiyo hadii ay yihiin beesha Daarood,isagoo intaasina ku daray in beelkasta ay mudan tahay in loogu daro 7 xubnood,wuxuuna taasi sabab uga dhigay iyadoo ay jiraan beelo uu sheegay inay ku dulman yihiin sida wax loogu qeybiyay Beesha Daarood,kuwaasoo ka mid ah Beesha Harti iyo Koombe iyo Ciise.

Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo Wasii u sheegay inay Raali kla yihiin isla markaana aysan jirin wax dacwad ah ka qabin qeybtii Harti ka soo gaartay Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Somaliya ayaa arrintan kale ee ah in la kordhiyo tirada baarlamaanka ay noqotay mid ay ka gaabsadaan Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD,kuwaasoo aan wax go’aan qaadasho ah ka soo saarin hadalkaasi kasoo yeeray Col.C/laahi Yuusuf.

Hadalka ka soo yeeray Col.C/laahi Yuusuf Axmed ee ah wax kordhinta ayaa waxaa jira Siyaasiyiin ka soo jeeda Dirta Koonfureed kuwaasoo gacan saar dhow ay leeyihiin Col.C/laahi Yuusuf Axmed,waxaana ka mid ah Siyaasiyiintaasi C/casiis Sheekh Yuusuf,laakiin warar arintaasi ku sabsan oo ka soo burqaaya inta rajada wanaagsan ka qabta Shirka Kenya ayaa ka digaya inay arintaasi horseedi doonto Muran hor leh oo wada saameeya guud ahaan Beelaha Soomaalida ee ka qeyb galaysa Shirkaasi,Dadka qaar ayaa waxaa ay saadaalinayaa in hadii arintaasi la meel mariyo ay keeno doonto inuu Burburo guud ahaanba Shirka Somalida ee mudda dheer halkaasi uga socday.

Rag u dhashay Wadanka Koongo oo Ganacsto Reer Muqdisho ah dhac lacageed u geystay. 

Labo nin oo ay dhalashadoodu tahay dalka Koongo ayaa dhac lacageed u geysatay ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo ay u sii baxsadeen Hargeysa ayna soo celiyeen maamulka Somaliland iyagoo kusoo laabtay Boosaaso dabadedna lagu qabtay.

Lacagta laga dhacay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa gaaraysay $12,000 (Laba iyo toban kun oo doolar) iyadoo baadi goobkeeduna uu ku baxay lacag gaareysa $9000 (Sagaal kun oo doolar) labada nin ee falkan dhaca ah geystay oo u dhashay dalka Koongo ayaa waxaa lagu xiray maxkamada Boosaaso ayna ka furantay dacwadoodii Maxkamada Gobolka iyada oo laga helay lacag gaareysa $9815 (Sagaal kun Sideed boqol Toban iyo Shan doolar) iyadoo lacagtaas lagu wareejiyey ganacsatadii markii hore laga soo dhacay.

Intii kadanbeysay lacag wareejintaas ayaa waxaa bilaabatay musuq maasuq ay sameeyeen ay u hergeli weysay maamulka iyo xeer ilaaliyaha Bari.

Intaas dabadeed waxaa ganacsatadii dhibanayaasha aheyd la siiyey fasax dhan labo bilood waxaana fasaxaasi bixiyay ku simaha xeer ilaaliyaha Maxakamada Bari Md. Cumar Saalim fasaxaas oo waqtigiisa uu ku eg yahay 20/08/04,iyadoo aan la gaarin xilligii ay fasaxa ku soo laaban lahaayeen ganacsatadii dhibanayaasha aheyd ayaa waxaa dhacday in lasii dayo labadii nin ee dhaca u geysatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatadii dhibanayaasha aheyd oo la hadlay saxaafada waxey cadeeyeen inay dhici karto arrinta sida ay hadda ku socoto haddii ay ku sii socoto isqabqabsi beeleed iyo isqafaalasho iyadoo hadda ay arrinta ku jiraan odayaal kasoo jeeda Punt land iyo ganacsatadii dhibanayaasha ahaa arrintan haddii ay wanaag ku dhamaan weydo ay faraha la geli doonto cawaaqib xumo aan laga waaqsan doonin waa sida ay hadalka u dhigeenee.

C/naasir Yuusuf Macalin (Ganey) Saxafi madaxbanaan

Taageerayaasha labada hogaamiye kooxeed ee kala ah Maxamed Qanyare iyo Sheek Yuusuf Indha-cade oo ka heshiiyay Dagaalada dhawaan dhex maray.

Sida ay sheegayaan qaarka mid ah Taageerayaasha labada Hogaamiye Kooxeed ee Maxamed Qanyare iyo Sheekh Yuusuf Indh-cade waxaa ay ka hishiiyeen Dagaaladii dhawaan ku dhex maray Maleeshiyooyinkooda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadda Warshadaha habeenkii Khamiistii oo ay taariikhdu ku beegnayd 5-ta Bishan.

Dagaalkaasi dhex maray Maleeiyooyika Maxamed Qanyare iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha-cade ayaa waxa ku dhintay sida ay sheegayan bahda Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ku dhawaad 14 Qofood,halka dhaawacana ay ku sheegeen inuu gaarayo 20.iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan Maleeshiyadi Dagaalamaysay iyo Dadka Rayidka ah ee aan waxba kala socon waxa lagu dagaalayo.

Waxgarad ka tirsan Labada Hogaamiye Kooxeed ayaa shaaca ka qaaday inay xal ka gaareen dhibaatooyinkii dhex martay laba dhinac,iyadoo uu Sheekh Yuusuf Indha-cade oo sheegay inuu ka tanaasulay go’aankiisii ahaa waa la isoo weeraray,gabagabadii ayay labada dhinac isla garteen inay wax la qabtaan Dadkifi Rayidka ahaa ee ay dushooda ku dul Dagaalamayeen intii dhaawacantay iyo intii dhimatay.

Waa markii ugu horeeysay oo ay iska horyimaadaan Maleeshiyooyinka Labadan Hogaamiye Kooxeed ee kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad "indha-cade",waxayna ay iminka sheegeen inay iscafiyeen oo aysan iska rabin wax magdhow ah.

Ganacsadata Soomaaliyeed oo ku soo biiray Dadka loolanka ugu jira Jagada Madaxwaynenimada Soomaaliya,iyagoo arintaasi uga dhawaaqay kulankii ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Dubai

Shir ay Magaalada Dubai ee Wadanka Imaartaadka ku yeesheen Ganacsatada Soomaaliyeed intoda ugu cad cad ayaa bayaan ay ka soo saareen kadib kulankooda waxaa shaaca looga qaaday in Ganacsade C/risaaq Isaaq Iidow ay u soo caleemo saarteen inuu noqdo Musharaxooda Jagadwa Madaxwaynenimo ee Dowlada lagu so dhisi doono Shirka Kenya Soomalida uga socda.

C/risaaq Isaq Iidow ayaa lagu wadaa inuu dhawaan gaaro Madasha Shirka Somalida uga Socdo ee Embagati si uu halaasi uga bilaabo olalihiisa ku wajahan Jagada Madaxwaynenimo ee Dowlada federaalka ah ee soomaaliya yeelan doonto.

C/risaaq Isaaq Iidow waxaa uu yahay Maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink,taasoo ka howlgasha inta badan Gobolada Wadanoka Soomaaliya,iyadoo dadka qaar ee yaqaana C/risaaq ay sheegayaan inuu yahay Nin Xirxiran oo aan lagu aqoon dad dhex galida.

Arinta ah soo Magacaabista ay Ganacsatada Soomaaliyeed ay iminka soo Magacowdeen shaqsiga u mataleya Jagada Madaaxwaynenimo ee Dowlada Soomaaliya loo dhisi doono ayaa yimid kadib markii ay dhawaan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku kulmeen Magaalada Xarunta ah Wadanoka Jabuuti,iyadoo kulankaasi laga soo saaray qodobo muhiim u ah Dib u hishiinta Soomaalida oo ay ka mid tahay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin xubno aan looga maarmin nabadeeynta Soomaaliya. 

Bandhig Carweedka Simad oo galay Maalintiisii Sedexaad

Shirkadaha kala duwan ee xaruntooda tahay Magaalada Muqdisho ayaa baryahanba waxay ku howlanaayeen sidii ay wax qabadkooda ugu soo bandhigi lahaayeen Bandhig Carweedka Simad ee lagu qabtay Xarunta Machadka Maamulka iyo maareeynta ee Simad,waxaana halkaasi la soo tobay waxyaabaha kala duwan ee ay soo kala saaraan shirkadaha ka qeyb qaadanaya bandhigan carweedkan.

Shirkadaha ka qeyb galay Bandhigan ayaa waxa ka mid ah kuwa isgaariinta sida Telcom Somalia/Telsom Mobile,Hormd Teolcom,Nationlink oo ah shirkadaha isgaariinta ee haatan ka jira Soomaaliya,waxaanay ayhalkaasi ku soo bandhigayeen waxqabadkooda ku aadan Bulshada ee ah dhinaca isgariinta sida kaararka Mobile-da oo ay halkaasi ku iibinayeen iyo dhamaan wixii ay bulshada u qaban jireen.

Waxa sidoo kale ka mid ah Shirkadihii iyo hay’adihii ka soo qeyb galay Bandwhig Carweedkaasi,Shirkadda Xawalada Global Money Transfer,Towfiiq Ntionlink,DHL,Rowda,Warshada isbuunyada Mubaarak,Warshada Mobil-ka Kaba Qori,Shirkada Dhismaha ee East African Modern Engineering,Warshada Cabitaanka ee Ila Taango,Jaamacadda Muqdisho,Waxaana halkaasi warar ka si toos ah ugu tabiyay oo ka soo qeyb galay TV-ga iyo Idaacada Caalmiga ah ee STN Internationnal,iyadoo xarun ka sameeysatay Hoolka Machadka Maamulka iyo Maareeynta ee SIMAD oo ah halka bandhigu uu ka socdo.

Qiimaha Dadka ay ku daawanayaan Carwadaasi ayaa ahayd maalintii ay bilaabatay 1000,shinlin Somali,laakiin iminka ayaa waxa lagu daawanayaa carwadaasi 3000 oo shilin Somali,iyadoo ay Dadka Reer Muqdisho aad u soo dhaweeyeen Carwadaasi oo ay sheegeen inay irid nabadeed u fureeyso xaalada murugsan ee Soomaalida ka bixi la’yihiin 14 sano,waxaana la qorsheeyay inay cawradan socon doonto ilaa iyo 7 Cisho oo ka bilaabanaysa 5 Bishan.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

<><><>

:::::WARBIXINADA AMIIN YUUSUSF:::::

KOOX KA TIRSAN AL-QAACIDA OO LA TIMID QAAB CUSUB OO LOO CIYAARO KUBADDA CAGTA!! (Markanna waa Qaacida Kubbad ciyaaraysa)  


 
Nin horay u soo booqday xeryihii ururka Al-Qaacida ay ku lahaayeen dalka Afghanistan oo u warramayay wargeyska Asharqal Awsat ayaa sheegay in rag badan oo ka tirsan ururka Al-qaacida ay hiwaayaddoodu tahay Kubadda cagta, balse ay kubaddaasi u ciyaaraan qaab ka duwan qaabka iminka loo ciyaaro, iyagoo taa ku macneeyay in ay ku khilaafayaan gaalada. Ninkaasi ayaa sheegay in raggaasi in kubaddaasi aysan u ciyaarin hiwaayad ahaan, balse ay u ciyaaraan in ay awoodda jirkooda ku dhisaan.

Muxuu yahay haddaba qaabka cusub ee ay kooxahani Al-Qaacida ka tirsan u ciyaaraan kubadda cagta!?, marka hore Koornada oo lugta lagu gano iyaga gacanta ayay ku soo tuurtaan, foorada oo iyaduna gacanta loo adeegsado iyagu lugta ayay ku tuuraan, waxaana la yaab leh markii laacib ka mid ah laacibiinta Al-Qaacida uu kubadda kula soo dhawaaday gool hayaha waxaa saaxiibka la socda uu ku qayliyaa “Adoonka ILAAHAYOOW haddii aadan dhalin karin goolka walaalkaa kubadda u soo tuur ILAAHAY kheyr ha ku siiyee”.

Kubadda cagta oo keliya ma ahan ciyaaraha ay Al-Qaacida aadka u tixgeliso iyagoo u sameeyay qawaaniin cusub, ciyaaraha kalena kuma eka ragga oo keliya, balse waxaa ka mid ah dumarka iyaguna ka mid ah ururka Al-Qaacida.

Mas’uuliyiinta Al-Qaacida waxay kula dardaarmaan naagaha mujaahidiinta ah ee ka tirsan Al-Qaacida inay ku dadaalaan dhismaha jirkooda isla markaana ay guriga gudihiisa ku sameeyaan jir dhis maadaama ay fulinayaan arrimo sir ah si aysan fashilaad uga iman howlaha ay qabanayaan, arrimaha jir dhiska waxaa u deggen jadwal adag oo soconaya muddo toddobaad ah, waxaa ka mid ah toban daqiiqo oo orod ah, haddii gabadha aysan heli karin goob ay ku oroddo waxaa loo banneeyay inay booskaas ay ku buuxiso xarigga laga bood-booddo muddo 5-daqiiqo ah, intaa waxaa xiga jir dhis dhinaca caloosha ah iyo Bush-up.

Ciyaaraha jirdhiska ah waxaa wehliya barnaamijyo weliba koontarool leh oo ah barashada qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista iyo duruus la xiriirta xagga caafimaadka.

Guud ahaan ciyaaraha jir dhiska ah ma ahan kuwo sahlan ha ahaadaan rag ama dumar waxa u deggen barnaamij aysan marnaba ka bixi karin, balse ugu dambeyntii uu qofka ku soo baxayo qof jir ahaan iyo maskax ahaanba aad u dhisan

CIIDAMMADA BOOLIISKA EE DALKA BRAZIL OO MAGAALADA SAO PAOLA KU RAAD JOOGA BIN LADEN   

Sarkaal u hadlay Booliiska Magaalada Sao Paola ee dalka Brazil oo lagu magacaabo Fagren Gudies ayaa sheegay in ay dejiyeen oo ay qorsheeyeen ciidammo gaar ah oo loogu talo galay sidii ay u soo qaban lahaayeen ninka lagu magacaabo Selio Marcelio oo loo yaqaan (Bin Laden), kaa soo ah nin aad ay uga cabsadaan dadka ku nool magaalada Sao Paola, ninkaas oo ku caan baxay afduubka.  Ninkaan oo aad ugu caan baxay magaca Bin Laden waa 32-jir, bilihii la soo dhaafay wuxuu gobolka Sao Paola ka sameeyay dhacdooyin is daba joog ah oo xad gudubyo ah oo ay ugu horreyso afduubka, booliiska mar ay ka hadlayeen sababta uu ninkaasi u helay naanaysta Bin Laden, waxay yiraahdeen: “Aad bay isku shabbahaan isaga iyo usame bin Laden, ninkaanu dadka uu qabsado madax furasho weydiista Qoysaskooda”. 13-fal oo afduub ah ayuu ku dhaqaaqay lixdii bilood ee ugu dambeysay sannadkaan isagoo ka horna shan fal oo noocaas ah fuliyay. Bin Laden-ka Sao Paola waa nin aad u deggen khatar ah; xag jir ah; aadna uga hortaga ciidammada booliiska, wuxuu ka mid yahay dadka ka diiwaan gashan Magaalada Sao Paolo ee ku dhaqaaqa falalka dambiyada wata, muddo ayuu ku xirnaa xabsiga weyn ee Sao Paolo, balse sannadkii hore bishii November ayuu xabsiga ka baxsaday kaddib markii uu sameeyay afduub ay reer Sao Paola aad uga argagaxeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   ama amiinkhasaaro@yahoo.com

<><><>

Sharciga (TPS) oo Loo Cusbooneysiiyey Soomaalida ku Dhaqanka Maraykan
Sharci ka soo baxay Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in muddo 12-bilood ah loo kordhiyey... Guji

Dhaarintii Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Markale Dib Loo Dhigay
iyo Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato oo Xilkii Ka Qaaday Ugaaska Beesha Ceyr ... Guji...

 Faafin: SomaliTalk.com | August 7, 2004

Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD